S-acww
waad salamantahay marka hore salaan ka dib waxaan ku noolahay wadanka norway waxaana tagay dhakhaatiir badan waaxaana ka cabanayaa laabjeex ama laabdilac sida dadku u yaqaano marka aad ayaan u laab jeexmayaa waxaana iigu ddaran marka aan cuno cunto cusbada caadiga ah ee cad ee cuntada lagu darsado marka waxbana way iiga qaban la yihiin marka waxaan jeclaan lahaa inaad wax iiga sheegtid wixii aan samayn lahaa.
waad mahadsan tahay
wabilaahi towfiiq
Axmed
J-A. C.
Walaal laabjeex ama laabdilaac si uu qofka uga yaraado waxa ugu horeeya inuu wax ka bedelo noloshisa, sida cuntada, dhaqdhaqaaq fiican si uu culeyska isaga dhimo, iska daayo cabitaanada ama cuntada ku badinaya dhibka, inuu isticmaalo dawooyin yareynaya dhacaanka acidka ah ee caloosha. Waxa haboon inuu qofku iska ilaaliyo in dhibkan uu mudo badan qabo oo uu ku dheeraado. Waxa la sameyn karaa Gastroskopi si loo arko dhibka jiraa intuu la egyahay. Waxa haboon inuusan qofku cunin cunto badan ama waqti ku dhaw qofku markuu seexanayo.
Nabadeey.
S-Waan kusalaamy a/s/c walaal waxaan kabukaa cunaha mudo gaaraysa ilaa labo sano ugu yaraan waxaan u tagay dhakhtaro badan waxay isiiyeen dawooyin iyo qalajiye waxbana igama tarin cunaha xanuunkiisa waxaan ka qaaday biyo qaboow hadan waan iska ilaaliyaa hadaan cabo waxa i xanuuna cunuhu waa iga intaas iisoo jawaab sidaan ugali lahaa ilaahayn ha igu daweeyo dawadaa aad ii qorto
Mubaarak
J-A. C.
Walaal dhibka sidaad sheegtay muddo badan ayuu ku hayay. Waxaa haboon in aad la xiriirto oo aad la kulanto dhaqtarka cunnaha, sanka iyo dhagaha qaabilsan. Waxaadna u sharaxdaa sida dhibka weyn uu kugu hayo. Waxay kaa qaadi doonaan baaritaan, waxaana laga yaabaa iney ku fiiriyaan dhuunta tubada la galiyo. Waxa dadkeena somaliyeed nagu badan infekshino aan sida badan wadamadda dibada gaar ahaan galbeedka laga aqoon, marka weydii iney kaa baaraan.
Nabadeey.
S-Walaal waan ku salaamay asc wr wb!
Walaal waxaa ii joogta gabat yar oo ku dhalatey ett högt MMC och hydrocephalus. Waxaa ku jira shunt. Waxay hada jirtaa 4 sano walaal aad buu u weyn yahay miisaankeeda waxaan dhaqaatiirta ka codsadey in ay baaraan hormoonkeeda ,taas oo sababtey waxan maqley caruurta cudurkeed oo kale qab in ay dhaqso u qaan gaaraan . Jawaabtii waxay noqotay in uu sareeyao hormonavvikelser, dhaqtaradiin waxay ii soo qortey kalmadan in uu xooga kacsan yahay dhiigeeda (puberet) walaal waxaan rabaa in aan wax badan ka ogaado ee ma ii soo sharixi kartaa ilaah kher ha ku siiyee wax aad noo qabatan ilaah ajar iyo xasanaad ha kaa siiyo aamin.
Mahadsanid WASC WR WB!
Habon
J- A. C.
Walaal MMC (meningomyelocele) waa dhib caruurta ay ku dhashaan. Waxa uu ku yimaadaa intey uurka ku jiraan oo koriinka maskaxda iyo lafdhabarka uusan dhameysmin. Waxa uu ku dhici karaa lafdhabarka qeybihiisa kala duwan. Lafdhabarka qeybta dhexe iyo hoose ayuu u badan yahay, qeybta ugu sareysana (qoorta) waa uu ku dhici karaa. Dhibka uu keensan karaa waxay ku xiran tahay qeybta uu dhabarka kaga dhacay iyo dhibka weyninkiisa. Mindhicirada, kaadiheysta, habdhiska taranka, naafo lugaha, dhabarqalooc ayaa ka mid ah dhibab ugu badan ee ku yimaada caruurtaasi. 80% waxa caruurtaan ku dhaca Hydrocephalus (biyo madaxa/maskaxda ku bata), 15% waxa ku yimaada koriin (qaangaar)degdegah oo uu sababo maskaxda iyo lafdhabarka biyahooda oo aan caadi u soconeynin, markaasna keenta inuu cadaadiska maskaxda kordho. Cadaadiskaas maskaxda oo kordhay ayaa keenaya inuu koriinka caadiga soo degdego. Waxa la siiyaa caruurta hormon ka hor istaagaya koriinkaas degdega ah ee ku iman kara.
