Menu

Who's Online

Login
Waaniye Members
Username :
Password :
   

Maxaa Cusub
3Suaalo iyo Jawaabo (Fatwa)


 Waaniye Guestbook



 

 

 

Links

 Aflax

 Runta

 Duruus

 Tafiiq Masjid

 Maktabada Maanta

 Khalid Masjid

Anasheed

 Dacwah

 Islam Way

 Islaam Web

 Altaqwaa

 Golaha Imaamyada




 

Qaybta 3aad


    Waanooyin iyo talooyin ka yimid dad soo islaamay       

 

                                       Qaybta 1aad        

 

 

Waanooyin iyo talooyin ka yimid dad soo islaamay, waxaana ay waanooyinkaas ku socdaan, dadka aan islaamka ahayn, dadka aan islaamka ku dhaqmin iyo dadka islaamka ku dhaqma.

 

A-Talada aan aan u soo jeedinayo qofka raadinaya macnaha nolosha: waa inuu qofku raadsado oo sahan kala duwan ka raadiyo diimaha kala duwan. ILAAHEYNA ka baryo inuu tuso jidka saxa ah.

 

B-Dadka muslimka ah ee aan ku dhaqmin diinta waxaan xasuusin lahaa aayadaha quraanka ee leh waxaad tihiin muslimiin, waxa idin sugayana waad ogtihiin, waadna aad dhimaneysaan. Maxaad ku oraneysaan markaad ILAAHEYGIINII idin abuurtey aad hor tagtaan.

 

C- Dadka muslimiinta ee ku dhaqma diinta waxaan idin oran lahaa sii badiya aqoontiina diinta islaamka.

 

 

Mariam Elbornsson Dhaqtarad, Dhalatey 1973

   soona muslintey 1998.

            Sweden

 

 

A- Waxaan kula talin lahaa dadka raadinaya macnaha noloshu waxa ay tahay waa in ay yara firiistaan meel oo ka fakaraan sababta ay u joogaan dunida, isla markaana ka fakaraan meesha ay u socdaan.

 

B-Dadka muslimka ah ee aan ku dhaqmin muslimnimada waxaan u xasuusin lahaa bal waxa ay qabanayaan & waxa ay sameynayaan. Waan iney maanta oo ay noolyihiin ay ku dhaqmaan diintooda islaamka oo ALLE ka baqaan, waxaa laga yaabaa in aysan gaarinba berri.

 

C-Dadka muslimka ah ee ku dhaqma diinta waxaan ku baraarujin lahaa in ay noqdaan dad sii wanaagsan oo ay ka fakaraan waxa dhici doona mustaqbalka, mar walbana feejignaadaan.

 

 

Imaan ( waa gabadh indha la') oo dhalatey 1985

      soona muslimtey 1998.

             Norwey

 

 

 A. Talada aan u soo jeedinayo dadka doonaya in ay ogaadaan macnaha nolosha,  waxaa ku oran lahaa dan ha u gelina dadka waxa xun ka  sheegaya diinta islaamka ee idinku isticmaala maskaxdiina & garaadkiina. Waxaanu haysanaa oo aanu leenahay diin sareysa oo qurux iyo macaanba leh  oo kuligeen guul baanu ku gaari karnaa.

 

B. Dadka  muslimiinta oo aan ku dhaqmin diinta waxaan ku oran lahaa, hayska qasaarinina waqtigiina & waxa aad haystaan, qaasatan dadka ku dhashay iyagoo muslimiin ah, oo dadka kale waad ka duwan tihiinoo waxaad haystaan wax aad u qiimo leh, oo ku dhaganaada waxaas qiimaha leh oo aad haystaan. Markaad ku dhaganaatid ayaad arrintaas iyada ah aad arki doontaa faa, iidadeeda. haddi kale waxaa ka baxaya gacantaada waxa ugu wanaagsan nolosha.

