|
السلام عليكم ورحمه الله وبركاته
CAAFIMAAD
Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka
Qaybtii 7aad
S-Awalan A/c w/w taaniyan waxaan ku waydiinayaa anigoo aan iska shaki qabin hergab iyo nabar midba ayaan waxaan seexday dhowr iyo labaatan habeen meel shamiito ah ama sajaayayd waxba isma dhaamaane labaatan habeen kabacdi waxaan dareemay wax aanan aheyn hergab ama nabar evry day time waan qufacayaa Qufacaasna maahan mid ku salleh wax hergab ah Dr:mashaale maxay kula tahay dareenka cudurka aw ahaan doono plz haduu hadalkayga qaldanyahay waad ii sixi kartaa wabilaahi towfiiq jawaab dagdag ah
Xayle
J-A. C.
Walaal waxaan cadeyn in qufaca xilli kastaa ku hayo ama subaxa, galinka hore, habeenkii. Inaad wax tufeyso, qandho, sigaar cabid, nooca shaqadaada iwm. Waxaa talo iga ah hadii aad tufeyso wax midabkoodu bedelan yahay, culeyskaaga dhacay iwm inaad la xiriirto dhaqtarkaaga si baaritaan (dhiig, X-ray ama raajo). Nabadeey
S-asalamu calaykun waraxmatulahi waa barakaatu dr marka hore waxad iga gudoonta salaan aad uu qaali ah bacdaa salaan dr waxaan jeclaa in aan kuwaydiiyo su,aal yar adoo igana raali ah dr maalin uunban seexday bacda duhur baan u jeeda ka dib wxaan soo kacay isagoo carabku dhinac i go,an yahay waxan is idhi waad is qaniintay markaas adigu waa uu i bogsaday carabkii hadana dib ayaa uu ii qarxay hadana waa uu i bogsaday markaas marku bogsadaba dib ayaa uuu hadana ii go,aya carabku waliba waa dhinac baa ii go,aya marba markaas dr waa maxay bal iiga soo jawaab adoo raali iga ah wasalamu calaykum waraxmatulai wa barakaatu
Sulaymaan
J-A. C.
Walaal sida ugu haboon waa inaad la kulanto dhaqtarkaaga oo baaritaan laguugu sameeyo lana arko nabarka. Ma isku ogtahay xanuunka qalalka oo dhici karta itaad jiiftay inuu ku qabtay oo aad isqaniintay? Nabarka waxay u badan tahay in daawo laguugu qoro (hadey bakterio jirto). Dhaqtarkaaga balanso.
Nabadeey
S-Waxaan rabaa in aan wax kaawaydiiyo maxaa uu ka qabaa caafimaadka nadaafada qofka bini aadam ka ah ? takale dhakhtar ma ogaan karaa ilmaha uurka hooyada kujiro asaga oo kayar 2bilood in tas baan kuwaydinayaa
Ilyaas
J-A. C.
Walaal caafimadka iyo nadaafada waa laba shey oo aad isugu xiran. Nadaafad darro xanuuna badan ayey keeni kartaa, sida nadaafada fiican ay ka hortag u tahay xanuuno badan.
Waa suurtagal in uurka markuu 2 bilood ka yar yahay in jinsigiisa laguu sheego.
Weydiintuse waxay tahay maxay tahay farqiga wiil iyo gabar? Cubug caafimaad qaba oo wanaagsan ayaa haboon in Eebe laga baryo. Aamiin.
Nabadeey.
S-Asalamu caleykum... salaan kadib, Dr. shukran sida dadkaada uga cawiso tala siinta cafimaadka, waxaan rabay in aad isharaxdo gaaska qaabka uu leeyahay iyo dhibatada ugeysto qofka qaba, iyo inta nooc uu u baxay, wax keeni karo, qof baa igu yiri cancer buu isku badalaa hadii uu kugu xumaado marka, midaasne ma'aanu fahmin wixii talo ah oo gaas ku saabsan bal isoo sii jazaka allah..
Mohamed
J- A. C.
Walaal gaaska ama GASTRIT oo afka shisheeye lagu yiraahdo waa xanuun ku dhaca caloosha kaasoo lagu yaqaan calool ama laab/dhuun gubasho ama laabjeex, (HEARTBURN, PYROSIS). Waxana loo kala qeybin karaa sidatan
1- In habdhiska difaaca uu dhib u geysto xubnaha/unugyada caloosha wax soo saarka ah, taasoo keenta in cusbada caloosha dhiili tirkeedu xumaado/yaraato. In protienka IF (Intrinsic factor) la waayo keentana in Vitaminka B12 caloosha qaban karin qofkana ku timaado dhiig yari. 2- Bakteriyada HELICOBAKTER PYLORI iney infektion caloosha ku keento taasoo keenta in ay yaraato maadada gastrin isla markaana ay korodho cusbada caloosha. 3- Noocan waa mid isugu jira labada noocba. Dhacaanka caloosha oo u soogudba dhuunta muddo dheer hadaan la iska daweyn waxaa iman kara in isbedel dhuunta ku dhaco taasoo kansar noqon kara! Talo: Qofka dhibkan qaba waxa haboon in dhaqtarkiisa uu u tago si dawo ama baaritaan
( GASTROSKOPI) loogu sameeyo. Nabadeey
S-asalaamu caleykum wr wb walaal mar hore ilaahey ha kuugu abaalmariyo jano marla labaad waad ku mahadsan tahay sidaaad ugu diyaar garoday inaad umada somaliyeed aad ucaawiso waxaan rabey inaan ku weydiyo qaybta dumar ayyan wax badan u qabay baahi ilaahada ma aanan arag qof su aasha aan ku weydiyay oo kale wadato waxaan mudo ku jirey ubadka leeysku beero waxaan daawo qaatay 1999 ilaa iyo hadasadex jeer ayaan ilmo ku dhalay wali waan ku jiraa waxaanse ka wal walaa dawadaas mexey dhibaato keeni kartaa waa daawo hormon ah mar walal waxaan rajeynayaa inaad jawab iga siiso jisaakumu laahan qeryran WSC WR WB WABILAAHI TOWFIIQ
Saami
J- A. C.
Walaal habka loo kaalmeeya dadka dhalaanka dhibka ku ahi waxay ku xiran tahay sababta keentay dhibka. In dawo/hormon la siiyo. In ugxanta ama minida in dibada leysku bacrimiyo ka dibna uurka lagu abuuro. In qofka ugxan ama mini qof kale la siiyo. Walaal xaaladaada oo daawada ahi waxay tahay qeybta hore oo keeni karta in ugxanta qaangaar noqoto kana soo degato rugteeda una soo degto uurka/ilma galeenka. Ka dibna waxa qofku qaataa dawada kale 30-35 saacadood ka hor isku taga/jameeca labada isqaba waxayna keentaa in ugxanta diyaar u noqoto iney la kulanto minida. Dawadan waxay keeni kartaa marka qofku isticmaalayo inuu madax-calool xanuun, daal badan, caro badan, caloosha oo bararto ayaa ka mid ah. Dhibkana wuu baabaáa markuu qofku joojiyo. Nabadeey.
|