Weydiiso Dhakhtarka Su,aashaada!!!        
Menu


Login
Nickname

Password



Maxaa Cusub
3Suaalo iyo Jawaabo (Fatwa) Rb-al Thani 1428


 Waaniye Guestbook


Sh Yusuf (Fatwa)

 Waxaa Ku socota Shaqo!!!g!!

 

 

Links

 Aflax

 Runta

 Duruus

 Tafiiq Masjid

 Maktabada Maanta

 Khalid Masjid

Anasheed

 Dacwah

 Islam Way

 Islaam Web

 Altaqwaa

 Golaha Imaamyada

Weydiimo iyo Wercelino ku saabsan caafimaadka   

 ::Caafimaadka Dr Yusuf Abdulkadir Marshaale
Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka 

 

Suaal

S-ASC WR WBR AKHII FILAAH ALLAHA KAA ABAL MARIYO SIDA AAD SUAALAHA NOOGA SOO JAWAABTAY WALAAL WAXAN KU WEYDIIYE SUAASHAN AH HADII UU CUNUG YAR KU DHASHO 8 BILOOD MALA SIIN KARAA SHAROOBO FERO RAQTARKA U SOO QORAY SUBAXDI IYO HABENKA 0.5 ML SHAROBADA MAGACEEDA WAA KAN NYCOPLUS NEO.FER 9MG/ML ILAA 12 BILOOD UU GAARO MARKA WAXAN KA WALWALAA AMUU DHIIGA KA BATAA EE MA OK BAA MISE WAN KA YAREEYAA IGALA SOO TALI JZK HADII UU QAADAN KARO IYO HADII KALE WAXAA KALOO KU WEYDIIYE WAX NAFAQO AH OO DADKA WAAWEYN CUNI KARAAN OO AN DHIB U GEYSANEYN MA II SHEEGI KARTAA KORKA AYAA IXANUUNAAYO MURQAHA MIDA KALE HADII QOF CARUUR LAGU QALO MEEQUU KU REYSAN KARAA MIDA KALE MA CALOOSHA KALIYAA LA QALAA MISE ILMA GALEENKANA WAA LA QALAA HADII LA QALASE WAX DAAWAA OO U FIICAN MA II SHEEGI KARTAA JZKL ASC WR WBR ILAAHEY JANATULFARDOWS HA KUUGU BISHAAREEYO ADIGA INTAAD JECESHAHAY A. C.

Fadumo

Jawaab

J-A. C.

Walaal hadeey caruurta markey dhashaan lagu arko in dhiigooda yar yahay waxa loo qoraa daawa ku kaalmeyneysa ama u kordhineysa dhiigooda. Waxa caruurta qaarkood ku keeni kartaa in saxaradoodu adkaato, caloosha oo xanuunto. Mudada la isticmaalayo waxay ku xiran tahay inta qofku u baahan yahay oo uu ku soo kaban karo. 12 bilood wax badan maaha, hase ahaatee dhaqtarkiisaa la soconaya mudadaas.
Cuntada dheeli tiran oo xag walba ka dhameystiran, isla markaasna kala duwan noocyadeeda ayaa aad u fiican in la qaato. Inaad ka fikirto in cuntada asaasiga (carbohydrate, fat, protien, vitamin iyo miniralis) inad u cunto. Inaad badsato fruits-ka, qudaarta cagaarka ah.
Caruurta marka qaliinka lagu dhalinayo waxa la qalaa caloosha, ka dibna ilma galeenka. Labadana waa la tolaa dabdeed. Nabarkana si fiican ayuu u reystaa, Eebe idinkiis.Nabadeey.

Suaal

S-asc Dr.
waxaan jelaan lahaa inaad iiga soo jawaabtid suaalku saabsan wiikeyga oo jira 2& bar waxuu xanuunka hayaa carabka oo carabkiisa waxaa ka baxa kurtunka yar yar nus wuxuu noqonaa liisho ama salaax oo cuntada ma cunaayo. waxan weydiiyey dhaqtariisa ma garanaayo wax lagu daaweeyo hadii aad garaneesid fadlan iiga soo jawaan wsc wr wb

Idil

Jawaab

J-A. C.

Walaal aad ayey iigu adag tahay inaan warcelin sax ah kaa siiyo maadaama ay haboon tahay in la arko nabarada sida ay u eg yihiin. Nabaro afka ama carabka ka soo baxaa oo virus sababo ayaa jira oo badan. Waxa haboon in marka hore baarid lagu sameeyo hadey jirto cunto ama wax kaloo la cuno oo sababi kara nabrahaasi. Hadii la baaray oo uu dhaqtarku ku yiri dhib ma laha waxaad sii kartaa wax xanuunka ka yareeyo si uu si fiican wax ugu cunni karo.