Nabadeey.
S-Dr waan kusalaamay salaan mida ugu qaalisan a/c
bacda salaam dr waad ku mahadsantahay sidaad cilmigaaga umada ugu faa iidaynaysid waxaan ahay dr wiil soomaali ah 25 jir waxaa i haya xanuun iga haya carrabka mudo 15 sanaa waxaana lay qabanayaa sidaan carrabku waa i goo goay oo waxuu ii goo go ay sidaan markaan isku laabao waxaad mooday saa inuu i jeexjeexanyahay sidii hilib makiinad lagu shiiday xanuun iguma hayo 15 kii bariba mar ayaa waxaan isku arkaa jeexdimaha carabka calaashaan dildilaacyada nabro malaxyara afka ku leh oo aan ka dareemo xanuun yar oo aan sidaas u sii badnayn waxaan kaa sugaaba waa jawaab deg deg ah dr wanaag ayaan kuu rajaynayaa
maxamed
J-A. C.
Nabraha afka ku dhaca/yimaada aad ayey u badan yihiin. Qaar markiiba waa laga bogsadaa. Qaarna wey soo noqnoqdaan. Kuwa soo noqnoqda waxa sababi kara waxa ka mid ah virus, bakterie. Stresska waxa uu ka mid yahay waxa kaalmeyn kara inuu soo noqnoqdo. Dadka dhiigoodu ku yar tahay birta ama vitamin B ku waa lagu arkaa dhibkan. Dadka dhibka xasaasiyada qamadiga qabaana waa lagu arkaa nabraha noocan ahi. Waxaa haboon inaad tustid dhaqtarkaaga nabrahaasi si loo arko.
Nabadeey.
S-walaal waad salaamatahay ugu horeentii salaan kabacdi maxaa lagu daaweeyaa ecxzeema oo looyaaqaano goosay korki ayaa caruurteyada kaqalalaayo e maxaa daawo eh aniguse waan kala daalay dawooyinka dhaqaatiirta uk jooga ee maxaad walaal nagu caawinkartaa sideesa loola tacaalikaraa qaabka uguwanaagsan waad mahadsantahay dr.
Maxamed
J-A. C.
Walaal Eczema waxa la isku yiraahdaa dhibab dhowr ah oo ku yimaada maqaarka. Nooca Atopic Eczema ayaa ugu badan kuna yimaada. Waa mid yimaada hadana yaraada muddo ka dib. Waa uu soo noqnoqdaa. Dawada (Cortison cream) intaan la bilaabin waxa haboon marka in lagu dadaalo dhaqida badan in la iska yareeyo, in la isticmaalo mar kastaa kareemyada dufanka jirka badinaya, inaan la xoqin maqaarka, in la iska ilaaliyo waxa maqaarka dhibaya. Badanaa waxa dawo ahaan loo isticmaalaa kareemyo: Kuwa dufanka maqaarka ilaaliya, kortison, kaasoo dhowr darajo u kala baxo. Kortisonka ka ugu qafiifsan ayaa lagu bilaabaa daawada. Haduu wax tari waayo waxa loo sii gudbaa kuwa ku xiga ee ka adag. Waxa haboon in la iska baaro qofka hadey jiraan waxyaabo uu xasaasiyad ku qabo, si la isaga joojiyo.
Nabadeey.
S-asalama caleykum waraxmatulahay wabarakaato marka hore salaan diiran ayaan hawada kuu soo marinaya dhakhtarkii wadanigow intaa ka dib aad baan u la dhacay jawaabahaada iyo sida mutadawac nimada leh ee aad dadka wax ugu sheygayso isla markaana aad u qancineyso waxaan ahay nin 27 jir isla markana arday ah xaasna leh ,in kasta oo aan had laba sano qabay wax caruur ah wali ilaah inoo ma qadarin marka aan wajibkeyga gudanaayo laba dhibaato ayaan la darema 1:xubinteyda oo runtii aad u yar una daciifa 2:iyo sperm ka oo iska ah qadar seconds ah markaa dhakhtar waxaan ku weydiinaya labadanba dhibaato aad weyn bey hada iigu hayaan maxaan yeela ? se maxaa sababay ?
Jamaal
J-A. C.
