S-Asc.dir marka hore waan ku salaamayaa bacda salaan waxaan rabaa in aan kaala tashto arinyar taasoo ah marka hore waxaan ahay gabar da,deedo tahay 26 jir waxaan qabaa xanuun lagu maga caabo SLE,kaasoo wax badan aan laxanuun sanaa ilaa iyo mudo 7 sano ah marka hada waxaan qaataa daawo eey dhahaan dhaqaatiirto wey ku caawineeysaa ,seel yift.magaceeduna waa seykolofosfamiidh waxaana qaadanooyaa ilaa iyo halsano welina waa ii socotaa marka waxaan kala kulmay dhibaatooyin bada waxaan doonayaa in an iska joojiyo maxaad igula talin laheeyd ka dhaqtar ahaan hadii aad cudurkaas faahin buuxdo iga siin laheeyd aad baan ugu farxi lahaay waadna mahadsantahay ,wasalaamu caleeykum dir jawaab degdega ayan kaa sugayaa inshaaa
Shariifo
J-A. C.
SLE= systemic lupus erythematosus: waa xanuun rowmatism oo joogta ah ama dheeraada, keenana xanuun barar wata (inflammation) kuna dhaca xubnaha jirka oo dhan. Sababta keenta lama yaqaan, hase ahaatee habdhiska difaaca ayaa keeni kara in xubnaha jirka uu weerar ku sameeyo. 5 nooc ayuu u qeybsamaa. Dumar ayuu ku badan yahay (15-45 sano), ragana wuu ku dhacaa. Calaamadaha lagu gartaa waxay ku xiran tahay xubinta jirka ah ee uu ku dhacay. Waxaa qofka qabaa lagu arkaa ugu yaraan ilaa 4 calaamado oo lagu garto cudurkan: 1- Maqaarka wajiga(goomanka) oo isbadela. 2- Qoraxda oo dhibta. 3- nabar afka ka soo baxa. 4- kelyo xanuun. 5- dhib neerfaha ku yimaada. 6- dhib dhiiga ku yimaada iyo in kale. Kortison aya lagu daweeyaa. Waxaa kalo la isticmaala dawoyinka hakiya qeybsanka unugyada sida Azatioprin, Cyklofosfamid. Cyklofosfamid-ka marka xididka laga qaadayanayo ayey dhibka ay keeni kartaa yar tahay. Waxay eeni kartaa: lalabo/laqanyo, kaadida oo dhibta, timaha oo dhaca (mase badna). Talo waxa iga ah ha joojin dawada ee la tasho dhaqtarkaaga si uu kuu siiyo dawo kaa yareysa ama kaa joojisa dhibka aad sheeganeyso.
Nabadeey.
S-s\c walaal waxaa qabaa su.aal taas oo ah walaal waxaa igu dhacey cudurka hiv mudo 7sano laga jogo ,waxaa ka qaadey nin keyga oo isaga hada u lito, walaal isaga wuu iga daran yahey oo aad ayuu u xanuunsan yahey, walaal waxaan rabaa hadii aad igu dhaantin ma dhali karaa curuur waxaan maqley waa la dhali karaa mise u maleyneysaa ilmahaan in uu ka bad baado igu soo jawaab sida ugu dhaqsiyaha badan waa mahad san tihin .
Farhiyo
J-A. C.
Haween badan oo qaba cudurka HIV ayaa dhalo caruur aanan laheyn dhibka. Hadduu qofku xiriir joogta ah la yeesho dhaqtarkiisa iyo umulisada ka hor tag ayaa loo sameeyaa si uunan aruurta dhalaneysa uga badbaado.Nabadeey.
S-asalamu calaykum waraxmatulaahi wabarkatuhu
salaan kadib dr waa kumahadsan tahay sida wanaagsan ee aad noogu hagarbaxayso ilahayna ajarkeeda hakusiiyo amiin walaal su,aashaydu waa waxaa layga hayaa lafaha iyo murqaha jirka oo dhan. waxaan u tegay dhakhtar.waxaa layga qaday dhiigag. waxaana layga helay in lafaygu diciifeen oo aan qorax ubahanahay iyo fiitamiin (D ) waxaana laysoo qoray kiniinka layiraado kalsiyam oo fiitamiin diiguna ku jiro marka sidee ayuu ii anfacayaa qorax ma u bahanahay mese kiniinkaa keliya ayaa igu filan oo lafaha dhisaya .lafaha oodhana waa is xoqayaan, waa sanqarayaan,ruugaga ayaana iigu daran oo aad u malaynaysaa in lafuhu islisayaan ama isxoqayaan. marka walaal maxaa kenaya sanqarta lafa . walaal bal jawaab faahfaahsan iga soosii .inshalaah mahdsanid wswrwb.
Hawa
J-A. C.
