Home

Quran

Tafsiir

Duruus

Muxaadaro

Contact Us

 

Menu

   Home

  Quran

  Tafsiir

  Duruus

  Muxaadaro

  Contact Us

Current Stats                  

Total Visits:    

Online Visitors:

 

 

   Dr  Yusuf Marshaale

  Suaalo iyo Jawaabo Diini Ah

  Suaalo & Jawaabo Cafimaad

  Xikmad

 Waano

  Maqaalo

  Caqiido

  Caruurta

  Muxaadaro Qoraal ah

  Xadiis

Maxaa Cusub?

Soomida Bisha Shacbaan
  Waxaa Qoray Bahda Waaniye.
---------------------------------

 
Ma is miisaan tay ?
 Waxaa Qoray Abii Cubeyda.
----------------------------------

 
Waano Qeybtii 10aad
  Waxaa Qoray Bahda Waaniye.
-------------------------------

 

Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka

XANUUN IGA HAYA
CALOOSHA

  WALAAL WAXAAN AHAY HAWEENAY........

---------------------------------

 

Dhanjafka
 waxaan doonayaa inaad iiga jawaabto..

----------------------------------

 

Hormoonadaada u baahay
  walaal waxaan ahay haweenay soomaliyeed...

-------------------------------

 

LINKS

  Hay'adda Kafaalo

  Waaniye

  Aflax.net

  Somalisunnah

  Kulannet

  Boqolsoon

  Islamway

  Sultan.org

  Duruus.com

  Axaadiis

  Hanuun

 

Copyright ® 2006
Waaniye.com
All Rights Reserved

 

Tafsiirka Quraanka

 Horudhac & Fatixa            Baqara1-16                    Baqara 17-34                     Baqara 34-57              Baqara 57-70      

... More >> Riix Halkan

 

   Xadiis

10-Abuu Hurayrah (A.K.R) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: ´´Alle weyne kor ahaaye, wuu ku qoslaa labo nin oo midkooda hore kan kale dilay labaduna jannada wada gali doonaan (dhimashadooda kaddib). Midkood oo horay loodilay isagoo jidka Alle u diriraya jannadii buugalay. Markaa kaddib, buu Alle u naxariisanayaa kii wax dilay kaa oo gali Islaamka, oo u diriri jidka Alle oo loo dilayana (sidaana isna jannada kugalaya). Bukhaari iyo Muslim)

Muxaadarooyin

Fadliga Quraanka    Fadliga Sabarka     Maalinta Qiyaamo     Maxaa Xigga Geerida Gabdhaha Suuban Tarbiyadda Caruurta Manhajka Allaah Walaaltinimada         Qisadii Nabi Yusuf cs 1 Qisadii Nabi Yusuf cs 2 

Muxaadarooyin

Qiimaha Adduunka     Nafta iyo shahwaad-  Nafta iyo shahwaad- 2Dumarkii lagu sheegayQabiilka & Qabyaalada

Ku sugnaanta DiintaNolosha dhabta ahWanaaga Diinta  Naftaadda miizaan 


 

 

 

السلام عليكم ورحمه الله وبركاته


CAAFIMAAD 


                                   Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka





                                                        Qaybtii 5aad

S-Ugu horayn salaan mar labaad waxaan kaaga mahad celinayaa habka xilkas nimada leh ee aad isku xilqaantay inaad bulshadaada kacaawiso Su'aalaha murugada leh ee xanuunku kukeenay inaad uga soo jawaabto.
hadii aan udhaadhaco su aashaydu waxay tahay.
Waxa ixanuuna ciridka ilkaha oo waliba ciridkayga ayaa hoos usii qodmaya.
Takale waxa aan dareemaa sidii inaanan cadayan aniga oo hada cadayday.
hore mar ayaan dhaqtar ugu tagay oo dawo aan kuluqluqdo ayuu isiisay laakin waxba igama tarin.
Markaa dhaqtar waxa aan kaa codsan lahaa maxaa talo ah ee aad igula talin lahayd maxaanse dawo ahaan u adeegsan karaa kahortaga ciridkaa hoos usocda iyo nadiifinta ilkahayga:

Muqtaar Hassen

J-A. C.

Walaal weydiinta waxa ku wanaagsanaan lahaa inuu ka warceliyo dhaqtarka ilkaha. Markaan la tashtay dadka aqoonta u leh waxay ii sheegeen in dhibka u badan ee keeni kara in ciridka qodmo ay tahay in dhagxaan ka dhashaanilkaha iyo ciridka dhexdooda iyo inuu infekshan jiro. Waxa haboon inaad la tashato kuwa ilkaha ka shaqeeya( Dentist). Inuu qofku dareemo inuu afkiisa ur leeyahay waxa keeni kara dhibkaas aan ilkaha ka sheegnay. Mida kale waxa haboon inuu qofku iska baaro dhuuntiisa iney laheyn godad yay yar oo cuntada geli karto oo keeni karta inuu afka ur yeesho.

A.S.C.


