Home

Quran

Tafsiir

Duruus

Muxaadaro

Contact Us

 

Menu

   Home

  Quran

  Tafsiir

  Duruus

  Muxaadaro

  Contact Us

Current Stats                  

Total Visits:    

Online Visitors:

 

 

   Dr  Yusuf Marshaale

  Suaalo iyo Jawaabo Diini Ah

  Suaalo & Jawaabo Cafimaad

  Xikmad

 Waano

  Maqaalo

  Caqiido

  Caruurta

  Muxaadaro Qoraal ah

  Xadiis

Maxaa Cusub?

Soomida Bisha Shacbaan
  Waxaa Qoray Bahda Waaniye.
---------------------------------

 
Ma is miisaan tay ?
 Waxaa Qoray Abii Cubeyda.
----------------------------------

 
Waano Qeybtii 10aad
  Waxaa Qoray Bahda Waaniye.
-------------------------------

 

Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka

XANUUN IGA HAYA
CALOOSHA

  WALAAL WAXAAN AHAY HAWEENAY........

---------------------------------

 

Dhanjafka
 waxaan doonayaa inaad iiga jawaabto..

----------------------------------

 

Hormoonadaada u baahay
  walaal waxaan ahay haweenay soomaliyeed...

-------------------------------

 

LINKS

  Hay'adda Kafaalo

  Waaniye

  Aflax.net

  Somalisunnah

  Kulannet

  Boqolsoon

  Islamway

  Sultan.org

  Duruus.com

  Axaadiis

  Hanuun

 

Copyright ® 2006
Waaniye.com
All Rights Reserved

 

Tafsiirka Quraanka

 Horudhac & Fatixa            Baqara1-16                    Baqara 17-34                     Baqara 34-57              Baqara 57-70      

... More >> Riix Halkan

 

   Xadiis

10-Abuu Hurayrah (A.K.R) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: ´´Alle weyne kor ahaaye, wuu ku qoslaa labo nin oo midkooda hore kan kale dilay labaduna jannada wada gali doonaan (dhimashadooda kaddib). Midkood oo horay loodilay isagoo jidka Alle u diriraya jannadii buugalay. Markaa kaddib, buu Alle u naxariisanayaa kii wax dilay kaa oo gali Islaamka, oo u diriri jidka Alle oo loo dilayana (sidaana isna jannada kugalaya). Bukhaari iyo Muslim)

Muxaadarooyin

Fadliga Quraanka    Fadliga Sabarka     Maalinta Qiyaamo     Maxaa Xigga Geerida Gabdhaha Suuban Tarbiyadda Caruurta Manhajka Allaah Walaaltinimada         Qisadii Nabi Yusuf cs 1 Qisadii Nabi Yusuf cs 2 

Muxaadarooyin

Qiimaha Adduunka     Nafta iyo shahwaad-  Nafta iyo shahwaad- 2Dumarkii lagu sheegayQabiilka & Qabyaalada

Ku sugnaanta DiintaNolosha dhabta ahWanaaga Diinta  Naftaadda miizaan 


 

 

 

السلام عليكم ورحمه الله وبركاته


CAAFIMAAD 


Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka



Qaybtii 1aad



S-ASALAMU CALAYKUM WARAXMATULAAH WABARAKATU

WALAAL WAXAAN AHAY HAWEENAY DADEEDU TAHAY 33 WAXAAN LA XIDHIIDHAY DHAQTARKAYGA ANIGOO KA CABANAYA XANUUN IGA HAYA
CALOOSHA DHIIG AYAA LAYGA QAADAY WAXUU YIRI DHAQTARKAYII WAXAA KU HAYA CANSER KASOO BAABIYIYAY UNUGYADAADII DHIIGA CAS. MARKAYGII HORENA WAX IGU SHEEGA MAN ARAG ANIGOO DHIIGAG BADAN LAYGA QAADAY MARKAA WALLAAL MAXAA LA DAREEMAA MARKA DHIIGAGA CANSER KU DHACO AMA LAYSAGA DAAWEEYN KARAA?. AMA XANUUNKAA WAXA LAGA QAADO IYO SIDUU U SAAMEEYO QOFKUU HAYO

