Xasuusin :Soomida Bisha Shacbaan.

Home

Quran

Tafsiir

Duruus

Muxaadaro

Contact Us

 

Menu

   Home

  Quran

  Tafsiir

  Duruus

  Muxaadaro

  Contact Us

Current Stats                  

Total Visits:    

Online Visitors:

 

 

   Dr  Yusuf Marshaale

  Suaalo iyo Jawaabo Diini Ah

  Suaalo & Jawaabo Cafimaad

  Xikmad

 Waano

  Maqaalo

  Caqiido

  Caruurta

  Muxaadaro Qoraal ah

  Xadiis

Maxaa Cusub?

Soomida Bisha Shacbaan
  Waxaa Qoray Bahda Waaniye.
---------------------------------

 
Ma is miisaan tay ?
 Waxaa Qoray Abii Cubeyda.
----------------------------------

 
Waano Qeybtii 10aad
  Waxaa Qoray Bahda Waaniye.
-------------------------------

 

Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka

XANUUN IGA HAYA
CALOOSHA

  WALAAL WAXAAN AHAY HAWEENAY........

---------------------------------

 

Dhanjafka
 waxaan doonayaa inaad iiga jawaabto..

----------------------------------

 

Hormoonadaada u baahay
  walaal waxaan ahay haweenay soomaliyeed...

-------------------------------

 

LINKS

  Hay'adda Kafaalo

  Waaniye

  Aflax.net

  Somalisunnah

  Kulannet

  Boqolsoon

  Islamway

  Sultan.org

  Duruus.com

  Axaadiis

  Hanuun

 

Copyright ® 2006
Waaniye.com
All Rights Reserved

Maxaad jeceshahay in lagu soo kordhiyo Waaniye.com?

Caqiido.
Xikmad.
Maqaalo.
Waano.

View Result

Tafsiirka Quraanka

 Horudhac & Fatixa            Baqara1-16                    Baqara 17-34                     Baqara 34-57              Baqara 57-70      

... More >> Riix Halkan

 

   Xadiis

10-Abuu Hurayrah (A.K.R) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: ´´Alle weyne kor ahaaye, wuu ku qoslaa labo nin oo midkooda hore kan kale dilay labaduna jannada wada gali doonaan (dhimashadooda kaddib). Midkood oo horay loodilay isagoo jidka Alle u diriraya jannadii buugalay. Markaa kaddib, buu Alle u naxariisanayaa kii wax dilay kaa oo gali Islaamka, oo u diriri jidka Alle oo loo dilayana (sidaana isna jannada kugalaya). Bukhaari iyo Muslim)

Muxaadarooyin

Fadliga Quraanka    Fadliga Sabarka     Maalinta Qiyaamo     Maxaa Xigga Geerida Gabdhaha Suuban Tarbiyadda Caruurta Manhajka Allaah Walaaltinimada         Qisadii Nabi Yusuf cs 1 Qisadii Nabi Yusuf cs 2 

Muxaadarooyin

Qiimaha Adduunka     Nafta iyo shahwaad-  Nafta iyo shahwaad- 2Dumarkii lagu sheegayQabiilka & Qabyaalada

Ku sugnaanta DiintaNolosha dhabta ahWanaaga Diinta  Naftaadda miizaan 


 

 

| 00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 |

          
Waano (Qeybtii 8aad)

 

 

 

Qaybihii hore waxaan kasoo hadlay waxyaabihii uu qabtay Rasuulka (صلى الله عليه وسلم)  markuu u soo haajiray Madiina,waxaan soo sheegnay waxyaabihii uu rasuulka s.c.w uu qabtay waxaana ka mid ahaa:-1- isagoo dhisay masaajid 2-Walaalayntii Muslimiinta

 3-Axdigii isbahaysiga Islaamka4-Waxbarasho iyo barbaarin5-Axdigii yuhuudda lala galay.

 

Hadaba Rasuulka (صلى الله عليه وسلم) wuxuu ahaa hogaamiye Weyn oo lahaa sifooyin sarreeya oo dhammays ah oo sharaf oo dhami ku idishahay, oo camal samaa, oo dabeecad wanaagsanaa, daacadna ahaa oo dul qaad badan, taasi waxay keenatay inuu laabaha dadka soo jiito oo si daran loo jeclaado, oo nin walbaa naftiisa ka hor mariyo oo uu ku furto, oo hadalkiisa loo dhego nuglaado. Oo wuxuu yiraahdaba ku dhaqankiisa iyo fulintiisa loo kala dheereeyo.

 

Tusaalooyinka iyo hanuuninta uu soo jeediyana way u tartami jireen oo dhaqan gelin jireen. Sidaas buuna Nabigu (صلى الله عليه وسلم) ku awooday isagooAlle kaashanaya inuu Madiina ka dhiso bulsho cusub oo ah kii u sarreeyey oo u sharaf badnaa ee taariikhda aadanaha soo mara, iyo inuu mashaakillada ummaddaas u dajiyo xal uu aadinihii ku nafisay, oo uga nasteen waayihii madoobaa iyo mugdiyadii gudcurrada.

 

Cabdullaahi ibnu  Mascuu wuxuu mar yiri: Qofkii cid ku dayanayoow  qof mowtan ku dayo,Dadka nooli lama hubo inay fidno ka badbaadayaane, ku dayo oo raac asxaabtii Nabi Muxammad(صلى الله عليه وسلم) iyagaana ummadaan u fadli badnaa, oo qalbi xaarnaa, oo u cilmi badnaa, oo u iskallifid yaraa, Allaana u doortay inay Rasuulkiisa la socdaan oo diintiisa wax ka oogaan oo fadligooda u aqoonsada, oo raadkoodii raaca, oo wixii aad kartaan ka qabsada dhaqankoodii iyo hab-nololeedkoodii,jid hanuunsan oo toosan bay hayeen.

 

 

 

Hadaba waxaan haddii rabbi idmo qaybaha soo socda ka hadli doonaa sidii Rasuulkeena(صلى الله عليه وسلم) uu asxaabta u siiyay casharo lama ilaawaan ah iyo  Asxaabtu siday u dhaqan galiyeen waxyaabihii uu rasuulka(صلى الله عليه وسلم)  ku tarbiyeeyay, waxaana xusaynaa qaybaha ay noogu jirto cashar  lama ilaawaan ah.Waxaan soo gudbinaynaa intii rabbi na garansiiyo,oo aan awoodno. Illaahay idinkiis.

 

 

 

 

     La soco qaybaha kale ee soo socda, haddii rabbi idmo

 

                           

 

                      BahdaWaaniye.com

 

 

 

 

Copyright © 2006 waaniye.com
Waaniye.com