|
السلام عليكم ورحمه الله وبركاته
CAAFIMAAD
Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka
Qaybtii 12aad
S-Salaan kadib,Walaal magacayga waxaa la yidhaa khalid ahmed smale waxan ahay arday wax ka barta india waxan jeclahay inaan waydiyo DR.Yuusuf .su aal odhanaysa waa maxay dawada ama irbada la yidhaa BOTOX maxayse qabataa iyo waxay ka dawo tahay intaba . waxan jeclahay inaad iga soo siiso war bixin dheerad ah dr. aad ayanad umahadsantahay bye bye ..
Khaalid
J-A. C.
Walaal BOTOX waxay ka sameysan tahay maado la yiraahdo botulinumtoxin typ A, taasoo hor istaagta in murqaha ay isku ururaan. Waxa lagu daweeyaa qofka qabaa dhib xaga murqaha ama seedaha kala soo gudboonaaday. Nabadeey.
S-Asc wr wb Dr: yuusuf marshaale marka hore waxaan kugu salaamay salaanta islaamka ee kor ku xusan ditoore anigoo ka faaidaysanaya fursada aad siisay umada soomaaliyeed waxaan ku weydiinayaa waxa keena cudurka af urka ama afka oo ay ka soo baxdo riix qurmoon walow qofku uu cadaysto dhawr jeer iyo waxa lagu dawayn karo insha alaah jawaab deg deg ah ayaan kaa sugayaa
Fadumo
J-A. C.
Dadka dhibka af urka leh waxa lagu qiyaasaa ilaa 70% dadka qaangaarka ah. Dadkaas dhibka qabaa ilaa 30% ka mid ahi dhibkoodu aad buu u badan yahay oo sababta iney keento iney dadka soo dhex galin cabsi urka dartiis ah.
Dhibka waxa keeni kara sababo aad u tira badan ay ka mid yihiin:
Afka: dhib ama infection ku dhaca xubnaha afka, sida carabka, ciridka, wasaq(raashin haraa) ku harta ilkaha dhexdooda. Ilkaha: Dhib/infection iliga ama xididkiisa gaara. Godad ilkaha ku sameysma. Dhuunta: godad yaryar oo dhuunta ku yaal oo keeni kara in cunto haraa ah ku raagto. Infection ku dhaca dhuunta (Tonsillitis). Marinka neefta: infektion ku dhaca sanka gudadkiisa, sambabada iyo xubnaha uu ka kooban yahay. Caloosha: Calool xanuunka dheeraada sida gastritis, laabjeexa. Waxaad sameysaa la xiriir dhaqtarka ilkaha marka hore si nadaafad buuxda ilkaha iyo afkaba loogu sameeyo. Hadey sabta taasi aheyn la xiriir dhaqtarka cunaha iyo dhegaha. Waxaadse marka hore isku daydaa in dhibka aad iska xaliso: Nadaafad ilkaha oo buuxda. ilkaha dhexdooda inaad xariga nadiifinta mariso, carabka xoqdo. Iska ilaaliso in afka qalalo ama haraad aad dareento. Cuntada qaarkeed iska ilaali sida basasha, toonta, iyo xawaajiga adag ee la mid ka ah. Nabadeey.
