Home

Quran

Tafsiir

Duruus

Muxaadaro

Contact Us

 

Menu

   Home

  Quran

  Tafsiir

  Duruus

  Muxaadaro

  Contact Us

Current Stats                  

Total Visits:    

Online Visitors:

 

 

   Dr  Yusuf Marshaale

  Suaalo iyo Jawaabo Diini Ah

  Suaalo & Jawaabo Cafimaad

  Xikmad

 Waano

  Maqaalo

  Caqiido

  Caruurta

  Muxaadaro Qoraal ah

  Xadiis

 

Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka

XANUUN IGA HAYA
CALOOSHA

  WALAAL WAXAAN AHAY HAWEENAY........

---------------------------------

 

Dhanjafka
 waxaan doonayaa inaad iiga jawaabto..

----------------------------------

 

Hormoonadaada u baahay
  walaal waxaan ahay haweenay soomaliyeed...

-------------------------------

 

LINKS

  Hay'adda Kafaalo

  Waaniye

  Aflax.net

  Somalisunnah

  Kulannet

  Boqolsoon

  Islamway

  Sultan.org

  Duruus.com

  Axaadiis

 

 

Copyright ® 2006
Waaniye.com
All Rights Reserved

 

Tafsiirka Quraanka

 Horudhac & Fatixa            Baqara1-16                    Baqara 17-34                     Baqara 34-57              Baqara 57-70      

... More >> Riix Halkan

 

   Xadiis

10-Abuu Hurayrah (A.K.R) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: ´´Alle weyne kor ahaaye, wuu ku qoslaa labo nin oo midkooda hore kan kale dilay labaduna jannada wada gali doonaan (dhimashadooda kaddib). Midkood oo horay loodilay isagoo jidka Alle u diriraya jannadii buugalay. Markaa kaddib, buu Alle u naxariisanayaa kii wax dilay kaa oo gali Islaamka, oo u diriri jidka Alle oo loo dilayana (sidaana isna jannada kugalaya). Bukhaari iyo Muslim)

Muxaadarooyin

Fadliga Quraanka    Fadliga Sabarka     Maalinta Qiyaamo     Maxaa Xigga Geerida Gabdhaha Suuban Tarbiyadda Caruurta Manhajka Allaah Walaaltinimada         Qisadii Nabi Yusuf cs 1 Qisadii Nabi Yusuf cs 2 

Muxaadarooyin

Qiimaha Adduunka     Nafta iyo shahwaad-  Nafta iyo shahwaad- 2Dumarkii lagu sheegayQabiilka & Qabyaalada

Ku sugnaanta DiintaNolosha dhabta ahWanaaga Diinta  Naftaadda miizaan 


 

 

 

Maqaal             


Xaaladda dhaqaale ee Dunida Muslimka iyo sababaha ay la hormari waayeen


Hadaad fiiriso qariidada dunida aan ku noolnahay waxaad ka helaysaa 57 wadan
oo Islam ah kuwaas oo xubin ka ah Ururka iskutaga Islamka oo loo yaqaan (
Organization of Islamic Conference), sidoo kale cadadka Muslimiinta waxaa
lagu qiyaasaa 1.25-1.50 billion qof kuwaas oo dagan kuna nool shanta
qaaradood ee aduunka.

Maqaalkaan waxaan ugu tala galay in aan kaga hadlo xaalada dhaqaale ee
wadama islamka, khayraadka dhabiiciga ah ee Illaahay siiyay, iyo sababaha
kaliftay in dunida islamku ay kamid yihiin dunida seddexaad ama ( Less
Developed Countries).

Wadamada islamku waxay Qani ku yihiin illaha dhaqaale oo ay kamid yihiin,
khayraadka dabiiciga ah, xirfadaha sare ee bani aadamku leeyahay, macdanta,
khayraadka biyaha, iyo waliba marinmada badaha la iskaga gudbo ee aduunka ku
yaal, marimadaas waxaa kamid ah suez canal ee masar, baabu mandabka isku
xira badacas iyo badda hindiya, hormuz, bosfor, marmar, malqaa, iyo jabarul
dhariq, waxaa intaas sii dheer alaabta cayriin oo loo yaqaan ( raw
materials) kuwaas oo ay kamidyihiin petrol, rubber, iron, phosphate,
uranimum iyo waliba crude oil.

Markii laga hadlo dhanka xirfada bani aadamku gaaray, dunida islaamka waxaa
ku nool dad badan oo xirfado kala duwan leh, aqoonyahano, iyo dad kala duwan
oo ku takhasusay cilmiyada bani aadamku barto, waxqabadka dadkaas waxaa
kamid ah iyagoo ka qayb qaatay wax walba oo horseed u ah hormarka bani
aadamka taas oo ay kamid yihiin nuclear scienceska, culuumta casriga ah,
cilmiga barashada caafimaad iyo qalniinka, siyaasada, cilmiga barashada
deegaanka iyo kuwa kale oo badan.

