Menu


Login
Nickname

Password



Maxaa Cusub
3Suaalo iyo Jawaabo (Fatwa) Rb-al Thani 1428


 Waaniye Guestbook


Sh Yusuf (Fatwa)

 Waxaa Ku socota Shaqo!!!g!!

 

 

Links

 Aflax

 Runta

 Duruus

 Tafiiq Masjid

 Maktabada Maanta

 Khalid Masjid

Anasheed

 Dacwah

 Islam Way

 Islaam Web

 Altaqwaa

 Golaha Imaamyada


 ::Iimaanka

Miraha Iimaanka

Waxaa laga weriyey Nebi Maxamed (S.C.W) inuu adeerkiis Cabaas ku yiri:Rabbi ka bar iCafi iyo Caafimaad´´. Waxaa la yiri caafimaadku waa koofiyad Boqor oo qurrux badan oo madaxa u saaran dadka caafimaadka qaba, waxaana arki kara oo kaliya qofkii jirada oo dhadhamiya kharaarka Cudurka.Caafimaadk bini´ aadamku u baahan yahay wuxuu u kala baxa saddex qaybood :-

1-Caafimaadka xagga Diinta 2-Midka xagga nafta ama oogada

3- Midka xagga wadanka

 1. CAAFIMAADKA DIINTA

 caafmaadka diintu waa miraha laga goosto Iimaanka. Haddii aad la timaado Iimaa iyo camal wanaagsan Rabi diintaada ayuu kuu nabad galinayaa,hanuuna waa uu kusiinayaa, darajooyin badana kor ayuu kuu qaadayaa. Imisa qof ayaa dhulka yaaley oo mujtamaca dhexdiisa aan qiimo ku lahayn, markii ay diinta barteena oo ku dhaqmeenna noqday calan ka mid ah calamada Islaamka.imisa ayaa ummad baa-ba´ ahayd ama lagumeysay jirey, markii ay Muslintayna aduunyadahogaamisay.Waxaa Alle Kitaabkiisa ku yiri:

 

 æóÇáøóÐöíäó ÌóÇåóÏõæÇ ÝöíäóÇ áóäóåúÏöíóäøóåõãú ÓõÈõáóäóÇ æóÅöäøó Çááøóåó áóãóÚó ÇáúãõÍúÓöäöíäó

Oo uu macneheedu yahay kuwa anaga darteen usoo jihaaday waddooyinknaga ayaan ku hanuunineynaa,

Allena wuxuu lajiraa dadka wanaagsan´´.(29:69)

Waxaa lagama maarmaan ah in qofka muslimka ahi culeyska saaro diinta, Haddii diintiisu hagaagtana

adduunyadiisa iyo Aakhiradiisuba waa ay hagaagayaan.

 2. Caafimaadka Nafta ama Oogada

Caafimaadka jirku waa wax qaali ah, nolol raaxo lehna ma haysto qof aan caafimaad qabin. Caafimaadku waa miro laga goosto Iimaanka.Umamaddii Iimaanka xoorta oo fisqiga ku ku bato waxaa ku dhex fida oo Rabi ku sallada cuduro aad uxun,taasina waa wax cad oo uu ogyahay qofkii la socda ama kuur gala cudurada foosha xun ee khatarta ah ee ka jira adduunka,gaar ahaan qaaradda Amerika, oo ah qaarad dadkeedu ka qaawan yahay-miraha Iimaanka. Tusaale aan u qaadano laba cudur oo hadda fara kulul ku haya adduunyada, gaar ahaan reer Galbeedka kuwaas oo ah cudurka wadnaha´´Heart Disease ´´ iyo cudurka la baxay ´´Aids ´´. labadaas cudur oo horomarka caafimaadka iyo Tignoolajiga casriga ahi ay caabin waayeen, waxna ka qaban kari waayeen.

