عن أمير المؤمنين أبي حفص عمر بن الخطاب (رضي الله عنه) قال: سمعت رسول الله (صلى الله عليه وسلم) يقول: إنما الأعمال بالنيات و إنما لكل امرئ ما نوى، فمن كانت هجرته إلى الله ورسوله، فهجرته إلى الله ورسوله، ومن كانت هجرته لدنيا يصيبها أو امرأة ينكحها، فهجرته إلى ما هاجـر إليه. (رواه إماما المحدّثين: أبو عبد الله محمـد بن إسماعيل بن إبراهيم بن المغيرة بن بردزبه البخاري الجعفي، وأبو الحسين مسلم بن الحجاج بن مسلم القشيري النيسابوري في صحيحيهما اللذين هما أصح الكتب المصنفة).
1-Waxaa laga wariyey AmiirkiiMu,miniinta CumaribnuAl-Khadaab, Allaha karaalli noqdee: inuuyire, waxaan maqlay Nabiga(S.C.W) ooleh: Camalku waxaa saldhig u ah niyadda, qofkastaana wuxuu helaa niyadddiisa, marka qofkii u hijrooday Ilaahay dartii iyo Rasuulkiisa wuxuu helayaa ajar Ilaahay. Qofkii u hijrooda inuu adduunyo helo ama gabar uu rabo guurkeeda, isna waxaa lagu abaalmarinayaa niyadiisa oo Ilaahay kasugi maayo abaalgud.
Waxaawariyey al-Bukhaariiyo Muslim
وعن أبيهريرة عبد الرحمن بن صخر رضي الله عنه قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: إن الله لا ينظر إلى أجسامكم ، ولا إلى صوركم، ولكن ينظر إلىقلوبكم وأعمالكم((رواه مسلم).
2-AbuuHurayrah(A.K.R.) wuxuuyiri:Rasuulkii Alle(S.C.W) wuxuu yiri: ”Alle fiirin maayo jirkiinna iyo muuqaalkiina toona, ee wuxuu fiirinayaa qalbiyadiinna iyo camalladiinna”.
Waxaa wariyey Muslim
وعن أبيموسى عبد الله بن قيس الأشعرى رضي الله عنه قال: سئل رسول الله صلى الله عليهوسلم عن الرجل يقاتل شجاعة، ويقاتل حميةً، ويقاتل رياء، أى ذلك في سبيل الله؟فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم: من قاتل لتكون كلمة الله هى العليا فهوفي سبيل الله((متفق عليه)).
3-Abuu Muusaal-ashcari(A.K.R) wuxuu yiri:Waxaa Rasuulkii Alle la waydiiyey:”Nin geesinnimo u diriraya iyo mid ficilo qabiil u diriraya iyo mid is tus u diriraya, intaas koodee baajidka Alle ku diriraya? Wuxuu ku jawaabay Rasuulkii Alle (S.C.W):”Kan u dirira inay diintii Alle kor noqoto baajidkii Alle ku diriraya”.
Waxaa wariyey: Bukhaariiyo Muslim
وعنأبي بكرة نفيع بن الحارث الثقفى رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال:إذ التقى المسلمان بسيفيهما فالقاتل والمقتول في النار قلت يارسول الله، هذاالقاتل فما بال المقتول؟ قال: إنه كان حريصاً على قتلصاحبه((متفق عليه)).
4-Abuu Bakrah Nufayc ibn al-Xaaris as-Saqfi (A.K.R) wuxuu yiri:Rasuulkii Alle wuxuu yiri:”Markii ay labo qofoo muslim ahi seef iskala horyimaadaan dilaha iyo la diluhuba waa ehlu naar.”Waxaan iri”Rasuulkii Alloow kan diley walaalkii garannay ee kan la dilay muxuu galabsaday oo naarta loo gaynayaa? Wuxuu ku jawaabay Nabigu (S.C.W) ”Inuu saaxiibkii dilo buu isna doonayey”.
Waxaa wariyey: Bukhaariiyo Muslim
وعنأبي العباس عبد الله بن عباس بن عبد المطلب رضي الله عنهما، عن رسول الله، صلى اللهعليه وسلم، فيما يروى عن ربه، تبارك وتعالى قال: إن الله كتب الحسناتوالسيئات ثم بين ذلك: فمن همّ بحسنة فلم يعملها كتبها الله تبارك وتعالى عندهحسنة كاملة، وإن هم بها فعملها كتبها الله عشر حسنات إلى سبعمائه ضعف إلى أضعافكثيرة، وإن هم بسيئة فلم يعملها كتبها الله عنده حسنة كاملة، وإن همّ بها فعملهاكتبها الله سيئة واحدة ((متفق عليه)).
