10-Abuu Hurayrah (A.K.R) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: ´´Alle weyne kor ahaaye, wuu ku qoslaa labo nin oo midkooda hore kan kale dilay labaduna jannada wada gali doonaan (dhimashadooda kaddib). Midkood oo horay loodilay isagoo jidka Alle u diriraya jannadii buugalay. Markaa kaddib, buu Alle u naxariisanayaa kii wax dilay kaa oo gali Islaamka, oo u diriri jidka Alle oo loo dilayana (sidaana isna jannada kugalaya). Bukhaari iyo Muslim)
Xaaladda dhaqaale ee Dunida Muslimka iyo sababaha ay la hormari waayeen
Hadaad fiiriso qariidada dunida aan ku noolnahay waxaad ka helaysaa 57 wadan oo Islam ah kuwaas oo xubin ka ah Ururka iskutaga Islamka oo loo yaqaan ( Organization of Islamic Conference), sidoo kale cadadka Muslimiinta waxaa lagu qiyaasaa 1.25-1.50 billion qof kuwaas oo dagan kuna nool shanta qaaradood ee aduunka.
Maqaalkaan waxaan ugu tala galay in aan kaga hadlo xaalada dhaqaale ee wadama islamka, khayraadka dhabiiciga ah ee Illaahay siiyay, iyo sababaha kaliftay in dunida islamku ay kamid yihiin dunida seddexaad ama ( Less Developed Countries).
Wadamada islamku waxay Qani ku yihiin illaha dhaqaale oo ay kamid yihiin, khayraadka dabiiciga ah, xirfadaha sare ee bani aadamku leeyahay, macdanta, khayraadka biyaha, iyo waliba marinmada badaha la iskaga gudbo ee aduunka ku yaal, marimadaas waxaa kamid ah suez canal ee masar, baabu mandabka isku xira badacas iyo badda hindiya, hormuz, bosfor, marmar, malqaa, iyo jabarul dhariq, waxaa intaas sii dheer alaabta cayriin oo loo yaqaan ( raw materials) kuwaas oo ay kamidyihiin petrol, rubber, iron, phosphate, uranimum iyo waliba crude oil.
Markii laga hadlo dhanka xirfada bani aadamku gaaray, dunida islaamka waxaa ku nool dad badan oo xirfado kala duwan leh, aqoonyahano, iyo dad kala duwan oo ku takhasusay cilmiyada bani aadamku barto, waxqabadka dadkaas waxaa kamid ah iyagoo ka qayb qaatay wax walba oo horseed u ah hormarka bani aadamka taas oo ay kamid yihiin nuclear scienceska, culuumta casriga ah, cilmiga barashada caafimaad iyo qalniinka, siyaasada, cilmiga barashada deegaanka iyo kuwa kale oo badan.
Kasokow tayada sare ay leeyihiin khayraadkas aan kor kusoo xusay, balse waa khayrdaaka ugu qaalisan ee dunida laga helo kuwaas oo loo isticmaalo wax soo saarka warshadaha sababna u noqda hor usocodka dhaqaale.
Tusaale ahaan petrolka, 80 boqolkiiba waxaa laga helaa dunida islamka, sidoo kale rubberka iyo saliida cayriin 70 boqolkiiba wax soo saarka dunida waxaa iska leh dunida islamka, waxaa kaloo iyadana mudan in la xuso suufka iyo gaaska dabiiciga ah oo iyagana 52 boqolkiiba ay soo saran wadama islamka, sidoo kale uranium iyo phosphateka waxay kamidyihiin khayraadka dabiiciga ah oo sida aadka ah looga helo wadamada islamka.
Lama soo koobi karo illaha dhaqaale ee Illaahay siiyay dunida islaamka hadana nasiib daro majiro hal dal oo islam ah oo kamid ah dalalka hormaray ama (Developed Countries).
Dalalka hormaray waxaa kamid ah galbeedka yurub, united states, Canada Australia, new Zealand, iyo Japan, sidoo kale dalalka aan hormarin ama (less developed countries) waxaa kamid ah Asia, Africa, iyo Latin America.
Iyadoo ay baryahaan jiraan dalal islam ah oo si xawli ah usoo koraya hadana kama mid aha dalalka hormaray waxaana sabab u ah iyagoo aanan wali gaarin heerka ay gaareen wadamadaasi hormaray.
Malaysia oo kamid ah dalalka aadka usoo koraya ee konfur bari asia, Pakistan, sudan, iran iyo turkey dhamaantood waxay leeyihiin warshado badan oo wax soo saar leh laakin kuwaasi ma ahan kuwa dabooli kara dalabka iyo baahida wadamada kale ee islamka mana ahan kuwa dhanka tayada kala tartami kara wadamada reer galbeedka, taasina waa sababta reer galbeedku ay ka iibsadaan alaabta cayriin (raw materials) wadamada islamka si raqiis ah warshadeen kadibna kasii iibiya isla wadamadaas si qaali ah.
Iyadoo ay sidaas tahay wadamada islamkuna ay qani ku yihiin khayraadka dabiiciga ah, ayaa hadana wadamadaasi badankoodu dhaqaalle ahaan u liitaan, hadaba su aasha la iswaydiin karo waxaa weeye maxaa sababay arintaas?? Jawaabta su aashaasi waa mid u furan qof walba balse halkaan waxaan kasoo jeedinayaa fakir ahaan sidaan qabo iyo waliba sida dad badan oo ila mid ah ay qabaan.