 

a) Cudurka Wadnaha

Cudurka wadnuhu waa dilaaha koowaad(1st killer) ee dadka Ameerika.Soddon iyo Todoba Milyan (37,000,000) ayaa qabta dhiig kar shacabka Maraykanka Afartan iyo shan milyana waxa ay qabta nooca loo yaqaan (Coronary Heart Disease) ee keenta dhimashada degdegga ah (sudden-Death).Waa cudur khatar ah, wax ka qabashadiisu addag tahay, islamarkaasna ku riday hurdo la´aan dadka Maraykanka Cudurkaas la dagaalankiisa aan guusha laheyn waxa ku baxa sanadkii qiyaas ahaan lixdan iyo shan Bilyan oo dollar. Sababaha cudarada Wadnaha keeney waxa lagu soo koobaa cabitaanka sigaarka iyo khamrad, Kolastrolka, Istresska (stress), Buurnaanta iyo Kiniiniga loo qaato Ilmo joojinta.

 

Haddaba waxaa su´aal ah: Ukunta iyo digaaga yaa horeeyey?Ma wadnaha aan Iimaanka lahayn baa iimaanka la´aanta la madoobaaday oo jiraday, dabadeedna keenay in la cabo sigaarka, khamrada iyo Bakhtiga kale.Mise markii bakhtiga la cunay baa wadnuhu jiraday?

Waxaa la hubaa in qalbiga aan Iimaanka lahayni uu yahay qalbi jiran, daboolan, hawadiisa raaca, is lamarkaasi u hogaamiya qofka in uu bakhtiga iyo xaaraanta cuno. Waxaa Alle Kitaabkiisa ku yiri:-

 

æóÇÕúÈöÑú äóÝúÓóßó ãóÚó ÇáøóÐöíäó íóÏúÚõæäó ÑóÈøóåõãú ÈöÇáúÛóÏóÇÉö æóÇáúÚóÔöíøö íõÑöíÏõæäó æóÌúåóåõ æóáóÇ ÊóÚúÏõ ÚóíúäóÇßó Úóäúåõãú ÊõÑöíÏõ ÒöíäóÉó ÇáúÍóíóÇÉö ÇáÏøõäúíóÇ æóáóÇ ÊõØöÚú ãóäú ÃóÛúÝóáúäóÇ ÞóáúÈóåõ Úóäú ÐößúÑöäóÇ æóÇÊøóÈóÚó åóæóÇåõ æóßóÇäó ÃóãúÑõåõ ÝõÑõØðÇ

 

Oo uu macneheedu yahay´´ La sabartam oo la joog kuwa Rabi subax iyo galabba baryaaya iyaga oo raadinaaya ajar Rabi; xagooda indhahaaga ha gudbin adiga oo nolosha dhaldhalaalkeeda raadinaya; ha adeecin mid aanu qalbigiisa xus kaanada ka daboolnay oo hawadiisa raacay,arrinkiisuna uu ahaaday xadgudub´´. (18:28)

 b) Aids:-

Aids Waa cudur dunida ku cusub fara kululna ku haya.Degdeg ayuu fida, qofkana waa dilaa, daawana malaha. Bukaanki ugu horeeyey ee adduunka

cudurkaas lagu arko waxaa laga helay magaalada Atlanta 1981, wuxuuna ahaa-nin Maraykan ah oo laga roonyahay (Gay). laga bilaabo sanadkaa iyo intii ka-

danbaysay cudurku degdeg ayuu u fidayey.Tirada bukaankaasi maalinba maalinta ka danbeysa waa ka soo badanayey.1986,Dalka maraykanka waxaa cudurka qabtay 25,000 oo qof Cadadkaasina waa is laba jibaarayey sanad walba, taas macneheedu waxaa weeye in 1987 dadkii qabay cudurka ay gaareen 50,000 oo qof.sidaas awgeed waxaa dalka Maraykanka laga cabsi qabaa in cudurku dadka oo dhan gaaro mar haddii uu u fidayo sidaas foosha xun. Cabsida cudurku waxa ay maraysaa heer ba´an oo ah xaaskii is qabay ay kala shakiyaan iyada oo qof waliba ka baqaayo kan kale in uu ka soo qaaday cudurkii saaxiibkii ama saaxiibadii (His girl friend or her boy friend).

