S-salaamu calaykum walaal waxaan igu dhacay dhagxanta
kilyaha waana laga saaray waana iga dhaawacmeen oo
borotiinka bay daadinaysaa uurna waan leeyahay marka dhibaato ilmaha ma ugaysanayaan.
Nadiifo
J- A. C.
Walaal wax dhib ah maaha haday sii deynta protien-ku yahay wax yar. Sida badanba hadey haweenku uur yeeshaan waxaa dhici karta in xoogaa protien ahi ay kaadida soo raacdo. Waxaana aad u wanaagsan in si joogta ahi leysaga baaro taasi islamarkaana lala socdo cabirka dhiiga si dhiigkar leysaga ilaaliyo. Barritaanka iyo joogteynta u tegida umulisadu waa muhiim. Nabadeey.
S-ugu horayn a/c walaal kay waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka a/c markale salaan ka dib waad ku mahadsantahay qaabka casrigaa oo aad umada khibradaada alle ku baray aad uga faa iidaynaysid intaa ka dib walaal waxaan ahay wiil 22 jir ah wax xaasana ma lihi cudurna ma qabo waxaan ahay nin caato ah oo aad moodaysid markaad aragtid inuu xanuu halakeeyay cuntadana dhab uma qaato maxaad igula talin lahayd dr yuusuf waad mahad santahay waxaana rajaynayaa inaad ii soo jawaabi doontid
Maxamed Cabdi Abshir
J-A. C.
Walaal culeyska yar waxa loo qeybiyaa mid qofku uu ku talagal u sameeyay iyo mid dhib jiraa (xanuun iwm) keenay. "Cuntada dhab uma qaato" ayaa tiri ma waxaad ula jeedaa iney ku dhibeyso, mise adigaanan cuneyn si aad culeyska isaga ilaaliso. Qof kastaa waxaa ku haboon inuu culeys dheeli tiran leeyahay, ee uusan buurneyn ama caato uusan aheyn. Marka hore ku dadaal inaad baaritaan caafimaad sameyso, oo aadna dhaqtarkaaga u sheegto. Waxa la fiirinayaa dhirirkaaga iyo culeyskaaga. Hadii baaritaan wax dhib ahi laga arki waayo oo uu culeyskaaguna hooseyn waa wanaag. Hadii aad rabto inaad culeyska kordhisatana waxaad dhaqtarka ka codsataa inuu kulan kaaga sameeyo ama warqad kuugu diro Dietist.
Nabadeey.
S- dr marka hore waan kusalaamayaa salaan wacankadib waan xanuunsanahay waxaana layga hayaa dhabarka jug waan jug dhowr jeer igu dhacday marka marar badan ayaa laygu sheegay neerfe waana qaatay cirbadaha ilaa hadana waan dareemayaa xanuunkii marka dr waxaan rabaa inaad bal arintaas wax kaqabato
Jaamac
J-A. C.
Xanuunka dhabarka waxa uu noqon karaa lafdhabarka, murqaha, seedaha, nerfayaasha. Waxa hadey lafaha yihiin raajo caadi ah ayaa lagu arki karaa. Hadii uu dhibka ka imaanayo meelaha kale raajooyinka kompiuterka ahi ayaa lagu arki karaa. Dhabar xanuunka hadii uu keenay murqaha daawada ugu fiicani waaa jimicsiga iyo in murqaha dhabarka aad loo adkeeyo. Hadii aanan raajo lagu saarin islamarkaana dhibku weyn yahay weydiiso dhaqtarkaaga baaritaankaas.
Nabadeey.
S-ASWB, Walaal marka hargabku wuxu iiga dhaca sanka iyo dhuunta qaybta sare waxaan jeclahay waqtigaas & caadiyan inaan cunto aad u kulul cun (dabka ayaan u j) taasi in kancerka dhuunta miyey factor u noqon kartaa. jzkh.
Kinsi
J-A. C.
Walaal dad badan ayaa qaba ama sameeya in wax diiran/kuleyl cunaan ama cabaan markuu hergabka hayo. Waxaase jira kaniiniyo ( cough lozenge) oo la isticmaali karo. Cuntada ama cabitaan diiran ama xoogaa kululi wax dhibi meyso. Hadey cuntada aad u kulushahay oo ay keeni karto in markey dhuunta ama hunguriga sii mareyso dhib u geysaneysa ma fiicno. Dhibka loo maleeyo inuu keeno cansarka dhunnta waxa ka mid ah laabjeexa muddo dheer ku hayay oo aadan iska daweyn oo keeni kara inuu bedelo unugyada (mucous membrane) marinka hunguriga, qamriga, sigaarka, qaadka.
Nabadeey.
S- asalaamu calaykum wr wb walaal waan ku salaamay salaanta islaan waxaan su aasheydu waxay tahay waxaan ku jiraa ilaa mudo 7sano (IVF AMA ICSI) waxaan qataa dawada (DECAPEPTYL0,5)oo aan bilaabo maalinta labaad oo caadada iyo(puregonoo 300aan isticmaalo maalinta maalinta sadaxaad oo caadad ilaa ugxaanta maalin ta ay gurayaanoo ay ku darayaan shahwadii marka walaal waxaan aad uga wal walaa maxay daawadaa dhib ah oo ay keeni kartaa ilaah mahadiis waxaan haystaa labo caruur ah oo aan saa ku dhalay waxaana jeclaha innsha alaah inaan mid sadexaad dhalo hadii rabi ii fududeeyo waxaana kalida mid iiga taalaa makaanka ilmo galeenka daawadaas maxay dhib keeni kartaa innsha alaah waxaan walal jeclahay inaad jawaabta ii soo dadajiso waxaad talo walaal aad igu talisana waan jeclaan lahaa wabilaahi towfooq wasalaamu calaykum wr wb
Sahro
J-A. C.
DECAPEPTYL maadada ay ka sameysan yahay waa Triptorelin, waxa uu caawinayaa ENDOMETRIOS. Side effekt-geeda waxa ka mid ah: Dhiiga xinjirowgiisa oo xumaada, dhacaan ama dhiig makaanka ka yimaada oo bata, madax xanuun, daal tira badan, kalagoys xanuun, hurdo xumo.
PUREGON iyada waxay ka sameysan tahay Follitropin beta, waxana la isticmaala marka haweenka laga kaalmeynayo iney uurka qaado. Dawada waxay kordhineysa awooda/tirada ugxamaha. Side effekt-geeda waxa ka mid ah: calool xanuun (ugxamaha oo tira bata ama weynaada aya keeni kara), lalabo, shuban, ugxamaha oo dilaaca markaasna caloosha biyo/dhiig galaan, xinjirow inuu dhiiga ku yimaado. Waxaas aan kor ku xusay waxa suurtagal ah inuu qof xoogaa ku yimaadaan, qofna waxba ka arag ama si fudud dhibka u arko. Waxa ugu muhiimsan waa in qofka baaritaan fiican lagu sameeyo intaan daawda la bilaabin. Hadii la bilaabana kontorol joogta ahi la sameeyo.
Nabadeey.
S- salaanta islaamka ka dib dr yuusuf ilaah hakaa abaalmariyo sidaad daka u caawineysid,walaal waxaan arkay gabar ku weydiisey kaniiniga(NOVOFEM),walaal anigaa la ii soo qoray ,waxaan rabey inaan ku weydiiyo kaniinigan ugxanta muu kordhiyaa,mase dhici kartaa inuu sahlo inaan uur qaado
Luul