Home

Quran

Tafsiir

Duruus

Muxaadaro

Contact Us

 

Menu

   Home

  Quran

  Tafsiir

  Duruus

  Muxaadaro

  Contact Us

Current Stats                  

Total Visits:    

Online Visitors:

 

 

   Dr  Yusuf Marshaale

  Suaalo iyo Jawaabo Diini Ah

  Suaalo & Jawaabo Cafimaad

  Xikmad

 Waano

  Maqaalo

  Caqiido

  Caruurta

  Muxaadaro Qoraal ah

  Xadiis

Maxaa Cusub?

Soomida Bisha Shacbaan
  Waxaa Qoray Bahda Waaniye.
---------------------------------

 
Ma is miisaan tay ?
 Waxaa Qoray Abii Cubeyda.
----------------------------------

 
Waano Qeybtii 10aad
  Waxaa Qoray Bahda Waaniye.
-------------------------------

 

Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka

XANUUN IGA HAYA
CALOOSHA

  WALAAL WAXAAN AHAY HAWEENAY........

---------------------------------

 

Dhanjafka
 waxaan doonayaa inaad iiga jawaabto..

----------------------------------

 

Hormoonadaada u baahay
  walaal waxaan ahay haweenay soomaliyeed...

-------------------------------

 

LINKS

  Hay'adda Kafaalo

  Waaniye

  Aflax.net

  Somalisunnah

  Kulannet

  Boqolsoon

  Islamway

  Sultan.org

  Duruus.com

  Axaadiis

  Hanuun

 

Copyright ® 2006
Waaniye.com
All Rights Reserved

 

Tafsiirka Quraanka

 Horudhac & Fatixa            Baqara1-16                    Baqara 17-34                     Baqara 34-57              Baqara 57-70      

... More >> Riix Halkan

 

   Xadiis

10-Abuu Hurayrah (A.K.R) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: ´´Alle weyne kor ahaaye, wuu ku qoslaa labo nin oo midkooda hore kan kale dilay labaduna jannada wada gali doonaan (dhimashadooda kaddib). Midkood oo horay loodilay isagoo jidka Alle u diriraya jannadii buugalay. Markaa kaddib, buu Alle u naxariisanayaa kii wax dilay kaa oo gali Islaamka, oo u diriri jidka Alle oo loo dilayana (sidaana isna jannada kugalaya). Bukhaari iyo Muslim)

Muxaadarooyin

Fadliga Quraanka    Fadliga Sabarka     Maalinta Qiyaamo     Maxaa Xigga Geerida Gabdhaha Suuban Tarbiyadda Caruurta Manhajka Allaah Walaaltinimada         Qisadii Nabi Yusuf cs 1 Qisadii Nabi Yusuf cs 2 

Muxaadarooyin

Qiimaha Adduunka     Nafta iyo shahwaad-  Nafta iyo shahwaad- 2Dumarkii lagu sheegayQabiilka & Qabyaalada

Ku sugnaanta DiintaNolosha dhabta ahWanaaga Diinta  Naftaadda miizaan 


 

 

 

السلام عليكم ورحمه الله وبركاته


CAAFIMAAD 


                                   Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka


                                                        Qaybtii 8aad

S- Salamu caleykum Dhaqtar Yussuf waxaad i sheegta Tii foowga maxaa lugu gartaa astaamaha uu leeyahay bal isheeg wabilaahi towfiiq .

Abdihakim
 

J-A. C.

TYFOID-ka qandhada ahi waxa sababa bakteriyada SALMONELA oo cunto ama cabitaan uu qofku qaatay ku jirta. Muddo 10-14 cisho ka dib ayuu qofku xanuunsadaa. Waxa uu yeeshaa qandho/xumad aad u badan iyo tabardarri/xanuun jirka ah.

Nabadeey.

