Home

Quran

Tafsiir

Duruus

Muxaadaro

Contact Us

 

Menu

   Home

  Quran

  Tafsiir

  Duruus

  Muxaadaro

  Contact Us

 

 

LINKS

  Hay'adda Kafaalo

  Waaniye

  Aflax.net

  Somalisunnah

  Kulannet

  Boqolsoon

  Islamway

  Sultan.org

  Duruus.com

  Axaadiis

  Hanuun

 

Copyright ® 2006
Waaniye.com
All Rights Reserved

 

   Xadiis

10-Abuu Hurayrah (A.K.R) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: ´´Alle weyne kor ahaaye, wuu ku qoslaa labo nin oo midkooda hore kan kale dilay labaduna jannada wada gali doonaan (dhimashadooda kaddib). Midkood oo horay loodilay isagoo jidka Alle u diriraya jannadii buugalay. Markaa kaddib, buu Alle u naxariisanayaa kii wax dilay kaa oo gali Islaamka, oo u diriri jidka Alle oo loo dilayana (sidaana isna jannada kugalaya). Bukhaari iyo Muslim)

 

Muxaadarooyin

Fadliga Quraanka    Fadliga Sabarka     Maalinta Qiyaamo     Maxaa Xigga Geerida Gabdhaha Suuban Tarbiyadda Caruurta Manhajka Allaah Walaaltinimada         Qisadii Nabi Yusuf cs 1 Qisadii Nabi Yusuf cs 2 

Muxaadarooyin

Qiimaha Adduunka     Nafta iyo shahwaad-  Nafta iyo shahwaad- 2Dumarkii lagu sheegayQabiilka & Qabyaalada

Ku sugnaanta DiintaNolosha dhabta ahWanaaga Diinta  Naftaadda miizaan 


 

 

 بسم الله الرحمن الرحيم

Soomida Bisha Shacbaan

السلام عليكم ورحمه الله وبركاته



Maalinta oo tahay axad taariikhduna tahayd 3.8.2008, taariikhda
islaamkuna waxa weeye 1.8.1429H. Maalinta waa 1 bishii
shacbaan. Hadaba bishaan shacbaan ee aan ku jirno waa in aan ka faa,iidaysanaa, sababtoo ah waxaa noo soo socda bishii Ramadaan ee fadliga badnayd.

Caa,isha A.K.R waxay tiri:-Nebigu (S.C.W) bilaha wuxuu u soon badnaan jirey shacbaan, Marar buuna soomi jirey shacbaan kulligeed.Werin kale waxay leedahay: wuxuu soomi jirey shacbaan maalmo xoogaa ah ma,ahee. Bukhaari iyo Muslim

Sidaa daraadeed walaalayaal aan bishaan ka faa'ideysano, oo aan
soonka badino inteyna bishaan dhamaan, sababtoo ah xikmado badan ayaa ku jira soomida bisha Shacbaan waxaa ka mid ah: In ay kuu diyaar gareyneyso bisha Ramadaan. Micnaha hadaan dhawr maalmood aad shacbaan ka soontid hadhoow soonka waa kuu fududaanayaa haddii Rabbi idmo, marka sidaa darteed aan ka faa'ideysano fursadaas.

Walaalayaal aan ku dadaalno bishaan Shacbaan soonka Sunnada ah, sidoo kale in aan ku dadaalno soomid Soonka Sunnada ah bil walba, si gaar ah inaan ku dadaalno maalmaha Isniinta iyo Khamiista, waxaana daliil u ah Xadiiskaan:- Abuu Hurayrah A.K.R wuxuu yiri:Nebiga(S.C.W) wuxuu yiri: Isniinta
iyo Khamiista acmaasha qofka baa la bandhigaa, marka waxaan rabaa in camalkayga la bandhigo anigoo sooman. (Tarmidi oo yiri waa xadiis xasan ah).

Hadii aadan awoodin inaad Soonto bil walba maalmaha Khamiista iyo Isniinta waxaad ku dadaashaa oo joogto aad ka dhigataa in aad Soonto bil walba sadex maalmood, insha Allaah waxaad helaysaa ajarkii bisha oo dhan. Haddii aad soomaysid bil walba sadex maalmood, waxaad soonka maalmahaas ku aadisaa maalmaha bilaha muslimka ay yihiin (13ka,14ka,15ka), waxaana daliil u ah Xadiiskaan:- Ibnu cabaas A.K.R waxaa laga weriyey in Nebigu (S.C.W) marnaba kama tegin soomidda ayaamaha nayla qaadka ah (13ka,14ka,15ka), haddii uu safar yahay iyo haddii uu negi yahayba.( Nisaa`i oo yiri senedkiisu waa xasan).

Qofka muslimka ah waxaa u fiican in uu marka kasta uu ku dadaalo intuu awoodo Soonka Sunnada ah. Hadaba soomida Soonka dar Alle maxaan ku helaynaa, Jawaabta waxaad ka helaysaa xadiiskaan:- Abuu Saciid Al-Khudri A.K.R wuxuu yiri.-Nabigu (S.C.W) qofka muslimka ahi markii uu soomo halmaalin dar Alle, Alle wuxuu ka fogeeyaa Naarta masaafo toddobaatan sano loo socdo.
Bukhaari iyo Muslim

Fiiro Gaar ah:-Maalin ama labo maalmood markii ay ka dhiman tahay bisha Ramadaan ka joogso soomida Soonka sunnada ah, waayo waa maalmo shaki ku jiro in bishii ramadaan ay dhalanayso, laakiin hadaad wadi jirtay soo sunno ah waa la imaanaysaa, tusaale maalin Isniin aha ama khamiis ah oo aad soomi jirtay waad soomaysaa, haddii aysan dhalan bishii Ramadaan,daliilna waxaad ka helaysaa xadiiskaan:-

Abuu hurayrah wuxuu yiri:- Nebigu (S.C.W) wuxuu yiri " waa inuusan midkiin soomin soon maalin ama labo bisha Ramadaan horteed, qof awel wadi jiray maahee oo maalmihiisii uu soomi jirey, ay noqdeen maalmahaa marka waa uu soomi karaa maalintaas). Bukhaari iyo Muslim

Xasuusin: Haddii Rabbi idmo bisha Ramadaan waxay ku aadan
taariikhda maalin Isniinta 1.9.2008 ama talaadada 2.9.2008. Micnaha bisha shacbaan haday ku dhamaato 29, Bisha Ramadaan waa 1 maalinta Isniinta haddii bisha ay ku dhamaato 30 Bisha Ramadaan waa 1 maalinta Talaadada.

Ugu Dambayntii Waxaan Illaahay ka baryaynaa inuu na gaarsiiyo bisha Ramadaan, sidoo kale na dhigo kuwii ka faa,iidaysta soomida bisha Shacbaan.Aamiin,Aamiin,Aamiin.

                           Bahda waaniye.com

 

 

 
Copyright © 2006 waaniye.com
Waaniye.com