|
السلام عليكم ورحمه الله وبركاته
CAAFIMAAD
Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka
Qaybtii 3aad
S-salaamo calykum
Marka hore waxaan ku waydiin lahaa ninka iminka 9 jir ah markuu jiray mudo 6 bilood ah ayaa waxaa ugu dabaysay caano in uu cabo, lakiin haddii aan waxa ugu daro uu cunaa yogadka uu cunaa jeeska aad uma jecla caanah in uu sideed u cabo ayuu joojiya markaa walaal korimaadkiisa caano la aantu waxa ma u dhimaysaa makuu dhashay kadbib uu yeeshay acsima dabadeed waxay ku noqatay asma in kasta oo uu iminka labadii ay ka tageen oo markuu duraygu ku dhaco uu mar mara ay neeftu yara qabato markaa ma la oran karaa waxaa sababy caano ka digida labadaa shay
zeinab shire
J- A. C.
Walaal dad bey caanaha iyo waxa caanaha laga sameeyo (jiiska, yougort iyo kuwa kaleba). Sababtana waxay tahay qofka oo aan jejebin karin sonkorta (laktos) ama protinka (milkprotin) caanaha ku jira. Waxa haboon in qofku isticmaalo ama cabo caanaha laga saaray kuwaas kor ku qoran. Si caruurtu si fiican u koraana waa in la siiyo Kalshiyem (Calcium).
S-wasalaama calaykum waraxmatulaah
walaal waxaan ahay haweenay soomaliyeed oo degan stocholm dhaqtarkaygii ayaa wuxuu iga qaaday dhiig waxaanu ii siiyay dawo la dhaho levxin markaa wuxuu dhahay hormoonadaada u baahay oo waaxaa kaa maqan amne waalaal waxaad ii soo sheegtaa dawadaa dhibtay ii geysan karto? iyo waxa runta ah ee loo qaato maxaa yeelay waxaan rumaysanahay in aanay hormoonadayda waxa dhiba qabin waxaan anga xanuunka i hayay een u sheegtayna mid horman ku lug leh muu ahayn fadlan ii soo jawaab.
wasalama calaykum waraxmatulaah
kadra
J- Walaal daawada Levaxin waxa la siiyaa dadka uu qanjidhka/qanjirka dhuunta ku jira ee THYROID-ka la dhaho. Marka sida la rabay uusan qanjirka aheyn oo uusan dheeli tirneyn waxa lagu ogaadaa dhiig in dhiig la qaado oo ka mid ah (hormonada kala ah TSH, T3, T4). Levaxin waxa uu dheeli tirayaa ama buuxinyaa baahidii ay keeneyso yaraanta ama maqnaashaha hormoonka uu qanjidhkaasi soo saaray. Waxaa in muddo ahba la qaadaa dhiig kontrol ah oo la fiirinayo in dawada la kordhiyo ama la dhimo. Dawadan wax dhib ahi ma keento, hase yeeshee haddii intii laguugu tala in aad uga badan aad mar qur ah wada qaadato waxa kugu iman kara wadnaha oo aad u garaaca, madax anuun, shuban, jareen. walaal marka hore salaamu caleykum wr wb
S-walaal waxaan ku weydinayaa waxaa dhib iga haystaa dhanka maqaarka jirka ah oo cad cad noqonaayo waana sii badanaa maxaan daawo ahan qaadan karaa?
sahra
J- A. C.
Runtii wey adag tahayin wax laga sheego wax aadan u jeedin, qaasatan marka qofka maqaarkiisa dhib ka sheegayo. Hadaan si sax ah u fahmay oo aad ka wado in maqaarkaaga cadcadaan noqonaayo oo uu dhuminayo midabkii caadiga ahaa waxa af qalaad lagu yiraahdaa VITILIGO. Waa dhib ku dhaca maqaarka. Waa uu isiman yahay rag/dumar, cadaan/madow qof ah. Wuxuu badanaa muuqashadiisa soo bilowdaa intuu qofka yar yahay. Waa ay dhici kartaa qofka markuu da' noqdaa inuu ku bilowdo. Leysma qadsiiyo. Sababta keento si fiican looma yaqaan. Waxa loo maleeyaa dhib ka yimaada habdhiska difaaca. Wuxuuna sababi in qofka habdhiskiisa difaaca weerar uu ku qaado isla jirkiisa (unugyadda maqaarka). Dawooyin badan ayaa jira oo dadna ku fiicnaadaan, isla markaana ay qaar kale ku ficnaanin. Marka waxa haboon inaad la xiriirto dhaqtarkaaga oo aad tusiso dhibka.
|