Waxaan haddii rabbi idmo soo gudbinaynaa waanooyin aan rajaynayno in aan ka faa,iidaysano dhamaanteen,Illaahayna waxaan ka baryaynaa inuu naga dhigo kuwii qaata, waanooyinkaas kuna dhaqma, hadana gudbiya oo gaarsiiya qof walba oo waanadaan khusayso, gaar ahaan dadka degen wadankeenii soomaaliya.
Hadaba sidee ayaan ku dhisnaa bulsho cusub, oo ku dhaqanta kitaabka Quraanka Kariimka ah iyo sunadii Rasuulka (صلى الله عليه وسلم), Jawaabta waxa weeya anagoo raacna wadadii llaahay iyo Rasuulkiisa Maxamed (صلى الله عليه وسلم) noo jideeyeen.
Rasuulka (صلى الله عليه وسلم) markuu u soo haajiray Madiina, shaqadii ugu horaysay ee uu qabtay waxay ahayd isagoo dhisay masaajid, rasuulka s.cw ayaa kala qayb galay asxaabtiisii(Muhaajiriin iyo Ansaarka),dhisida masaajidka oo wax ka gurayay marmarka iyo dhagxaanta, isagoo leh tixahan: ”Alloow nololi ma jirto nolosha aakhiro ma,ahee,ee Muhaajiriin iyo Ansaar u dambi dhaaf.”
Masaajidku ma ahayn meel salaadaha lagu guto oo kaliya, ee wuxuu ahaa jaamacad ay muslimiintu ku qaataan tacliinta Islaamka iyo tusaalooyinkiisa. Wuxuu kaloo ahaa meel ay ku kulmaan dad ka yimid qabaa,ilo kala duwan oo ay in badan kala cayrin jireen ficilooyin iyo dagaallo qabyaaladdeed.
Wuxuu kaloo masjidku ahaa rugta lagu maareeyo arimaha kala duwan ee muslimiinta iyo meesha ay wax walba kasoo fulaan.
Wuxuu kaloo masjidku ahaa baarlamaan lagu qabto fadhiyada wax lagu falanqaynayo oo looga tashanayo iyo kuwa howl fulinta.
Wuxuu kaloo ahaa raas ay deggen yihiin dad tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Muhaajiriintii saboolka ahaa ee soo sal kacay oo soo qaxay, oo aan iyagu madiino ku lahayn guri,maal, xaas iyo carruur toonna.
(La soco todobaadka danbe qaybaha dhiman, haddii Rabbi idmo)
Bahda waaniye.com