Weydiiso Dhakhtarka Su,aashaada!!!                     
Menu


Login
Nickname

Password



Maxaa Cusub
-al Thani 1428

 Waaniye Guestbook


Sh Yusuf (Fatwa)

 Waxaa Ku socota Shaqo!!!g!!

 

 

Links

 Aflax

 Runta

 Duruus

 Tafiiq Masjid

 Maktabada Maanta

 Khalid Masjid

Anasheed

 Dacwah

 Islam Way

 Islaam Web

 Altaqwaa

 Golaha Imaamyada

Weydiimo iyo Wercelino ku saabsan caafimaadka   

 ::Caafimaadka Dr Yusuf Abdulkadir Marshaale
Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka 

Tirada la soo booqday  Qeybtaan waa

 

Suaal

S-asc wr wb.

walaal aad ayaan kuu salamay,waxaan isku arkay ilkaha oo dhicana midig habeenkii aad ii xanuunaya oo igaraacmaya,ilkahayguna way fiican yihiin oo mardhaw ayaan kontoroolay maxaa sabab unoqonkara?
suaal kale nin saaxiibkay ah oo ila jooga ayaa asagana kasheeganaya xiniin xanuun xanuunkaas oo ilaa saracda gaadha mararka qaar ?

wcs wr wb norway

 Ahmed

Jawaab

J-A. C.

Walaal waxaan la tashtay qolada ilkaha. Xanuun ilig ama ilkaha ku dhaca sababta keentaa wey badan tahay. Waxa ay noqon kartaa in iliga ama ciridka uu infektion jira waa sida u badan. Waxa kaloo ay noqon kartaa qofka oo ilkihiisa isku xoqa ama isku riixa markuu jiifo ama soo jeedo. Sida aad ii sheegtay kontrol ayaad dhawaan ilkahaaga ku sameysay, waxana haboon in raajo ama X-ray aad sameyso si loo arko hadey dhibaato god ka qodmay iliga oo bilow ah.
Weydiinta saaxiibkaa waxa haboon inuu dhaqtarkiisa u tago si looga qaado baaritaan kaadi iyo/ama dhiig. Hadii uu qabo infektion kaadimareenka ama xiniinta si daawo uga qaato.
Nabadeey

Suaal

S- asalaamu calaykum walaalkayga muslimka ahaw waad ku mahad santahay jawaabta
aad ii soo qortay, walaal kayga muslimka ahaw arinta aad shegayso wey ii
sheegeen oo wiilka yar ayaa lahaa lakiin ka weyn waxa uu ahaa caadi intaanu
bilaabin ama mudo ku jiray ilaa 2 bilood ah meesha lagu hayo caruurta
inataanay gaadhin iskuulka, waxaa dhacay markaa mudo yar ka dib in aanu ku
aragnay in xiniinyihiisi aanay joogin markii horena waa lahaa waa wiilka
weyn illaah baa weyn markaa waan ka shakiyey in ay iyagu ciladan ku
sameeyeen wiilka yar oo raganimadii dhaawaceen miyey dhici kartaa in qof
walaal lag dilo raganimada oo sidaa xiniin yahu ku tagaan waan yaabanahay
tuulo cun suri ah oo yarna waan degenahay ilaahayna xaqa ha inagu sugo
dhamaanteen hana ina xifdiyo inaga iyo awlaadeenba, walaal alle hakaa abaal
mariyo abaalkaad muslimka walaalahaa ah ee soomaaliyeed aad u gelayso

Mohamed

Jawaab

J-A. C.

Walaal sidaad wax iigu sheegtay waan gartay. Waxaan qabaa in qofna arrinkaas uusan sameyn karin. Eebe uun baa awoodaas leh oo sameyn kara. Wiilka raajo ma saareen si xiniinta loo ogaado iney kor u oroday. Weydiiso arrinkaas iney kuu sameeyaan. Dad badan ayaa hal xiniin leh Eebana caruur siiyay. Eebe ha idiin fududeeyo arrinkan.

Nabadeey

S-Salaamu Calykum,

Waxa aan rabaa in aan wax ka ogaado cudurrada Macaanka (Sokorowga) iyo Kan Dhiig-karka marka ay qof ku wada dhacaan sidee ayaa loola tacaali karaa ee ugu habboon, inta badan waxaan maqlaa in ay yihiin laba cudur oo qof ay ku dhacaan ay dhib weyn u gaysan karto.

Wabillaahi Tawfiiq.

Saacid

J-A. C.

Sonkorowga ama Diabetes sida badan waa dhaxal. Waxa maanta loo qeybiyaa dhowr nooc. Labada nooc ee ugu muhiimsan waa: Nooca koowaad (Diabetes typ 1) waa kan caruurta. Daawadiisan waa in insulin (dawo irbad) la qaato. Nooca labaad (D typ 2) waa kan dadka dáda ah ku dhaca. Noocan dawadiisa waxa noqon kartaa in aan cunno dheeli tiran cunto, dhaqdhaqaaq fiican sameyso. Hadey ku filnaan weyso ayaa loo gudbaa kaniini ama irbad.