Ileyska qoraxda waxa jirka ka kaalmeysaa in madooyin ku jira u bedesho Vit D. Dhulalka qabowga marka la degen yahay waxa badanaaba dadka ka yimaada dhulalka kulul ku dhaca iney inay xanuuno lafa xanuun, murqa xanuun kaa soo ka iman kara in vit D, kalsiyamka jirka ku yar yihiin. Vit D waxa laga helaa kaluunka/malaayga inta badan, waxase kaloo laga heli karaa ukunta, hilibka, subaga dhirta, qudaarta.
Dhawaaqa kalagoysyada waxay ka iman karaan in carjawda daboosha lafaha ay dhumucdeeda yaraatay, taasoo keenta in dhawaaqaas la maqlo.
Nabadeey.
S-Asalaamu Caleykum ,
Walaal waxaan ahay qof dumar ah oy haysato dhibaato Ku saabsan caloosheyda ,taas oo ii keenta in ay makeenku i xanuuno iina diiday ilaa iyo hada muddo 7saano ah in aan ilmo qaadiwaayo(uureysanwaayo)
Fartun
J-A. C.
Uurka, dhalmada Eebe ayaa haya. Hadii laba isqabtaa ay uur isku qaadi waayaan waxa haboon in labada qofba isbaaraan (iyadoo la dhihin qofkani horay ayuu u soo dhalay ama ma dhalin). Labada qofba dhibka wey ku dhalan karaa ama mid mar dambe ku dhacay ayuu noqon karaa. Sababta waxay ka iman kartaa 1/3 ragga, 1/3 dumarka iyo 1/3 labadooda.
Nabadeey.
S-Sc, waan kusalaamay walaal Ilaah hakaa ajar siiyo howlahaaga aad ku caawinayso dadka, waxaan doctor ku weydiin lahaa, waxaan ahay dadka afkooda si kasta oo ay u cadaydaan aan hawada halitosis ka ka dhamaan, waxaan isku dayay si kasta inaan nadiifiyo, daawo kasta ku luqluqdo, dentiisa inadiifiyo weli dhibka igama tegin, waana chronic ilaa yaraanteydii hadana nin da weyn ayaan ahay marka, maxaad talo igu caawin kartaa.
Jazakallahu kheyr.
Jama
J-A. C.
Walaal Halitosis-ka dadkoo dhan way isku arkaan ha ku kala badnaadaanba. Sababaha keenana wey fara badan yihiin. Mida ugu badan oo keenta waxay tahay afka: ilkaha, ciridka, carabka. Waxa xiga waa dhuunta iyo godadka sanka, caloosha oo infektion ku dhaca. Cudurada joogtada/raaga sida sonkorowga, kelyaha, beer xanuunka wey keeni karaan. Dhibka la kaasho 1) dhaqtarka ilkaha, 2) Dhaqtarka cunaha, sanka iyo dhegaha, 3) Dhaqtarka caloosha ama dhaqtarkaaga (family Doctor).Nabadeey. Waxa jira dad cuqdad xoog leh qaaday (Halitofobi) oo aan u soo dhawaan dadka ama markey la hadlayaan gacan ama dabool afka saaranaya. Candhuufta waxa ku jira bakteriya iyo enzyms oo cuntada jejebiya. Bakteriyada qaarkeed waxa ka yimaada sulphur, kaasoo ah urka afka laga dareemo. Waxa farmashiyayaasha ama dukaamada lagu gadaa xanjooyinka ku jira ZINK, kaasoo kaa caawinaya iney yareeyaan urka ka dhalan kara afka.
Nabadeey.
S-asalaamu caleykum.dr yuusuf ilaah kheyr haku siiyo sidaad waqtigaaga noo siisey.walaal waxaan ahay gabar aad u da, yar kuna nool wadamada galbeedka.mudo ayaan isku arkay xanuun madaxa o badan,iyo xanaaq badan,waxaanan iska waayey caadadii,markaan dhaqtarka genokolga la xiriireyna waxeey ii sheegeen in aan ku jiro waqtigeey iga dhamaan laheyd caadada,laakiin waxeey ii qoreenkaniiniyo(NOVOFEM)walaal wax dhib ah ma leeyahay kiniinkaas,waxaan maqley inuu keeni karo cancer.e maika iigu soo jawaab.jzk kheyr
Xaawo
J-A. C.
NOVOFEM waxa uu ka kooban yahay laba hormon estradiol iyo noretisteron (waa hormoono caadiyan haweenku leeyihiin). Baaritaan la sameeyay wuxuu muujiyay haweenka isticmaala kaniinigan uu ku badan yahay inuu ku dhaco xinjirowga, canserka naaska iyo ilmagaleenka. Dhibkana wuxuu ku xiran yahay da´da qofka, dhaxal (waalid/walaal cancer qaba), waqtiga isticmaalka oo dheer. Marka intaan la bilaabin la tasho dhaqtarkaaga una sheeg wixii jira si la isku barbardhigo faaíidada iyo qasaaraha. Dhibabka (side effects) kale waxa ka mid ah madax xanuun, naasaha oo barara, wareer, culeyskoo kordha, lalabo/laqanyo, laabjeex.
Nabadeey.