Untitled Document

Untitled Document

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Untitled Document

         Maxaa Cusub?

This is the page title

Waaniye.com

Waaniye.com


Bisha Ramadaan iyo Arrimaha Soonka
Soonku waa tiirka afraad ee diinta Islaamka, waana cibaado soo jireen ahayd oo ummadihii hore samayn jireen. . Haddaba bisha Ramadaan awgeed waxaan ku faraxsan nahay in dad weynaha soomaaliyeed aan usoo gudbino qoraalo koobaya dhinacyada arrimaha Soonka. Macnaha Soonka:- Soonku waa ka istaagid (joojin) uu qofku iska taago wax kasta oo Allaah iyo Nabigiisu (S.C.W) amreen in laga istaago. Shuruudaha qofka Soomaya:- Waa inuu muslim yahay, qofku yahay Qaangaar, miyirna qaba awoodina kara inuu soomo bisha Ramadaan. Rabbi wuxuu quraanka ku yiri:- Dadkii Allaah rumeeyayoow waxaa laydinku waajibiyey Soon siddii loogu waajibiyey kuwii idinka horeeyayba waxaadna mudan tihiin inaad Rabbi ka baqdaan).Al-Baqra 183 Rasuula S.C.W wuxuu yiri: Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir, in la qiro Allaah mooyee in Alle kale jirin,Maxamed S.C.W uu yahay Rasuulkii Allaah,Salaadda oo la oogo, Zakada oo la bixiyo, bisha Rammadaan oo la soomo iyo Kacbada oo la tago. Waajibaadka Soonka:- 1- Niyo: waa inuu qofka soomaya qalbigiisa galiyo kuna tala galaa inuu soomayo beri ama bisha Ramadaan oo dhan. 2- Iska dayn: Waa in qofka sooman ka istaagaa iskana dhaafo wax kasta oo afur keeni kara ama jabinaya Soonka. 3- Waxaa waajib ku ah inaad ka tagto dhamaan waxyaabahana soo socda sida.-Xanta,Beenta,Namiimnimada, Lacnadda,Khayaano, cayda(hadalada xun), dooda aan nafaca lahayn, iwm. Rasuulka S.C.W wuxuu yiri: Qofkii aan iska dayneyn, beenta(been abuurka) iyo ku dhaqankeeda Illaahay dan kama laha inuu qofkaasi ka tago cuntada iyo cabbiddiisa. Sidoo kale waxaa mar kasta looga baahan yahay qofka muslimka ah inuu ilaaliyo aragiisa, maqalkiisa iyo xubnaha jirkiisa oo dhan si gaar ah markuu sooman yahay. Illahay quraankiisa wuxuu ku yiri:- Maqalka iyo araga iyo qalbiga waa la is waydiinsuuru Israa 36. Waxyaabaha Soonka buriya ama jabiya:- 1- Wax cabid ama cunid ula kac- kas ah. 2- Galmada maalinnimo nooc kasta ha ahaatee. 3- Is ma tajin ula kac ah ama la iska doono. 4- Irbadaha iyo faleebooyinka nafaqada ah oo la isku duro. 5- Shawo iska keenid. 6- Haweenka haddii uu ka yimaado dhiig caado ama mid dhalmo. 7- Ka bixidda diinta Islaamka(riddoobid), Alle ha ka badbaadsho intii Muslim ah Aamiin. Dadka loo baneeyay in ay afuraan:- 1-qofka safarka ku jira. 2-Qofka xanuun hayo. 3-Haweenka uu ku dhaco dhiig caado ama dhalmo 4- Uur ama nuujin ilmo 5-Dadka da`da ah oo aan awoodin karin. Fadliga soonka:- Illaahay wuxuu xadiis Qudsi ku yiri:Wanaag kastaa waa la toban laabaa intii uu ka gaaro todobo boqol oo laab Soonka mooyee, anaase Soonka iska leh abaalkiisna bixin. Xadiiskaan waxaan ka fahmaynaaqiimaha iyo khayrka Soonku Allaah xagiisa ka leeyahay iyo siduu u abaal