Kasokow tayada sare ay leeyihiin khayraadkas aan kor kusoo xusay, balse waa
khayrdaaka ugu qaalisan ee dunida laga helo kuwaas oo loo isticmaalo wax soo
saarka warshadaha sababna u noqda hor usocodka dhaqaale.

Tusaale ahaan petrolka, 80 boqolkiiba waxaa laga helaa dunida islamka, sidoo
kale rubberka iyo saliida cayriin 70 boqolkiiba wax soo saarka dunida waxaa
iska leh dunida islamka, waxaa kaloo iyadana mudan in la xuso suufka iyo
gaaska dabiiciga ah oo iyagana 52 boqolkiiba ay soo saran wadama islamka,
sidoo kale uranium iyo phosphateka waxay kamidyihiin khayraadka dabiiciga ah
oo sida aadka ah looga helo wadamada islamka.

Lama soo koobi karo illaha dhaqaale ee Illaahay siiyay dunida islaamka
hadana nasiib daro majiro hal dal oo islam ah oo kamid ah dalalka hormaray
ama (Developed Countries).

Dalalka hormaray waxaa kamid ah galbeedka yurub, united states, Canada
Australia, new Zealand, iyo Japan, sidoo kale dalalka aan hormarin ama (less
developed countries) waxaa kamid ah Asia, Africa, iyo Latin America.

Iyadoo ay baryahaan jiraan dalal islam ah oo si xawli ah usoo koraya hadana
kama mid aha dalalka hormaray waxaana sabab u ah iyagoo aanan wali gaarin
heerka ay gaareen wadamadaasi hormaray.

Malaysia oo kamid ah dalalka aadka usoo koraya ee konfur bari asia,
Pakistan, sudan, iran iyo turkey dhamaantood waxay leeyihiin warshado badan
oo wax soo saar leh laakin kuwaasi ma ahan kuwa dabooli kara dalabka iyo
baahida wadamada kale ee islamka mana ahan kuwa dhanka tayada kala tartami
kara wadamada reer galbeedka, taasina waa sababta reer galbeedku ay ka
iibsadaan alaabta cayriin (raw materials) wadamada islamka si raqiis ah
warshadeen kadibna kasii iibiya isla wadamadaas si qaali ah.

Iyadoo ay sidaas tahay wadamada islamkuna ay qani ku yihiin khayraadka
dabiiciga ah, ayaa hadana wadamadaasi badankoodu dhaqaalle ahaan u liitaan,
hadaba su aasha la iswaydiin karo waxaa weeye maxaa sababay arintaas??
Jawaabta su aashaasi waa mid u furan qof walba balse halkaan waxaan kasoo
jeedinayaa fakir ahaan sidaan qabo iyo waliba sida dad badan oo ila mid ah
ay qabaan.

Hadaba inta aan qodobadaasi galin waa in aan iswaydiino maxaa sababay
hormarka dhaqaale ee reer galkbeedka? Reer galbeedku su aashaas waxay ka
aaminsanyihiin in hormarka dhaqaale ay u horseeday fikirka ah hantigoosadka
ama (capitalism) kaas oo si xawli ah u bilaawday qarnigii 16aad balse
fikirkaasi ma ahan mid la isku waafaqay, dhamaan dhaqaalayahanada islamku
way kasoo horjeedaan fikirkaas iyagoo aaminsan in hor mar dhaqaale lagu
gaari karo iyadoo la raaco qaabka diinteenu inoo farayso sida loo qaybsho
khayraadka.

Markii laga hadlayo sida khayraadka loo qaybiyo fikirka hantigoosadku wuxuu
qabaa kaliya dadka ka qayb qaatay wax soo saarka ayaa xaq u leh inay helaan
faa iidada kasoo baxda ganacsi walba, halkaas oo wax xaq ahna aan lasiin
dadka aan awoooda u lahayn inay ka qaybqaataan wax soo saarka, meesha
diinteena islamku ay qabto kasokow dadka wax soo saarka iska leh, balse ay
jiraan dadkale oo xaq ku leh ill walba oo dhaqaale, looguna qaybiyo qaabka
diintu ina farayso (Zakat), dad badan oo muslimiin ah ayaa qaba hadii
Zakatka ay bixiyaan dadka islamka ah loona qaybsho dadka u baahan in dhamaan
wadamada islamku ay xili kooban la arki lahaa iyagoo gaaray isku filnaansho
dhaqaale, qof walba oo faqiir ahna uu qanci lahaa.

