|
ÇáÓáÇã Úáíßã æÑÍãå Çááå æÈÑßÇÊå
CAAFIMAAD
Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka
Qaybtii 6aad
S-Assalaamu caleykum Dr Yusuf waxaan rabey in kareem loo isticmaali karo Baabasiirka, fadlan iiga soo jawaab Jazaakalaah.
Khadiija
J- A. C.
Baabasiirka (hemorrhoid) waxaad u isticmaali kartaa kareemka ama dihan la yiraahdo:
1- Xyloproct (Hydrocortison+Lidokain)
2- Scheriproct (Prednisolon+Cinkokain)
Sida aad u jeedo laba daawo waxay ka kooban yihiin laba maado. Maadada hore (Prednisolon ama Hydrocortison) waa cortison waxayna kaa caawineysa in bararka, cuncunka oo yaraado. Maada labaad (Lidokain ama Cinkokain) waa kabaabiso oo xanuunka ayey yareyneysaa. TALO la xiriir dhaqtarkaaga hadey daawada wax kuu tari weyso. Nabadeey
S-SCW DR yusuf walaaal waxaan ku noolahay Wadanka maraykanka waxaaana aad dhib iigu haya xanuunka stresska ardayna waan ahay maxaad igula talin lahayd iinsha alaaah scw
J- A. C.
Stress waa calaamad qof kasta ku timaado makey noloshiisu la kulanto arrin dhib badan uu qofku ka naxo ama la filan waa ah. Wadnaha oo xoog u garaaca. Jirka oo isku dayo inuu dhiiga (nafaqada oo nafaqada muhiimka jirka gaarsiiya) siiyo xubaha muhiimka ah (sida wadnaha, murqaha, neefsashada iwm) kana yareeyo xubno kale (sida maqaarka, qanjirada dhacaanka).
Hadii stress-ka qofka bato waxa haboon inuu qofka derso waxa ku keenaya ama xiliyada uu qofku ku yimaado. Isku day inaad waqti todobaad ah qorto marka uu kugu yimaado iyo xilliga uu kugu yimaado. Ma waxbarashadaa? shaqada? xiriirka aad xigtadaada aad la leedahay?
"Aduun orod laguma gaaro" waxa haboon inuu qofku isqabto intuusan xanuunku qaban. Markaad deristo sababaha kugu keenaya ku dadaal inaad iska yareyso. Ha ilaawin quraan aqriska iyo ducada o aad badsato si qalbiga Eebe kuugu dejiyo kuuna qaboobo. Aamiin. Nabadeey.
S-ASALAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI bacda salaan dr aad ayaa u mahadsan tahay waxtigaaga aad nasiisay su.aashayda waa waxaa ihaya lafoxanuun iyo murqo xanuun kaas oo iga bilabay garbka salkiisa ayaa malin xanuun aad u datran iga qabtay mudo badan ayuu ihayey kadibna wuxuu wada garay gacanta oo habeenkii markaan sexdo ikabuubyota mudobadan ayuu gacanta ku ekaa akhirkiina wuxuu gary jeexa bidix oodhan dhawrgoor ayaan dhakhatiir u tegay kiniino ayey ii qoreen waxayna dhehaan waa igfeshan hada wuxuu garay jirka oodhan waxaana iigu daran wareega caloosha iyo dhabrka ,garbaha iyo .meelaha lafuhu iska galaana waa i xanuunaysaa ruugaguna aad ayey u sanqarayaan iina xanuunayaan. marka walaal sifiican jiradaa iigaga soo jawaab noocaytahay iyo dawdeeda intaa iyo nabdgelyo
Xaawo
J- A. C.
Muruq iyo lafo xanuun waa cutub aad u balaaran. Dad badan ayuuna hayaa dhibkaas, qaasatan dadka dalka dibadiisa (sida Europe, N America iwm) ku nool. Waxa haboon marka hore inuu qofka ka fikiro in walaal kula dhashay ama waalidkaa lahaayeen xanuunkan, maadaama laka dhaxlo. U tag dhaqtarkaaga si uu kaaga qaado dhiigag baaritaan oo la xiriira lafa xanuun (Rheumatism). Murqa xanuunka waxa keena qofka oo shaqada ka badato. Haweenka soomaliyeed waxa badana dhici karta iney dhowr caruur Eebe siiyayoo howl badan u baahan, kana shaqeyso shaqo kaga baahan muruq-maal, gurigiina ka sugayo howl iyo cunto karin. Waxay keeni kartaa in jirkii nasiinada uu rabay uusan helin. Haduu qofku dhibka markuu ku bilowdo uusan jirka siinin nasasho ma fiicna oo dhibka ayaa ku badanay. Marka ku dadaal nasiino, isticmaal dawo xanuunka kaa yareysa ama kaa qaada, jimicsi aad jirkaaga ku dabciso kuuna kordhiya adkeysigaada samee. Dabaasha ama jimicsiga biyaha waa uu fiican yahay. Kala tasho dhaqtarkaaga inuu kuu diro Physiotherapy. Nabadeey
S-asalamu calaykum waraxmatulaah salaan kadib walaal su aashaydu waa walaal waxaa layga hayey in mudo ah ilaa labo sano inta xudunta ka hoosaysa labada dhinac waxaan u tagay dhakhtiirbadan waxayna igu dhehaan tarmiyadada ayaan sifiican ushaqayn caloshadun si caadi ah ayey u socota xanuunkiina waa kasii daray waxaana iigu daran oo uu sixooga igu kaca hadaan badsado inaan datada mudo fadhiyo waana xanuun aad moodo huluc iyo nabar dhinayada haysta sidii boog oo kale waxaan maalin hore u tegay dhakhtar wxuuna igu yiri waa karnbi muskul murqaha oo is xirxiray wuxuuna ii soo qoray kiniin layirahdo (PAPAVERIN RECIP)wuxuna yiri waxaad qadtaa 3-5 beri kadiba hadaa u bahato qado marka xanuunkii waa ihayaa lakiin nabarkii ayaa iga yaraaday marka jiradaa maxay tahay maxaase daawo ah oo aad ii sheegi kartaa. mahdsanid.
