S-walal dr. yuusuf waan ku salamayaa alle ajar iyo xasanaad ha kaaga qor dad walalahag ee sida hagar la,aanta ah ee aad uga siisay wakhtigaag qaaliga ah ama aqoontaad intaa ka dib hadad u soo dego su,aashayda oo ah dhawr su.aalood
1..walal in mudo ahba wax i xanuunayey lugta qaybta hoose oo kala goyska hoose taas oo mar marna aana ka socon karin mar marna wax i hayaa iga baabayo oo aan caadi noqonay tan kale dhabarka ayaa xanuunka lugta iga hayaa gaadhey oo isna mar mar xanuunku dhabarka ayuu tegayaa lugtuna caadi ayey noqonayaa marna lugta ayaa layga qabnayaa oo dhabarku waa caadi,dhakhtaro badan ayaan la kulmay ilaa imika wax i haya waa garan la yihiin xataa lugta mar ayaa layga galay canqawga hoose wax is bedel ahni kama iman qalinkii ka dib, markaa walal maxaad igula talin lahayd 2-walal iayag wax dhib ugu haya xiliga qabowga kaadid oo aanan hayn karin in mudo ah hadii wakhtiga lagu jiraa yahay qabow,iyana dhakhtarku kaadi iyo dhiigaba wuu iga qaday iyana wax xal ah kama gaadhin,xataa iayan wax dhib kale iga hayaa luga halka ugu hooseysa oo xiliga qabow aad moodid inan talaaga kula jiro qaybta barafka hadad laba sharab xidhan nahay iyo kabo waxaad mooda ianan waxba sidan bananka iyo guriga hadaan joogoba waa isku mid xataa anigoo sharab gashan busten saaran yahay ayaad mood ainaan cagah baraf kula jiro.. 3-walal hadii la cabir sonkortaad oo ay noqoto 5.5 miyey qofkaa haysaa xanuunka sonkor macaanka..tan kale dawada la yidhaahdo METFORMIN ALPHARMA..maxaa loo cunaa walaal.
Mahad
J-A. C.
Walaal sida aad ogtahayba xubnaha laga dhaqaaqo (oo ka kooban lafo, muruqyo, seedo, xiddido, neerfayaal) hadduu xanuun/dhib ku dhaco waxa ay qaadataa sida looga bogsado in muddo ah. Run ahaantii wey igu adag tahay inaan si wanaagsan uga warceliyo weydiintaada. Waxaanse u maleynayaa dhib ka imaanaya intaas aan kor ku tilmaamay mid ka mid ah. Haddii qofka da'da ku korodho oo uu dhaqdhaqaaq badan oo joogta ahna sameynin wey fududahay si dhibkaasi ugu yimaado.Kaadidia badani ee xiliga qabowga ahi hadii qofka laga baaray sonkor, qanjirka xiniinta ku ag yaal (prostata) ama infekshan oo ay fiican yihiin wax dhib ahi ma laha. Lugaha dhibka aad ka sheegtay malagaa baaray sonkor, fiitamiinada. nerfayaasha dareenka.Metformin waxa isticmaala dadka sonkorta qaba.Nabadeey.
S-aslaamu caleykum dhaqtar jkl waxaan ku weydiinlahaa wiil yar oo hada jira 6sano yaa ilaah siiyay walal wiilka waaxaa xanaqbadan yahay markuu xanaqo dhulka ayuu madaxa ku garaaca waa is dilaa markuu jiray labo sano ayaa lagu arkay sidatan hada markuu xanaqo gacmaha ayuu wajiga ku garaacaa teeda kale ma hadlaayo lakin waafahmaa hadalka masoo celi karo lakiin teeda kale ereyda qaar waa dhaha sida ilamah kale magacyadood hooyo iyo aabe mar marka qaar cirka ayuu fiirii asagoo islahadlaa oo kor u jes jeesana teeda kale madaxa foolka hore markaad u salaaxeysid ama gacanta u marinee waa uu rabaa mar mar baan is dhaa maneer fihuu kajiran yahay ban is iri laahu waclam iigsa soo jawab walala jkl qeyr
Farduus
J-A. C.