Hadaba inta aan qodobadaasi galin waa in aan iswaydiino maxaa sababay hormarka dhaqaale ee reer galkbeedka? Reer galbeedku su aashaas waxay ka aaminsanyihiin in hormarka dhaqaale ay u horseeday fikirka ah hantigoosadka ama (capitalism) kaas oo si xawli ah u bilaawday qarnigii 16aad balse fikirkaasi ma ahan mid la isku waafaqay, dhamaan dhaqaalayahanada islamku way kasoo horjeedaan fikirkaas iyagoo aaminsan in hor mar dhaqaale lagu gaari karo iyadoo la raaco qaabka diinteenu inoo farayso sida loo qaybsho khayraadka.
Markii laga hadlayo sida khayraadka loo qaybiyo fikirka hantigoosadku wuxuu qabaa kaliya dadka ka qayb qaatay wax soo saarka ayaa xaq u leh inay helaan faa iidada kasoo baxda ganacsi walba, halkaas oo wax xaq ahna aan lasiin dadka aan awoooda u lahayn inay ka qaybqaataan wax soo saarka, meesha diinteena islamku ay qabto kasokow dadka wax soo saarka iska leh, balse ay jiraan dadkale oo xaq ku leh ill walba oo dhaqaale, looguna qaybiyo qaabka diintu ina farayso (Zakat), dad badan oo muslimiin ah ayaa qaba hadii Zakatka ay bixiyaan dadka islamka ah loona qaybsho dadka u baahan in dhamaan wadamada islamku ay xili kooban la arki lahaa iyagoo gaaray isku filnaansho dhaqaale, qof walba oo faqiir ahna uu qanci lahaa.
Hadaba dooda ka jirta fikirka hantigoosadka ma ahan mid halkaan lagu soo koobi karo ee waa mid u baahan mawduuc gaar ah, balse waxaa halkaan ka cad in hanti goosadku aysan xal unoqon karin hormar dhaqaale. Sida la ogyahayna dawlada Britain iyo waliba dalal badan oo yurub ah ayaa lasoo kulmay dhibaatooyin badan qarniyadii hore iyagoo waliba haysta fikirka hanti goosadka.
Bal aan dib ugu soo laabto qodabadii sababay dib udhaca xaalada dhaqaale ee Dunida Islamka, qodobadaas oo aad u badan inta ugu muhiimsan waxaa kamid ah:-
iyadoo aysan jirin maamul cadaalad ah, dhamaan hogaamiyayaasha wadamada islamkuna ay garab mareen dhabadii saxsanayd ee diintu ina faraysay iyadoo aysan jirin isku duubnaan ka dhaxaysa bulsha waynta iyo waliba wadama islaamka, taasina waxaa sabab u ah guumaysigii adkaaa oo ay soo mareen wadamada islamka, iyo waliba iyadoo guumaysigaasu wali jiro lana oran karo guumaysigii oo isku badalay si caqliyeed ah, taas oo sababtay in muslimiinta loo kala qayb qaybshay qaybo qaybo badan. Wali in guumaysigii jiro waxaa daliil u ah iyadoo hogaamiye walba oo kataliya wadan Islam ah uusan siyaasadiisa u madaxbanaanayn fikirk ahaanna uu kala mid yahay kuwa reer galbeedka.
Waxaa iyadana jirta in wadamada carbeed ee soo koraya ay doorbidaan shaqaalaha kayimaada wadamada aan islamka ahayn iyo waliba shakhsiyaadka qaniga ah ee muslimiinta oo lacagtooda ku maalgaliya wadama reer galbeedka iyagoo aaminsan in hadii ay ku maal galiyaan wadama islamka aysan heleenin faa ido macquul ah, iyo iyagoo aaminsan in xaalada nabadeed ee wadamada islamka ay tahay mid aan la isku hubin. Tusaale ahaan $200,000 US billion oo ay leeyihiin shakhsiyaad u dhasay wadamada islamka ayaa waxay yaalaan bankiyada reer galbeedka, iyadoo lacagtaas ay ku ganacsadaan dad u dhashay wadamada reer galbeedka.
waxaa kale oo jira fakir ay ku kala qaybsanyihiin dhaqaaloyahanada reer galbeedka kaas oo ah in badnaanta bulshada islamka awgeed ay kaliftay dhib udhaca dhaqaale ee ay ku jiraan wadama islaamka, balse bulshada islamka ayaa aaminsan in bulshadu ay tahay mid sababi karta hormar dhaqaale. Qiyaas lugu sameeyay wadamada qaarkood ayaa sheegaysa in dunida saddexaad oo ay ku jiraan dhamaan wadamada islaamka in halkii kilometer square ay ku noolyihiin 519 qof, balse England halkii kilometer square waxaa ku nool 800, Germany 813, Japan 2657, Netherlands 1622, china 1095, sidaas awgeed lama oran karo badnaanta bulshada ayaa sababtay dib udhaca dhaqaale ee dunida saddexaad.
Wadan kasta u jeedadiisu waxaa weeye inuu gaaro hormar dhaqaale, waana mid lagama maarmaan ah, taasina waa mid u baahan dadaal iyo daacadnimo,hadii dib loo raaco taariikhda wadamada hormaray (Developed Countries) waxaad ogaanaysaa in hormarkaas ay ku gaareen si adag iyo waliba daacadnimo. Inkastoo cadowga wadamada islamku uu badan yahay, balse hormar dhaqaale waxaa lagu gaari karaa iyadoo la raaco wadada saxda ah ee diintu ina farayso, sidaan horay usoo sheegayba hadii Zakatka laga qaado dhamaan muslimiinta awooda u leh inay baxshaan loona qaybsho dadka faqiiriinta ah waxaa muuqata in caalamka islamku wax iska badali lahaa. Waxaana kusoo.