|
Menu
Login
Nickname
Password
Maxaa Cusub
g!!
Links
Aflax
Runta
Duruus
Tafiiq Masjid
Maktabada Maanta
Khalid Masjid
Anasheed
Dacwah
Islam Way
Islaam Web
Altaqwaa
Golaha Imaamyada
::Qoraal Muxaadaro
Arooska iyo dhibaatooyinkiisa
Waa muxaadaro uu jeediyey sh:Maxamuud shibile
Waxaan insha allaah idiin soo gudbinayaa qaybo ka mid ah muxaadarada oo muhiim ah.
Sh: shibile wuxuu noo sheegay tobon arimood oo xun oo rabbi ka caroodo, intaanana gelin tobanka arimood qof walboow ogoow camalka ugu danbeeya ee aad ku dhimato ayaa lagugu soo saarayaa, mana jiro qof og goor uu dhimanayo. Bal kawaran adigoo rabbi caasinaya hadaad dhimato.
Hadaba tobankaan arimood waa kuwaan, waxaana la socda faahfaahin yar ee sida ula soco, illaahay ka baq oo iska ilaali tobankaan arimood:-
1-tashriica: waa marada cad ee lasoo kiraysto oo dhaqan gaalo laga keenay waana xaaraan, ee hala ogaado.
a- cawro ma asturo
2-Taaj lagu fariisiyo(miiska lasoo saaro)
b- waxaa dhacda in biyo la isisiiyo, keeg af laysku galiyo.
t- waxaa dhacda in lays dhunkado, hadaba arimahaas qof sameeyay iyo qofka jooga waa isku denbi.
3- In cadar badan la isticmaalo, sidoo kale dahab layska soo buuxiyo, waayo waa layskugu faanayaa.
b- hadaba gabadha cadarka iska badisay waa saaniyad taas ha ogaato..
t-qofka qiimo kuma yeesho dharkuu qabo ama cadarka uu isticmaalayo
j- daruucda kaliya ee la soo saaro marka guriga la tago, markii hore dhar fiican baa la haystay ama lagu soo baxay, hadaba taasi waa xaaraan ee ogaada, illaahay kuma arko miyaa! Mise sheekadu waxaa weeye ninkii soomanaa oo biyaha quusay oo xoogaa soo cabay isagoo is leh illaahay kuuma jeedo!
x- xadiis: qoftii gurigeeda ka tagta oo meel kale tagta oo cawradeeda muujisa janada ma carfinayso.
4-Isdhex yaaca ragga iyo dumarka
b- Show ama dhoolatus laysku muujinayo rag iyo dumar.
5-Sawiro laga qaado dumarka sida:Vidio,Kaamaro, Mobil kaamaro iwm.
b- filimkii oo guryo yaala
t-sawirku waa xaaraan.
j-Cajaladaas qofkii fiirsada waa xaaraan, denbiga waxbaad ku leedahay.
x-Dad isku furay waa jiraan, ka dib markii la fiirsaday cajalad laga duubay aroos.
6-Heesaha iyo Fanaaniinta loo yeerayo.
b-Heestu waa danbiyada waaweyn dhegaysigeeda.
t-meesha lagu hayo heestana naclad alle baa kusoo degaysa.
j- Qofka heesaya iyo kan dhageysanaya waa malcuun.
x-Marka Sinada, Qamriga iyo heesaha caadi noqdaan: waxaa imaan dhul go,id iyo in layska dhigo daanyeero.
7-Buraanburka ma ahan bootin(waxaa weeye is xasuusin in reerkaas aroos leeyihiin).
b-Qabiil caayid ama qof caayid waa xaaraan, meesha farxad bay ahayde, erayo macaan oo amaan ah waa loo baahan yahay.
t- waxaa dhacday in reer guursanayay oo ninkii guursanayay la caayey, dumaashidiis la caayey, odaygiina mar danbe ka jawaabay..
