Weydiiso Dhakhtarka Su,aashaada!!!         
Menu


Login
Nickname

Password



Maxaa Cusub
Rb-al Thani 1428

 Waaniye Guestbook


Sh Yusuf (Fatwa)

 Waxaa Ku socota Shaqo!!!g!!

 

 

Links

 Aflax

 Runta

 Duruus

 Tafiiq Masjid

 Maktabada Maanta

 Khalid Masjid

Anasheed

 Dacwah

 Islam Way

 Islaam Web

 Altaqwaa

 Golaha Imaamyada

Weydiimo iyo Wercelino ku saabsan caafimaadka   

 ::Caafimaadka Dr Yusuf Abdulkadir Marshaale
Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka 
Suaal

S-AC
Dr salaantaas kadib waxan ku weydiin lahaa xanuun aan isku arkay in mudo ah oo aan reer lahaa xanuunkaasi waa Biyaha(shahwada) oo degdeg usoo baxaysa. waqti kasta iyo anigoo markaas qancaya oo ay qaadanayso inaan u baahdo galmadda mudo aad u dheer. xanuunkaas maxaa loo yaqaan,ama keena mahadsanid

 

Hassan

Jawaab

J-A. C.

Premature ejakulation ayaa loo yaqaan. sedexdii ragba mid ayaa dhibkaas qaba. Waxa loo maleeyaa iney keeneyso madaxa xubinta taranka ragga oo dareenkiisa aad u badan yahay, qofka oo wel wel ka qaba iney biyaha deg deg uga soo baxayaan oo fikir gelisa. "Nin tuur leh siduu u seexdo isagaa yaqaan" ayaa la yiraahdaa. Ragga badankood waxay isku dayaan iney ka fikiraan wax kale, ragga qaar ayaa isku daya iney ilkaha wax ku ruugaan ama ku qabsadaan goosaha iwm. Waxa jira dawooyin kala kareem, spray, kaniini ama irbado la isticmaalo. La xiriir dhaqtarkaaga hadaad daawo u baahan tahay.
Nabadeey.

Suaal

S-asc wr wb dr su asheydu waxay tahay in mudo ah ayan ka xanuunsanaa caloosha xudunta ku aadkeeda dhinaca bidix wuxuna xanuunkas igu bilowday markan dhalay ilmihii afaraad waxan la xiriiray dhaqtarkeyga wuxuu iidirey iskeyn ama kumbiyuutarka qofku wadagalo waxaa la iga saarey caloosha gadib waxaa la,iisheegey inaan qabo jiraad(endometriose) ineena iiga yaalaan Minka afkiisa, Xididka kaadiheysta iyo xididka unugyada. marka dr Maxaa lagu ogaadaa asbaabaha jiradan qofka qaba. Halkumbiyuutarna malagu hoolgalikaraa ? Maxaase daawo u ah? asc wr wb

Sureya

Jawaab

J-A. C.

Walaal Endometrios waa marka mucous membran-ka ilmagaleenka uu meel kale lagu arko oo aan ilma galeenka gudihiisa aheyn. Caloosha gudaheeda, ilmagaleenka dibadiisa, marinka ugxanta, kaadi heysta iyo meelo kale oo la mid ah ayaa badanaaba lagu arkaa. Sababta keenta lama oga. Waxa loo maleeya haweenka markey caadada qabtaa in dhiig xaga dambe caloosha u gudbo, meesha uu dibada ugu soo bixi lahaa, taasoo keeni karta in unugyada ka yimid ilmagaleenka ku beermaan meelo kale oo aan loogu tala gelin. Calaamadaha: Xanuun badan sida xiliga caadada, marka jamaaca/isku taga/jinsiga la sameeyo, mararka qaarkood xanuun saxarad/kaadida. Habka ugu haboon ee lagu ogaado waa LAPAROSKOPI in lagu sameeyo caloosha oo laga soo gooyo xoogaa isbedelkaas oo baaritaan lagu sameeyo. Daawada waa hormon ama qaliin la sameeyo oo la soo gooyo Endometrioska(waana soo noqon karaa qaliinka ka dib).
Nabadeey.

S-Ditoore waa maxay ereyga caafimaad?

J-A. C.

Caafimaad hadii la qeexo qof walbaa si gooni ah ayuu wax uga sheegi karaa. Caafimaad maaha kaliya inuu cudur kaa maqan yahay in la yiraahdo qofkaasi wuu caafimaad qabaa. Qofka oo dheelitirnaan fiican ka leh jir iyo maskaxba (markuu gurigiisa ama dibada joogu), kuna qanacsan noloshiisa/nololmaalmeedkiisa ayaa la dhihi karaa waa caafimaad. In mar mar nolosha la kulanto xanuun waxa ka mid tahay nolosha.
Nabadeey.

