Axdigii isbahaysiga Islaamka
Sidii Rasuulku (صلى الله عليه وسلم) Muslimiinta u walaaleeyay oo kale, buu wuxuu soo saaray axdi iyo heshiis, bayaan cad ah oo uu ku xallinayo dhammaan dhaqammadii jaahiliga ahaa iyo ficilooyinkii qabyaaladda, meelna uma bannayn xeerarka jaahiliga ahaa.
Bayaanka uu Rasuulku (صلى الله عليه وسلم) uu soo saaray waxaan kasoo qaadaynaa dhowr qodob, ulajeedadayadu waxa weeye haddii mushtamac la dhisayo waa in lagu dhaqo kitaabka Quraanka iyo Sunaddii Nabiga(صلى الله عليه وسلم) labadaas aan soo sheegnay ayaa khayr oo dhan laga helayaa.
Sidoo kale waa wanaagsan tahay in la qorto axdi iyo heshiis dhowr qodob ah,oo laga soo qaatay kitaabka Quraanka iyo Sunadda Nabiga (صلى الله عليه وسلم) Hadaba waxaan tusaale ahaan usoo qaadanaynaa dhowr qodob oo ahaa axdi iyo heshiis uu Rasuulku (صلى الله عليه وسلم) sameeyay markii uu Madiino soo degey waxuuna qoraalku ku bilowday sidatan:
Kani waa qoraal ka soo fulay Nabi Muxaammad (صلى الله عليه وسلم) oo ka dhexeeya Mu,miniinta iyo Muslimiinta Quraysheed iyo kuwa reer Yathrib(reer Madiina) iyo wixii raacay oo u jihaaday la jirkood:
1-Intaas waxay isku yihiin ummad keliya oo dadka iska xiga.
2-Muhaajiriinta qurayshta ahi sidoodii hore bay diyada ula baxayaan, maxbuuskooda dagaalkana iyagaa si la yaqaan oo sharaf leh usoo furanaya. Qolo kasta oo Ansaarta ka mid ahina sidoodii hore bay diyada isaga bixinayaan. Qolo kasta oo ka mid ahina iyadaa maxbuuskeeda dagaalka si layaqaan usoo furanaysa.
3-Mu,miniinta ku fiirsanmayaan qof aan waxhaysan ee si la yaqaan bay diyada iyo madax furashada ula bixinayaan.
4-Muslim kasta oo Alle ka cabsada wuxuu ku ahaan doonaa col iyo lid oo waa inuu dhan ka noqdaa ciddiii kasta oo wadda gardarro,aabi iyo dulmi ama doonta inay fidiso cadaawad iyo fidno, gacmahooduna waa u wada jiraan, midkood ilmihiisaba ha ahaadee.
5-Qof mu,min ahina waa inuusan dilin mu,min kale, waa inuusanna ugu hiillin oo gacan iyo garab siin gaal lid ku ah oo kasoo horjeeda qof mu,min ah.
Intaas ayaan ku soo gaabinaynaa axdigii iyo heshiisyadii, waxaase ku jiray oo muhiim ahaa,una baahan in la xuso labadaan qodob oo ah:
1- Mu,miniintu waa isu walaalo, hiil iyo hoo wadaaga.
2-Wax kasta oo aad isku qabataan oo wuxuun ahna waa in loo celiyaa Allaah iyo Nabi Muxammad(صلى الله عليه وسلم).
La soco qaybaha kale
Bahda Waaniye.com