S-Marka hore salaanta islaamka iga hoo Asalaamu calaykum waraxmah, waxaa dr, caruuratayda ka mid ah wiil hada 5 sano jira wuiilkaasi marka uu seexanayo waxaa uu ruxayaa si miir laana madaxa ilaa uu ka gamayo , hadii uu baraarugona waa sidaas si leeg  waaxaan jecelahay in aad fikrad iga siiso arintaas xalkeeda mahadsanid

cabdicasiis 
 

J-A. S C.

Madaxa caruurta ku garaacayaan barkinta ay ku seexanayaan marka ay gamayaan wax dhib ah maaha. Haddii uu dhibka intaas ka badan yahay oo uu adimaha ama xubin jirkiisa kale ahi ruxmayo ama jareynayaan waxa haboon inaad tusiso dhaqtarkiisa (family doktor).

A.S.C


 S-ASC WR WB


walaal waan ku salamayaa bacda salaan waxan ku weydiin lahaa su,aal ku saabsan qaybta galmada..
walal wax dhib iga haystaa marka aan u tago xaaskaygii oo aana ahayn karin hal daqiiqo shahwada iyo markaa ka dib ahdii aan is idhaahdo mar labaad jameec xaaskagii oo aanan awoodi karin markaa maxaad igu talin lahayd mise waxaad ii sheegi kartaa daawo i caawin karta.

          Mahad

J-A. C.

Walaal dhibka aad sheeganeyso P. E. (Premature ejakulation) dad badan ayuu hayaa, hase ahaatee inta sheegashata dhibkan ma badna maadaama qof kastaa ka cabsanayo ama xishoonayo. Ragga qiyaas >80% ayaa noloshooda la kulma mar mar. Waxa loo maleeyaa dadka dhibakan qabaa in xubinta taranka (jinsiga ragga) madaxa hore uu dareen badan yahay, taasina ay keeneyso in qofku ku deg dego iney biyaha (minidda) ka timaado. Waxa kaloo haboon in qofka iska baaro inuusan heyn dhib ah Impotens, ED (erektil dysfunktion). Qofka dhibkan qabaa maadaama uu aad uga fikirayo, dhibna ay ku heyso waxay keeni kartaa marka uu xaaskiisa la kulmayo uu walwalka ku bato, isla markaana maskaxdiisa mashquuliso dhibkaas. Waxayna keeneysa stress-ka ku jiraa inuu dhaliyo iney biyaha ka yimaadaan ka hor "markii la rabay".

TALO: la xiriir dhaqtarkaaga ama dhaqtar Urolog ah.

Waxa jira dawooyin tiro badan oo la isticmaalo dad badana natiijo fican ka dareemay sida VAIGRA, hase ahaatee intaadan bilaabin la tasho dhaqtarkaaga.
Nabadeey

 

S- Walaal allaha kaa abaalmariyo arintaan aad dar ilaahay usameeneesi waxaana rabay inaa kaaweediiyo su,aal kusaabsan caafimaadkeega taas ooah walaal muda lagajoogo 2 sano ayaa waxaa iga qaldamay dhiigacaadada ah kadibna wuu isasaxay laakiin waxuu sameeyaa markuu rabana sitoos ah ayuu uyimaadaa marna wuu iskamaqnaadaa bil ama laba bil laakiin hada waxaa igusookordhay xanuuna ah dhabarka iyo qaska ama gumeerka iyo qadaadka ama giirka oo aad iixanuununa oo ila xanuna indhaha hoostooda walina waxdhaqtar ah lamaan kulmin waxaana ahay gabaryar 20jir ah dhawaana guursatay marka arintaas maxaa iga dhihi laheed ama aad isleedahay waxaas baad ubaahantahay walaal hadad kareeso iisoodhaqso wajazaakalaahukheeran walina mafahmin xanuunka ah qadaadka oo xidadada qadaadka aad iilaxanuunaan

Shukri

J- A. C.

Walaal ka raali noqo inaan si deg deg kuu soo warcelin waayay.

Caadada dumarka sida badan waxa la tirsadaa ama timaada bishii mar. Wey ka soo hor mari kartaa ama ka daba mari kartaa maalin ama maalmo marka la sugayay. Wax dhib ahse ma laha sidaas hadey tahay. Hadey caadadu ay aad u daahdo oo dhowr bilood mar uun timaado, ama u soo deg degto bishii dhowr jeer timaado waxa haboon in dhaqtarka dumarka lala kulmo oo la isbaaro. Waxa taas la mid ah hadii caadadu xanuun aad u badan kugu heyso. Xanuun dhabarka ama horay (caloosha qeyba hoose u dhow jinsiga) waa caadi xiligga caadada ay jirto. Xanuunka qadaadka kaa hayo u maleyn maayo inuu la xiriiro caadada. Waxa jiri kara xilliga caadada uu qofka haweenku ku bato madax xanuun iyo adkeysiga oo yaraada.
TALO: la xiriir dhaqtarka haweenka si laguu baaro. Waxa suuratagal ah in laguu qoro dawo kuu saxada caadada islamarkaana xanuunka kaa yareysa.
Nabadeey.





 

Copyright © 2006 waaniye.com
Waaniye.com