Dhiigkarka (hypertension) waa dhaxal sida badan. Tiro yar ayaa la gartaa sababta keentay, hase ahaatee inta badan lama oga sababta keentay. Dhiiga marka la cabiro adigoo dhowr daqiiqadood  (>5min) nastay waa inuusan dhaafin 140/90 (kan kore 140, kan hoose 90), sida badan waa 120/80. Dáda ayey ku xiran tahay cabirka inta uu la eg yahay.
Sonkorowga iyo dhiigkarkaba waa laba xanuun oo si fudud qofka uu ilaalin fiican siin karo. Haduu qofku  1- Cunto dheelitiran, nafaqo fiican uu cunno. 2- Dhaqdhaqaaq fiican sameeyo. 3- Shiddada (stress) iska yareeyo. 4- Sigaarka iyo muqaadaraadka iska ilaaliyo wax weyn ayuu ka qabtay noloshiisa. Hadduu qofku cudurradaasi uusan si fiican wax isaga qaban waxay keeni karaa in qofku dhiig maskaxda kaga furanto, in wadnaha istaago, in faraha adimadda/gacmaha dhintaan oo la gooyo.
Nabadeey

S-salaan sare kadib adigoo mahadsan dr waxaan ku weydiiyay su'aal ah il iga ilmaynaysa kolka aan wax calalinaya qaasatan kolka aan cuntada cunayo taasoo ka badan muddo 6sanadood ah walaal xanuun aan qabo majirto nuurka isheydana waa 100% balse mustaqbalka ayaan ka baqayaa in dhib ay igu keento dr keygane waan tusay wax aan goojo aheyn iima uusan qorin waxna iimey siyaadinin waana il kaliya uun.walaal towfiiqda allaha na waafajiyo e' bal maxaa ugu haboon oon sameeyaa? qeyr allaha ku siiyee...

J- A. C.

Walaal waxa suurtagal ah in wax aad xasaasiya ku tahay oo ku dhibaaya iney jiraan. Waxa kaloo suurtagal ah in marinka ama qanjirka  ilmada/ilinta ay dhib jiraan. Indhaha oo qaleyl noqdana waa dhib keeni kara. Aragtidana waxa haboon inaad iska fiiriso. Walaal la xiriir dhaqtar indhaha ah hadii dhibka kaa yaraan waayo. Sida aad sheegeyso wax dhib weyn ka muuqda ma jiraan. Waxaase haboon in la is baaro.
Nabadeey.

S-salaamu caleykum wr wb marka hore waankaaga mahad celinayaa sida sharafta leh aad nooga baahi bixisay su aalaheena rabi hakuu abaal mariyo aamin
suaasheyda waxaay tahay walaal waxaa i haayo waxa aay dhahaan somalida cilmi nafsiga waxaana dareemaa welwel daal fara badan habeenkii hurdo la aan waana xanaaq badanahay aad hilmaamkeygana waa badan yahay xasuusta iigu yar hadalka qofka kale mar mar waxaa dhacdo in aanba fahmi karin waxa ley sheegaayo sida anoo telfoon ku hadlaayo ooba is hilmaama in aan ku hadlayo telfoon iyo in kale aaba shaki iiga galaayo waxaan dareemaa xasuuus badan iigu soo dhaceyso sida dhibaato naloo geestay oo weyn tuugo aniga oo dhan waxaan dareemaa sida anoo qof kale ula sheekeesanaayo oo kale maskaxdedayna waa buuqeysaa waxaan dareeemaa cabsi badan waxaana dhibaato iiga soo gaartay wadankeena ayaa familkeena lagu dil dilay ilaa hadana waxaay iila tahay sida wax hada ookale u arkaayo film oo kale ayuu iigu shidmaa maba is hilmaamsiin karo ma aqaano waxaa i haayo sida aan ahay iyo sida kale isma ogi waxaana rajeenaa in aad i fahmi doonto yurub waxaan joogaa 9 sano waxaan is lahaa waad iska hilmaami doontaa markaa yurub aado maba hilmaamo habeen walbo hurdada ayaan kasoo naxayaa waxaa iigu soo dhaceyso habeen habeenada ka mid ah oo tuugo noosoo gashay oona dadkeena dil iyo dhaawac u geesteen marka ma noqon karaa waxa saas xasuusta iigu reebay caafimaad xumada iigu reebtay mar mar waxaaba is moodaa in aan walanahay maxaa yeelay anooo iska sheekeesanaayo ayaan is arkaaa waxaan rajeenaa in aad i fahmi doonto insha allaah

Umucabdiraxmaan

J-A. C.

Walaal dhib badan ayaa ku soo gaaray, Eebaana dhibka yareeya islamarkaana qaadi kara. Dhibka ku soo gaaray dhaawac badan ayuu kugu reebay. Waxa ugu horeeya waa inaad dhaqtarkaaga u sheegto dhibkan si baaritaan laguugu sameeyo. Haddii dhibka ku hayaa xanuun jirka ka imanayo si dawo ama talo lagaaga siiyo. Haddii dhibka maskaxda ka imanayana in dawo lagu siiyo (dhaqtar) iyo wada hadal laguu sameeyo (psychology). Quraan aqriska iyo cibaadana badso. Aduunka qofka mu´minka dhibka ku gaaraa dambi dhaaf Eebe ha uga dhigo.
Nabadeey.

Waaniye.com
 

   Dadka Soo Islaamay

   Dr Yusuf Marshaale 

  Su,aalo & Jawaabo Cafimaad

  Su,aalo & Jawaabo Diini ah

  Waaniye Guestbook

  Xikmad

 Waano

  Maqaalo

  Caqiido

  Caruurta

  Muxaadaro Qoraal ah

  Xadiis


Info

......

 Tell a Friend   Add to Favorites


Quran Audio
 Qaaf             Kahf                    Anfal                     Towba               Maryam      
 

Vote

 Waxaa ku socota shaqo!!!


Maamulka (Waaniye)
Waxaa Online ah Maamulka 0

Ducooyin

 Duco(Mustajaab)

 Duco(haabeen & Maalin)

 Duco(Culimo kala duwan)


 Dhalinyarada (Maqaalo)

 Waxaa Ku socota Shaqo!!!


Siirada Nabiga(SWC)

 Waxaa ku socota shaqo!!!


Gabdhaha Muslimiinta ah

 Waxaa ku socota shaqo!!!

 
Copyright © 2006 waaniye.com

Waaniye.com