Waano (Qeybtii 9aad)
Walaalayntii asxaabtu sidee u dhaqan gashay waxaa noogu filan tusaalo labadaan xadiis ee soo socota:-
Al-bukhaari wuxuu weriyey: in markii ay madiino yimaadeen uu rasuulku s.c.w walaaleeyay Cabdur-raxmaan ibn Cowf iyo Sacad bin Rabiic. Markaas uu sacad ku yiri Cabdur-raxmaan: waxaan ahay ninka ansaar u maal badan , ee hantidayda noo kala bar, labo dumar ahna waa leeyahay ee fiiri tii ku cajabisa ii sheeg aan kuu furee oo markii ay ciddad baxdo guurso. Markaasuu yiri: Maalkaaga iyo xaaskaagaba Allaha kuu barakeeyo aaway suuqiinii? Markaasay tuseen suuqa Banuu Qaynuqaac, markaasuu la soo laabtay isagoo khayr soo helay. Maalintii xigtayna halkiisii buu kas ii waday, markaasuu maalin dambe Rasuulka S.C.W u yimid isagoo raad huruudeed wajiga uga yaalo. Wuxuu Nabiga S.C.W yiri: Waa sidee? Wuxuu yiri: Waan guursaday. Wuxuu yiri oo intee ku mehersatay? Wuxuu yiri: Dahab laf timreed le´eg.
Abuu hurayrana wuxuu ka weriyey inuu yiri Ansaar baa Rasuulka S.C.W ku tiri: Annnaga iyo walaalahayo noo qaybi geedaha timirta. Wuxuu yiri: Maya! Waxay yiraahdeen howsha baad naga hananaysaan, mirahana waan idinla wadaagaynaa. Waxay yiraahdeen: Maqalnay oo yeelnay.(Bukhaari)
Taasina waxay muujinaysaa sida Ansaarta ugu heellanaayeen walaalahooda muhaajiriinta ah, oo ay wax uguloogayeen oo naftooda ugu roonnaanayeen, ayna kalgacaylka ugu hayeen iyo sida ay muhaajiriintu maamuuskaas u tixgalinayeen oo aysan inaba uga faa,iidaysanayn waxna uga qaadanayn wixii ay fursan waayaan ma,ahee.
Run ahaantiina walaalayntaasi waxay ahayd arin xikmad ku salaysan. Xal wanaagsan bayna u ahayd mashaakillo badan oo muslimiinta hor yiil, oo kuwaan soo tilmaanay u horreeyeen.
Ugu danbayntii Asxaabtu waxay fuliyeen xadiiskii Rasuulka S.C.W ee laga wariyey abuu Xamsa Anas ibn Maalik(Allaha ka raali noqdee , oo ahaa adeegihii rasuulka(S.C.W) inuu ka wariyey Nabigu (S.C.W) inuu yiri: Qofka iimaankiisu dhab ma noqdo ilaa uu la jeclaado walaalkii waxa uu naftiisa la jecel yahay.
Waxaa wariyey al-Bukhaari iyo Muslim
La soco qaybaha kale ee soo socda, haddii rabbi idmo
BahdaWaaniye.com