 

Aidska fidnadiisu waxa ay ku xiran tahay oo sal u ah ku kulanka sariirta ee xaaraanta ah (homo saxuality and prostitution) Ninkasta oo laga roone ah iyo

naag kasta oo xun meel kasta adduunka ah joogeene waxa ay sidaas jeermiga cudurka, waxa ayna qaadsiiyaan qofkii sariir kula kulma. Waxa kale oo

cudurku aad iyo aad ugu dhacaa dadka isku dura Daroogada. Hooyada qabtaana Ilmaha ay dhashaa waa ka dhaxlaa cudurka oo waxa ay dhashaan iyaga

oo qabo.Cudurkani wuxuu ku dhici karaa qof aan danbi la´hayn.sida mid lagu shubay dhiig jeermiga sida ee sumeysan.

Marki fisqiga iyo fasahaadka Reer galbeedku dibadda ula soo baxeen ,kuna tartameen,, asluub iyo anshaxna la waayey ,hoos u dhaca akhlaaq xumada

laga hoos maray xayawaanka aan caqliga la hayn, oo xaalku gaaray in raggu wax ka kadyo raga kale, ama raggii iyo naagihii la kala aqoon waayey oo

dusha, dabeecad, dharka dhaqankaba layskaga ekeeday; dastuurkii iyo dimuqradiyadiina aysan diidin ayaa Rabi usoo diray oo ku saladay askari ka mid ah

askartiisa, kaas oo ah (Virus) yar oo aan ishu arki karin , wuxuuna keeney cudur la baxay Aids.

Bani damka Rabi ayaa karaameeyey, wuxuuna siiyey caqli iyo garasho uu ku kala sooco xumaanta iyo samaanta , kuwa raaci jidka illaahey , hase

yeeshee haddii uu ka faa´iidaysan waayo oo ka seexdo jidka toosan Rabbi waa duleynaya, darajo hoose oo xayawaanimo ah ayuuna u celianayaa.

Rabbi Kitaabkiisa waxa uu ku yiri:

 

æóÇÊúáõ Úóáóíúåöãú äóÈóÃó ÇáøóÐöí ÂÊóíúäóÇåõ ÂíóÇÊöäóÇ ÝóÇäúÓóáóÎó ãöäúåóÇ ÝóÃóÊúÈóÚóåõ ÇáÔøóíúØóÇäõ ÝóßóÇäó ãöäó ÇáúÛóÇæöíäó

 

 æóáóæú ÔöÆúäóÇ áóÑóÝóÚúäóÇåõ ÈöåóÇ æóáóßöäøóåõ ÃóÎúáóÏó Åöáóì ÇáúÃóÑúÖö æóÇÊøóÈóÚó åóæóÇåõ ÝóãóËóáõåõ ßóãóËóáö ÇáúßóáúÈö Åöäú ÊóÍúãöáú Úóáóíúåö íóáúåóËú Ãóæú ÊóÊúÑõßúåõ íóáúåóËú Ðóáößó ãóËóáõ ÇáúÞóæúãö ÇáøóÐöíäó ßóÐøóÈõæÇ ÈöÂíóÇÊöäóÇ ÝóÇÞúÕõÕö ÇáúÞóÕóÕó áóÚóáøóåõãú íóÊóÝóßøóÑõæäó

 

 Oo mecneheedu yahay ´´Ku akhriwarkiisu midkii aanu Aayaadkanaga siinay warkiisu oo diiday oo uu sheydaan raacay, kana mid nopqday kuwii dhumay,haddii aanu doono kor ayaanu Aayaadka ugu qaadi lahayn, hase ahaatee dhulka ayuu isku dhejay oo hawadiisa ayuu raaacay; tilmaantiisu waa sida ey oo kale , haddii aad qaadid waa uu carab laalaadinaayaa, sidaas oo kale haddii aad dhigtid waa caran laalaadinaayaa;tilmaantaas waxa iska leh kuwa Aayaadkanaga beeniyey. Qisooyinka uga waran, waxa ay mudan yihiin in ay fekeraan´´(7:175-176)

 

