S-aslaamu calykum warxmatulaahi dr yusuf cabdul khadir waan ku salaamay salaan kadibna waxaan kaaga mahad celinayaa sida aad noogu saacidaysid aqoontaada cilmi ee Alle kusiiyay intaa kadib Dr.waaxan kuwaydiinayaa waxaa ihaysta cudur layiraahdo jubni ama khawf aan dareemo markaan dadka hor taaganahay khaas ahaan dumarka waa fulaynimo codkayga sidee uga bogsan karaa cudurkaa ila tali iisoo jawaab waadna mahadsantahay
maxamed cabdulaahi
J- A. C.
Cabsida ama khowfka qof walbaa wuu leeyahay sida caadiga ah. Waase mid xadidan kuna kala duwan qofka markaas arrinta hor taala. Sida badan qof kastaa marka dad badan uu soo hor istaago oo uu rabo inuu hadal u jeediyo inuu cabsi yar dareemo waa caadi. Cabsida ayaa hadaba leh xadadkeeda oo hadduu xadkaasi dhaafto u baahan in daawo ama talo/wadahadal laga siiyo qofka. Wixii aad mar walba la kulmeysay oo muddo badana aad ku dhex jirtay haddii cabsi aad mar kastaa kala kulmeyso waa mid adag. Waxaa haboon inaad la kulanto dhaqtarkaaga si dawo aad ugu hesho arrinkaas. Waxaa kaloo suurtagal ah in aad hesho qof aad wada hadal yeelataan oo kuu tababarayo in arrinkaasi uu caadi kuu noqdo.
A. C.
S-ASC WR WB,SALAAN KADIB WAXAAN AHAY HOOYO SOOMALIYEED OO QURBAHA KU NOOL, WAX IGU DHACAY HØYT BLOOSUKKER.SOKOROW QEYBTA LABAAD. SIDAAS DARTEED SANADKII HORE AAN SOO DHAAFNAY DHAQTARKEYGA WUXUU IGULA TALIYEY IN AAN DHIMO MIISAANKEYGA CUNTADA AAN DHERIGIN MARKAAN CUNAAYO OO AAN YAREEYO MARKII HORE SOKORTEYDA LAGARKA WAXAY AHEYD 7.8 IYO TAN CAADIGA LEYSKA CABIRO IKU MID WAAN DADAALAY.
EEBENA WUU II GARGAARAY ISAGAA ADOOMIHIISA
U GARGAAREE. SANADKII GUDIIHA LAGARKEYGA WAAN DHIMAY WAXAAN GAARSIIYEY WAXAANA QAATEY DAAWO I CAAWINA (AVANDIA GLOCPHAGE). SHALAY OO BISHA AHEYD 24.08.006 WAXAAN NOQODEY 5.4,LAGARKEKA JIRKANA WUXUU NOQODEY 5.6 WAXAAN KA CODSADAA MAR WALBANA II DIR DHAQTAR OO KU TAQSUSAY CUDURKA DEBITIKA WUUSE IGA DIIDA.
MARKA INTEE LAGA RABAA INUU NOQODO QOFKA NORMALKA AH SOKORTA JIRKIISA OO CAADIGA MA II SHEEGI KARTAA ADOO AAD U MAHADSAN WAAN KU WAREERAY ? DHAQTARKA WUXUU LEEYAHAY WIXII QOF KALE QABNEYSO ANAGAA KU FILAN OO UMA BAAHNID MAXAASE IGULA TALIN LAHAYED WALOW UU DHAQTARKA IGU AMAANAY INTUU DHAQTAR U YAHAY IN AAN UGU WANAAGSANAY MAXAA YEELAY WAXAAD TAHAY QOF GO,AAN LEH AYUU MAR WALBA IGU DHAHAA.ADOO RAALI WAQTIGAAGANA KU DHUMIYEY INAAD IIGA SOO JAWAABTID AJAR ILAAHAY HA KAA SIIYO AYAAN KU DHAHAA ASC WR WB.
Maryama
J- A. C.
