Waano (Qeybtii 7aad)
Axdigii yuhuudda lala galay
Markii Rasuulak(صلى الله عليه وسلم) Madiina Usoo qaxay, uuna hubsaday dhidibaddii bulshada Islaamka ahi inay qotansadeen oo xiddidaysteen oo muslimiintii dhexdooda uu ka sameeyay midnimo dhinacyada qabitaanka iyo siyaasadda iyo maamulkaba ah, buu wuxuu usoo jeedsaday inuu xiriir la samaystodadkii kale ee aan muslimiinta ahayn.Taasna wuxuu uga gol lahaa nabadgelyada iyo ammaanka inuu sugo, oo aadanaha oo dhammi ay baraare iyo barwaaqo ku noolaadaan iyo in gobalka heshiis laga islaaxiyo.
Taasna Wuxuu Rasuulka(صلى الله عليه وسلم) u jideeyay xeerar ku salaysan is Xaqdhawrid iyo xorriyada aan horay looga arag Adduunka oo mar kaas is-ximin iyo ficilliba ka meel waayeen. Cid Madiina la deris ah oo aan Muslimiinta ahayn waxaa u dhowaa Yuhuud.
Rasuulku (صلى الله عليه وسلم) wuxuu la galay axdi isagoo Xorriyad buuxda u siiyay diintooda iyo maalkooda, aanna innaba isku deyin siyaasad ku dhisan fogayn iyo qaramaynta maalkooda iyo colaad.
Hadaba waxaantusaaleahaanusooqaadanaynaadhowrqodobooahaaaxdigiiuuRasuulku (صلى الله عليه وسلم) La galay Yuhuudda, waxaana ka mid ahaa:-
1-Yuhuudda Banii Cawf waa ummad la jirta mu,miniinta. Yuhuuddu diintooday leeyihiin, Muslimiintuna diintooda. Mawaalidooda iyo naf ahaantoodaba, yuhuudda kale ee aan Banii Cawf ahaynna waa sidoo kale.
2-Yahuudda iyagaa laga rabaa saadkooda,Muslimiintana iyagaa laga rabaa saadkooda(waqtiga daaalka).
3- Haddii ay qolo saddexaad soo weerarto, way iskaga hiilinayaan cidii weerar iyo col ku ah dadka warqadaan (Reer Madiina).
4-Nasteexo iyo waanin baa ka dhexaysa, xiriirka waxaa aasaas u ah samaan iyo suubbanaan, xadgudub iyo denbi waa inuusan sideedaba jirin.
5- cidna waa inayan ka gelin denbi gaashaan buurteeda kale.
Intaas ayaan ku soo gaabinaynaa axdigii lala galay yuhuuda waxaase kujiray oo muhiim ahaa,una baahan in la xuso labadaan qodob oo ah:
1-Dadka Warqadani ka dhexayso wixii dhex mara oo shil ahama is qabasho
Fasahaadkeeda laga baqo,waxa loo celinayaa alle kor ahaay iyo Rasuulkiisa si ay u Xalliyaan khilaafka.
2-Qolo walba waa inay ka difaacdaa Madiinaha, Haddii dibedda looga soo duulo(weerao), dhinaca ku aadan
Markii Axdigaas la galay ka dib Madiina waxay noqotay Dawlad is waafaqsan oo caasumaddeedu tahay Madiina. Si goobta amniga iyo nabadgelyada loo sii balaariyana Rasuulku (صلى الله عليه وسلم) wuxuu laga heshiisyo kuwaas oo kale ah qabiilooyinkii kale oo deriska la ahaa Dawladdiisa.
La soco qaybaha kale
BahdaWaaniye.com