ÈÓã Çááå ÇáÑÍãä ÇáÑÍíã
Bisha Ramadaan iyo Arrimaha Soonka
Soonku waa tiirka afraad ee diinta Islaamka, waana cibaado soo jireen ahayd oo ummadihii hore samayn jireen. . Haddaba bisha Ramadaan awgeed waxaan ku faraxsan nahay in dad weynaha soomaaliyeed aan usoo gudbino qoraalo koobaya dhinacyada arrimaha Soonka.
Macnaha Soonka:- Soonku waa ka istaagid (joojin) uu qofku iska taago wax kasta oo Allaah iyo Nabigiisu (S.C.W) amreen in laga istaago.
Shuruudaha qofka Soomaya:- Waa inuu muslim yahay, qofku yahay Qaangaar, miyirna qaba awoodina kara inuu soomo bisha Ramadaan. Rabbi wuxuu quraanka ku yiri:-
íóÇ ÃóíøõåóÇ ÇáøóÐöíäó ÂãóäõæÇú ßõÊöÈó Úóáóíúßõãõ ÇáÕøöíóÇãõ ßóãóÇ ßõÊöÈó Úóáóì ÇáøóÐöíäó ãöä ÞóÈúáößõãú áóÚóáøóßõãú ÊóÊøóÞõæäó (183)
”Dadkii Allaah rumeeyayoow waxaa laydinku waajibiyey Soon siddii loogu waajibiyey kuwii idinka horeeyayba waxaadna mudan tihiin inaad Rabbi ka baqdaan).Al-Baqra 183
Rasuula S.C.W wuxuu yiri: Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir, in la qiro Allaah mooyee in Alle kale jirin,Maxamed S.C.W uu yahay Rasuulkii Allaah,Salaadda oo la oogo, Zakada oo la bixiyo, bisha Rammadaan oo la soomo iyo Kacbada oo la tago.”
Waajibaadka Soonka:-
1- Niyo: waa inuu qofka soomaya qalbigiisa galiyo kuna tala galaa inuu soomayo beri ama bisha Ramadaan oo dhan.
2- Iska dayn: Waa in qofka sooman ka istaagaa iskana dhaafo wax kasta oo afur keeni kara ama jabinaya Soonka.
3- Waxaa waajib ku ah inaad ka tagto dhamaan waxyaabahana soo socda sida.-Xanta,Beenta,Namiimnimada, Lacnadda,Khayaano, cayda(hadalada xun), dooda aan nafaca lahayn, iwm.
Rasuulka S.C.W wuxuu yiri: Qofkii aan iska dayneyn, beenta(been abuurka) iyo ku dhaqankeeda Illaahay dan kama laha inuu qofkaasi ka tago cuntada iyo cabbiddiisa.
Sidoo kale waxaa mar kasta looga baahan yahay qofka muslimka ah inuu ilaaliyo aragiisa, maqalkiisa iyo xubnaha jirkiisa oo dhan si gaar ah markuu sooman yahay.
Illahay quraankiisa wuxuu ku yiri:-
Åöäøó ÇáÓøóãúÚó æóÇáúÈóÕóÑó æóÇáúÝõÄóÇÏó ßõáøõ ÃõæáóÆößó ßóÇäó Úóäúåõ ãóÓúÆõæáðÇ
”Maqalka iyo araga iyo qalbiga waa la is waydiin”suuru Israa 36.
Waxyaabaha Soonka buriya ama jabiya:-
1- Wax cabid ama cunid ula kac- kas ah.
2- Galmada maalinnimo nooc kasta ha ahaatee.
3- Is ma tajin ula kac ah ama la iska doono.
4- Irbadaha iyo faleebooyinka nafaqada ah oo la isku duro.
5- Shawo iska keenid.
6- Haweenka haddii uu ka yimaado dhiig caado ama mid dhalmo.
7- Ka bixidda diinta Islaamka(riddoobid), Alle ha ka badbaadsho intii Muslim ah Aamiin.
Dadka loo baneeyay in ay afuraan:-
1-qofka safarka ku jira.
2-Qofka xanuun hayo.
3-Haweenka uu ku dhaco dhiig caado ama dhalmo
4- Uur ama nuujin ilmo
5-Dadka da`da ah oo aan awoodin karin.
Fadliga soonka:-
Illaahay wuxuu xadiis Qudsi ku yiri:Wanaag kastaa waa la toban laabaa intii uu ka gaaro todobo boqol oo laab Soonka mooyee, anaase Soonka iska leh abaalkiisna bixin”.
Xadiiskaan waxaan ka fahmaynaaqiimaha iyo khayrka Soonku Allaah xagiisa ka leeyahay iyo siduu u abaal marin badan yahay.