Walaal Eebe ayaa leh awooda ilma siinta. Waxa suurtagal ah in aad isbaartaan oo aad dhaqtar la tashato. Waxa lagaa baarayaa in sperm-ka awoodiisa, tiradiisa, qaabkiisa la derso. Weydiinta 2-aad hadaan gartay waxa ula jeedaa in shahwada kaa soo degdegeyso!. PE (primature ejakulation) waa mid ragaa ku badan sababta keentana waxa loo maleeya in madax xubinta taranka uu dareenkiisu aad u badan yahay iyo qofka oo stress ku bato mar alaale markuu galmada sameynayo kana welwelaya iney biyaha/shahwada ka soo degdegto. Waxaan talo ku siin lahaa inaan la kulanto dhaqtarkaaga ama dhaqtar urology ah si baaritaan xaga taranka ah u sameyso.
Nabadeey.
S-salaamu caleykum wr wb Dr waxaan kuusoo dirayaa salaan qaali ah salaanta islaamka salaan kadib Dr waxaa dhibaato iiga heysto oo aan kasi la ahay waxay tahay ilaa hada waxaan isku arkay markii aay madaxa i xanuuneyso waxaa i xanuunaayo maskaxda aan taaba karin gacanta xitaa ma saari karo waxaana isku arkay maskaxda ayaa aad iiga kululaaneyso ma aqaano waxaay tahay timahana aad ayeey iiga gurmeysaa Dr ilahaka abaal mariyo sida aan noogu baahi bixisay Ilahay ayaana u mahad celineynaa oo noo fududeeyay in aan su aal weydiiyo Dr somali ah Jizaakalaahu kher Dr waxaan sidoo kale iska arkay dhabarka markaas foorar sado lafta ayaa yeereyso Scan waa maray waxba ma qabtid ayuu i dhahay 1 sano kahor ayaana leegu qalay baby waxaa isku arkay dheecaan aad u badan ah iiga baxeyso maba istaageyso Dr iiga soa jawaab insha allaah waxaan kaa sugaa jawaab
Sahra
J-A. C.
Walaal madaxxanuun waa dhib dadka badankiisa ka sheegtaan. Taabashada madax uu kula xanuunayo waxaan u maleynayaa in muruqyada dabcsan ee madaxa uu yahay dhibka, stresska badan iyo qofka oo nasashadiisu yar yahay ayey ka imaan karaan. Waxaase haboon in qofka baaritaan caafimaad sameeyo oo uu dhaqtarkiisa la kulmo lagana qaado dhiiga si loo fiiriyo hadey wax dhib ah jiraan. Hadii baaritaanku fiican yahay waxa suurtagal ah in stress keeni karo dhibkaas. Dhabarxanuunka waxa laga yaabaa inuu ka imaanayo murqaha dhabarka. Dawada ugu fiicana waa in jirka dhaqdhaqaaq iyo jimicso sameeyo. Ugu yaraan 30 daqiiqo maalintii socdo. Physioterapist waxa ku siin karaan barnaamij jimicsi aad gurigaada ama meeshooda aad ku sameyn karto.
Nabadeey.
S-As wr wb¨ Dr.Yusuf
waxaa dhacdey in ciyaalkii ey iga halaabeen asså ett missfall ana tredje
månaden baan ahay waxey go,aamisey barnmorskaheygii abort in la igu sameeyo
iyadoo leh cunuga wuu weynaadey 3 bil buu gaarey daawona kaagama soo
dhamaanaayo waa inaan kaa soo xaaqnaa. Aniga taa mushkilo uma arko laakiin waxaan ka cabsaneyaa in ey dhaawac ii geysato oo dib wax u dhali waayo. Eee maxaa igula talin laheyd inaan sameeyo
Sabrina
J- A. C.
Haduu Eebe kuu qadarin inuu nabad kuugu dhamaado uurkii oo ay dhacday inuu kaa soo dhaco(miscarriage/missfall) waa mid uu Eebe qoray. Caruurta ku dilanto waxa ku xiran tahay inta todobaad ay gaareen. Ilaa 9 todobaad dawo(hormon) ayaa la isticmaalaa, 9-14 todobaad waa qaliin (xaaqid), 14 todobaad iyo wixii ka dambeeya waxa la isticmaalaa labadaba oo marka hore daawo ayaa la qaataa, kadibna qaliin (xaaqid). Dad badan oo lagu sameeyay qaliin ka dibna dhalay wey jiraan, dad badan oo aan qaliinka sameynina oo aan dhalin wey jiraan. Wixii imanaya Eebe ayaa qadari kara.
Nabadeey.