3)Caafimaadka Waddanka:-

Ummaddii Rabbi rumaysa , lana timaada camal iyo cibaado suuban, waxaa dal koodu noqdaa dal nabadgelyo, ammaan iyo barwaaqo ku sugan.Hase yeeshee haddii iimaan la waayo, Allena laga furto, xudduudda rabbina laga talaabbo, waxaa yimaada caro illaahay , colaad ,nabadda oo ceel ku dhacda iyo ceebta oo kashifanta. Taas tusaalaheedu meel dheer ka dooni meyno, dalkeena Somaliya xaaladdiisa maanta ee murugada leh ayaa daliil u ah.Somaliya waxa ay ahayd dhul barwaaqo oo bacrin ah oo markii caanaha laga dhergo la siiyo xoolaha. Xagga nabad gelyada,derbiyada iyo dariiqyada ayaa la seexan jiray, haddii wiil wiil dakhro waxaa lugu xukumi jiray Kitaabka ilaahay. Annaga barwaaqadaas ku jirra,ayaa waxaa noo yimid gaalo Reer Galbeed ah, oo gacan ku dhiiglayaal ah, kuwaas oo ogaa inaysan na gumaysan karin illaa ay diinta naga saaraan mahee.Macalimiintaas shaydaanka, ku dayashadii iyo raaciddii dadkeenu raacay ayaa keentay gaajada, colaada iyo xaaladda foosha xun ee dalkeenu maanta ku sugan yihiin. Rabbi wuxuu kitaabkiisa ku yiri;-

 

æóÖóÑóÈó Çááøóåõ ãóËóáðÇ ÞóÑúíóÉð ßóÇäóÊú ÂãöäóÉð ãõØúãóÆöäøóÉð íóÃúÊöíåóÇ ÑöÒúÞõåóÇ ÑóÛóÏðÇ ãöäú ßõáøö ãóßóÇäò ÝóßóÝóÑóÊú ÈöÃóäúÚõãö Çááøóåö ÝóÃóÐóÇÞóåóÇ Çááøóåõ áöÈóÇÓó ÇáúÌõæÚö æóÇáúÎóæúÝö ÈöãóÇ ßóÇäõæÇ íóÕúäóÚõæäó

 

 Oo macneheedu yahay ´´´Alle maah maah ahaan waxa uu u qadaray magaalo deggan oo xasiloon oo magaaladaasi waxa ay kufriday nicmooyinkii Alle,oo irsaaqaddeeda si waasic ah u helaysay; markaas ayuu Alle dhadhansiiyey huga (dharka) gaajada iyo cabsida wixii ay samaynaayeen darteed´´ 16:112

Waxaad mooddaa in ay inoo caddahay in caafimaadka lagama maarmaanka u ah nolasha wanaagsan ee qof walba iyo waddan walba, uu yahay miraha laga goosto iimaanka iyo taqwada rabbi.

 

 

Dr:Aaden Ugaas Maxamed

 

 

Fiiro Gaar ah: Waa Maqaal hore oo aan ka soo qaadanay Al-Bushraa   (waa wargeys islaami ah) oo ka soo bixi jiray dalka kanada,sanadkii 1991..

 



 

Waaniye.com
 

   Dadka Soo Islaamay

   Dr Yusuf Marshaale 

  Su,aalo & Jawaabo Cafimaad

  Su,aalo & Jawaabo Diini ah

  Waaniye Guestbook

  Xikmad

 Waano

  Maqaalo

  Caqiido

  Caruurta

  Muxaadaro Qoraal ah

  Xadiis


Info

......

 Tell a Friend   Add to Favorites


Quran Audio
 Qaaf             Kahf                    Anfal                     Towba               Maryam      
 

Vote

 Waxaa ku socota shaqo!!!


Maamulka (Waaniye)
Waxaa Online ah Maamulka 0

Ducooyin

 Duco(Mustajaab)

 Duco(haabeen & Maalin)

 Duco(Culimo kala duwan)


 Dhalinyarada (Maqaalo)

 Waxaa Ku socota Shaqo!!!


Siirada Nabiga(SWC)

 Waxaa ku socota shaqo!!!


Gabdhaha Muslimiinta ah

 Waxaa ku socota shaqo!!!

 
 
Copyright © 2006 waaniye.com

Waaniye.com