WAR HOOY KA BAQA EEBIHIIN!
TOOWBADA
Waxaan rabaa inaan naftayda iyo intii rabta inay (ALLE) ka cabsatoba aan xusiisiyo wax yaalo yaryar. Walaalayaal Culimadu waxay yiraahdeen waa waajib in dembi walba laga toobad keeno, waxayna toobadu leedahay shuruudo dhowr ah oo marna seddex ah marna afar ah. Mar waa markii uu dembiga yahay wax addoonka iyo Rabbigiis ka dhexeeya markaasna waxay shuruuddu tahay inuu qofku dembigii ka fuqo, inuu ka shalaayo iyo tan seddexaad oo ah inuu qofku go'aansado Inuusan dembigaas u noqon dib dambe.
Marka kale oo ay shuruudda afar tahayna waa markii uu dambigu lug ku leeyahay xaq aadane, oo waa in xaqaas aadane la gudo oo laga xalaaloobo hadduu maalyahay la gudo hadduu qadaf ama qaan yahay qofkii oo iyadana laga codsado cafi. Waxaa iyaduna waajib ah in dambiyada oo dhan laga toobad keeno, haddii uu qofku qaar ka toobad keenana waa ka ansaxaysaa,oo qaarkaas waa laga cafinayaa.
Dembigii uusan ka toobad keeninna waa ku harayaa oo laga cafin mayo, jeer uu ka toobad keeno. Toowbadu inay waajib tahay Quraanka iyo Sunnada Nabiga (s.c.w) ayaa caddeynaya. Ummaduna waa ay isku raacsan tahay.
ALLE SUBXAANAHU WA TACAALAHU ,wuxuu yiri: ALLE u wada toowbad keena kuwa xaqa rumeeyow aad liibaanteen”.
(SUURADDA AN NUUR AAYADDA 31)
WUXUU KALOO YIRI KOR AHAAYE: “Kuwa xaqa rumeeyow ALLE u toobad keena toob san”.
(SUURADDA AT TAXRIIM AAYADDA 8)
WUXUU KALOO YIRI KOR AHAAYE: “Waxaan idin leeyahay oo idin kugu yeeri Rabbigiin cafis iyo dambi dhaaf weydiista oo u noqda ALLE idinkoo toobad keenooyin ah (SUURADDA HUUD AAYADDA 3)
Abuu Hureyrah (A.K.R) wuxuu yiri waxaan maqlay Rasuulkii ALLE (S.C.W) oo leh wallaahi maalintii waxaan ALLE dembi dhaaf waydiistaa oo u toobad keenaa wax toddobaatan jeer ka badan (W.W BUKHAARI)
Aqirr ibn Yasaar al Muzani (A.K.R) wuxuu sheegay inuu Rasuulku (S.C.W) ku waanin jiray asxaabtiisa ALLE u toobad keena dadyahow oo dambi dhaaf waydiista anigu maalintii boqol jeerbaan tooba keenaaye.(Muslim)
Anas ibn maalik (A.K.R) oo adeege u ahaa Nabiga (S.C.W) wuxuu yiri Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri wuxuu ALLE ugu farxaa toobada addoonkiisa si ka daran sida midkiin ugu farxo awrkiisa oo inta hayjad kaga dhumay uu
markaa helay.
(W.W BUKHAARI IYO MUSLIM)
Hadal iyo dabuubtii walaalayaal ha la toowbad keeno oo ALLE ha la weydiisto dembi dhaaf iyo cafis toowbadu waa furantahay ilaa qoraxdu ka soo baxdo galbeed ama qofka tiisu dhamaato.
WA BILLAAHI TOWFIIQ
SHIIKH MUSA HUSSEIN GULED
musaguled123@yahoo.com