8-Hool weyn oo la ijaaro(xoolo ku ciyaarka)
b- waxaa marmar dhici karta in hoolkaas lagu kireeyo sanad masruufkooda, waxaa laga yaabaa in ninku helin lacagta wax lagu kireynayo.
t- waxaa jiray nin 20,000 doolar bangi kasoo deynsaday,waxaana saaran ribo, hooyadiisna waxba ma haysato,waa gaajaysantahay, lacagtaasna ugu tala galay hal habeen.hadaba maxaa ka danbeeyay, ninkii xaaskiisii waxay ka tagtay asbuuc ka dib, ninkiina waa khafiifay(waali yar).
j-Haweenka waxaan khayr badan kuwa ugu kharash yar.
x- ninku waxaa dhici karta inuu 100.000 doolar in uu deyn ku galo, hadhowna waa habaartamayaa! Qofkaan haddii dhibaato galiso hadhoow waa ku nici, sababtoo ah isagaa la haystaa, dadka kalena waxba kaa bixin maayaan.
kh- hadaba arintaas aad ku dhaqaaqayso ogoow qofka 1aad ee kuu imaanaya waa shaydaan, dadka xoolaha ku ciyaara waa walaalaha shaydaanka.
d- qofkaasi qolada sufahada ayuu ku jiraa, sufahadana xoolaha waa laga qaadaa.
9-Todobaad baxa: Aroos buu galayaa ma soo baxayo oo jimco iyo jameeco baa laga weynayaa waa ninka, marka arintaas ma banaana.
b-Asxaabtii jihaadka ayay gali jireen, ninkii asxaabiga ahaa ee arooska galay ee jihaadka galay isagoo janaabo qaba,ka dib asxaabtii rasuulka s.c.w waxay u sheegeen in biyo ka da,ayaan, rasuulku s.c. w wuxuu yiri malaa,ig baa dhaqday, ee bal arinkiisa waydiiya xaaskuu qabay, waxay u sheegtay inuu janaabo qabay markuu soo aaday jihaadka.
10-aroosyada lagu dhaxayo.
b-Arooska waa in u dhacaa maalintii ama habeenkii waqtiga cishaha in la xaroodo, kan hada waxaa la xaroodaa dadka qaarkiis saqda dhexe waaga markuu beryo ayaa la kala tagaa.
t-Waxaa meesha lagu hayo waa denbi salaadihiina waa lagu dayacaa.
j-Salaada subaxa qofka ka taga cududaar la,aan waa laysku haystaa inuu gaal yahay iyo in uu yahay muslim.
x-Hadaba illaahay ka baqa, goobahaas waxaa ka yimaada macaasi, waxaa ka yimaada is furid iwm.
Kh- iska daaya heesaha, cayda, qaawanaanta iwm.
d- Talooyinkaan aan idiin soo jeediyay hadaad diidaan ogaada waxaa imaanaya , caradii illaahay, naclad iwm.
Ugu danbayn rabbi hana xafido dhamaanteen aamiin..
Halkaas waxaa ku dhamaaday muxaadaradii sh; maxamuud shible ee aan soo gaabiyey waxaana ugu tala galay in dadku ka faa,iidaystaa,gaar ahaan lamaanaha(labada qof ee is guursanaysa) ee isu diyaarinaya aroos. Illaahay ajar iyo xasanaad hanaga siiyo aamiin sidoo kale cidii waanadaas qaadata oo u qaadata illaahay dartiis,rabbi ha siiyo khayr fara badan. Aamiin, aamiin,Amiin..
Fiiro gaar ah qoraalkaan: waxii aan asiibno illaahay baa noo sahlay wixii aan gafnana waxay ka yimaadeen naftayada iyo shaydaan, illaahay baan ka baryayaa inuu naga cafiyo aamiin.
Bahda Waaniye.com
Waaniye.com
Dadka Soo Islaamay
Dr Yusuf Marshaale
Su,aalo & Jawaabo Cafimaad
Su,aalo & Jawaabo Diini ah
Waaniye Guestbook
Xikmad
Waano
Maqaalo
Caqiido
Caruurta
Muxaadaro Qoraal ah
Xadiis
Info
......
Tell a Friend
Add to Favorites
Quran Audio
Vote
Waxaa ku socota shaqo!!!
Maamulka (Waaniye)
Waxaa Online ah Maamulka 0
Ducooyin
Duco(Mustajaab)
Duco(haabeen & Maalin)
Duco(Culimo kala duwan)
Dhalinyarada (Maqaalo)
Waxaa Ku socota Shaqo!!!
Siirada Nabiga(SWC)
Waxaa ku socota shaqo!!!
Gabdhaha Muslimiinta ah
Waxaa ku socota shaqo!!!
Copyright © 2006 waaniye.com
Waaniye.com