Ma fahamtay waxaan ka wado..miisaankaaga dhabta ah, miisaanka cadaalada, miisaanka maalinta dambe (aakhiro) lagu saarayo, la miisaamayo wanaagaaga iyo xumaantaada...miisaanka mustaqbalkaaga ku xiran yahay.
Tolow akhlaaqdaadu waa see!!! waa tuu rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) lahaa:-
"ما من شيء أثقل في ميزان المؤمن يوم القيامة من حسن الخلق , وإن الله يبغض الفاحش البذيء " – حسن صحيح"
Ma jiro shay kaga culus miisaanka Mu'minka maalinta qiyame Akhlaaqda wanaagsan, Ilaahayna waa neceb yahay qofka hadalka xun ee wasakhda ku hadla". ..
Alla sahlanaa oo ajar badanaa, laakin waxay u shalan tahay uun qofkii uu ilaahay u sahlo Allow naga mid dhig kuwaas.
See isku tihiin Quraanka, soo tuu Nebiga lahaa (sallallaahu calayhi wasallam) xarafkiiba toban ajar baa lagu siiyaa,dabcan qofkuu rabbi doonana fadligiisa waa usii siyaadiyaa.
See isku tihiin Xuska Ilaahay!!
See isku tihiin Istiqhfaarta!!
Miyaadan maqlin in nebiga (sallallaahu calayhi wasallam) yiri " labo kelmadood oo carabka ku fudud, miisaankana ku culus, Rabbina uu jecel yahay Subxaanallaahi wa bi xamdihii subxaanallaahill-cadiim" Muttafaqun calayhi.
Akhii / Ukhtii iska ilaali in xasanaadka aad aruursatay, si uu Rabii keligi og yahayna ku gurub satay, in dambiishii ad ku siday uu shaydaan haraanti kaaga laado, miyaan kusoo gaariin xadiiskii uu rasuulku (calayhi salaatu wassalaam) kulahaa " Mufliska umadayda waa kan maalinta aakhiro la imaanaya salaad iyo soon iyo sako, imaanayana asagoo kan caayay, kanna been ka sheegay, kan xoolihiisii cunay, kanna dhiigiisii qubay, kanna garaacay, markaasaa dadkii loo qaybinayaa wanaagii uu soo tabcaday illaa wanaagiisa ka dhamaado ay arintuna isku badasho in dambiyaoodii la dul saaro, sidaasna Naarta loogu tuuro.
Walaalayaal iska ilaaliya in sidaas maalinta aakhiro la idiin galo..ka towbad keena dambiyada aad gasheen iyo wanaaga aad ka tagteen.
Akhii /ukhtii Maxaad sugaysaa!!! Nebigu (sallallaahu calayhi wasallam) wuxuu yiri "Ku deg dega wanaaga intaysan todoba idin qabsan ma waxaad sugaysiin Faqrinimo idin illowsiisa, mase maal qabeennimo idin kibrisa, mase cudur idin halakeeya, mase duqnimo bar bar idiin tuurta, mase geeri diyaar ah, mase Dajjaal -wax la sugo asagaa ugu shar badane-, mase Saacada -ka culus kana daran".
Haa oo haa aanu baxsanno wanaag samaynta si miisaankeena u cuslaado, wanaagu xumaanta ayay tirtirtaaye.
Rabbina hana dhigo kuwii camalkooda la aqbalo.
Aamiin.
Wanaag baan ula jeeday, wixii khalad ah ani iyo shaydaan bay naga ahaatay wixii sax ahna rabbi baa igu toosiyay.