Luul
J- A. C.
Walaal runtii wey adag tahay inaan si fudud warcelin buuxda kaa siiyo weydiintaada, maadaama ay warbixintaada ay aad u buuxin. Da´daada, waqtiga xanuunka (daqiiqad, saacad), waxa dabcin kara xanuunka, dhaxal calool xanuun iwm. Ma lagaa qaaday dhiigag baaritaan? Calool xanuun waa cutub aad u balaaran. Meesha aad tilmaameysana xubno badan ayaa ku jira sida habdhiska taranka, dhiifshiidka, kaadi mareenka iyo xubno kale. Waxa haboon in dhiigag lagaa qaado hadii aan horay lagaaga qaadin, oo la baaro in uusan jirin infektion gaaray xubnahaas ama cunto ku dhibto ay jirto. Waxa kaloo haboon in la sameeyo X-ray (raajo) hadii loo baahdo. Inaad la kulanto dhaqtar haween si aad isku baarto. Haddii ay baaritaanadaas wax dhib ahi kuu sheegin wax walwal ah uma baahnin markaas. Nabadeey A. C.
S-asc wr wbr dr.yusuf abdulkadir alaha kaa abaal mariyo suaalaha ad nooga jawaabeyso janatulfardows allaha kaaga abaal mariyo aamiin waxan ku weydiiye wiil yar oo an dhalay ayaa qooraha ama bajada 2 ugxan oo hos uga yaalo ayaa mid u soo bixi weyse oo wuu ku dhashay marka waa la qalay oo meeshaa lagu soo tooiye ilaa gormey soo bixi kartaa ma wax dhib ah ayey leedahay mise waa wax fudud waxa jirto iyada cunug yar an dhalay oo madaxa tubo laga galiye oo taqtarka wuxuu yiri waligeed laga yaabee iney ku jirto malaga yaabaa in laga baxsho iyada kuma dhalan jiradaas lakin gadal ayey uga dhacday iyadoo 5 bilood ah maxa keni karo madaxa inuu lakaala sikado oo ey tubada biyaha qaado sual kale qofka markuu ur leeyahay hadii ey xudunta dhunta uga xiranto see lagu ogan karaa ma wadnaha cunugaa laga ogaan karaa mise kadida hadii ey fet ledahay orin brøvada ma in qofka la qalaa oo laga soo bixiyo cunuga maxase keena iney kaadida fet yeelato ma dhalan karaa cunugas haduu dhashase muxuu noqonaa cafimad maku dhalan karaa haduu qiyasti 2 kilo yahay plzz iiga soo jawaab jzkl kheyr
Nimco
J-Walaal hadaan warcelinta isku dayo sidaan weydiintaada u gartay.
1- Hal ama labada xiniin ineysan soo galin meesha loogu tala galay wey dhici kartaa. Waa la sugaa iney xiniinta kaligeed hoos u soo degto, hadii kale qaliin ayaa loo sameeyaa markuu wiilku dhaafo sanad uusan gaarin 5 sano.
2- Tubada madaxa loo geliyay waxaan u fahmay in cunuga ku dhacay HYDRO-CEPHALUS(Hydro=biyo, Cephalus=madaxa). Maskaxda biyaha ku sameyso sida caadiga ayya dhacda inaan jirku dhuuqi karin ama sameyskoodu bato. Tubadaas ayaa la geliyaa madaxa si biyaha ay ugu soo shubmaan caloosha. Waxay u badan tahay in cunuga ay noloshiisha oo dhan ay ku jirto. Wey dhici kartaa markuu koro cunugu uu fiicnaado oo laga bixiyo.
3- Marinka nafaqada (xudunta) oo dhuunta ku wareegsan markey caruurta dhalanayaa ma fududa in la arko ama la garto inteysan dhalan. Ma keeni karto inay ceejiso cunuga intuu caloosha ku jiro. Hawada (oxygen) wuxu ka helaya hooyada oo cunuga ma neefsanaayo intuu caloosha ku jiro. Hooyada uurka lihi hadey ka shakiso in cunuga dhaqaaqiisa, garaaciisa isbedel ku yimaado iney umuliso/dhaqtar deg deg ugu tagto si baaro ayaa wanaagsan.
4- Hadii hooyada dhiig kar ku dhaco ama kaadideeda laga helo protein, matag/hunqaaco badan iwm waxa la isku dayaa in marka la siiyo daawo si caadi ah u dhasho hadii kale qaliin ayey noqoneysaa.
5- 2 kilo ama ka yar caruur ku dhalatay oo caafimaad fiican oo si fiican u koray ayaa jira. Nabadeey
|