Weydiiso Dhakhtarka Suuaashaada!!!                                                    Suaalo iyo Jawaabo (Fatwa)
Menu


Login
Nickname

Password



Maxaa Cusub
3Suaalo iyo Jawaabo (Fatwa) Rb-al Thani 1428


 Waaniye Guestbook


Sh Yusuf (Fatwa)

 Waxaa Ku socota Shaqo!!!g!!

 

 

Links

 Aflax

 Runta

 Duruus

 Tafiiq Masjid

 Maktabada Maanta

 Khalid Masjid

Anasheed

 Dacwah

 Islam Way

 Islaam Web

 Altaqwaa

 Golaha Imaamyada

Waaniye.com    
Tarbiyada Caruurta
(Qoraal)

 

Tarbiyada Ilmaha.

 


Nin ayaa u tegey nin Caalim ah asagoo weydiinaya tarbiyada Ilamaha.

Ninkii: sidee wax loo tarbiyeeyaa?

Caalimkii: ilmahagaagu waa imisa jir?

Ninkii: waa afar bilood jir.

Caalimkii:waa ku dhaaftey tarbiyadiisii,tarbiyadu waxey la kow sataa, habeenka hooyadii aad dooneyso,ee ma’ahan marka ilmuhu dhashaan.

sababtoo ah dugsiga ugu horeeyo ee ilmuhu galaan waa sidka/dhaliinka/nuujinta & sanooyinka ugu horeeyo oo ey hooyada la nool yihiin.

 

Dugsigaas ayaa u ah asaasi jaangooya nooca cunaga bulshada dhex maquuran doona,

***Ilmuhu waxsay dhashaan ayagoon waxba sidan, garaneyn,ogeyn xitaa waaqaca,& magacooda, waxay uga baahan yihiin waalidka & daryaalayaasha kaleba caawinaad & hagaamin hagaagsan.

Keydadka quraanka & axaadiista nabiga ayaa ah asalada tarbiyada ,raad weyna ku yeesha,waana unugii bulshadu ka unkameysey,ilmuhu markii ey dhashaan waxey la mid yihiin iniin yar oo biqishey, una baahan ilaalin, biyo,hawo,qorax,carosan.

Ilmuhu waxey u baahan yihiin hogaan ,towjiih islaami ah,ilaa tiirka akhlaaqdiisu toosto,balse hadii taas la dhayalsado,waa adkaaneysa markii ey koraan in dhanka wanaagsan loo duwo.

Ilmuhu waa nimco,qiimaha nimcadaasna waxaa un og cidii weydey,waana mid mudan in laga mahad celiyo,shukrigaasna waa tarbiyo wanaagsan & ku ilaalinta xeyndaabka xerada islaamka,hadaba sidee suuragal u noqoneysaa tarbiyadaas & ilaalintaas?

***Ugu horeyntii waa inaan garanaa masuuliyada dhabarkeena saran.wuxuuna nabigu yiri:. “qof walbana mas’uuul, wuxuuna mas’uul ka yahey wixii la raaciyey”.

Masuuliyaad waxey ka bilabmeysaa guurka horti,waana inad doontaa gabar leh diin & akhlaaq,kulan walbana akhrisaan ducooyinka

 

Qiso dhacdey.

 

Gabar ayaa fooshii qabatey,markii ey dhashey ayey cunigii ku akhrisey ducadan: “Allaahuma inii acuudu bika waduryatihaa mina sheydaani rajiim”

Waxey tiri gabadhaas wxaan cunagaas ku arkey korintiisii sifooyin aan ku arag intii kale ee ka waaweyneyd,oo ah deganaan,dhibyari,dhuux macaanaan.

fahmida tarbiyadaas ayaa u baahan inuu tababar u leehahey xirfadaas waalidku.

