Haddii qof aad u aaminsan yahay in wax dhibaato gaadhsiin karaan baqaha uu ka baqaayo waxaa ayaaba cudur ku keeni kara. Bari ayaa laygu yeedhay qof dumar ah oo ilma ka soo dhacay oo wali dhiig yar ka socdo.
Geedkii liin macaanta ayaa gurigooda ku ag yaalay markaa waxaan kula taliyey inay cabto koob liin macaan ah ( liin macaanta waxaa ku jira feetamiin C oo xooggeeya xididdada dhiigga ) way cabtay liintii in kasta oo ay ka baqaysay inay dhibaato u keento. Baqeheedu aad buu u waynaa oo muddo yar kadib ayey aad u xanuunsatay ( bukootay ).
Waan baadhay hase ahaatee wax la taaban karo ama la tilmaami karo oo hayey ma jirin.Waxaan isku dayey in aan u caqli celiyo waxaan ku iri wax khatar ama halis ah naftaada kuma jirto.
Waxay igu tiri waan u dhimanayaa ugu dambayntii waxaan ku muday irbad biyo sifaysan ah biyaha sifeeysan waxba ma daweeyaan hase ahaatee qofka dumarka ahi irbadaha ayey aad u aaminsanayd markaana si dhaqsa ah ayey u bugsatay.
Liin macaantii la tuujiyey waxba ma yeelin waxaa wax yeelay aaminaaddii inay ku xanuunsanayso. Wixii bogsiiyeyna waa irbaddii ee ay aaminsanayd markaad gees ka eegto waxaan caawiyey qof dumar ah.
Laakiin markii aan aad uga fakaray arintan waxaan aqoonsaday in aan qalad ku sameeyey waayo waxaan ka dhaadhiciyey inay aaminto waxyaabo aan dhab ahayn waxaan goostay in aan qaladkan toosiyo dhowr maalmood kadib ayaan qofkii dumarka ahayd ku noqday markaana way bogsatay waxaan waydiistay inay raalli iga ahaato. Waxaan isku dayey inaan garansiiyo in aanay ahayn wixii ay ku buksootay liinta, irbadaha iyo aaminaadda xoogeeda. Sidaa daraadeed waxaa laga yaabaa in iyada iyo reerkeedaba baqaha aad ugu yaraado oo ay wanaagsanaato sida ay u daryeelaan caafimaadkooda, waayo caafimaadku wuxuu xidhiidh la leeyahay aqoonta iyo baqa la'aanta.
Falka, Sixirka iyo Isha.
Qof kasta oo is leh waa lagu falay ama waa lagu galay bukaankiisa waxaa dhici kara inuu ka imaanayo aqoon la'aan iyo baqo uu qabo dadka wax falaa cidna wax ma yeeli karaan idanka Ilaahay mooyaane.
Dadka qaar ayaa mooda in la falay marka cudur aan la garanayn ama ka argagixiyaa helo. Mar walba waxaad la tashataa culimada Alle yaqaanka ah ee miraha diineed leh lana yaqaan.
Ha ku lumen lacagtaada dadka falanfllowyada ah iyo kuwa yiraahda waxayna tunnaa saarka iwm. Haddii cudur halis ahi ku hayo doono gargaar dhakhtarnimo. Daawooyinka guriga qaarkood si toos ah ayey jirka u daaweeyaan Ilaahay idinki. Way xoog badan tahay awoodda ay wax ku bogsiiyaan waxyaabaha la aaminsan yahay. Tusaale ahaan nin madaxa aad u xanuunayo ayaa qof dumar ah waxay siisay xabad nanac duray oo xanuunka bi'isa. Ninkii wuxuu rumaystay oo xanuunkii si dhakhso ah ayuu uga tagay.
Waxaa hubaal ah in rumaysigii uu rumaystay dawadeedii ay wax u tartay ee nacnac durayga aanu waxba u tarin. Daawooyin badan oo kuwa hidaha ahi sidan ayey wax u daaweeyaan.Wax tarkooda waxaa u sabab ah kalsoonida dadku ku qabo.
W.Q.Axmed X.Cabdullaahi
Xigasho:webka www.suxayfa.com