Home

Quran

Tafsiir

Duruus

Muxaadaro

Contact Us

 

Menu

   Home

  Quran

  Tafsiir

  Duruus

  Muxaadaro

  Contact Us

Current Stats                  

Total Visits:    

Online Visitors:

 

 

   Dr  Yusuf Marshaale

  Suaalo iyo Jawaabo Diini Ah

  Suaalo & Jawaabo Cafimaad

  Xikmad

 Waano

  Maqaalo

  Caqiido

  Caruurta

  Muxaadaro Qoraal ah

  Xadiis

Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka

XANUUN IGA HAYA
CALOOSHA

  WALAAL WAXAAN AHAY HAWEENAY........

---------------------------------

 

Dhanjafka
 waxaan doonayaa inaad iiga jawaabto..

----------------------------------

 

Hormoonadaada u baahay
  walaal waxaan ahay haweenay soomaliyeed...

-------------------------------

 

LINKS

  Hay'adda Kafaalo

  Waaniye

  Aflax.net

  Somalisunnah

  Kulannet

  Boqolsoon

  Islamway

  Sultan.org

  Duruus.com

  Axaadiis

  Hanuun

 

Copyright ® 2006
Waaniye.com
All Rights Reserved

 

Tafsiirka Quraanka

 Horudhac & Fatixa            Baqara1-16                    Baqara 17-34                     Baqara 34-57              Baqara 57-70      

... More >> Riix Halkan

 

   Xadiis

10-Abuu Hurayrah (A.K.R) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: ´´Alle weyne kor ahaaye, wuu ku qoslaa labo nin oo midkooda hore kan kale dilay labaduna jannada wada gali doonaan (dhimashadooda kaddib). Midkood oo horay loodilay isagoo jidka Alle u diriraya jannadii buugalay. Markaa kaddib, buu Alle u naxariisanayaa kii wax dilay kaa oo gali Islaamka, oo u diriri jidka Alle oo loo dilayana (sidaana isna jannada kugalaya). Bukhaari iyo Muslim)

Muxaadarooyin

Fadliga Quraanka    Fadliga Sabarka     Maalinta Qiyaamo     Maxaa Xigga Geerida Gabdhaha Suuban Tarbiyadda Caruurta Manhajka Allaah Walaaltinimada         Qisadii Nabi Yusuf cs 1 Qisadii Nabi Yusuf cs 2 

Muxaadarooyin

Qiimaha Adduunka     Nafta iyo shahwaad-  Nafta iyo shahwaad- 2Dumarkii lagu sheegayQabiilka & Qabyaalada

Ku sugnaanta DiintaNolosha dhabta ahWanaaga Diinta  Naftaadda miizaan 


 

 

00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 |

                Waano (Qeybtii 10aad)

 

 

 Muslimiintii oo lagu bilaabay hanjabaad iyo isku dir.

 

 

Markii Muslimiintii usoo haajireen Madiino, Quraysh dhibkii ay hore ugu hayeen waxay ay ugu dareen hanjabaad, waxay kaloo halkoodii kasii wadeen colaaddii iyo dagaalkii ay ku hayeen , waxayna ka caroodeen oo ciilkooda sii kordhiyay rugta iyo raaska wanaagsan oo aaminka ah ee muslimiinta Madiina ka heleen.

 

Quraysh waxay warqad u qoreen Cabdullaahi bin Ubay bin Salool oo markaas gaal ahaa oo intaan la soo haajirin reer madiina madax ka dhigteen . Waxayna u qoreen isaga iyo raggiisa ereyo kulul.

 

” waxaad hoy siiseen ninkii aan is haynay , annaguna waxaan dhaar Alle u marnay, haddii aydnaan la diririn oo iska saarin, inaan dhamaantayo idinku soo duulno oo wixiinna dirira layno, dumarkiinana bannaysano.” ( Werin Abuu Daawuud)

 

Cabdullaahi bin Ubay markii ay warqadaas soo gaartay buu wuxuu fadhiga ugu  kacay inuu fuliyo amarka walaalihiis gaalada ah ee reer Makkah , maxaa yeelay awal buu Rasuulka (S.C.W) uurka uga bukay , oo wuxuu arkeyey nin xukunkiisa ka boobay.