S-SCWW,SALAAN DABADEED WAXAAN DOONAYAA Dr:IN AAN KU WAYDIIYO:-
1-CRRUURTA MAR WALBA CAATADA SAA'IDKA AH MAXAAY SABABSANAYAAN?
2-QOF CAYILAN OO DOONAYA INUU IS DHIMO BALSE AWOODI WAAYEY IN UU ISKA DHIMO 100KG MAXUU SAMAYNAYAA?
3-DAAWADA BADAN OO LA ISTICMAALO WAX DHIB AH MA LEEDAHAY?
MAHADSANID

Cabdalla


J- A. C.

1- Caruur caato ah caafimaadna qabtaa wax dhib ahi malaha. Waxa haboon in la fiiriyo culeyska iyo dhirirka ma isku dheeli tirin yihiin. Waxa jira cunto nafaqada ama dufanka ku badan oo culeyska kordhiya.

2- Qofka culeyska ku badan yahay waxa marka hore haboon iney ka goán tahay inuu culeyska iska dhimo oo uu goáan adag leeyahay kadibna raaca barnaamij ama jadwal dhaqdhqaaq/jimicsi iyo cunto dheeli tiran, kuna badan qudaarta iyo cagaarka iwm. Qof gool lehna noqdo. Markuu natiijo fiican(haba yaraatee) sameeyana uu naftiisa abaal marin iyo dhiiri galin siiyo.
3-Daawada marka jirku u baahan yahay haduu qofku isticmaalo oo uu iska ilaaliyo inuu macna daro u qaato wax dhib ahi kuma keeneyso jirka. Dawada sideedaba dhib iyo dheefba wey leedahay. In la iska badiyo oo macno darro loo isticmaalaa dhibkeedey leedahay.
Nabadeey.

S-walaal waxaan ahay gabar guri lahayd mudo 8sano ah.hal mar ayaan uur qaaday way iga dilmeen 8sano ka horna ayey ahayd. ilaa hadana uur kale ´ma qaadin.dhinaca bidix ayaa i xanuuna dhakhaatiirta oo dhan ila hada way garan la yihiin waxa iga haya. aad bay ii xanuuntaa marka dhiiga iga imaanayo dhiiga xinjiro ayaa iga imaada marka ay iga imaanayso xinjirtaas nabar ayaa i qabta.maxay noqon

Aasiya

J-A. C.

Walaal haddii dhiiga caadadu qaldan, tira badan yahay ama yar yahay ama sababo kale waxa haboon in qof Gynekology ahi baaritaan kugu sameeyo. Dhiigag ayaa leyska qaadi iyo raajana waa la isa saaraa. Waxa jira dawooyin (kaniini ama irbado) ahi oo dheeli tir ku sameeya caadada, isla markaana xanuunka ama dhibka yareeyo. Tan kale haduu qofku rabo inuu uur yeesho habab kala duwan ayaa jira. Marka walaal waxa haboon in dhaqtar aad ku kalsoon tahay oo Gynekolgy ahi inaad la kulanto.

Nabadeey.

S-S/calaykum
walaal waxaan doonayaa inaan wax ka ogaado cudurka ku dhaca caruurta ee hadalka ku celiya ee loo yaqaan AUTSIM,waayo waxaan ahay hooyo heysata wiil 5 jir ah oo qaba Autsim,mana hadlin waligiis, marka walaal waxaan rabaa inaan ku waydiiyo : ilaa imisa sano ayuu ku hadlaa qofka qaba cudurkaan? mase dhici kartaa noloshiisa amusnaantaas ku dhameeysto? soomaaliya markaan joognay mala yaqaaney cudurkaan?
Mahadsanid

Luul

J-A. C.

