Home

Quran

Tafsiir

Duruus

Muxaadaro

Contact Us

 

Menu

   Home

  Quran

  Tafsiir

  Duruus

  Muxaadaro

  Contact Us

Current Stats                  

Total Visits:    

Online Visitors:

 

 

   Dr  Yusuf Marshaale

  Suaalo iyo Jawaabo Diini Ah

  Suaalo & Jawaabo Cafimaad

  Xikmad

 Waano

  Maqaalo

  Caqiido

  Caruurta

  Muxaadaro Qoraal ah

  Xadiis

Maxaa Cusub?

Soomida Bisha Shacbaan
  Waxaa Qoray Bahda Waaniye.
---------------------------------

 
Ma is miisaan tay ?
 Waxaa Qoray Abii Cubeyda.
----------------------------------

 
Waano Qeybtii 10aad
  Waxaa Qoray Bahda Waaniye.
-------------------------------

 

Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka

XANUUN IGA HAYA
CALOOSHA

  WALAAL WAXAAN AHAY HAWEENAY........

---------------------------------

 

Dhanjafka
 waxaan doonayaa inaad iiga jawaabto..

----------------------------------

 

Hormoonadaada u baahay
  walaal waxaan ahay haweenay soomaliyeed...

-------------------------------

 

LINKS

  Hay'adda Kafaalo

  Waaniye

  Aflax.net

  Somalisunnah

  Kulannet

  Boqolsoon

  Islamway

  Sultan.org

  Duruus.com

  Axaadiis

  Hanuun

 

Copyright ® 2006
Waaniye.com
All Rights Reserved

 

Tafsiirka Quraanka

 Horudhac & Fatixa            Baqara1-16                    Baqara 17-34                     Baqara 34-57              Baqara 57-70      

... More >> Riix Halkan

 

   Xadiis

10-Abuu Hurayrah (A.K.R) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: ´´Alle weyne kor ahaaye, wuu ku qoslaa labo nin oo midkooda hore kan kale dilay labaduna jannada wada gali doonaan (dhimashadooda kaddib). Midkood oo horay loodilay isagoo jidka Alle u diriraya jannadii buugalay. Markaa kaddib, buu Alle u naxariisanayaa kii wax dilay kaa oo gali Islaamka, oo u diriri jidka Alle oo loo dilayana (sidaana isna jannada kugalaya). Bukhaari iyo Muslim)

Muxaadarooyin

Fadliga Quraanka    Fadliga Sabarka     Maalinta Qiyaamo     Maxaa Xigga Geerida Gabdhaha Suuban Tarbiyadda Caruurta Manhajka Allaah Walaaltinimada         Qisadii Nabi Yusuf cs 1 Qisadii Nabi Yusuf cs 2 

Muxaadarooyin

Qiimaha Adduunka     Nafta iyo shahwaad-  Nafta iyo shahwaad- 2Dumarkii lagu sheegayQabiilka & Qabyaalada

Ku sugnaanta DiintaNolosha dhabta ahWanaaga Diinta  Naftaadda miizaan 


 

 

 

السلام عليكم ورحمه الله وبركاته


CAAFIMAAD 


CAAFIMAAD 

 

Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka





Qaybtii 2aad





S- Assalaamu calaykum dr aad baad u mahadsantahay allaah khayr  ha ku siiyo,waxaan doonayaa inaad iiga jawaabto bahalka la yidhaahdo dhanjafka oo aan leeyahay anti painkuna igama qaboojiyo maxaa u daawo ah.