 

C. Dadka muslimka ah ee ku dhaqma diinta waxaa xusuusin lahaa iney ay ku dhaganaadaan quraanka & sunnada, oo ay noqdaan dad tusaale wanaagsan oo lagu daydo, sabir badana yeesha.

 

 

Ibrahim Karlsson, dhashey 1970

waxuuna soo muslimey 1996.

      Sweden

 

 

Qaybta 2aad

 

 

Waanooyin iyo talooyin ka yimid dad soo islaamay, waxaana ay waanooyinkaas ku socdaan, dadka aan islaamka ahayn, dadka aan islaamka ku dhaqmin iyo dadka islaamka ku dhaqma.

 

 

 

1)Waxaan  kula talinayaa caruurteyda & dadka kaleba iney baadigoobaan oo raadsadaan aqoonta Diinta Islaamka iyo wixii kaleba.

 

2) Dadka doonaya in ay ogaadaan macnaha noloshu waxey tahay waxaan rabaa iney ogaadaan sababta ay u doonayaan kolka horeba macnaha noloshu waxey tahay, kadibna ay isu barbar dhigaan dhowr diimood oo kale duwan kadibna ay si wanaagsan ay u bartaan diinta Islaamka.

 

3) Waxaan ogeysiinayaa in dadka muslimka ah in ay ka xaaraan tahay wixii xaaraam ah in aysan sameeynin (HARAM).

 

Nina torgessen (Khadiija)

GudoomiyahaUrurkaDumarkaIslaamkaee Norway.

 Waxey soo muslimytey 1991.

 

1) Caruurteyda & dadka kaleba waxaan ku guubaabin lahaa in ay kudhagenaadaan Diinta Islaamka iyo in la noqdo Muslimiin wanaagsan, lagu dadaalana tusaalooyinka wanaagsan, Allena ha nacafiyo.Aamiin.

 

2) Dadka Muslimiinta oo aan ku dhaqmin Diinta Islaamka waxaan kula talin lahaa iney jidka saxaha ah ay qaadaan, anigana waan u duceynayaa, oo Muslimiinta adduunka oo idil ayaa i diin soo duceyneysa.

 

Laila (umm Abdallah)

soo muslimtey 1983.

    Denmark.

 

1) Waxaan kula talin lahaa dadka doonaya macnaha nolosha iyo waxa ay tahay in ay ku dadaalaan oo ay ka salgaaraan arrintaas.

 

2´) Dadka Muslimiinta ee aan ku dhaqmin diinta waxaa u soojeedin lahaa in ay Diinta Islaamku ay tahay mid xoogleh oo uu qofku ku xoojinayo xiriirka uu la leeyahayI LAAHEY. Waxaan u arkaa Diinta Islaamka in ay noqon doonto mustaqbalka diintii bi,niaadamka oo idil iyo dadka oo idil diintoodii.

 

 Ali Linstad, (Dhakhtar)

Soo muslimey 1990.

     Norway.

Waaniye.com
 

   Dadka Soo Islaamay

   Dr Yusuf Marshaale 

  Su,aalo & Jawaabo Cafimaad

  Su,aalo & Jawaabo Diini ah

  Waaniye Guestbook

  Xikmad

 Waano

  Maqaalo

  Caqiido

  Caruurta

  Muxaadaro Qoraal ah

  Xadiis


Info

......

 Tell a Friend   Add to Favorites


Quran Audio
 Qaaf             Kahf                    Anfal                     Towba               Maryam      
 

Vote

 


Maamulka (Waaniye)
Waxaa Online ah Maamulka 0

Ducooyin

 Duco(Mustajaab)

 Duco(haabeen & Maalin)

 Duco(Culimo kala duwan)


 Dhalinyarada (Maqaalo)

Siirada Asxaabta

Gabdhaha Muslimiinta ah

 

 
Copyright © 2006 waaniye.com

     
Waaniye.com