Muna



J-Asalamu C,



Walaal marka hore ka raali noqo inaan la soo daahay ka warcelinta weydiintaadii.Buro ama "CANSER" waxa uu ku dhacaa unugyada (cell) oo ah xubinta ugu yar ee jirka nooluhu ka kooban yahay. Waxaa uu u kala baxaa mid aan dhib laheyn oo
fudud (buro) iyo mid aad u dhib badan oo si deg deg u faafa(canser).
Calaamadaha lagu gartaa waxay ku xiran tahay xubinta uu dhibka ku dhacay. Nooca dhibka badan ayaa la dhihi karaa CANSER. Hadduu dhibka ku dhaco xubnaha dhiiga, kuwa cas/gaduudka ah, waxaa dhacaya in xubnahaasi aysan gaarin intii ay noolaan lahaayeen oo ay waqti yar ku dhintaan ama ku baaba'aan. Waxaa dhaceysa marka qofka laga qaado baarid dhiig waxa la
arkayaa in xubnaha cas ay tiradooda yaraadeen. waxa kaloo dhaceysa in kuwa cad iyo kuwa balbalaarana ay tiradooda yaraadaan. Qofka waxa uu dareemayaa tabar yari, daal badan, culeyskiisa oo yaraada, jir xanuun iyo calaamada
kale oo badan. Calaamadahan aan kor ku sheegay iyo in tirada dhiiga cas, cad
ay yaraadaan dhibab kale ayey ka imaan karaan. Maanta wey fududahay sida loo daaweyaa dhibka uu canser-ka keeno, hadduu qofku ku nool yahay meel daawadiisa laga heli karo iyo baaritaan fiican loo sameyn karo.

TALO: hal mar dhiig la qaaday si goلan loogu gaaro wey adag tahay. Waxaa fiican in hal dhaqtar(dhaqtarka reerka) GP, family-doctor ah aad la xiriirto aad na weydiisato inuu kontrool dhiig ah kaa qaado. Waxaa jiro xanuuno kale oo dhib u geysan kara dhiiga cas, sida infektion, beer xanuun, malaria iyo kuwa kaleba. Marka inta dhibka wey aan la abaarin marka hore ha la baaro
dhibabka kale oo fudud oo keeni kara dhibka aad sheeganeyso. Waxaana fiican in hal dhaqtar aad la xiriirto. Waxa jira dad badan oo maanta qaba dhibka aad sheegeyso oo nolol caadi ku nool. Ka raali noqo hadaan warcelinta kugu badiyay ama aan si fiican kuugu faafin.

A.C.
Yusuf A:



S-Dr. Yusuf Abdulkadir Marshaale waa ku salaamay salaanta islaamka. kadib waxaan aad kaaga mahadcelinayaa sida aad u jeceshahay in aad aqoontaada ugaga faa'iidayso soomaalida inteeda kale mahadsanid.intaa kadib waxaan ku noolahay KSA waxaan ahay arday jaamacad ka dhigta, dhanka kale waxaan aad u xiiseeyaa SPORTS-ka gaar ahaa kubada qoobka ama cagta xili muddo hada laga joogo ayaan lugta lowgeeda dhaawac yar iga gaaray waa ka fiicnaaday kadib markaan dhakhtar la xiriiray oo uu dawo iiqoray.nasiib daro lugtii hada aad ayaan uga liitaa weliba waxay iigu darantahay xiliga aan musqusha u kortago gaar ahaan marka aan xaajadayda bogto oon kac maago ayaan aad xanuun u dareemayaa meesha aan ka sheeganayaana waa lowga.
mahadsanid hadaan qoraalka dheereeyeyna iga raali noqo.

Abdullahi Awad



J-Asalamu C.

Marka hore waxaan ka afeefanayaa inaan kaala soo daahay ka soo warcelinta weydiintaadii.Walaal xubinta lowga/jilibka waxa dhici kara in dhibkii ku gaaray ee hore uu wax kugu reebay. Mida kale oo dhici kartaa waa in carjawda  ku wareegsan lafaha uu lawgu/jilibka ka kooban yahay ay yaraadeen.

TALO: waxaa roon hadii ay suurtagal kuu tahay aad dhaqtar la xiriirto si uu dhaqaaqa xubintaas loo fiiriyo isla markaana la sawiro(X-ray) si loo arko hadey wax jiraan. Waxa jira kaniiniyo la qaato oo kaa yareynaya xanuunka iyo hadduu infektion jira, hase yeeshee intaadan bilaabin daawo la xiriir dhaqtarkaaga.

A. C.
Dr Yusuf


S-WAA MAXAY WALAAL CUDURKA AYDISKU MICNIHIISA MAXAASE LAGA QAADAA?

SICIID JAMAC

J-HIV/AIDS: Human immunodeficiency virus/ Acquired immune deficiency syndrome Waa virus waxa keena xanuunkan. Waxa uu ku dhacaa oo uu dhib u geystaa habdhiska difaaca oo keena in uu qofku si fudud ugu dhacaa infekshan dhib
badan.Waxa lagu kala qaadi karaa: Galmada, in dhacaanada jirka qofka xanuunsan ay meel dhaawac ah kaa gaaraan (cirbad, wax caarad leh ama wax goyn karaa)  la isticmaalo, hooyo uur leh oo cunuga u gudbisa.

 

Copyright © 2006 waaniye.com
Waaniye.com