Abii Hurayra waxaa laga soo weriyey in Nabigu S.C.W yiri:- Markii soonku soo galay ”Waxaa inii timid bil barakaysan, Allaah kor kiina ku waajibiyey soonkiisa , waxaa la furaa irdaha Jannada waxaa la xiraa irdaha Naarta,waxaa la xirxiraa shayaadiinta, waxaa ku jirta habeen ka khayr badan kun bilood, midkii la qadiyo habeenkaas khayrkiisa, kaas waa la qadiyey” waxaa weriyey Axmed, Nisaa,i iyo Beyhaqi.
Waxaa laga weriyey Abii hurayrah in Nebiga S.C.W yiri:- ”Shanta salaadood, Jamce, Soon ka Soon, waxaa lagu dhaafaa wixii Dembi ah oo u dhaxeeya, haddii laga fogaado dambiyadda waaweyn” waxaa weriyey Muslim.
Sahal binu sacad waxaa laga soo weriyey in Nebigu yiri:-“Jannada wax ay leedaay albaab(irid) la yiraahdo Rayaan waxaana la oran maalinta qiyaame meeye kuwii Soomi jiray? Markuu galo kooda ugu dambeeya waa la xirin albaabkaas.” waxaa weriyey Bukhaari iyo Muslim
Afurka iyo Suxuurta:-
1-Afurka: waxaa haboon mar walba in la dedejiyo afurka, marka la hubsado in Qoraxda dhicideeda.
Rasuulku S.C.w wuxuu yiri:- Dadku khayr bay ku sugan yihiin inta ay dadejinayaan afurka”.
Waxa weriyey Bukhaari iyo muslim
Waxaana kaloo haboon in uu qofku ka bilaabo afurka timir ama biyo cad iyo wixii kale ee uu helo karo, weliba wuxuu Rasuulku S.C.W wuxuu afuri jiray inta uusan tukan Salaadda.
Waxaa kale oo suno ah in lagu ducaysto Illaahoow adiga dartaa baan u soomanaa waxaanan ku afurayaa waxaad igu irsaaqday”
2-Suxuurta: wuxuu Nebigu S.C.W yiri: ”Suxuurta!waayo! Saxuurta waxaa ku sugan barako” waxaa weriyey Bukhaari iyo Muslim
Haddaba suxuurashadu waa sunno Nebiga S.C.W ka sugnaatay, waxaana kala saara Sonka Muslimiinta iyo Sooka yuhuudda iyo Nasaarada, Muslimiintu way suxuurtaan marka ay Soomayaan, halka ayan Yuhuudda iyo Nasaarada ka saxuuran. Xitaa haddii uusan qofka Muslimka ahi baahi u qabin cunto waa inuu ugu yaraan qaataa dhowr kabbo caano ama biyo ah.
Salaadda Taraawiixda:-
Salaadda Taraawiixda waxaa la tukanayaa laga bilaabo habeenka la arko bisha Ramadaan, waxaana la joojiyaa habeenka la arka bisha Shawaal(Soon fur).
Waxaa fiican Salaadda Taraawiixda in lagu tukado si wadajir ah. Salaadda Taraawiixda
malaha tiri u go,an oo ay waajib tahay in la raaco, hase ahaatee axaadiista sugan waxay muujinyaan in Nebigu S.C.W tukan jirey 11 rakcadood, 13 rakcadood waa soo aroortay.
Muslimiinta waxay tukadaan 11, qaarna 13, qaarna 21, qaarna 36, iyadoo la soo weriyey in asxaabttti qaarkood tirooyin kala duwan tukadeen, waayo Nebiga S.C.W mar la waydiiyay Salaatu laylka wuxuu yiri: ” u tuko labo labo rakcadood haddii aad ka baqdaanna fajraka (in salaaddii subax waqtigeeddii kugu soo gasho witirka ku khatim Salaatu laylka.”
Ugu dambayntii waxaa wanaagsan in la qaato intii Nebiga S.C.W ka tukaday, iyadaan u fudud dadka, oo aan ku cuslaanayn tairadaas oo ah 11 rakacadood oo Witirku ku jiro.
Zakaatu Fidri:-
Zakaatu Fidri wa sadaqo waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah inuu ka bixiyo naftiisa iyo dadka uu mas, uulka ka yahay meelkasta ha joogeene, waxaana la siinayaa Masaakiinta iyo dadka baahan in la siiyo.
Zakaatu fidriga, waxaa la bixinayaa qof walba saac oo badar ah oo u dhiganta 3kgr. waxaa laga bixinaayaa yar iyo weyn rag iyo dumar waayeel iyo kii saacad ka hor dhashay, waxay ku egtahay waqtigeeda ilaa Salaadda ciida laga galo.