assalaamu calaykum

Ahmed


J- A. C.
Marka hore ka raali noqo inaan kaala soo daaahay warcelintaad iga sugeysay Xanuunka dhanjafka ama MIGRAINE wuxuu badanaa qofka ku bilowdaa markuu da'da dhalinyaranimo (teenage) ku jiro. Wuxuuu ku badan yahay haweenka. Waa la kala dhaxlaa sida badan. Waa xanuun madax garaac dhan kaliya ah. Dhawaaqa iyo iftiinkaba wey dhibi karaan qofka. Dawooyinka la isticmaalo waxay yihiin: 1) ASA (acetylsalicylsyra) ama 2) NSAID (non-steroidal
antiinflammatory drugs). Hadii ay qofka calool xanuun ku keenayaan dawooyinkan wuxuu qaadan karaa 3) Paracetamol. Hadey xunqaaco ama matag
(laqanyo/labbolabo) dhibaayana wuxuu ku darsan karaa 4) Metoklopramid. Hadey intaas wax tar fiican keenin waxa uu qofku qaadan karaa Triptaner ama
Ergotaminer. Waxa ugu muhiimsan waa inuu qofka iska ilaaliyaa waxa keeni karaa xanuunka hadey noqoto daal badan, stresska, dhibka badan, nasiinada
yar, cuntooyinka ama cabitaana qaarkood. La xiriir dhaqtarkaaga si laguu baaro marka hore oo madax xanuunka uusan aheyn madax xanuun kale oo aan
dhanjaf/Migraine aheyn.
A. C.


S-salaama calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu
waxaan rabay in aan ku waydiiyo suaashan waxaa jirta gabar yar oo aan dhalay waxay ka gubatay gacanta ayadoo 2jir ah marka waxaan tusay dhaqtar gacanta waxay ka gubatay meesha ay kalaabanto marka ay hilib yeelato imean maqaarka ayaa ku sii yaraanaya mar ayaa qaliin lagu sameeyey hadana waxa latusay dhaqtar labaad wuxuu lee yahay hadana halaqalo marka anigana waan ka walwalsanahay qaliinkaas labaad dhaqtar maqaarka ayaa loo geeyey daawooyin kaalmaati ah ayuu usoo qoray waxbaana looga dareemay marka maxaad igula talin lahayd hada aniga waxaan daganahay u,s,a marka doctaradaasna waa bessnes mana aqaan waxaan sameeyo.

Mahamed


J- A. C.

Walaal marka ka raali noqo inaan la soo daahay warcelinta aad iga sugeysay.Runtii walaal aad ayey iigu adag tahay inaan warcelin fiican ku siiyo maxaa
yeelay waxaa fudud marka wax la arkayo in warbixin laga bixiyo. Gubashada sideedaba marka ay ku dhacdo/timaado jirka meelihii laablaabka ah (sida
calaacalaha, kilkilaha) waxaa fogaada reysashada/bogsashada. Waxa mararka qaarkood loo baahdaa in dhowr jeer la qalaa sida jirka korayaa (caruurta) la barbar socdo. Waxaa wanaagsan hal dhaqtar oo xiriir wanaagsan aad la yeelataan la socotaan.
A. C.


S-SWB.

