Home

Quran

Tafsiir

Duruus

Muxaadaro

Contact Us

 

Menu

   Home

  Quran

  Tafsiir

  Duruus

  Muxaadaro

  Contact Us

Current Stats                  

Total Visits:    

Online Visitors:

 

 

   Dr  Yusuf Marshaale

  Suaalo iyo Jawaabo Diini Ah

  Suaalo & Jawaabo Cafimaad

  Xikmad

 Waano

  Maqaalo

  Caqiido

  Caruurta

  Muxaadaro Qoraal ah

  Xadiis

Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka

XANUUN IGA HAYA
CALOOSHA

  WALAAL WAXAAN AHAY HAWEENAY........

---------------------------------

 

Dhanjafka
 waxaan doonayaa inaad iiga jawaabto..

----------------------------------

 

Hormoonadaada u baahay
  walaal waxaan ahay haweenay soomaliyeed...

-------------------------------

 

LINKS

  Hay'adda Kafaalo

  Waaniye

  Aflax.net

  Somalisunnah

  Kulannet

  Boqolsoon

  Islamway

  Sultan.org

  Duruus.com

  Axaadiis

  Hanuun

 

Copyright ® 2006
Waaniye.com
All Rights Reserved

 

Tafsiirka Quraanka

 Horudhac & Fatixa            Baqara1-16                    Baqara 17-34                     Baqara 34-57              Baqara 57-70      

... More >> Riix Halkan

 

   Xadiis

10-Abuu Hurayrah (A.K.R) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: ´´Alle weyne kor ahaaye, wuu ku qoslaa labo nin oo midkooda hore kan kale dilay labaduna jannada wada gali doonaan (dhimashadooda kaddib). Midkood oo horay loodilay isagoo jidka Alle u diriraya jannadii buugalay. Markaa kaddib, buu Alle u naxariisanayaa kii wax dilay kaa oo gali Islaamka, oo u diriri jidka Alle oo loo dilayana (sidaana isna jannada kugalaya). Bukhaari iyo Muslim)

 

Muxaadarooyin

Fadliga Quraanka    Fadliga Sabarka     Maalinta Qiyaamo     Maxaa Xigga Geerida Gabdhaha Suuban Tarbiyadda Caruurta Manhajka Allaah Walaaltinimada         Qisadii Nabi Yusuf cs 1 Qisadii Nabi Yusuf cs 2 

Muxaadarooyin

Qiimaha Adduunka     Nafta iyo shahwaad-  Nafta iyo shahwaad- 2Dumarkii lagu sheegayQabiilka & Qabyaalada

Ku sugnaanta DiintaNolosha dhabta ahWanaaga Diinta  Naftaadda miizaan 


 

Maan Dooriye Khatar´´ A Dangarous Drug´´

 

Cilmi ahaan´´ Drug´´ waxaa la yiraahdaa wax kasta oo bedela ama dooriya qofka maankiisa, dabcigiisa, dareenkiisa ama dad la dhaqankiisa marka uu isticmaalo, sida khamrada. Taasi waxa ay keentey in jaadka lagu daro maan dooriyaasha (drugs)kadib markii cilmi baaris lagu sugay dhismaha kimikada ee waxyaabaha uu ka kooban yahay ,kuwaasi oo ay ugu horeyso tan loo yaqaan ´´Amphetamine´´ waa kimikada dhalisa isbadelka qofka ku dhaca marka uu cuno jaadka , sida faraxsanaan dhalanteed ah, hadal tiro, iyo riyo maalmeed (Euforic State).

 

 Waxa uu jaadku ku reebaa qofka cuna marka uu ka baxo jirkiisa caajis, iyo murugo (Disforia) iyo kaadi badni. Maadada´´ Amphetamine´´ iyo kuwa kale ee jaadka ku jiraa waxa kale oo ay sababaan cuduro ku dhaca dadka cuna sida Dacarta (Gastritis), Wadna xanuun (Cardiopathy), Keliya xanuun (Nephropathy), ninka oo gaba dumarka (Impotence), iyo doorsoon ku dhaca afka iyo ilkaha.

