|
Shuruuda Laa illaah illalaah ama Kelimatu Tawxiid
áÇ Çáå ÇáÇ Çááå
Macnaheeda waxa weeye Illaahii weynaa ee shay walba abuuray ma ahee ma jiro Illaah kale oo xaq lagu caabudaa.
Kelmadaan waa furaha Islaamka lagu soo galo waxayna xambaarsan tahay Islaamka oo idil, waa kelimadii loo taagay Arlada,samooyinka, waa kalimadii Illaahay u abuuray Dhamaan makhluuqaadkiisa, waa xarig aan go,aynin waa kelimad taqwo(dhawrsasho), waa kelimada Illahay xaqa ugu yeeshay adoomadiisa. Waa kelimada seefta jihaadka galkeeda loogo soo saaro, waa kalimad dhamaystirta daarta nimcada qof kana ka reebta daarta shaqinimada, fasaadka,qooqa iyo hawo raacida.
Qofna Allaah diin kama aqbalo ilaa uu rumeeyo kelimadaan waxa ay xambaarsan tahay, waxa ay ugu yeerayso waxa ay amrayso iyo waxa ay ka reebayso. Haddaba qofkii aan siday tahay u fahmin ama aan u qaadan waxaa uu si dhab ah uga habaabay tubtii toosnayd ee Islaamka.
Illaahay wuxuu quraankiisi ku yiri:-
æóãóÇ ÃóÑúÓóáúäóÇ ãöäú ÞóÈúáößó ãöäú ÑóÓõæáò ÅöáøóÇ äõæÍöí Åöáóíúåö Ãóäøóåõ áóÇ Åöáóåó ÅöáøóÇ ÃóäóÇ ÝóÇÚúÈõÏõæäö
Macnaha aayada:-
”Rasuul kasta oo aan soo dirno waxaan u waxyoonay in aniga mooyee Illaah kale jirin ee i caabuda”
Illaah xaq lagu caabudaa ma jiro Alle mooyee,Macnaheedu waxa weeye in wixii Alle ka raali yahay aad u hogaansanaato, dhamaan wixii Rabbi kaa reebayna aad ka hartid, Illaahay oo aad isu duleysid, barashada Illaahay oo saxiix ah oo aad barato iyo inaad Allaah cibaadada u keli yeesho. Taas macnaheeda waxa weeye in aad Allaah ka qaadatid dhamaan waxaad fulinaysid , waxaadna ka bilaabaysaa caqiidada dhabta ah.
Illahay wuxuu quraankiisa ku yiri:- ÝóÇÚúáóãú Ãóäøóåõ áóÇ Åöáóåó ÅöáøóÇ Çááøóåõ
Macnaha aayada:-
”Waxaad ogaataa inuusan jirin axad xaq lagu caabudo Allaah ma ahee”
Culimadu waxa ay sheegeen in kalimatu Tawxiid ay leedahay Shuruudo todoba ah, qofkana waxba tari mayso shahaadada oo keliya hadii uusan la imaan shuruudaha ay culimadu shegeen (Al-Wallaa Wal-Baraa Fil-islaam B. 27) Wahab Ibnu Maniyah ayaa waxa uu yidhi inta wax laga waydiiyey kalimatu tawxiid “ Laa illaaha Ilalaah miyeyna ahayn furaha Jannada ayaa lagu yidhi markaas ayuu ku jawaabay haa, laakiin fure ma jiro illaa waxa uu leeyahay ilko, hadii aad la timaado fure ilko leh waxa uu kuu furayaa Janna, hadii aadan la imaan mid aan ilko lahayna waxba kuu furi maayo (waxaa weriyey Bukhaari isaga oo tacliiqinaya Kitaabu Al-Janaa’iz)
Shuruudaha kelimatu tawxiidna waxa ay yihiin sidantan soo socota:-
1-In uu qofku ku gaaloobo dhamaan waxa Allaah sokadii la caabudo oo Allaah keliya cibaadada u sugo, waxaana laga weriyey rasuulka scw in uu yidhi “ Qofkii qira in illaah xaq lagu caabudo in uusan jirin Allaah keliya mooyee, kuna gaalooba dhamaan waxa Allaah sokadii la caabudo oodhan, waa xaaraam maalkiisa iyo dhiigiisuba, xisaabtiisuna waxay ahaatay Allaah korkiisa”.. (Waxaa weriyey Muslim)...
Hadii aad fiiriso xadiiskan waxaad arkaysaa in Rasuulku scw uusan ku xaaraantinimayn dhiiga qofka iyo maalkiisaba in uu dhaho Laa illaaha ilalaah oo keliya, laakiin la raaciyey in qofku uu Allaah keliya u qiro wax Allaale wixi cibaado ah oodhan. Uuna qiro sidoo kale in wixii Allaah ka sokeeya ama Allaah sokadii la caabudo ay baadil iyo gaalnimo ay tahay. Sidoo kale in uu gaalaysiiyo dadka Allaah uu gaalaysiiyey, sida Yahuuda iyo Nasaarada iyo weliba mushrikiinta, uusana ka shakin gaalnimadooda, uuna ka qaato baraa’o lana colaytamo ama colaadiyo.
2-Ikhlaas. Rasuulku scw waxa uu yidhi “ Allaah waxa uu ka xaraamtinimeeyey in ay taabato naartu qofka dhaha Laa illaaha ilalaah kaas oo ku dalbaya wejiga Allaah”... (Waxaa Weriyey Bukhaari).