Walaal sonkorowga waxa la socda ama daweeya dhaqtarka daawada guud ama loo yaqaan family-doktor/GP. Hadduu dhaqtarkan wax ka qaban waayo ayuu wada tashi la sameeyaa ama u diraa dhaqtarka taqasuska u leh sonkorowga. Sonkoroga nooca 2-aad wuxuu badanaa yimaadaa marka da'da 35-40 la dhaafo. Waxa muhiim ah: culeyska oo la yareeyo, dhaqdhaqaaqa oo la badsho, cunta dheeli tirin la cunno, muqaadaraadka leyska daayo, daawadan si joogto loo isticmaalo, dhiigkarka la iska ilaaliyo. Waxa haboon si joogta inaad isga baarto labada nooc oo kontrolka mid waa adigoo qatan ama weli wax cunin ama 8 saacadood qatanaa, mida kalena waxa la dhahaa Hb1Ac.
|
|
kontrol fiican |
dhexdhaxaad |
ma fiicno |
|
sonkorta (P-glukos) qatnaan ah |
5 - 7 |
7 - 9 |
> 9 |
|
sonkorta cuntada ka dib |
5 - 9 |
9 - 11 |
> 11 |
|
HbA1c
|
< 6,5
|
6,5 - 7,5
|
> 7,5
|
|
BMI män
|
< 25
|
25 - 27
|
> 27
|
|
BMI Kvinnor
|
< 24
|
24 - 26
|
> 26
|
S- Walaal waad mahadsan tahay marka hore bacda salam waxaan kuwaydiinayaa marka gabadha ka daahdo caadada ama marba waqtigey doonto timaado maxaa daawo u ah.
JZK LAAH DR MARSHALE
Rauda
J- A. C.
Caadada waqtiga qaldan timaado waxa yeesha hablaha qaarkood. Badanaa gabdhaha yar yar oo caadada bilaaba ayaa u badan weyna ka baaba'daa ayadoon wax dawo ama baarid la sameyn. Dumarka caatada ah ama sport/jir dhis badan sameeyana wey yeeshaan taasi. Haddii dhibka intaasi dhaafsan yahay waxa haboon in lala kulmo dhaqtar Gynokology ah si uu baaritaan u sameeyo intaan kaniiniyada hormonka ahi loo qorin qofka.
A. C.
S- Dr,e waxaan kugu salaamayaa salaanta islaamka tan ugu qiimo iyo qaayo badan, salaan ka bacdi waxaan rabaa in aan ku waydiiyo arin caafimaad taas oo ah sidan soo socota....
Dr waxaan ahay nin dhalin yaro ah waxaana isticmaalaa GYM waxa loo yaqaan ama biraha jirka lagu dhisto sii aan caafimaadkeyga u hubiyo subaxkastan waxaan aalamiiteeyaa 2saac,
Dr waxaan rabay in aan mudo yar jirkeygu ku dhismo waxaan isticmaalay daawo taas oo ah daawa xooga kuu yeelaysa ama jirka dhisaysa, waxaan isku dhuftay irbad taas oo ku waynaynaysa mudo 7bilood ahna jirkaaga ku jiraysa.
iyo daawo kale oo la yiraahdo Caratine oo la qasto marka aad GYMka ka soo noqoto.
Dr waxaad ii sheegtaa dawaas ma leedahay wax side effect ah ama wax mustaqbalka dhow iyo kan dheerba jirkeyga wax yeelaya.
Mahadsanid.
Axmed Yuusuf
J- A. C,
Waxad ii sheegtay inaad irbad isticmaashay, hase ahaatee magaceedii ma aadan sheegin. Badanaa marka dadka rabo iney jirka dhistaan waxay isticmaalaan A A S (Anabola Androgena Steroider). Dhibab badan ayuu keeni karaa: inuu beerka, wadnaha, xididada ay jiradaan kuna keeni karta cimri deg deg. Maskax ahaan oo dhib ku yimaado (depression, dilaa inuu noqdo). Naasaha (ragga) oo weynaada, maqaarka oo nabro ka soo baxaan, dhalmada oo dhib gaaro (ma dhaleys). Tan kale Caratine waxa laga helaa caadiyan carrotka/dabacasaha, hase yeeshee waxaa jira kuwa aan dabiici aheyn oo la sameeyay, runtiina wax kama sheegi karo midaas dambe. Waxaase fiican in qofka isagoon wax isticmaalin uu jirkiisa dhisto, cunta dheeli tirana cuno.
A. C.