Weydiiso Dhakhtarka Su,aashaada!!!                 
Menu


Login
Nickname

Password



Maxaa Cusub
b-al Thani 1428

 Waaniye Guestbook


Sh Yusuf (Fatwa)

 Waxaa Ku socota Shaqo!!!g!!

 

 

Links

 Aflax

 Runta

 Duruus

 Tafiiq Masjid

 Maktabada Maanta

 Khalid Masjid

Anasheed

 Dacwah

 Islam Way

 Islaam Web

 Altaqwaa

 Golaha Imaamyada

Weydiimo iyo Wercelino ku saabsan caafimaadka   

 ::Caafimaadka Dr Yusuf Abdulkadir Marshaale
Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka 

 

Suaal

S-A/Salaamu Caleykum

Dr yusuf waan ku salamey salan kadib waxaan rabeyin waxii macluumaad ah in aad iga siiso waxaa ii joogo oo alle u jagaayee wiil yar oo 7 jir ah markawaxaa jira in xarafaha qaar ku culusyahay dhinaca quranka waa ku culus yahay in kastoo aqinayo afka somaligana sido kale wuu ku jawaabi lakin iskuguma qalmo dadiisa &jawab celinta marka iskool uu dhigta oo laga siiyo cashar dheeri ah marka ma sidaas uu ku tagi mise waa isbadalaya oo markii aad xaraf ahan u sheegto caadi uu u sheegi lakin markaad isku qabato xarfo qaar aa dhibaya marka ma saas uu u ahan carabgajo mise waxuu u bahan yahay dhaqtar insho allah wax qeyr qabo aan kuu rajeeni &jawaab qeyr qabto wabilaahi towfiiq

 

Sagal

Jawaab

J- A. C.

Walaal caruurta qaar ayaa dhib ku tahay iney si fudud ugu hadlaan luqad fiican ama xarfaha qaarkood. Waxayna ku badan yihiin caruurta dibada ku dhashay, kadib markaan soo qaxnay. Waa laga koraa, hase ahaatee in yar ayuu ku haraa dhibka. Waxay caruurta noocaan ahi u baahan tahay tababar fiican oo ay siiyaan dadka howshaan ku fara dhuudhuuban ee taqasuska u leh (speech therapist ). Waxa jira buugaag iyo qoraalo ka kaalmeynaya caruurta si ay ugu tababartaan xarfaha/ereyada dhibaya. Waxa haboon in waqti badan la siiyo oo lagula sheekeysto.Nabadeey.

Suaal

S-Asalamu caleykum wrb salaan kadib, DR. aad baad u mahadsantahay fursada qaaliga aad ina siisay, tala bixinta caafimad waana ku sadaqo, markaan u soo dha dhoco su'asheyda wiil waxaan ahay 26 jir waxaane ku noolahay carayga mareykanka waxaan ku weydiin lahaa waxaan isku arkay jirka baa i kawaab yonayo wiliba marka uu jiro qabow jirka oo idilne ayuu kawabyadane leedahay lakin waxaa u badan marka aan mada calacasha ku barkado iyo marka aan labada lugood laabto oo cabaar ku fadhiyo, marka dr. wixii talo ah ama aad dhihi karto in mudo ahne ma'aan sameyn jimicsi oo awal dadka kubada ciyaaro ayaan ahaan jiray.

 Mustaf

Jawaab

J-A. C.

Walaal wey adag tahay in aan warcelin buuxda kaa siiyo. Sida dhibka kuu hayo waxay noqon kartaa in dareenka (nerves) ka imanayaan. Hadduu qofku ku seexdo ama culeys saaro xubin jirkiisa ahi wey iman kartaa in xubintaasi, sida gacanta, lugta, ay markaasi kabaayooto. Tala waxaan ku siin lahaa marka hore kuu dadaal in jirkaaga adkeysigiisa ama jimicsiga aad badsato. Hadaad wax ka dareemi weyso u tag dhaqtar si laguu baaro. Nabadeey

S-asc wr wb walal waxan ihaya xanun wan isxoqa ispitalkana weheysiya kinin wan barara daxanta iyo kulelika baa walal isheey emilkaka igusijawaab wr wb wan kusalamey

Xayat

J- A. C.

Walaal cuncun ama isxoqxoqid waxa haboon marka hore in baaritaan la sameeyo oo la ogaado waxa keenaya. Hadey cunto, cabid, wax jirka taabanayo oo ku dhibaya, dharka qaarkiis, kareem ama wax jirka la marsado. Haddii qofka dhiigag laga qaado lagana waayo wax cad oo keeni kara dhibkaasi markaasi waxay noqon kartaa in ay keeni karto in qofka maqaarkiisu qalayl yahay ama stress jiro. Dad waxa jira dhibkaan leh oo aan la garaneynin sababta keenta. Waxaase wanaagsan inuu qofku si fiican ugu fikiro sababta keeneysa iyo goorta dhibku imanayo. Qabow hadduu yahay waxa haboon in dhar fiican laga gashto.
Nabadeey.