S-ASC WR WBR WALAAL WAD KU MAHADSANTAHAY SU AALAHA SIDA AD NOOGA JAWABTAY JZKL KHEEYR WALAAL WAXAN KU WEYDIIYE WAXA I XANUUNAYA DUUDKA MAKALA FAHMIN INEY MURQAHA TAHAY IYO INKALE TAQTARKEYGA WAAN LA XIRIIRAY WUXUU IGU DHAHAY DUDKA KUMA XANUUNAAYO WAA FAHMI LA AHAY SUBAXDII KAMA KICI KARO HADII LA IGA RIIXO WAAN SOO KICI KARAA MARKA MA FAHMIN XANUUNKAN WAXA IXANUUNEYSO LAFTA DHAXDA AH EE DUUDKA IYO MEESHA LABADA MURUQ KU AADANYIHIIN OO GEESAHA LAFTAAS AH HADII AAD WAX KA FAHANTO IIGA SOO JAWAAB HADII AD II HELI KARTO DAWO FREE RESEPI AHNA II SOO QOR JZKL WALAAL WAXA KALOO KU WEYDIIYE CUNUG YAR OO 6 WEEK AH MA QAADAN KARAA SHAROOBA FERADA CARUURTA 0.5 ML SUBAXDA IYO HABENKA MAKA BADANTAHAY MISE ILAA MEEQA BIL AYAA LA SIIN KARAA MASE LAGA YAABAA INEY DHIIGIISA AD UBADISO MISE WAA OK
Sahra
J-A. C.
Walaal xanuunka duudka waxa keeni kara sida badani waa murqaha, seedaha iyo xubnaha jilicsan. Wey dhici kartaa in dhibka ka yimaado lafaha. Waxana haboon hadii laga shakisan yahay laf dhabarka in X-ray/raajo la isa saaro. Hadii ay murqaha yihiin dhibkana waxa haboon in culeyska la iska dhimo, jimicsi la sameeyo, luga baxsi maalin kasta (30 daqiiqo). Waxa haboon dawo xanuunka kaa yareysa ama kaa qaada xanuunka.Hadii caruurta ku dhalatay dalalka reer galbeedka la magac baxay uma baahna in la siiyo daawada feerada ah haduusan dhaqtar u qorin. Nabadeey.
S-asalaama caleykum aqii waxan rabaa inan ku weydiiyo su,aal ku saabsan murqaha.aqii waxaan heystaa wiil yar oo 5jir ah waxuu ku socdaa faraha markuu soconayo wuuna dhacaa inta badan, waxaa kale oo jira in ay ku adagtahey inuu istaago tuusale markuu istaagaayo waa in uu gacmaha dhulka dhigtaa. waxaakale oo ku adag inuu jaranjarada fuulo maxaad igula talin laheyd?? waxaan deganahey dalka Denmark,dhowr jeer ayaan dhaqtarka la kulmey ,waxaa la geeyaa gymnastik iyo dabaal uusbuuc kasto hal mar. ilaa iyo haatan wax baaris kale ah looma sameyn. waxaan rajeynayaa inaan jawaab kaa helo insha allaah...
Hodan
J-A. C.
Walaal warbixin badan ayaa ka maqan weydiintaada. In dhibka uu ku dhashay ama mar danbe ku yimid iyo waxyaabo kalaa ka maqan weydiintaada.Dhibka murqaha ama balansiga socodka, istaaga iwm waxa ku haboon in lala xiriiro dhaqtar Neurolog ah. Waxa daawada ugu haboon ay tahay in rehabilitation xaga murqaha, seedaha iyo xooga qof lagu kabi karo. Nabadeey.
S-Waan ku salaamay DR. Yussuf Marshaale, aad ayaana ugu faraxsanahay In aan helno talooyin Caafimad oo Free ah, ALLAH hakaga abaal mariyo. Marka aan u soo dhoco su'aasheyda ah oo Cudurkan Layiraah HELICOBACATER PAYLORI, iyo Dhibaatada qofka u keeno, iyo Qaabka lugu ogaan karo Jiradaas, Mahadsanid walaal, Waxaaana ii kala dhig dhigtaa Jirada, wax keena iyo Qaabka uu bukuhu u dareemo, iyo Dawada markaas loogu tala galay, Wabilahi towfiiq
Hussein
J-A. C.