Dalabka uu qofku dalbayo oo ah wejiga Allaah waa shay u baahan in uu qofkaasi la yimaado camal iyo juhdi aad ah si uu u gaadho dalabkiisa, hadii uu qofkaasi la yimaado xasanaadkii looga baahnaa si kaamil ah ama dhamaytiran waxaa laga xaaraantinimaynayaa korkiisa naarta, hadii uu la yimaado laakiin camal la’aan waxaa meesha ka baxaya wixii uu rabay in uu gaadho oo ahayd wejiga Allaah, markaasna waxaa meesha ka baxaya in naarta laga xaaraantinimeeyo qofkaas korkiisa...
3- In uu Qofku cilmi u leeyahay macnaha kelimada.
Rasuulku scw waxa uu yidhi “ Qofkii dhinta isaga oo og Illaah xaq lagu caabudo in uusan jirin Allaah keliya mooyee Jannada ayuu gelayaa” Saxiixul Jaamic..
Sida aad u jeedaba laguma koobin oo keliya in carrabka laga qiro oo keliya, laakiin waxaa la raaciyey in uu qofku u cilmi leeyahay waxa uu ku dhawaaqayo ama uu dhahayo, isla markaana uu ogyahay waxa ay kelimadani farayso iyo waxa ay ka reebayso labada. Murji’ada ayaa iyagu waxa ay dhaheen qofku hadii uu dhaho Laa illaaha ilalaah oo keliya haduu doono yuusan la imaan camale waxa uu gelayaa jannada waana qof iimaankiisu kaamilyahay ama dhamaystiranyahay, laakiin dadkaasi si fiican uma ay fahmin xadiithka.
4.Yaqiin Rasuulku Scw waxa uu yidhi isaga oo la hadlaya Abu Hurayra “Qofkii aad kula kulanto derbigaan gadaashiisa, kaas oo qiraya illaah Xaq lagu caabudo in uusan jirin Allaah keliya mooyaane, isaga oo ka yaqiinsan qalbigiisa, ugu bishaaree Jannada” (Waxaa weriyey Muslim).
Waxaa halkan loo shardiyey qofku in uu yaqiin dhab ah oo aan wax mugdi ama shaki ah ku jirin u leeyahay kalimatu tawxiid. In lagu dhawaaqo oo keliya kaafi ma noqonayso, bal waxaa loo baahanyahay, in uu qofku qalbiga ka yaqiinsadu kalimadaan, taas oo aan wax shaki ahi ku jirin.
5. Ka run Sheegid. Qofka waxaa looga baahanyahay in ka run sheego kelmadaan rumayntaas oo ah mid ayna ku jirin wax been ah habayaraatee, Mucaad Ibnu Jabal waxa uu ka weriyey rasuulka scw in uu yidhi “ Qof ma jiro kaas oo qiraya in illaah xaq lagu caabudo in uusan jirin Allaah keliya mooyee, taas oo ah rumayn ka ahaatay qalbigiisa illaa hadii uu jiro qofkaasi Allaah waxa uu korkiisa ka xaaraantinimeeyaa Naarta” (Waxaa weriyey Mukhaari iyo Muslim)
Rasuulku Scw waxa uu xadiith kale ku yidhi sidoo kale “ Shafaacadaydu waxa ay u sugnaatay qofka qiraya illaah xaq lagu caabudo in uusan jirin Allaah keliya mooyee, kaas oo ah mid mukhlis ah qalbigiisuna uu rumaynayo carrabkiisa, carrabkiisuna sidoo kale rumaynayo qalbigiisa” (Xaakim ayaa kusoo saaray Mustadrak, Dahabina waa ku waafaqay)
Waxaa sidoo kale u daliil ah xadiithka ku yaal saxiixaynka ee ay werinayaan Anas Ibnu Maalik iyo Dalxata Bin Cubeydillaah, qisadii ninkii acraabiga ahaa ee Rasuulka scw u yimid, markaas ayuu Rasuulka scw waxa uu weydiiyey Sharaa’icda islaamka Rasuulku scw markii uu u sharxay ka dib ayaa waxa uu yidhi intaa ka badan miyaa laygu leeyahay, markaas ayuu Rasuulku scw ugu jawaabay maya illaa in aad tadawuc la timaadid mooyaane, markaas ayuu yidhi acraabigii Allaah ayaan ku dhaartaye intaas ka ziyaadin maayo kana nuqsaamin maayo markaas ayuu Rasuulku scw waxa uu yidhi wuu liibaanay hadii uu ka run sheego.
Waxa aad ku arkaysaa axaadiithtaas aan kor kusoo sheegnay in kelimatu tawxiid loo shardiyey ka run sheegid taas oo aan ahayn iska dheh laakiin run qalbiga kasoo baxday ah, ka run dheegid laga run sheego kelimadaana waxa ay u baahantahay juhdi in loo sacyiyo, isla markaasna uu qofku raaco waxa ay farayso kana hadho waxa ay ka reebayso.
6. In uu qofku aqbalo waxa ay kulan sanayso kelimadaan, uuna ka aqbalo qalbigiisa iyo carrabkiisa intaba.
Xigasho:al-miizaan.com+ Waaniye.com |