Total Visits:
Online Visitors :
Dr Yusuf Marshaale
Suaalo iyo Jawaabo Diini Ah
Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka
Dhanjafka waxaan doonayaa inaad iiga jawaabto..
----------------------------------
Copyright ® 2006 Waaniye.com All Rights Reserved
10-Abuu Hurayrah (A.K.R) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: ´´Alle weyne kor ahaaye, wuu ku qoslaa labo nin oo midkooda hore kan kale dilay labaduna jannada wada gali doonaan (dhimashadooda kaddib). Midkood oo horay loodilay isagoo jidka Alle u diriraya jannadii buugalay. Markaa kaddib, buu Alle u naxariisanayaa kii wax dilay kaa oo gali Islaamka, oo u diriri jidka Alle oo loo dilayana (sidaana isna jannada kugalaya). Bukhaari iyo Muslim)
Maqaal
ASTAAMAHA AABBAHA ALLE YAQAANKA AH
1) Waxaa lagu yaqaan inuu yahay Axad Ilaahay kabaqa, Rasuulkiisana raaca. 2) Waxuu aad uga warqabaa baahida reerkiisa: Xagga, Diinta, maalka, ama Mooraalka. 3) Xaaskiisu way ku faraxdaa marka uu guriga soogalo. 4) Waakan dhisa culuumta iyo caqliga reerkiisa, isla markaasna saxa caadooyinkooda. 5) Ma aha mid dila xaaskiisa, ma-caayo, mana xaqiro. 6) Makeeno gurigiisa shay aan Ilaah raalli ka ahayn, mana geeyo reerkiisa goob Alle uusan jeclayn. 7) Waa kan had iyo goor daaweeya qalbiga xaaskiisa. 8) Marka uu maamulayo arrimaha reerkiisa, ma aha BAKHIIL iyo XAASID. 9) Ma aha qof neceb qaraabada xaaskiisa(sabab sharci ah la’aanteed). 10) Kama hagrado xaaskiisa waxa nafteeda u roon oo aadduunyo ah(awoodiisa) 11) Waa kan xusuusta rabbigii abuurtay markuu maamulayo reerkiisa. 12) Wuxuu had iyo jeer ka dalbaa cafis xaaskiisa, maadaama uusan dhammayn Karin xaqeeda. 13) Waakan ugu yeera xaaskiisa naynaasaha tan ugu wanaagsan. 14) Maalka reerkiisu u baahi qabo waakan aan ku bixin meelo kale oo aan fiicnayn. 15) Waxaa lagu yaqaan in xaaskiisu kuxiran tahay, gabdhaha AKHLAAQDA iyo DIINTA ku sifoobay. 16) Gurigiisa waxaa laga yaqaan jacaylka islaamka iyo ehelkiisa. 17) Kuma yiraahdo xaaskiisa “Waad fool-xuntahay & Waan ku-necbahay”. 18) Sidoo kale ma habaaro xaaskiisa. 19) Markay jirran-tahay iyo markay culus-tahay wuu u-khidmeeyaa xaaskiisa. 20) Waakan ka abaal mariya ugana mahad naqa xaaskiisa dadaalkeeda. 21) Wuxuu baraa carruurtiisa xaqa hooyadood iyo in ay ushaqeeyaan. 22) Wuxuu u caddeeyaa xaaskiisa in gurigu iyada kutaagan yahay. 23) Waa kan tusa xaaskiisa in isaga waalidkiis iyo iyada keedu isku mid u yihiin. 24) Makeeno gurigiisa MARTI xun. 25) Wuxuu dhisaa diinta xaaskiisa iyo ubadkiisa. 26) Ficil xun iyo hadal xun kuma horsameeyo reerkiisa. 27) Waxaa lagu arkaa reerkiisa goobaha khayrka sida: MASAAJIDKA & MALCAAMADA. 28) Ciyaalkiisu lama aha saaxiibbo kuwa dhaqanka iyo diinta gurracan. 29) Kama shaqeeyo meel xaaraan ah, gurigiisana lagama cuno..cunto xaaraan ah. 30) Mageeyo reerkiisa goobaha lagu-so- jeedo iyadoo Ilaah lacaasinayo. 31) Gurigiisa lagama xirto dharka qarriban. 32) Reerkiisu madhibo dariska mana sheegaan beenta. 33) Wuxuu ka-fakaraa danaha Muslinka iyo Soomaalida. 34) Qawl-kiisa iyo ficilkiisu waa isku mid. 35) Ma aha qof ku takhasusay qurxinta QABYAALADDA. 36) Xaaskiisu ugama baqdo sidii dhurwaaga oo kale. 37) Ma aha qof caro badan oo dabeecad xun. 38) Waa nin badanaaba gurigiisa laga helo. 39) Waa kan aan ka-fakarin calooshiisa, dharkiisa iyo hurdadiisa oo kaliya. 40) Dadka maxanto, majaajuuso sidoo kale iskuma diro. 41) Waakan xaaskiisu usheegan karto waxa baahideedu tahay, dhakhsana uga hesho.
Maxamed Axmed, Toronto, Canada. Alhudaa1@yahoo.ca