marin badan yahay. Abii Hurayra waxaa laga soo weriyey in Nabigu S.C.W yiri:- Markii soonku soo galay Waxaa inii timid bil barakaysan, Allaah kor kiina ku waajibiyey soonkiisa , waxaa la furaa irdaha Jannada waxaa la xiraa irdaha Naarta,waxaa la xirxiraa shayaadiinta, waxaa ku jirta habeen ka khayr badan kun bilood, midkii la qadiyo habeenkaas khayrkiisa, kaas waa la qadiyey waxaa weriyey Axmed, Nisaa,i iyo Beyhaqi. Waxaa laga weriyey Abii hurayrah in Nebiga S.C.W yiri:- Shanta salaadood, Jamce, Soon ka Soon, waxaa lagu dhaafaa wixii Dembi ah oo u dhaxeeya, haddii laga fogaado dambiyadda waaweyn waxaa weriyey Muslim. Sahal binu sacad waxaa laga soo weriyey in Nebigu yiri:-Jannada wax ay leedaay albaab(irid) la yiraahdo Rayaan waxaana la oran maalinta qiyaame meeye kuwii Soomi jiray? Markuu galo kooda ugu dambeeya waa la xirin albaabkaas. waxaa weriyey Bukhaari iyo Muslim Afurka iyo Suxuurta:- 1-Afurka: waxaa haboon mar walba in la dedejiyo afurka, marka la hubsado in Qoraxda dhicideeda. Rasuulku S.C.w wuxuu yiri:- Dadku khayr bay ku sugan yihiin inta ay dadejinayaan afurka. Waxa weriyey Bukhaari iyo muslim Waxaana kaloo haboon in uu qofku ka bilaabo afurka timir ama biyo cad iyo wixii kale ee uu helo karo, weliba wuxuu Rasuulku S.C.W wuxuu afuri jiray inta uusan tukan Salaadda. Waxaa kale oo suno ah in lagu ducaysto Illaahoow adiga dartaa baan u soomanaa waxaanan ku afurayaa waxaad igu irsaaqday 2-Suxuurta: wuxuu Nebigu S.C.W yiri: Suxuurta!waayo! Saxuurta waxaa ku sugan barako waxaa weriyey Bukhaari iyo Muslim Haddaba suxuurashadu waa sunno Nebiga S.C.W ka sugnaatay, waxaana kala saara Sonka Muslimiinta iyo Sooka yuhuudda iyo Nasaarada, Muslimiintu way suxuurtaan marka ay Soomayaan, halka ayan Yuhuudda iyo Nasaarada ka saxuuran. Xitaa haddii uusan qofka Muslimka ahi baahi u qabin cunto waa inuu ugu yaraan qaataa dhowr kabbo caano ama biyo ah. Salaadda Taraawiixda:- Salaadda Taraawiixda waxaa la tukanayaa laga bilaabo habeenka la arko bisha Ramadaan, waxaana la joojiyaa habeenka la arka bisha Shawaal(Soon fur). Waxaa fiican Salaadda Taraawiixda in lagu tukado si wadajir ah. Salaadda Taraawiixda malaha tiri u go,an oo ay waajib tahay in la raaco, hase ahaatee axaadiista sugan waxay muujinyaan in Nebigu S.C.W tukan jirey 11 rakcadood, 13 rakcadood waa soo aroortay. Muslimiinta waxay tukadaan 11, qaarna 13, qaarna 21, qaarna 36, iyadoo la soo weriyey in asxaabttti qaarkood tirooyin kala duwan tukadeen, waayo Nebiga S.C.W mar la waydiiyay Salaatu laylka wuxuu yiri: u tuko labo labo rakcadood haddii aad ka baqdaanna fajraka (in salaaddii subax waqtigeeddii kugu soo gasho witirka ku khatim Salaatu laylka. Ugu dambayntii waxaa wanaagsan in la qaato intii Nebiga S.C.W ka tukaday, iyadaan u fudud dadka, oo aan ku cuslaanayn tairadaas oo ah 11 rakacadood oo Witirku ku jiro.

Untitled Document

 Waaniye.com , Powered by Cabdirisaaq M J; (c) 2004-2010 Waaniye.com