Waalidka oo fahma in maraaxisha ilmuhu u baahan tahay dabciyo Kala duwan.
Ha dulsaarin ilmaha xamuul aaney qaadi karin.
Dul qaad u yeelo isbedelka maskaxdiisa. Kala garo xiliga uu u baahanyahay in dhabarkaaga uu faras ka dhigto & waqtiga xisaabtanka.
Ka digtoonow rukumista dharbaaxada (smack),garaacista (hit)ciqaabahajirdilka(physical punishment)cudarada qaar ayaa la qabatima daawada, daawaduna aaney wax ka tarin, si lamid ah ayuu ula qabsan rukunka dilka/qaylada kuuna arki dameer ciyay ulana tagi gacanta aakhir adiga & umadii kale
Bar ixtiraam, isdhageysi,wadaagga, kudhiiri gali akhlaaqiyaadka san.ammaan & abaal marin .
Hadii uu sameeyo wax xun ceebee akhlaada xun,maya lafahaantiisa, ,tusaale aabe benta & tuugadu waa wax xun mana jecli inaad sameyso,adiguse waad fiican tahey, hase ku bilaabin, day-day nacaalaa…………..
awalba waxaa abti kuu ahaa …& adeerkaagii ariga qaruufi jirey...& wallee sinji waa maguuraan. Iwm.

What is discipline?maxey tahey edabtu
Waa sidii loo bari lahaa saxa, khaladka waxa la qaadikaro & waxa aan la qaadi Karin.Edbintu waxay ilmaha ka caawisaa inuu nodo qof xad leh,dhowrsan kana baxsan akhlaaqiyaadka xun sidaa darteed waa dhiirigalinta hogaaminta & ku caawin laftiisa wanaaga
How can I discipline positively?

Sidee ayaan si myir & deganaan ilmaha ugu eebin karaa?

edbi si jaceyl dhageyso oo la xariir xooga saar akhlaaqdiissa laakiin isaga maya ha inkirinee qadari oo markiiba u jawaab
wax hubso oo daganow cadli u naqo ilmaha hana bahdilin qaar
xaduud u yeel faro laga qaad yaysan noqon.

Sii fursado ey wax ku curiyaan

 

Casriyee xaduudaha la saanqaadka cimrigooda daris
Amaan & abaabmarin sii cidii ku sifowda tubta toosan
Ku dhiiri gali wada jirka & isfahamka
Balanta aad ka qaado ilaali waa arin muhiim ah inay ilmuhu aaminsayihiin waaridka
Dhadhami waxa ku xambaara xumaha, samaha ka dhigo yool tiigsi
Ka ilaali yasid, sharaf rid, ceebeyn joogta, waa horseedka in si macniwi ah ey ruuxdiisu u burburto’e
Ha sugin inaad 100% saxmaan sababtoo ah 8 jir waa koobi 15 jirna saacado ayuu ku lumiyaa irdaha qolka oo u xiran & musqalaha.
Waligaa hakala noqon kalsamida hana ugu badalin garaac & habaar.


Waa Maxey danta laga leeyahey Edebta?

 

Inuu si farxad leh ku noolaado, yeeshana bartilmaameed uu hiigsanayo

  • in ficiladiisa noqdaan mid isaga iyo umaduba raali ka tahay. lehna aragti farxad galisa waalidka .
  • Ka difaacis khatarta / xad yeelasho oo qas & mukharabnimo shaqo ka dhigan
  • dhowrsani & edboonaan kuna leh qiimo umada agteeda
  • caqli fiican kala garta saxa & khaladka. Isku kalsan is xukumi kara.bisil, dhuux macaan, dabci qabow.