S-Asalaamu caleykum
DR Marshaale

Dr waxaan rabaa inaad talo iga soo siiso xanuun ayaa mudo labo sano ka badan iga hayaa habadka, cunaha ilaa dhinaca caloosha,marka aan wax cuno waxaan dareemaa dikaamid xaga caloosha ilaa dhinaca wadnaha dhaqtarkeyga oo aan la xiriiray wuxuu ii sheegay in dhiiga la iga baaro dhigi marki la iga qaaday kadib wuxuu ii sheegay in caloosha effaction uu iiga jiro wuxuuna sheegay in waxaan ay yihiin wax carruurnimadeydi igu bilowday waxuu ii soo qoray daawooyin cupsals ah waan qaatay ilaa hadana wax iskama dareemin marka iga soo talo sii waxa uu dhaqtarka ku sheegay inay tahay cudur xaga caloosha ah oo caruurnimadeydi bilowday in kasta oo yaraantaydi aanan iska dareemin wax xanuun caynkaan oo kale ah dhaqtarkana wuxuu ii sheegay acid caloosha ka imaanaayo in uu wax gaarsiinaayo habadka iyo cunaha marka hadii aad wax ka fahamtay xanuunka noocan ah iga soo jaahil bixi maxaase qatar intaa ka badan ayuu naftayda u keeni karaa? fadlan iga raali noqo hadii aan qoraalkayga dheereeyey. Asalaamu caleyku

Abdi wali

J- A. C.

Walaal wax badan ayaan cadeyn si aan warcelin fiican kuu siiyo. Daawada magaceeda ama infektionka waxa sababay ma cada. Waxa sax ah hadii qofku laab jeexayo in xabadka xanuun uu soo gaarsiinayo. Sida ugu fiicani waxay tahay la xiriir dhaqtarkaaga una sheeg dhibka aad ugu tagtay waxa isbedel ku yimid. 

Nabadeey. 

S-Salaamu Calykum,

Waxa aan rabaa in aan wax ka ogaado cudurrada Macaanka (Sokorowga) iyo Kan Dhiig-karka marka ay qof ku wada dhacaan sidee ayaa loola tacaali karaa ee ugu habboon, inta badan waxaan maqlaa in ay yihiin laba cudur oo qof ay ku dhacaan ay dhib weyn u gaysan karto. Wabillaahi Tawfiiq.

Salad

J- A. C.

Sonkorowga ama Diabetes sida badan waa dhaxal. Waxa maanta loo qeybiyaa dhowr nooc. Labada nooc ee ugu muhiimsan waa: Nooca koowaad (Diabetes typ 1) waa kan caruurta. Daawadiisan waa in insulin (dawo irbad) la qaato. Nooca labaad (D typ 2) waa kan dadka dáda ah ku dhaca. Noocan dawadiisa waxa noqon kartaa in aan cunno dheeli tiran cunto, dhaqdhaqaaq fiican sameyso. Hadey ku filnaan weyso ayaa loo gudbaa kaniini ama irbad.

Dhiigkarka (hypertension) waa dhaxal sida badan. Tiro yar ayaa la gartaa sababta keentay, hase ahaatee inta badan lama oga sababta keentay. Dhiiga marka la cabiro adigoo dhowr daqiiqadood  (>5min) nastay waa inuusan dhaafin 140/90 (kan kore 140, kan hoose 90), sida badan waa 120/80. Dáda ayey ku xiran tahay cabirka inta uu la eg yahay.Sonkorowga iyo dhiigkarkaba waa laba xanuun oo si fudud qofka uu ilaalin fiican siin karo. Haduu qofku  1- Cunto dheelitiran, nafaqo fiican uu cunno. 2- Dhaqdhaqaaq fiican sameeyo. 3- Shiddada (stress) iska yareeyo. 4- Sigaarka iyo muqaadaraadka iska ilaaliyo wax weyn ayuu ka qabtay noloshiisa. Hadduu qofku cudurradaasi uusan si fiican wax isaga qaban waxay keeni karaa in qofku dhiig maskaxda kaga furanto, in wadnaha istaago, in faraha adimadda/gacmaha dhintaan oo la gooyo.

Nabadeey

Waaniye.com
 

   Dadka Soo Islaamay

   Dr Yusuf Marshaale 

  Su,aalo & Jawaabo Cafimaad

  Su,aalo & Jawaabo Diini ah

  Waaniye Guestbook

  Xikmad

 Waano

  Maqaalo

  Caqiido

  Caruurta

  Muxaadaro Qoraal ah

  Xadiis


Info

......

 Tell a Friend   Add to Favorites


Quran Audio
 Qaaf             Kahf                    Anfal                     Towba               Maryam      
 

Vote

 Waxaa ku socota shaqo!!!


Maamulka (Waaniye)
Waxaa Online ah Maamulka 0

Ducooyin

 Duco(Mustajaab)

 Duco(haabeen & Maalin)

 Duco(Culimo kala duwan)


 Dhalinyarada (Maqaalo)

 Waxaa Ku socota Shaqo!!!


Siirada Nabiga(SWC)

 Waxaa ku socota shaqo!!!


Gabdhaha Muslimiinta ah

 Waxaa ku socota shaqo!!!

 
Copyright © 2006 waaniye.com

Waaniye.com