Habeen ka khayr badan kun bilood:-
Soonka waxaa ku jira habeen (Laylatul khadar), oo ka kheyr badan kun bilood. Marka aan ku dadaalno, waliba tobanka u dambeeya si gaar ah, habeenadda ay soo galayaan 21,23,25,27,29.
Illaahay ayaa Quraanka noogu sheegay:-
ÈöÓúãö Çááøåö ÇáÑøóÍúãóäö ÇáÑøóÍöíãö
ÅöäøóÇ ÃóäÒóáúäóÇåõ Ýöí áóíúáóÉö ÇáúÞóÏúÑö (1
æóãóÇ ÃóÏúÑóÇßó ãóÇ áóíúáóÉõ ÇáúÞóÏúÑö (2
áóíúáóÉõ ÇáúÞóÏúÑö ÎóíúÑñ ãøöäú ÃóáúÝö ÔóåúÑò (3
ÊóäóÒøóáõ ÇáúãóáóÇÆößóÉõ æóÇáÑøõæÍõ ÝöíåóÇ ÈöÅöÐúäö ÑóÈøöåöã ãøöä ßõáøö ÃóãúÑò (4
ÓóáóÇãñ åöíó ÍóÊøóì ãóØúáóÚö ÇáúÝóÌúÑö (5
Wuxuu Illaahay yiri "Annagaa soo dejinnay Quraanka Habeenkii Laylatul Qadriga (Habeen barakaysan ee sharafta leh), ma taqaannaa Leylatul Qadriga? Waa habeen ka khayr badan kun bilood, waxa habeenkaa soo dega malaa'igta iyo Malagga Jibriil idinka illaahay dartii iyo amarkiisa, waa habeen nabadgelyo inta waagu beryayo" {Suurat Al Qadr-1-5}.
Maalinka Ciida Fidriga (ciida Soon fur):-
Anis Binu Maalik illaahay ha ka raali noqdee waxa laga soo weriyay in uu Nabigu (S.C.W) yimid Madiina tiiyoo reer Madiina laba maalmood ciyaaran (Nabigu (S.C.W) waxa uu ku yidh waa maxay labadaan maalmood waxayna ugu jawaabeen waxa labadaan maalmood aanu ciyaari jirnay wakhtigii jaahilnimada Nabigu (S.C.W) waxa uu ku yidhi Illaahay waxa uu idinku badalay labadaan maalmood kuwa ka khayr badan maalinta Adxiyada iyo maalinta Fidriga) Sunan Abi Da’uud
Anis Binu Maalik illaahay ha ka raali noqdee waxa uu yidhi; (Waxa uu ahaa Nabigii illaahay (S.C.W) mid aan kalahin maalinta Fidriga ilaa uu sii cuno Timir waxana uu u cuni jiray tiro kala dhiman) Waxa Weriyay Xadiiskan Axmed iyo Bukhaari.
Sida loogu dhawaaqayo kalmadahaasi waa sidan; Çááå ÃßÈÑ Çááå ÃßÈÑ áÇ Åöáå ÅöáÇøó Çááå æÇááå ÃßÈÑ Çááå ÃßÈÑ æááå ÇáÍãÏ¡ (Allaahu Akbar Allaahu Akbar Laa ilaah Walaahu Akbar Allaahu Akbar Walilaahi Xamdu),
Waxaan halkaan kusoo koobaynaa waxyaabaha Sunnada ah ee layska rabo Ciida Soon fur:-
1-Subaxda ciida waxaa Sunno ah in qof walba waxa uu awoodi karo oo ah dharka qurxoon in uu kusoo lebisto.
2-Waxaa kaloo Sunno ah in wax uun soo cunto inta aadan Salaadda soo aadin.Waxaana fiican dhowr xabo oo Timir ah.
3-Waxaa kaloo Sunno ah in Salaada Ciida lagu tukado meel fagaaro ah,haddii la awoodo oo aan lagu tukanin Masaajid.
4-Waxaa kaloo Sunno ah in dumarka in ay wada yimaadaan meesha lagu tukanaayo oo ay ka qayb qaataan takbiirta iyo khayraadka ka soconaayo meeshaas.
5-Waxaa kaloo sunno ah in qofka uusan ku soo laabanin wadada uu soo maray markii hore ee uu imaanayay Salaadda.
6-Waxaa kaloo sunno ah in laysku tahniyadeeyo oo layku yiraahdo (taqabbala allaahu minnaa waminka).
Ugu dambayntii Illaahay Waxaan ka baryaynaa nimco Adduun Iyo mid Aakhiro, bisha Ramadaana Rabbi Khayrkeeda hana waafajiyo Dhamaanteen Aamiin,Aamiin, Aamiin.
Bahda Waaniye.com