Menu

Who's Online

Login
Waaniye Members
Username :
Password :
   

Maxaa Cusub
3Suaalo iyo Jawaabo (Fatwa)


 Waaniye Guestbook



 

 

 

Links

 Aflax

 Runta

 Duruus

 Tafiiq Masjid

 Maktabada Maanta

 Khalid Masjid

Anasheed

 Dacwah

 Islam Way

 Islaam Web

 Altaqwaa

 Golaha Imaamyada




| 00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 |

  

         بسم ألله ألرٌ حمن ألرٌ حيم

 

Waxaan ku bilaabayaa Magaca Illaahay, ka naxariista guud iyo naxariista gaarba leh.

 

 

إن الحمد لله، نحمده، ونستعينه، ونستغفره، ونتوب إليه، ونعوذ بالله من شرور أنفسنا، وسيئات أعمالنا، من يهده الله فلا مضلّ له، ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد ألاّ إله إلا الله وحده لا شريك له، وأشهد أن محمداً عبده ورسوله.

أما بعد.

 

 

Mahad Illaahay baa iska leh, isaga ayaan u mahad naqaynaa, isaga ayaan gargaar weydiisanyanaa, isaga ayaan dambi dhaaf weydiisanaynaa, isagaan u toobadkeenaynaa,isagana ayaan kamagan galeynaa ciqaab innagaga timaadda xummaanta ay nafaheennu kasbadeen, iyo camallada xun xun ee aynu samaynayno. Qofka Illaahay hanuuniyo ma jirto cid kale oo lumin kartaa, qofka lumana ma jirto cid kale oo hanuunin kartaa. Waxaan caddaynayaa in aanu jirin Illaah xaq lagu caabudaa Allah mooyaane, waa keligii mana laha wax lala caabudo. Waxaan kale oo aan caddaynaynaa in Muxammad uu yahay Addoonkii iyo Rasuulkii (ergeygii) Illaahay.

 

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ حَقَّ تُقَاتِهِ وَلَا تَمُوتُنَّ إِلَّا وَأَنْتُمْ مُسْلِمُونَ 

 (آل عمران : 102)

 

"Kuwa (xaqa) rumeeyoow ka dhawrsada Eebe dhawrsashadiisa xaqa ah, hana dhimanina idinkoo Muslim ahayn".

 

 يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُواْ رَبَّكُمُ الَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَاحِدَةٍ وَخَلَقَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَبَثَّ مِنْهُمَا رِجَالاً كَثِيرًا وَنِسَاء وَاتَّقُواْ اللّهَ الَّذِي تَسَاءلُونَ بِهِ وَالأَرْحَامَ إِنَّ اللّهَ كَانَ عَلَيْكُمْ رَقِيبًا

النساء : 1

"Dadoow ka dhawrsada Eebihiina idinka abuuray naf keliya(Aadam)kana abuuray Xageeda Haweenaydeeda(Xaawo) kana abuuray xagooda rag badan iyo Haweenba, ka dhawrsad Eebihiin aad wax isku warsataan iyo qaraabada,Eebana wuxuu u yahay korkiinna ilaaliye".

 

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَقُولُوا قَوْلًا سَدِيدًا

 يُصْلِحْ لَكُمْ أَعْمَالَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَمَنْ يُطِعْ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ فَازَ فَوْزًا عَظِيمًا)) ( الأحزاب : 71،70

 

"Kuwa (xaqa) rumeeyoow ka dhawrsada Eebe hadal toosanna ku hadla".

"Haydiin wanaajiyo Camalkiinna hana idiin dhaafo Dambigiinee, ruuxii adeeca eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu u liibaanay dhab ahaan liibaan weyn".

 

أما بعد

Intaas ka dib,

 

 

Walaalayaal kusoo dhowaada webka Waaniye. Com, waana kaaga mahad celinaynaa soo booqashadaada.  Walaalayaal webka Waaniye.Com waxaan ugu tala galnay inaan u soo gudbino waano kasta oo wax u taraysa ummadaha Islaamka gaar ahaan ummada Soomaaliyeed.

Haddaba waxaan ku dadaaleeynaa waanooyinka dhisaya ummada Islaamka gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed.  

Walaalayaal wixii waano ah waxay ku dhan yihiin aayadahaan kor kusoo xusnay oo ah aayadaha lagu furto waano kasto oo la jeedinayo marka qofkii si fiican ugu fiirsada aayadahaas ayaa fahmi kara waanooyinka ay xambaarsan yihiin.

 

 

Waxaa jira dad badan oo soomaali ah oo aqoon leh, waxayna jeclaan lahaayeen in ay dadka wax u sheegaan,  Hadaba walaal noo soo gudbi hadaad hayso  waanooyinkaas aan soo sheegnay. Hadaba hadaad hayso waanooyin hore iyo kuwo cusub walaal noo soo gudbi, sidoo kale Xikmad dadka an facaysa hadaad hayso noo soo gudbi, ugu dambayntii waxaan doonaynaa haddii rabbi idmo inuu webkaan qayb ka qaato dhisida Soomaali wanaagsan oo walaalo ah.

 

Hadaba sidee ku helaynaa walaaltinimada Islaamka? Waa  fudayd hadaan dhaqan gelino xadiiskaan:”

 

Waxaa laga wariyey abuu Xamsa Anas ibn Maalik(Allaha ka raali noqdee , oo ahaa adeegihii rasuulka(S.C.W) inuu ka wariyey Nabigu (S.C.W) inuu yiri:Qofka iimaankiisu dhab ma noqdo ilaa uu la jeclaado walaalkii waxa uu nafiisa la jecel yahay”.

Waxaa wariyey al-Bukhaari iyo Muslim

 

 

Walaalayaal Webka Waaniye.com waxaa Jecelnahay in aan waxyaabo badan inaan ku soo kordhino, marka raali naga ahaada intaan ka dhamaystirayno hawsha aan ka wadno.Illaahay waxan ka baryaynaa inuu dhamaanteen xaqa nawada waafajiyo Aamiin.Waxaan kaloo Illaahay ka baryaynaa in webkaan Waaniye .com  uu ka dhigo mid dadka anfaca Adduun iyo Aakhiraba. Amiin,Aamiin,aamiin.

 

 

 

                   Bahda Waaniye.com

Waaniye.com
 

   Dadka Soo Islaamay

   Dr Yusuf Marshaale 

  Su,aalo & Jawaabo Cafimaad

  Su,aalo & Jawaabo Diini ah

  Waaniye Guestbook

  Xikmad

 Waano

  Maqaalo

  Caqiido

  Caruurta

  Muxaadaro Qoraal ah

  Xadiis


Info

......

 Tell a Friend   Add to Favorites


Quran Audio
 Qaaf             Kahf                    Anfal                     Towba               Maryam      
 

Vote

 


Maamulka (Waaniye)
Waxaa Online ah Maamulka 0

Ducooyin

 Duco(Mustajaab)

 Duco(haabeen & Maalin)

 Duco(Culimo kala duwan)


 Dhalinyarada (Maqaalo)

Siirada Asxaabta

Gabdhaha Muslimiinta ah

 

 
Copyright © 2006 waaniye.com

     
Waaniye.com