 

Cabdur-raxmaan bin Kacab wuxuu yiri: Markii warqadaas soo gaaratay Cabdullaaahi bin Ubay iyo wixii raacsanaa oo sanam caabudayaasha ahaa bay waxay isku raaceen inay Rasuulka (S.C.W) la diriraan, markii ay Rasuulka (S.C.W) taasi soo gaartay buu u tagay oo yiri: ”Hanjabaaddii Quraysheed meel fog bay idinka gaartaye, waxaad isu maleegaysaan wax ka badan ma iyagaa idiin maleegin kara, waxaad rabtaan inaad wiilashiinna iyo walaalihiin la dagaalantaan, markii uu Nabigu (S.C.W) sidaas ku yiri bay kala tageen. (abuu Daawuud)

 

Cabdullaahi bin ubay markaas kaddib dagaalkii wuu iska daayey markii uu raggiisa ka dareemay inaysan diyaar ahayn , waxaase muuqatain Quraysh hoosta kalaxiriiray oo mar kasta oo fursadi u muuqato wuxuu ku dadaali jiaray inuu ka faa,iidaysto oo gaalada iyo Muslimiinta isku diro, wuxuuna kaloo gaashaan buur ka dhigan jiray yuhuudda si ay arintaas gacan ugu siiyaan.

 

Daandaansi iyo gardarreysi dhinaca Quraysh ah baa waxay wadad u xaaraayeen isku hor imaansho weyn oo ka dhex dhaca muslimiinta iyo mushrikiinta.

 

Waxaa laysku dayey Sacad bin Mucaad in Cimro loo diido, Sacad bin Mucaad Wuxuu abuu jahal ku yiri: Wallaahi Haddii aad halkaan ii diiddid wax kaaga daran tan baan kuu diidayaa, waa jidka Madiina soo mara (oo safarka Suuriya ka yimaada idiin soo maro).

 

Quraysh waxay u soo cid dirtay muslimiintii oo waxay tiri: Haddii aad Madiina nooga soo fakateen , ha ku dagmina, Wallaahay intaan idiin imaanno baan idin dabar goynaynaa oo daartiinna dhexdeeda idinku cirib tiraynaa. Gooddi keliyana ma ahayne waxaa Rasuulka (S.C.W) soo gaaray warar sugan oo sheegaya inay qurayshtu shar la maaggan yihiin oo wax qoolayaan, taasoo Rasuulka (S.C.W) habeennadii ganma u diidday, marar ay asxaabtu waardiyaynayaan ma`ahee.

 

Caa, isha laga wariyey oo tiri: Rasuulka (S.C.W) habeenkii waa la ilaalin jiray jeer ay ka soo degtay Aayada leh:

 

 æóÇááøóåõ íóÚúÕöãõßó ãöäó ÇáäøóÇÓö

 

”Alle baa kaa dhowri doona dadka”.(5:67)

Markii la galay Xaalad khatar ah, oo jiritaankii muslimiinta ee Madiino hanjabaad lagu hayo , markaasna quraysh laga soo sheegay inaysan habowgoodii ka harin, iskana dayn gardiidmadoodii, buu Alle kor ahaaye soo dajiyey amar muslimiinta ugu oggolaanayo inay dagaallamaan iyadoo aan dagaalka lagu waajibin ee loo banneeyay. Wuxuu yiri Alle kor ahaaye:

 

ÃõÐöäó áöáøóÐöíäó íõÞóÇÊóáõæäó ÈöÃóäøóåõãú ÙõáöãõæÇ æóÅöäøó Çááøóåó Úóáóì äóÕúÑöåöãú áóÞóÏöíÑñ

 

”Idinka (oggolaanshaha) inay la diriraan waa la siiyey kuwa(waa mu`miniinta  lidka gaalada) ee la dagaallamahaya iyaga, iyo darteed in iyaga(mu`miniinta) la dulmiyey, oo hubaashii Alle waa karaa inuu siiyo iyaga(mu`muniinta) guul.” (22:39).

 

 

Hadaba qaybtaan waxaan ka faa,iidaysanay:-

 

1-     Muslimiinta in aan loo ogolayn in ay meel dagaan oo danahooda ay maamushaan.

2-     Haddii Muslimiintu meel ay dagaan in cadowgooda dibadda iyo kan gudahaba ay ka shaqeynayaan in la kala dhantaalo Muslimiinta.

3-     In si xikmad ah ku jirto loola hadlo cadawga gudaha oo la kala dhantaalo qorshahooda, si ay uga haraan cadowga dibadda.

4-     In layska Celiyo Cadawga gudaha iyo  kan dibaddaba, iyadoo la isticmaalayo habkasta oo fudud oo looga amaan helayo.

5-     Ugu danbayntii intii uu dulmi jiro dagaal waa uu jirayaa.

 

 

 

 

 

     La soco qaybaha kale ee soo socda, haddii rabbi idmo

 

                           

 

                      BahdaWaaniye.com

 

 

 

 

 
Copyright © 2006 waaniye.com
Waaniye.com