Iska Ilaali Shirkiga
Ereyga ´´Shirki``macnihiisu waxa weeye in Illaahay cibaadadii uu xaqa u lahaa lala wadaajiyo ruux ka mid ah makhluuqaaadkiisa. Sida qof kasta oo muslim ahi ogyahay cibaadadu Ilaah ayey gaar u tahay Wuxu Illaahay Kitaabkiisa ku yiri:
ÅöäøóÇ ÃóäúÒóáúäóÇ Åöáóíúßó ÇáúßöÊóÇÈó ÈöÇáúÍóÞøö ÝóÇÚúÈõÏö Çááøóåó ãõÎúáöÕðÇ áóåõ ÇáÏøöíäó
`Waxa aan Nebiyow si xaq ah kuugu soo dejiyey Kitaabka ee Illaahay caabud adiga oo cibaadada u saafi yeelaaya``.Suradda Sumur 2.
Aayadaasi waxa ay si dhab ah u caddeysay in noocyada cibaadada oo dhan Rabbi leeyahay sida: Baryada,Gawraca, Dhaarta,Talasaarka,baasaysiga Iwm.
Shirkugu waa xad gudub lagu xadgudbo xaqa Illaahii caalamka abuurey, Wuxu Illaahay Kitaabkiisa ku yiri:
Åöäøó ÇáÔøöÑúß áóÙõáúã ÚóÙöíã
`Shirkigu waa dulmi weyn``suradda luqmaan.13.
Foolxumooyinka Shirkiga waxa ka mid ah in uu yahay dembiga kaliya oo uusan Ilaah dhaafeyn haddii qofku ku dhinto. Ilaahay Kitaabkiisa waxa uu ku yiri:
Åöäøó Çááøóåó áóÇ íóÛúÝöÑõ Ãóäú íõÔúÑóßó Èöåö æóíóÛúÝöÑõ ãóÇ Ïõæäó Ðóáößó áöãóäú íóÔóÇÁõ æóãóäú íõÔúÑößú ÈöÇááøóåö ÝóÞóÏö ÇÝúÊóÑóì ÅöËúãðÇ ÚóÙöíãðÇ
``Ilaahay ma dhaafo haddii loo shariik yeelo; laakiin wixii shirki ka soo hara Ilaahay waa uu dhaafaa qofkii uu doono. Qofkii Ilaah u shariik yeela waxa uu ku dhacay dembi aad u weyn ``suradda Nisaa,48.
Khatarta Shirkiga waxa ugu weyn arrimaha hoos ku xusan:
1)Qofka Ilaahay u shariik yeela diinta Islaamka waa uu ka baxayaa,isla markaasna xaaskiisu waa ay ka furmeysaa.
2) Wixii Camal horey u shaqeeyey waa uu burayaa.
3)Wax camal ah ama cibaada ah oo laga aqbalayaa ma jiraan.
4)Naarta ayuu ku waarayaa.
Ciqaabta kor ku xusan waxa mudanaaya qofkii shirkiga ku dhinta.Haddii qofku ka toobad keeno shirkiga Illaahay waa u dembi dhaafayaa. Nebiga (S.C.W) waxa uu ku sheegey xadiis saxiix ah oo uu wariyey Mu`caad Ibnu jebel in Ilaahay addoomadiisa xaq ugu leeyahay in ay caabudaan, oo aysan u shariik yeelin, iyaguna waxa ay Ilaahay xaq ugu leeyihiin in uusan cadaabin haddii aysan u shariik yeelin. Waxa xusid mudan in uusan jirin axad Ilaahay xaq ku leh, ee uu isaga isa saaray xaqaas.
Qaybaha Shirkiga
Shirkiga waxa u weyn laba qaybood oo kala ah: Shirkiga weyn iyo Shirkiga Yar.