Hadaba dooda ka jirta fikirka hantigoosadka ma ahan mid halkaan lagu soo
koobi karo ee waa mid u baahan mawduuc gaar ah, balse waxaa halkaan ka cad
in hanti goosadku aysan xal unoqon karin hormar dhaqaale. Sida la ogyahayna
dawlada Britain iyo waliba dalal badan oo yurub ah ayaa lasoo kulmay
dhibaatooyin badan qarniyadii hore iyagoo waliba haysta fikirka hanti
goosadka.

Bal aan dib ugu soo laabto qodabadii sababay dib udhaca xaalada dhaqaale ee
Dunida Islamka, qodobadaas oo aad u badan inta ugu muhiimsan waxaa kamid
ah:-


iyadoo aysan jirin maamul cadaalad ah, dhamaan hogaamiyayaasha wadamada
islamkuna ay garab mareen dhabadii saxsanayd ee diintu ina faraysay
iyadoo aysan jirin isku duubnaan ka dhaxaysa bulsha waynta iyo waliba wadama
islaamka, taasina waxaa sabab u ah guumaysigii adkaaa oo ay soo mareen
wadamada islamka, iyo waliba iyadoo guumaysigaasu wali jiro lana oran karo
guumaysigii oo isku badalay si caqliyeed ah, taas oo sababtay in muslimiinta
loo kala qayb qaybshay qaybo qaybo badan. Wali in guumaysigii jiro waxaa
daliil u ah iyadoo hogaamiye walba oo kataliya wadan Islam ah uusan
siyaasadiisa u madaxbanaanayn fikirk ahaanna uu kala mid yahay kuwa reer
galbeedka.

Waxaa iyadana jirta in wadamada carbeed ee soo koraya ay doorbidaan
shaqaalaha kayimaada wadamada aan islamka ahayn iyo waliba shakhsiyaadka
qaniga ah ee muslimiinta oo lacagtooda ku maalgaliya wadama reer galbeedka
iyagoo aaminsan in hadii ay ku maal galiyaan wadama islamka aysan heleenin
faa ido macquul ah, iyo iyagoo aaminsan in xaalada nabadeed ee wadamada
islamka ay tahay mid aan la isku hubin. Tusaale ahaan $200,000 US billion oo
ay leeyihiin shakhsiyaad u dhasay wadamada islamka ayaa waxay yaalaan
bankiyada reer galbeedka, iyadoo lacagtaas ay ku ganacsadaan dad u dhashay
wadamada reer galbeedka.

waxaa kale oo jira fakir ay ku kala qaybsanyihiin dhaqaaloyahanada reer
galbeedka kaas oo ah in badnaanta bulshada islamka awgeed ay kaliftay dhib
udhaca dhaqaale ee ay ku jiraan wadama islaamka, balse bulshada islamka ayaa
aaminsan in bulshadu ay tahay mid sababi karta hormar dhaqaale. Qiyaas lugu
sameeyay wadamada qaarkood ayaa sheegaysa in dunida saddexaad oo ay ku
jiraan dhamaan wadamada islaamka in halkii kilometer square ay ku noolyihiin
519 qof, balse England halkii kilometer square waxaa ku nool 800, Germany
813, Japan 2657, Netherlands 1622, china 1095, sidaas awgeed lama oran karo
badnaanta bulshada ayaa sababtay dib udhaca dhaqaale ee dunida saddexaad.

Wadan kasta u jeedadiisu waxaa weeye inuu gaaro hormar dhaqaale, waana mid
lagama maarmaan ah, taasina waa mid u baahan dadaal iyo daacadnimo,hadii dib
loo raaco taariikhda wadamada hormaray (Developed Countries) waxaad
ogaanaysaa in hormarkaas ay ku gaareen si adag iyo waliba daacadnimo.
Inkastoo cadowga wadamada islamku uu badan yahay, balse hormar dhaqaale
waxaa lagu gaari karaa iyadoo la raaco wadada saxda ah ee diintu ina
farayso, sidaan horay usoo sheegayba hadii Zakatka laga qaado dhamaan
muslimiinta awooda u leh inay baxshaan loona qaybsho dadka faqiiriinta ah
waxaa muuqata in caalamka islamku wax iska badali lahaa. Waxaana kusoo.



Waxaa Qoray:
Cabdisalam Cabdiraxman Maxamed
B.Sc (Hons ) Economics
International Islamic UIniversity, Islamabad -Pakistan

 

 

Copyright © 2006 waaniye.com
Waaniye.com