 

 Jaadku waxa ku abuuraa qofka cuno dabeecad khatar ah oo loo yaqaan ´´ Physical and psychological dependance´´ taas oo ah iyada oo qofka jirkiisa iyo maskaxdiisuba ku xirmaan jaadka ; haddii uu waayana u raadinaaya sidi wax waalan, isaga oo u huraaya wax kasta, isla markaasna aysan ku filaaneyn intii u horey uu cuni jirey. Waxa intaasi dheer dhibaatooyinka jaadku u geysto bulshada sida xaasaska oo is qabta, qoysaska oo burbura, ragga oo aan shaqaysan, iyo bulshada oo dadkeedu noqdo mid ku nool khayaal iyo nolol ka fog waaqica.

 

Sidaas  awgeed , markii cilmi ahaan loo sugay dhibaatooyinka maan dooriyaha jaadka, waxa ay culimada dunidu ku dareen liiska maan dooriyayaasha sida xashiishada iyo moorfiinka: waxana lagu baaqay in Jaadka iibkiisa iyo isticmaalkiisaba la joojiyo. Culimada Islaamku waxa ay sugeen xaaraantinimada Jaadka sida Khamrada;go´aankaasna waxa lagu qaatay shirweyne lagu qabtay dalka Sacuudiga oo ka soo qayb galeen culimo badan oo ka kala socda Dawladaha Islaamka culimadaasi iyaga oo cuskanaaga adilo ku soo aroortey Qur aanka iyo Xadiiska Qiyas iyo Ijmaac yahay;qofkii iibiya ama isticmaalaana uu ku xadgudbay xudduudda Ilaahay. Culimadu waxa ay ugu baaqeen ummada Islaamka in la ilaaliyo xudduudda Ilaahay.

 

Waxa nasiib wanaag ah in ummada isugu jira Islaam iyo gaaloba ay ka joojiyeen jaadka waddamadooda, iyaga oo reebay jaadka cuniddisa iyo ka ganacsi giisab; una sameeyey xeer lagu ciqaabo qofkii jebiya, kaasi oo la mid ah xeerka u degsan maan dooriyayaasha kale. Waxaase nasiib darro ah in weli jaadku ku faafsan yahay meelo badan oo dunida ka mid ah, waxana u sabab ah:

1) Iyada oo dalalka jaadka abuuraa, kana ganacsada(sida Xabashida, Kenya, Yemen ) ay ka helaan lacag adag, isaga oo ka mid ah ilahooda dhaqaale.

 2) Iyada oo dalalka laga cuno (Consumers) Jaadka ay keenaan dad ka ganacsada Jaadka, Dhaqaalohooduna ku xiran yahay.

3) Iyada oo dalalka Reer Galbeedka ee isticmaarka ahi qaarkood isticmaalaan siyaasad xun oo ah in dadyooga tirada yar (minorities) ee ku hoos nool Dawladahaasi lagu dhex beero maan dooriyayaal si aysan weligood qiimo u yeelan.Taasi waxa tusaale u ah sida Xashiishka loogu dhex beeray Hindida Waqooyiga Canada. Hindida Waqooyiga Canada waxa ay maanta ku nool yihiin noloshii godadka, iyada oo uu qarnigii labaatanaad dhamaaday. Shaki kuma jiro in ay sabab u tahay maan dooriyayaasha lagu dhex beeray. Waxase naxdin leh in Soomaalidu sidaasi oo kale ku socoto haddii aysa isdaba qaban iyaga oo Rabbi la kaashanaaya.

 

                                 Dr:Aaden Ugaas Maxamed

 

Fiiro Gaar ah: Waa Maqaal hore oo aan ka soo qaadanay Al-Bushraa   (waa  wargeys islaami ah) oo ka soo bixi jiray dalka kanada,sanadkii 1994..


 

 

 

 

 
Copyright © 2006 waaniye.com
Waaniye.com