Shirkiga weyn
Haddii qofku la yimaado Shirkiga Weyn waxa uu ka baxayaa Islaamka , camalkiisu waa uu burayaa; mid dambena laga aqbalimaayo haddii uusan ka toobad keenin. Baryadu waa cibaado. ilaah kali ah ayaa la baryi karaa. Haddii qofka dhibaato weyni ku habsato; waa in uu Illaah kali ah baryaa, waayo arintaasi Illaahay kaliya ayaa wax ka qaban kara. haddii qofku isla baryo Illaahay iyo Rasuulka ama cid kale, qofkaasi waxa uu ku dhacay Shirkiga weyn. Illaahay waxa uu Kitaabkiisa ku yiri;
æóÃóäøó ÇáúãóÓóÇÌöÏó áöáøóåö ÝóáóÇ ÊóÏúÚõæÇ ãóÚó Çááøóåö ÃóÍóÏðÇ
Masaajidyada Ilaah ayaa iska leh ee cid kale ha kula baryina.
(surutu Jinni 18).
Waxa Shirkiga Weyn ka mid ah in si indha la,aan ah loo raaco culumada, awoowayaasha, madaxda qabiilka; arrintaasi oo uu macneheeedu yahay in wixii Illaah xarimay ay kuu xalaaleeyaan, wixii uu xalaaleeyana kaa xarimaan.Tusaale, Illaahay waxa uu xarimay in si xaq dara ah loo daadsho dhiiga qofka muslimka ah. Haddii madaxa qabiilku ama shiikha qoysku kuu xalaaleeyo dhiigga qabiil kale,adna aad ku raacdid, waxa aad ku dhacday shirki weyn. Ilaah waxa uu Kitaabkiisa ku yiri:
ÇÊøóÎóÐõæÇ ÃóÍúÈóÇÑóåõãú æóÑõåúÈóÇäóåõãú ÃóÑúÈóÇÈðÇ ãöäú Ïõæäö Çááøóåö
"Waxa ay ka yeesheen culimadoodii iyo dadkoodii cibaadada u go´ay rabbiyaal ay caabudaam Ilaah sokodiisa"suratu Tawbah 31.
Saxaabiga la yiraahdo Cadiya Ibnu-xaatim ayaa yiri:´´ Rasuulka Allow ma aysan caabudi jirin culumadooda´´. Cadiya waxa uu u qaatay in cibaada loola jeedo sujuud iyo rakuuc.Nabiga isaga oo u saxaaya cadiya waxa uu yiri :´Sow wixii Ilaahay xalaaleeyey culumadiinu idin kama xarimin, oo kuma aydaan raacin.Sow wixii Ilaahay idinka xarimay,iyagu idiin ma xalaaleyn, oo kuma aydaan raacin. Cadiya waxa uu ku jawaabay Haa´´.Nabigu markaas ayuu yir´´ cibaadada la sheegayaa waa taas´´.
Shirkiga Yar
Shirkiga yari ma aha mid diinta looga baxaayo, laakiin waa ka daran yahay dembiyada waaweyn sida sinada, khamrada iyo dilka. Shirkiga yar waxa ka mid ah in qofku cibaadada u sameeyo istustus.Tusaale,qofka oo qurxiya salaaddiisa, ama akhriska Qur´aanka,isaga oo ula jeeda dadku ha ku arkaan,kadibna ha ku ammaanaan. Waxa kale oo ka mid ah qofka oo ku dhaarta Ilaahay iyo Rasuulka,diinta aabayaasha,Abba la aan,qoodhay iyo xeraday iwm.
Dhaartu waa cibaado, Illaah oo kali ah ayaa lagu dhaaran karaa. Kaddib marka aad soo ogaatay halista iyo cirib xumada Shirkiga, waxa waajib kugu ah in aad iska ilaalisid noocyada Shirkiga oo dhan. Arrintaasi waxa ay ku imaaneysaa in aad Illaahay cibaada u saafi yeeshid,camal kaaguna ahaado mid kitaabka waafaqsan iyo Sunada Nabiga.Haddii cibaadaadu ku dhisan tahay hiddo iyo dhaqan iyo wax ab isir laga dhaxlay isdaba qabo inta aysan geeridu kuu imaanin, maxaa yeelay cibaado aan Illaah jideyn,Rasuulka S.C.W sameyn waa hal bacaad lagu lisay Illaahow naga badbaadi shirkiga kiisa Weyn, kiisa yar, iyo kiisa dahsoon. Aamiin.
Sh: Abuukar Sh. Xuseen
Fiiro Gaar ah: Waa Maqaal hore oo aan ka soo qaadanay Al-Bushraa (waa wargeysislaami ah) oo ka soo bixi jiray dalka Kanada,sanadkii 1994..
Waaniye.com