S-Aslama calaykum Dr:Yuusuf A.Marshaale waxaan wax yar kaa waydiin lahaa arimaha dhalma la'aanta inkastoo uu illaah haayo ilmaha qofkuu rabana uu siiyo wiilal ama gabdho ama uu isugu dhafo qofna uusan siinba marka anigu waan is baaray baaristii ugu danbaysay wuxuu i soo yiri dhaqtarku waa in shahwadaada lagu xoojiyo dawooyin kadibna lagu shubo xaaskaaga marka bal arimahaa wax cilmi ah ma u leedahay ama talooyin ah illaahayna ha fududeeyo arimaha muslimiinta meel kasta oo aay jogaan waad mahadsan tahay waqtiga aad na siisay anigu waxaan jooga wadamadaan iskandeneefiyaanka marka takhtarka i baarayna wuxuu joogaa wadamadaan wuxuuna igu yiri shahwadaadu qawi maaha micnaha awood badan malaha oo waa laciif aad ah marka sidaa aan kuu sheegay samee sikale malaha. Waan kaa war sugayaa wixii kaloo aad iigula talin lahayd jazaakumullahu khayran salama calaykum Dr yuusuf A.Mrshaale.

 

Kamal

J- A. C.

Walaal dhalma laáan inuu Eebe dadka qaarkiis ku keeno waad ogtahay. Dhibka dhalma laáanta labada is qabaa waxa la ogyahay in 1/3 sababta ay ragga tahay, 1/3 sababta dumarka tahay, 1/3 uu dhibku labadoodaba ka iman karo. Ragga waxa sababtu noqon kartaa inuu sperms-ka (minida/shahwada) ay tiradooda yar tahay, ama awoodooda socodka yar tahay, in muddo yar gudohood ku dhimanayaan. Taasina waxa laga yaabaa iney sabatay inuu qofku dhib uu ku dhashay leeyahay, dawooyin uu isticmaalay ay sababto, infektion marinka dhalmada/kaadimareenka kaga dhacay ama uu leeyahay cudur joogto-dheer(chronic disease). Daawada ama xalka waxa ka mid hadii sperms-ka dhib qabaan waxa la qaataa dawooyin badaniya tiradooda, awoodooda ama socodkooda. Waxaa kaloo lagu dari karaa in sperms-ka iyo ugxanta la isku geeyo (IVF= in vitro fertilation) ka dibna ilmagaleenka lagu beero. Dad badan ayaa kaalmo fiican ku helay oo Eebe ilmo ku siiyay. "Wuxuu Eebe rabo cid celin kartaa maleh, wuxuu mamnuucayna cid bixin kartaa maleh".
Nabadeey.

S-Asaalaamu Caleykum

Dr waxaan deganahay waddanka emaaraadka waxaana iigu dhashey ilaa 8 ilmood waxyaabaha aan ka cabanayo waxay tahay gooryaanka ilmaha gala oo in uu ilmaha ku jiro aan tuhun ka qabno ayey dhaqtarada waddankaan jooga yiraahdaan ilmo wadankaa imaaraadka ku dhashey gooryaan ma gelim karo marka sidaasi ma saxbaa?

Abshir

J-A. C.

Gooryaanada caruurta gala dhowr nooc ayey u kala baxaan. Wadamo ay ku badan yihiin iyo kuwa ay ku yar yihiin wey jiraan. Dalalka lagu tiriyo horumar iney nolosha ka gaareen wey ku yar yihiin, hase ahaatee raashin fara badan ayey ka keensadaan wadamada horumarka ku talaabsanaya, sida qudaarta iwm. Waxa kaloo jirta dad badan oo ka yimid dalalkaas oo qaba isla markaana qaadsiin kara, haduu yahay mid raashin aad ka iibsato ama wax kaleba aad ka gadato. Marka haddii laga shakisan yahay gooryaan waxa haboon in kontrol la sameeyo. Wadamada reer galbeedka ah ayaa lagu arkaa caruurta qaarkood gooryaanka.

Nabadeey.

Waaniye.com
 

   Dadka Soo Islaamay

   Dr Yusuf Marshaale 

  Su,aalo & Jawaabo Cafimaad

  Su,aalo & Jawaabo Diini ah

  Waaniye Guestbook

  Xikmad

 Waano

  Maqaalo

  Caqiido

  Caruurta

  Muxaadaro Qoraal ah

  Xadiis


Info

......

 Tell a Friend   Add to Favorites


Quran Audio
 Qaaf             Kahf                    Anfal                     Towba               Maryam      
 

Vote

 Waxaa ku socota shaqo!!!


Maamulka (Waaniye)
Waxaa Online ah Maamulka 0

Ducooyin

 Duco(Mustajaab)

 Duco(haabeen & Maalin)

 Duco(Culimo kala duwan)


 Dhalinyarada (Maqaalo)

 Waxaa Ku socota Shaqo!!!


Siirada Nabiga(SWC)

 Waxaa ku socota shaqo!!!


Gabdhaha Muslimiinta ah

 Waxaa ku socota shaqo!!!

 
Copyright © 2006 waaniye.com

Waaniye.com