Walaal AUTISM waa marka dhib gaaro maskaxda taasoo keenta in qofka awoodiisa fahan/garasho yaraato. Waana lagu dhalan karaa ama marka la dhasho ka dib dhib yimaado ayey noqon kartaa. Badanaa waxa ku lamaanan dhibab kale oo ay ka mid yihiin aragtida/maqalka oo nusqaansan, qalal, kartida aqoonta oo yar. Dadka hadalka dhibka ku ahi waxay ku xiran tahay hadba dhibkan AUTISM-ka intuu la eg yahay iyo sida loogu dadaalo in aqoontiisa loo kobciyo. Hadduu qofku helo qof ku taqasusay wax barida dadka dhibkan heysta, looguna dadaalo caruurta in muuqaalo/sawiro la tusiyo isla markaad u sheegeyso erey kasta si fudud ayuu u baran karaa waxa cusub. Dad dhib xoog leh qabaa oo hadalba baran wey dhici kartaa, hase ahaatee badankooda wax wey bartaan, haba yaraatee intey bartaan.
Nabadeey.

S-asalaamu caleykumwr wb
walaal waxan kugu salaamay salaanta islaam waxaan rabay inaan ku weydiyo su aalku saabsan qeybaha hormoonka
waxaan ilaa iyo 2000kii ku jiray dawo waxaan leygu beeray ilmo dhowr jeer walina waan ku jiraa marka waxaan rabey dawadaas dirada badan ah oo ku saab san qeybta IVF ALAXDULILAAH WAAN ISKA CAAFIMAAD QABAA LAAKIIIN DAWADAA TIRADA BADAN MAXAAKAIMAAN KARA ILAAHEYNAHA IGA KORIYO CUDUR XUN ANIGA IYO INTII MUSLIM AHBA
WALAAL HADII AAD SU AASHEYDA HESHO IIGU SAA JAWAAN SI DAG DAG AH HADA KA HORNA WAA SOO DIRAY MARKA MA AQAN INAY KU SOO GAARTAY IYO IN KALE WAXAN LEEYAHAY MADAX XANUN BADAN LAAKIIN MA OGI INEY AYIDA TAHAY IYO IN KALE
WCSW WR WB WABILAAHI TOWFIIQ

Saamiya

J-A. C.

Walaal IVF (In Vitro Fertilisation) daawooyinka/hormoonada la isticmaalo waxa ay keeni karaan madax xanuun, calool xanuun, barar jirka qaasatan caloosha, carro badan, daal badan, hurdo xummo. Hase ahaatee ujeedada loo isticmaalayo ayaa ka muhiimsan. Marka la joojiya dhibka wuu yaraadaa.
Nabadeey.

S-walaal waxaan kugu salaamay salaanta muslimka illaahay ha inagu xiftiyo inaga iyo ubadkeenaba wadamada gaalada walaal waxaan dhalay caruur 3 ah waxaa igu dhacday in aan arkay caruurtii oo xiniinyihii ka tegeen oo aan qabo in ay iyagu ku sameeyeen dhibkaa caruurtaa aan hadli karin markaa raganimadii ayaan u malaynayaa in ay dhaawaceen waxaa talo ah oo aan sameeyaa illaahayna ha u xiftiyo raganimadooda caruurtaa waana 3sano iyo 2 sano caruurtu walaal waxaan kaa filayaa jawaab waafi ah ALLAA MAHAD LEH WASALAAMU CALAYKUM

Maxamed

J-A. C.

Walaal waxa dhici karta in xiniinyaha caruuta markey dhalanayaan ay weli hoos u soo degin. Waana la sugaa in muddo ah oo waxa lagu sii wadaa baaritaan ama taabasho xiniinyaha ah xaruunta dhalaanka. Markey sanad dhaafaan oo xiniinta weli soo degin ayaa daawo la siiyaa ama qaliin loo diyaariyaa. Qaliinka inuu ka daba maro maaha 4-5 sano jir. Qaliinka ka dibna wax dhib ahi sida u badan laguma arko. Hadaan la qalin waxaa yaraan kara awooda taranka ama waxaase iman kara in xiniinta soo degi weysay, lana qalin iney kansar keento. La xiriir dhaqtar caruur una sheeg arrintan si wax loogu qabto (qaliin).

Nabadeey.


 

Copyright © 2006 waaniye.com
Waaniye.com