Nabadeey.

S-asc wr wb walaal waxaan ihaya xanuun waan isxoqaa isbitaalkana waxay i siiyeen kiniini, waan bararaa waqtiga dhaxanta iyo kuleylkaba. wr wb waan kusalamey.

Xayat

J-A. C.

Walaal cuncunka waxa keeni kara sababo dhowr ah. Sida badan waxa keena maqaarka oo qaleyl ah, sida badan xiliga qabowga, korka oo marar badan la dhaqo ama qabeyska badan IWM. Waxa jira dawooyin laga isticmaalo oo sida badan waxa la isticmalaa kareemyo keenaya in qoyaanka jirka uu fiicnaado. Haddii ay jiraan sababo kale oo keenaya waxa haboon in dhiigag kontrol ah la iska qaado.

Nabadeey.

S-Aslaamucalykum waraxmadullahi wabarkaatu. waxaan ahay gabar soomaliyeed waxaan utagey taqtar waxaan ugu tegey xanuun i hayey oo waxay i yiraahadeen waxaad qabtaa ovarien cysta, markaan taqtarka waydiiyey xanuunkaan ma leeyahay daawo,or mala gooyaa waxay igu yiraahadeen kaniinkaan qaato "METFORMIN 500MG TABLETS" 12 saacba halxabo. Maxaa tala ah daqtroo. waad mahad san tahay.

Faadumo Cumar

J- A. C.

Walaal ovarien cysta haweenka qaarkood waa lagu arki karaa. Waxa dhacda in qofka isagoo qabaa ay wax dhib ahi ku heyn. Waxa kaloo dhici karta in xanuun fara badani uu qofka ku keeni karto. Waxa dhacda mararka qaarkood iney dilaacdo oo xanuun xoog leh la timaado. Runtii ma garanayo kaniiniga Metoformin waxa uu ka tari karo. Kaniinigan waxa la siiyaa qofka qabaa sonkorowga. Ovarial cysta waxa lagu daweeyaa hormon iyo qaliin.
Nabadeey.

S-Assalaamu Calaykum Dr.

Salaanta islaamka kadib dr waxaan ahayd gabadh soomaaliyeed oo qurbaha ku nool waxaan dareemay in miizaankaygu uu kor u kacayo waxaanan ahay gabadh ehludiin ah oo aan tegi karayn meelaha dadku ku jimicsadaan ee laysdhexgalo, gurigayga waxa aan ku sameeyaa xoogaa jimicsiya laakiin waxaan is tusay in ayna igu finayn intaasi, marka ma jirtaa wax daawo ah oo la qaadan karo oo aan wax dhibaato ah qofka u gaysanayn dr... wixii talo ah igu soo biiri ...

Ubax

J-A. C.

Walaal miisaanka kor u kaca, buurnaanta, waa dhib aad uweyn oo dadkeena dibada u soo dhoofay/qaxay uu la soo gudboonaaday. Si culeyska kordhay wax looga qabto waa inuu qofku helaa dheeli tirnaan qofka waxa uu cunaayo iyo sida uu dhaqdhaqaaq u sameeyo, si uu u gubo raashinka uu cunay. Inuu badsado cuntooyinka/raashinka cagaarka/qudaarta u badan. Waxa haboon marka hore inuu qofka iska baaro in cayilka uu sababayo cudur ama dhaqdhaqaaq yari la jirto cunto cunid badan. Waxa jiraa kaniiniyo tira badan suuqa, hase ahaatee waxaan kugula dardaarmi cunto dhaali tiran iyo dhaqdhaqaaq fiican, ugu yaraan 30 daqiiqo oo luga baxsi maalin kastaa.Nabadeey.

Waaniye.com
 

   Dadka Soo Islaamay

   Dr Yusuf Marshaale 

  Su,aalo & Jawaabo Cafimaad

  Su,aalo & Jawaabo Diini ah

  Waaniye Guestbook

  Xikmad

 Waano

  Maqaalo

  Caqiido

  Caruurta

  Muxaadaro Qoraal ah

  Xadiis


Info

......

 Tell a Friend   Add to Favorites


Quran Audio
 Qaaf             Kahf                    Anfal                     Towba               Maryam      
 

Vote

 Waxaa ku socota shaqo!!!


Maamulka (Waaniye)
Waxaa Online ah Maamulka 0

Ducooyin

 Duco(Mustajaab)

 Duco(haabeen & Maalin)

 Duco(Culimo kala duwan)


 Dhalinyarada (Maqaalo)

 Waxaa Ku socota Shaqo!!!


Siirada Nabiga(SWC)

 Waxaa ku socota shaqo!!!


Gabdhaha Muslimiinta ah

 Waxaa ku socota shaqo!!!

 
Copyright © 2006 waaniye.com

Waaniye.com