Walaalayntii Muslimiinta
Rasuulka (S.C.W) ka dib markii uu dhisay, masaajidka oo ahaa meel Alle lagu caabudo, muslimiintuna ay isku dhexgalaan oo isku jeclaadaan, buu wuxuu ku dhaqaaqay camal kale oo wax ku ool ahaa, taariikhdana raad weyn uga tagay, camalkaasi wuxuu ahaa walaalayntii Muhaajiriinta iyo Ansaarta.
Ibnu Qayyim wuxuu yiri: Dabadeed Rasuulka(S.C.W) wuxuu ku walaaleeyay guriga Anas bin Maalik Muhaajiriinta iyo Ansaartii, Waxayna ahaayeen ragga la walaaleeyay sagaashan ninoo bar Muhaajiriin ahaa barna Ansaar. Rasuulka (S.C.W) wuxuu ku walaaleeyay in ay isu beer dabcaan oo is bahaystaan ayna ehelladooda iskaga xigaan oo iyagu is dhaxlaan markii ay dhintaan. Markii uu dhacay dagaalkii Badar sannadkii labaad ee hijrada wixii ka horeeyay waa is dhaxlayeen. Markaas ka dib waxaa soo degtay Aayad Alle kor ahaayee ku cadeeyay dadka wada dhashay inay iyagu is dhaxlaan ood dadka kale iska xigaan:
æóÃõæúáõæÇú ÇáÃóÑúÍóÇãö ÈóÚúÖõåõãú Ãóæúáóì ÈöÈóÚúÖò
”Dadka wada dhashay iyagaa iska xiga midba midka kan kale xaga dhaxalka.)(suuratu anfaal aayadda 75).
Markaas ka dib baana dhaxalkii dadkii wada dhashay loo ceshay, walaalnimadii kalena sideedii baaqi u ahaatay. Walaalayntaas waxaa looga danlahaa sidii Muxammad al-Qasaali sheegay in la tirtiro ficilladii jaahilnimada, oo aan islaamka ma,ahee wax kale loo qiiroon, lana xooro kala saraynta ku dhisan dhalashada,midabka iyo waddanka, oo aan qofna ku harin ama ku horrayn waxaan ahayn dadnimadiisa,dadaalkiisa, iyo taqwadiisa(Alle ka cabsigiisa).
Rasuulka (S.C.W) wuxuu walaalayntaas ka dhigay ficil la taaban karo oo la fuliyey ee hadla maran ma ahayn, waxay ahayd camal ragga isku xiraya oo dhiigga iyo maalkaba ka dhaayssiinayaee ma ahayn salaan afka baarkiisa ah oo aan raad lahayn. Walaalnimadaasi waxay wadatay kalgacayl wax isku loogid ah, iyo isu roonaan iyo is-weheshi bulshada cusub ku beeraya oo ka buuxinaya tusaalooyin qaali ah.
Ugu dambayntii waa badan yihiin axaadiista ka hadlaysa walaaltinamada islaamka , sidoo kale asxaabta sida ay u dhaqan galiyeen waalnimada islaamka. Hadaba waxaa nalooga baahan yahay inaan ku dayano Asxaabtii si aan u helno liibaan addunyo iyo mid aakhiraba. Waxaan IIlaahay ka baryaynaa inuu naga dhigo kuwo xaqa ku dhaqma, gartana walaalnimada islaamku leeyahay Aamiin.Amiin.Aamiin.
La soco qaybaha kale
Bahda waaniye.com