    Common problems &Typical personality
    “Mushkiladiisa guud & shaqsiyadiisa”. “ teenage”
  • · Khtatar galinta naftiisa, dareen cuqdog,
  • · caadi waxlba. Kalsami bir ah, oo been ah,
  • · mana aha xaqiiqku nool, Salfudud,qiiro badan,lumi og,
  • · aad ugu xiran saaxiibadiis, ka ga,an qoyska amaba ula nool si ku meel gaar ah, leh “more private” amuuro gaar ah oo aan dhamaad laheyn.
  • dareemayaashiisa oo kacsan “strong sexual feelings”
  • · Inla dhagaysto ayuu jecel yahey wax walibna waa ka dhab & suaalo badan
  • · Aaminsan inuu ugu caqli & xoog badan yahey balse waan cagsi.
  • waxuu la yimaadaa isbadalo cagsi ku waalidka kana mid ah : tusid hogaansanaan la’aan.halka waaridku jooga oo uusan jecleyn inuu joogo, tusaale hadii waaridku yimaado fadhiga wuxuu tagi qalka jiifka, hadii jiifka uu aadana fadhiga ayuu imaan,wuxuuna waalidka dareen siinayaa dhibsi.
    Markii lala hadlo shigshig & indho isku qabqabad dhibsi dartiis,
  • · Is ilowsiin,xoog isku indhotiris & waliba inuu san jecleyn in miiska qadada waalidka ka soo horjeesto.
  • Jiniyo rar-joogt ah “mar walba careysan”
    Aaminsan in loo daran yahay amase laga eexdo”xitaa hadii aad u xagliso”
    Kaa jecel inta qariban oo uu u yaqaan saaxiibka.
    Xalka:
  • · Ugu horeyntii ilmaha yeesha waqtiyo aad kulantaan,uga yaraan bishii mar ama wax ka badan,lagana xisaabtamo maxaa qabsoomey,maxaase qabyo ah?
  • · Waa in aabahu salaadaha guriga ku tujiyaa/kuna xiraa masaajida & goobaha kheyrka,soo iibiyaa cajalooyinka diiniga ah,oo si wada jir ah loo daawadaa/dhageystaa.
  • · Hadiise arintu intaa dhaafsiisan tahey waa in hooyada & aabuhu ilmaha ula hayaamaan dalkii,sababtoo ah,tuugta dalka joogta xoolo ama calal ayey kaa dhacayaan,laakiin gaangeystarada dibadu caqiido,akhlaaq & ilmihiiba waa kaa dhacayaan.suaashe alle hortiina adigey kula taalaa!!!!!
  • · La i mow tanasul badan Markii uu caraysanyahay ha ugu jawaabin caro kale un waxaysii abuuraysaa kala fogaan kale’e,
  • · hadii aay marqaan joog ah kuu tahay cabaad/qeylo & waliba gacan ka hadal waxaa dhalaanku raacayaa wadadaas ilaa ey iskaga mid naqoto dil & dahab marinba.
  • Hadii uu kuu muujito caro xad dhaaf ah sii fasax caro baaba ah, hana ka daba tuurin habaar qeylo guryan dibka hadal ah si farxad leh ugu sheeg in aadan jecleyn dhaqankaas
  • Kana dhaadhici in dagaalka taagan yahey dantiisa war maxaa iila dirirtaa markii dantaada aan kaala hadlo?
  • · U kuurgal indhib kaheysto schoolka,sababtoo ah waxaa la ogaadey in ilmahu makii ey la qabsanwayeen waxbarashada uu ku bahdilmo iskuulka,uuna bilaabo geeso xiirad & ciyaal suuqnimo.
  • · Waalidka qaar ayaa imaha hortooda ku xanta qaraabada,ayagoo ilmihii isaga dhigaya halyeeyo belo ah,taasi waa sun gashaey dareenkii ilmaha, markii uu ehelkii arkana,halkii laga sugayey ixtiraam & bariidin ku qaabila inkiris/ liidis & mararka qaar qosal,taaso ehelkii markiiba ka akhristo wajigiisa waaqica meesha yaala. “Fadalan utur diiwaankaaga malagu qoroyo.”
  • ****Ilmaha adigaa u ah muraayad toosnaanta hakaaga deydo toosnaanta***
    Sharci adag& komeeris joogta ah.
    Ma jirto xornimo xadla ee ficil,fakar,dhaqdhaqaaq
    Xoogga oo la saaro saxa & khaladka oo la isku ceebeeyo
    Meel sare oo la tiigsado & kii gaara oo abaalmarin sare lala tiigsado.
    In ilmuhu isku helaan fursado ey isku arkaan iyaga & saaxiibadood.
    Bar dunidan in dadku ka dhaxeeyo dagaal qabow milicsi laga helaana ku burburukarto sharaftaada. “Feejignaan.”
    Ducaysane.ikhyaar,odey.waayeel. hogaansane etc.
    Difference b/w discipline and punishment
    Farqiga u dhaxeeya edbinta & garaacita(ciqaab)
    Edbuntu waa hogaaminsan kuna jeeda akhlaaqda la mahdiyo, dhasha isku kalsami, dulqaad/daganaan waxqabsi
    Garacist inta badan waa dharbaaxo, laad, feer,shaabuugeyn iwm waana sadex nooc: mid jireed”physical” kor akhri
  • “Mid afeed” ceebeyn, hadalo kulul, inkiris& liidis, habaar

mid eexeed xaqiisii oo la duudsiiyo sida dharka, cunada, jaceylkii, t.v geymka laga cuno qabateeyo.gurigiina eedo koris oo kale uu ku noqdo khalad dhacana “yaa kale” waa un asaga .