WALAAL WAXAAN AHAY GABAR SOOMAALIYEED WAXAA LA IGU QALAY ILMO KUWAAS OO IIGA
ABUURMAY MINKA KORKIISA KA DIBNA WAXAA IGU DHACAY IN MARKII QURAAN LA I SAARO AAN XANUUNSADO OO AAN QAYLIYO , LAAKIIN MARNA MIYIRKA IGAMA TAGIN, TAASNA WAA ARIMA LA XIRIIRA SHAYAADIIN OO QURAAN U BAAHAN, LAAKIIN WAXAA IGU DHACAY NIYAD JABIYO CABSI IYO WELWEL FARA BADAN WAXAAN AHAY RUUXA DIINTA ISLAAMKA SI WANAAGSAN U YAQAANA LAKIIN HADA WAXAA IHAYA WAX WALBA MARKI AAN
SAMEEYO KA BACDI IN AAN KA QOOMAMEEYO ,OO AAN IS IRAAHDO XANUUN AYEEY KUGU REEBTAY ARINTAAS,WAX WAXA AAN QABAN RABO WAA ILA WEYNAANAYAAN MARKAASAAN WAXAAN KA FAKARAA WIXI AAN BERI SAMAYN LAHAA IYO SIDA AAN HAWSHA U KALA HOR MARIN LAHAA, ANIGOO OG IN AY WAX FUDUD TAHAY,WAXAAN AHAA MARKI HORE RUUX KARTI BADAN DADAAAL BADAN, WAXAA KALOO I HAYA IN HADII AAN WAX KA FAKARO WADNAHA IYO CALOOSHA AYAA XANUUNAYA WAANA MATAGAA , DHAQAAATIIRTUNA WAXABA IGAMA SHEEGIN ,WELI UMA TAGIN DHAQTAR MASKAXDA,WAXAA KALE OO AAN KU FAKARAA WAAD DHIMANEE OO WAXAA KUGU BADATAY NAXDINTA MARKA WAXBA KU GAARAY,WAXAA KALOO AAN QABAA CABSI IYO IN AAN KA NAXO WAXYAALAHA QAARKOOD OO CALOOSHU ILA XANUUNTO, ADKAYSIGAYGA AYAA YARAADAY WAX  INAAN CUNO UMA HAAYO ABATEED,SHAQADA OO KALE WAXAAN IS IRAAHDAA MA SHAQAY KARTID,WAXAA IGA DHUMAY
KARTIDII AAN LAHAA,IYO ISKU KALSOONAANTA, WAXAAN ISKU DAYAA IN AAN NAFTAYDA
DEJIYO OO AAN DHAGAYSTO QURAANKA, WAXAANA WAXA AY IGU DHACEEN KA DIB MARKI LA IYIRI WAXAA KU HAAYA JINNI SOOMALIYA AYAANA LA IIDIRAY SI HALKAAS QURAAN LA IIGU SAARO ,LAAKIIN NIYAD JAB IYO WAXAA IGU SII BATAY CABSI,LAKIIN HADA WAXAAN KU NOOLAHAY NORWEY OO AAN HOREYBA U JOOGI JIRAY MA KULA TAHAY IN AAN ARIMAHAAS DHAQTARKAYGA KALA TASHADO,WAXAAN KAA RAJAYNAA JAWAAB CELIN ,
JAZAKALAHU QAYRAL JAZAA, S\WB



Saido Abdi Ahmed



J- A. C.
Walaal marka hore ka rali noqo inaan la soo daahay warcelinta aad iga sugeysay.Walaal dhibka aad sheeganeyso oo waqtiga badan ku hayey waxaan u maleynayaa inuu yahay ama noqon karaa xanuun maskaxeed/dhimirka: Depression, welwel,
daal badan, walbahaar. Walaal waxaa dhici karta inuu xanuunku dhimirku aheyn. Waxaa wanaagsan inaad la xiriirto dhaqtarkaaga si baaritaan laguugu sameeyo. Walaal ha ilaawin oo wad inaad quraankana aqrisato.
A. C.



S-walaal iga gudoon salaan sare salaan kadib walal waxaan ku wediinlahaa hadaad wax ka garanayso mudo dheer ayaa la iga hayaa bishimaha ama faruuraha afka kadib waa diirmayaan xanuunna ima haayo kaliya waa fiiqmaysaa kuwa maqaarkana waa la kulmay marka adna wixii waano ah hadaad hayso igu caawi walaaloow adoo mahadsan ilaahay ha ku sharfo
walaaloow macasalaam



J- A. C.

Raali ka noqo inaan la soo daahay warcelinta.
Bishimaha/faruuryaha oo fiiqmaya ama maqaarka ka dhacayo waxa suurtagal ah
oo keeni kara ama badanaa la arkaa xilliga qaboobaha, xiliga hawada ay qaleylkeedu badan yahay. Qofka haduu carabkiisa marmariyo bishimihiisa sida
badan. Waxa dhici karta inuu sababi karo Cuncun"eksem" ku dhacay bishimaha. Mararka qaarkood oo uu qofka cabitaankiisu yar yahay waxaa dhici karta in bishimaha si fudud unugyadoodu dhib u gaaraan. Waxa wanaagsan inaad la xiriirto dhaqtarka maqaarka si loo arko dhibkaaga.

A C.


 

Copyright © 2006 waaniye.com
Waaniye.com