Walaal bakteriyada Helicobacterpylori dadka badankiisa calooshooda wey ku jirtaa, hase ahaatee qaar ka mid ah ayey dhib ku keentaa. Maqaarka caloosha (mucous membrane) ayey dhaawac ku sameysaa taasoo infektion keenta, xanuunna keenta. Baaritaanka bakteriyad: dhiig leyska qaado, neefta oo baaritaan lagu sameeyo, tubada caloosha(gastroskopi) looga soo qaado xubno caloosha oo baaritaan iyo abuurba lagu sameeyo. Daawada laga qaataa waa sadex noo oo mar la wada qaato (2 nooc oo Antibiotik ah iyo daawada caloosha dhacaankeeda wax ka qabata (PPI=protonpumpinhibitor). Nabadeey.
S-walaal waan ku salaamay,walaal waxaa layga qalay kansar xaga dhuunta ah sida laygu yiri inkastoo aan is lee yahay waa laga bad badiyay xanuunka i haayay.marka walaal waxaan rabaa inaad wax iiga sheegto wax yaabaha keena,iyo sida uu ku biloowdo iyo nuucyadiisa waa kansarka dhuunta gala.waaad mahasan tahay.
Aamina
J-A. C.
Walaal kansar dhuunta ku dhacay oo aad noociisa soo sheegin wey adag tahay inaan warcelin ka sameeyo. Kanserka waxa loo qeybiyaa mid aan dhib aan laheyn iyo nooc aad u dhib badan. Kansarada dhuunta ku dhacaa wey badan yihiin. Dhibka ay keensan karaan iyo sida lagu daaweeyo waxay ku xiran tahay meesha dhibka ku dhacay iyo nooca kaserka. Waxa uu ku Dhici karaa xubnaha dhuunta gudaheeda (hypopharynx, pharynx, larynx etc) ama banaankeeda qanjirada ah (lymphgland, thyroidgland etc). Sababaha keenaa awaxa ka mid dhaxal, infektion, badsashada cabitaanka/cunnada kulul, sigaarka ayaa ka mid ah. Nabadeey.
S-asc wr wb.salaan ka dib dr;maxaa keena raga kaadida la deg-dega oo aan ceshan karin saameenna maku yeelan kartaa taranka qofka dhibkaasi qaba. jazakallaah
Mustafe
J-A. C.
Walaal kaadida oo lala degdego sababo kala duwan ayaa keeni kara. Waxa ugu badan infection ku dhaca marinka kaadida iyo qanjirka PROSTATA oo weynaada. Balan ka sameyso dhaqtarkaaga si laguu baaro. Dad badan oo dhibka kore qabaa oo xagooda taranka dhib ku dhicin ayaa jira.
Nabadeey.
S-dhakhtar waan xanuunsanayaa waxaana xanuunkaygu ka koobanyahay shaki waan shakiyaaa waxaan sameeyana waan garan la,ahay dhakhtar ma garanaysaa waxaan iskaga daaweeyo shakiga oo dhibaato wayn igu haysa?
Maxamed
J-A. C.
Walaal shaki qof kastaa wuu sameeyaa, hase ahaatee shakiga badan oo aan sabab adag jirin waxa haboon inaan la xiriirto dhaqtarkaaga (family Doctor), hadii aad heli kartana dhaqtar psykiatrik la kulanto si daawo laguula tacaalo. Hana ilaawin in daawada ugu haboon ay tahay adigoo quraan aqriska, cidaada Eebe loogu dhawaanayo badsada, kana fogaada waxyaabaha nafta dhibaya oo stresska ku keeni kara.
Nabadeey.
S-walaal marka hore waan ku salamaya salaan kabid walaal waxaan rabaa in aan ku weeydiyo su,aal dr,waxaa liga hayaa lugaha habeenkii waay i hurayaan sogsigana ma qaadani karo iyo kabaha daboolan marka maxaan sameeyaa
Maxamuud
J-A. C.
Walaal waxa haboon inaad dhaqtarkaaga la kulanto oo aad check-upp/medical examination sameyso. Dhiig faxsi ahna lagaa qaado. Waxa laga yaabaa daal ama dhib ka yimid taagnaan badan, nerfayaasha ayey noqon karaan iyo sababo kaleba.
Nabadeey.
|