How can parents prevent behaviour problems?
Sideeloo waalidku hortagaa akhlaaqda xun?
· Sii fursado ciyaareed,wax ka Ogolow doorashadiisa % go’aanadiisa.Intii aad oranlahay waxwalba maya jihada u badel.ha helo waxku filan oo mashquul ciyaar ah.la soco isbdelada waqtigiisa.

  • · Mudnaanta ukala sii sidatan 1:badbaadadiisa 2:saxida akhlaaqdiisa ee khtarta ku ah bulashada & hantidaba,& waliba dhexgalka umada. Miisaan xilayada aad jeedineysid waanada iskana ilow khaladaadka yaryar. Samee Waqti kaligiin ah.hana ka ilobin hab & hoosku jir
  • **8Markii aad dareento in ilmuhu noqdo midaan faro ku jirin qaad taloowooyin wax ku ool ah game & in loo duwo xarakaadka isbortiga waa xalalka yurub.
    kaligaa xaga fariiso labosaac banooni malihid.ama adiguba is doqondiidsi hadii aad xanaaqdo is daji sababtana is weydii xukun xanaaqa sida dibiga isbeyna wax ha hardiyin hana qaylinin sida dameerka .soo jiira jiiree. ***Xalka yurub***
    Sharax bixi kaliya, wadahadal gacan ka hadal maya. Abaal marin & amaan la daba joog hadii uu wax saxo.inuu wax curinkaro kaligiis,qor halka uu ku liito kadib daris
  • ***Xalka yurub.***
    Falxun marka uu sameeyo raadi sababta ,maijraan mushkilad iska dhacday aydoon cuksanayn sabab.& waliba waxa xiga sawairkaas kadib siib xididda mushkilada.