Walaal dhibka aad ka sheegeyso wiilkaaga waxa haboon marka ugu horeysa inaad kala tashato xanaanad uu dhigtaa shaqaalahooda. Waxa jira caruurta kuwa qaabilsan oo aad ugu fiican iney baaritaan ku sameeyaan hadey noqon laheud dabcigiisa, hadalkiisa, la kulankiisa iyo la dhaqankiisa caruurta la filka ahi. Hadey iyaga wax ka garan waayaan waxay u gudbinaayaan dhaqtarka neerfaha. Waxa uu cunugaagana helayaa kaalmada uu u baahan yahay.
Nabadeey.
S-asc wr wb aad baad umahadsantahay walaal sidada soogu dadalaysid. suashaydu waytahay waxan jiranaa mudo dhan 6sano dhabarkaa qaboow iga galay,qaboowgii wuxu noqday tuber kaloos labsanaan daawo qaatay waaku fiicnaaday lakii wali lugihiin kama socon karo markaan socdo aad baay iixanuu nayaan caloo shan maalintii lai istaajiyay bay isoo buuratay ilaa 6sanao waa wayntahy dhakhtiirtuna waxay leeyihiin waba kuguma aragno imana xanuunayso lakiin dhiigii dumarkaa ilaa lababilood aan waayaya ilmana caloo shayda maba galayaan horayse waan u dhalay waasisee xaa ladaydu noo faa iidee ilaah hakuu naxariistee asc wr wb
Kaafi
J- A. C.
Walaal dhibka lugaha ka imanaya waxa uu ku xiran yahay dhibka dhabarka kaa gaaray. Waxa xalka ugu fiicani yahay inuu dhiso ama adkeysi fiican u yeelo murqaha dhabarka iyo caloosha si uu uga yaraado dhibka lugaha ama dhabarkaba. Caloosha ma garan karo runtii, waxaase haboon hadaan raajo la sameyn in aad weydiisato in lagu saaro.
Nabadeey.
S-asc walaal waad salamantahay walaal waxa jira in muda badan aan calosha ka daremayay xanuun balse waxba maysan iga shegin dhaqatirtu mar dhaw ayaan waxan isku arkay in uu dhiiga iga joogsan wayay sidi caadiga ahay waxan raadsaday Dr gyno ah baritaanki kadib waxay iisheegen inay ovarian cyct ay jirto ayna wayn tahay oo an la sugi karin inay isked u ba,bado oo wa in la qalo ayay yirahden marki danbe oo ay ii diyarshen qalinki ayay igu sameyayen ultrasound kale waxayse ii shegen inaysan u jedin waxayna ii shegeen inan qaliin u bahnay oo ay fiirinayan mar kale waxayse i siyeen dawada la yirahdo provera walal waxan raba waxay tarto iyo inay cystada wax u tarayso mase ledahay side effect waad mahadsantahay
Fahan
J-A. C.
Provera (Medroxiprogesteron) waa hormoon kaa caawinaya inuu xanuunka caadada (ama caloosha ) kaa yareynaya. Wuxu sixi karaa ama dib u dhigi karaa caadada. Dhibka ugu weyn waxa uu yahay in dadka qaarkood uu ku keeno xinjirowga dhiiga oo dhibka (kuwa dhaxal u leh dhibkaas). Naasaha oo barara, madax xanuun, culeyskaoo kordha waa qaar ka mid ah side effekt-iska.
Nabadeey.
S-Mar kahore waan ku salaamaya Diktoore
Teedakale waxaan rabay inaan ku weydiiyo Cudurka loo yaqaano fistula oo badanaa Raga kaga baxo Marinka wasaqda ee Abdomenka oo ah nabar oo fluids daaya Markasta ,1.Cudurkaas muxuu Yahay 2.mala daaweyn karaa .diktoore Cudurkas noo sheeg dawadiis ,jawaab ayaan kaa sugeynaa
Sidaa iyo Nabadeey
Caaqib
J-A. C.
Fistula waa marin aan caadi aheyn oo ka sameysma laba xubnood oo jirka ka mid ah oo sida caadiga ahi aan marinkaas laheyn. Waxa tusaale ahaan waxay ku dhici karta marinka kaadida iyo marinka saxarada ama xubin uur ku jir ah oo xaga maqaarka/dibada xiriir la yeelato. Waxa kaloo uu ku dhici karaa xubno kale oo jirka ka mid ah. Dhibkan wuxuu iman karaa ka dib 1- qaliin caloosha. 2- Gudniin. 3- Infektion. 4- ku dhalasho. Daaweyntiisa badanaa waa qaliin.

Nabadeey.