    Xaquuqda ilmahu leeyihiin!!!
  • Hooyo saalix ah, kana fog gaar ahaan balwada,haba udu darnaato xiliga uurka.
  • · Adamista dhagaha. Magac wanaagsan u bixin xiirista timaha,walqalka.
  • · Ku barbaarinta dalkii hooyo,barista kitaabka alle & sunada rasuulka.
  • · Kala soocista jiifkooda.ka ilaalinta daawashada qaawanaanta sida internetka & t.v. ogow in saacad kaliya oo aad qado u karineyso loo soo gudbinayo fariimo badan oo halaag ah.
  • · Ku xirista ahelkiisa. “maya qabiilka”. Ixtiraamka dadka waaweyn.
  • · Bar diinta, dabaasha,& wadista gaadiidka.
  • · Wiilku waa aabihii/seygii mustaqbalka, waa inuusan ku korin,koolkoolin &lama_canaantaanimo,waa in loo tabo baraa masuuliyaad muga weyn ee ku soo fool leh,balse hadii kookoolinta & madax salaaxu la tagto,waa un dhibane seegey hilinkii nolasha.
  • · Gabadhu waa hooyadii bari,si ey uga soo dhalaalaan masuuliyaad, waa taxadar gaar la siiyaa.garataana in xijaabku yahey amarelle & difaac.islaamkuna u diidaneyn xornimadeeda & cilmigeeda balse loo diidan dan yahey, isqaawin & anbasho.
    Maxaa sababa in ilmuhu ciyaal suuq noqdan.
    1:waalidka oo aan hoosba u dhugan ama aan aqoon tarbiyada,una heysta mar hadii wax la cuney keeney in halkaas mas’uuliyadii ka hertey.
    2:waalidka oo akhlaaqiyaad islaamka aan laheyn amase magac ahaan u heysta, qaarkalane ilmo aysan dhalin, ayey keenaan dibada,markeysey ana sii darnaadaan,sida ugaar xaraga laga jarey ayuu sidiis xerada uga boodaa.
    3:waalidkii oo lacag lehoo ilmihii kibriya,siiya wax walba oo ey ku hadaaqaan,ilaa ilmihii dareenkii howlkarnida ka lumo,noqdaan sawiro caajis ah,balwad la hartey,tumashana ku habsaamey.xitaa hadii dowladii dhacdey isagu wali waxaa ku qafilan markii aabihii madaxda ahaa. “arki jire done”
    4:waalidka oo ku mashquula shaqadiisa & ganacsigiisa,waqtigii firaaqada ahaan ku qasaariya shirarka qabiilka & xog wereysigooda,doonayana inuu arko ilmihii oo dhan walb ka ah 100%. “wixii aad beertaa kuu soo baxa”.
    5:labada waalid oo mid hadii uu canaanto ilmaha kii kale iska xijiya “ha iigala hadlin cunageyga, wuxuu doono ha sameeyaa,maxaa kaa galey”amase odey laga eryey gurigii oo un mudadiiba mar taga.
  • · Waalidka qaar ayaa xoog saara waxbarshada dhalaanka,asagoo isleh qeyrkiis haka hormaro,kuna faanaya ilmaheygu afka soomaliga ma yaqaan, laakiin waa fahmaa xoogaagoo,!!!!! inaa lilaahi war afka soomaliga waa waajib barashadiisa sababtoo ah waa buundadii isku xireyse asaga,adiga_& diinta illaahey oo idil, balsidee loo gu fisirayaa kitaabka alle& sunada rasuulka. Afka Gaalkuse ma qiima badan yahey illaah & rasuulka & darta aakhiro.war maxaad macaashtey hadiiba ilmihii & ilaahey aad weydey. Ogow maalinta qiyaame ee waalidka & ilmuhu kala carayaan iney sababtu tahey,bal qiyaas ilmuhu oo ilaaah hortii kugu dacweeyey,oo leh ilaahow waxba kaama qasooneyn,
    walidkey ima barin kitaabkaaga,dhul galoo igu hayey,allow danbigaan aan galey asagaa u sabab ah. ee ma danbi aan galin ayaa la igu cadaabayaa?. Bal is weydii maxaadku jawaabteysaa?
    Carabtii hore waxey ilmaha markii uu dhasho geyn jireen baadiyaha, si uu luuqada/dhaqannka/& ad_adeyg uga soo qaato,xitaa nabi maxamed ayaa wadadaas marey.adiguse xageed u dhigtey?
  • ***war ka kaca oo geeye xamer ilmahiina,walaahibaa barwaaqada taal eysan oolin mareykan & yurub***Markaasaa ilmihii la soo noqdaan, af,caado,& dhaqan cusub,isku dhac ayaa ka dhaca isga & umadiisii
    waxuu yoiri rasuulkeenii nabi maxad(csw)sharfa ilmahiina,hagaajiya edaabtooda,hadiyad ayey idiin yihiin. “Ibnu maajah”.

 

  • ahmed kaxdage.kaligii_xisbi.
    kaxdage99@hotmail.co.uk


 





Waaniye.com
 

   Dadka Soo Islaamay

   Dr Yusuf Marshaale 

  Su,aalo & Jawaabo Cafimaad

  Su,aalo & Jawaabo Diini ah

  Waaniye Guestbook

  Xikmad

 Waano

  Maqaalo

  Caqiido

  Caruurta

  Muxaadaro Qoraal ah

  Xadiis


Info

......

 Tell a Friend   Add to Favorites


Quran Audio
 Qaaf             Kahf                    Anfal                     Towba               Maryam      
 

Vote

 Waxaa ku socota shaqo!!!


Caqiido

Ducooyin

 Duco(Mustajaab)

 Duco(haabeen & Maalin)

 Duco(Culimo kala duwan)


 Dhalinyarada (Maqaalo)

 Waxaa Ku socota Shaqo!!!


Siirada Nabiga(SWC)

 Waxaa ku socota shaqo!!!


Gabdhaha Muslimiinta ah

 Waxaa ku socota shaqo!!!

 
Copyright © 2006 waaniye.com

Waaniye.com