5-Cabdullaahi ibnu cabaas (A.K.R) wuxuu ka weriyeynabiga (S.C.W) xadiisul-qudsi uu rasuulku Rabbigii ka soo wariyey: Kaasoo ah in xumaanaha iyo samaanahaba Alle jirsiiyey, mid walbana uu caddeeyey, qofkii wax san ku hammiya oo aan falin hal darajo oo buuxdaa loo qoraa(samaan ah), haddii uu falana Alle wuxuu ku abaalmariyaa toban darajo iyo ilaa toddobo boqoloo laba laab ah iyo laba laabyo kale oo farabadan. Haddii uu xumaan ku fekero oo uusan falinna halderejo oo buuxdaa Alle agtiisa looga qoraa(oosamaan ah), haddii uu kufekero oo falana hal xumaan ah oo keliyaa Alle u qoraa”.
Waxaa wariyey: Bukhaariiyo Muslim
وعن الأغر بن يسار المزنى رضي الله عنه قال: قال رسول اللهصلى الله عليه وسلم: " ياأيها الناس توبوا إلى الله واستغفروه فإنى أتوب فياليوم مائه مرة" ((رواه مسلم)).
6-Aqirr ibn yasaar Al-muzani (A.K.R) wuxuu sheegay inuu Rasuulku (S.C.W) ku waanin jiray asxaabtiisa: Alle u toobad keena dadyahow, oo dambi dhaaf weydiista, anigu maalintii boqol jeer ayaan toobad keenaaye. (Muslim)
وعنأبي موسى عبد الله بن قيس الأشعرى رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:" إن الله تعالى يبسط يده بالليل ليتوب مسيء النهار، ويبسط يده بالنهار ليتوبمسيء الليل حتى تطلع الشمس من مغربها"((رواه مسلم)).
7-Abuu Muusaa al-Ashcari (A.K.R) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: Alle kor ahaaye habeenkii buu gacantiisa soo fidiyaa, si uu u toobad keeno qofkii maalintii dambaabay, maalintiina gacantiisuu soo fidiyaa si uu u toobad keeno qofkii habeenkii dambaabay, jeer ay qorraxdu bugux (yacni galbeed kasoo baxdo (maalinta qiyaamaha). (Muslim)
وعنأبي عبد الرحمن عبد الله بن عمر بن الخطاب رضي الله عنهما عن النبي صلى الله عليهوسلم قال: " إن الله عز وجل يقبل توبة العبد ما لم يغرغر"((رواه الترمذي وقال: حديث حسن)).
8-Cabdullaah ibn Cumar (A.K.R) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: Alle,Rabbiga cisada iyo maamuska, toobada adoonka waa uu ka aqbalaa inta uusan dhuun yeeris(geerida) gaarin.
(Tirmidi, waana xadiis xasan ah)
وعنابن عباس رضي الله عنهما أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: " لو أن لابنآدم وادياً من ذهب أحب أن يكون له واديان، ولن يملأ فاه إلا التراب، ويتوب الله علىمن تاب"((متفق عليه)) .
9-Ibn Cabaas waxaa laga soo xigtay in Nabigu (S.C.W) yiri:Ina Aadane hadduu leeyahay tog dahab ah, wuxuu jeclaan lahaa in uu labo sii yeesho, afkiisana(damiciisa) waxaa oo kaliya buuxin kara ciidda qabriga (taasi waa markuu dhinto).Allena waa katoobad aqbalayaa kiitoobad keena´.
(Bukhaari iyo Muslim)
وعنأبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: "يضحك اللهسبحانه وتعالى إلى رجلين يقتل أحدهما الآخر يدخلان الجنة، يقاتل هذا في سبيل اللهفيقتل، ثم يتوب الله على القاتل فيسلم فيستشهد"((متفقعليه)) .
10-Abuu Hurayrah (A.K.R) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: ´´Alle weyne kor ahaaye, wuu ku qoslaa labo nin oo midkooda hore kan kale dilay labaduna jannada wada gali doonaan (dhimashadooda kaddib). Midkood oo horay loodilay isagoo jidka Alle u diriraya jannadii buugalay. Markaa kaddib, buu Alle u naxariisanayaa kii wax dilay kaa oo gali Islaamka, oo u diriri jidka Alle oo loo dilayana (sidaana isna jannada kugalaya). Bukhaari iyo Muslim)
وعنأبي يحيى صهيب بن سنان رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم"عجبا لأمر المؤمن إن أمره كله له خير، وليس ذلك لأحد إلا للمؤمن : إن أصابتهسراء شكر فكان خيراً له، وإن أصابته ضراء صبر فكان خيراً له"((رواه مسلم)).
11-Abuu yaxyaa Suhayb ibni sinaan (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: ´´ Arinta qofka mu´minka ahi waa wax wanaagsan oo layaab leh. Waa u khayr wax waliba. Sifada iyo tilmaantana waxaa iska leh mu´minka oo kaliya cid kalena lama wadaagto. Haddii uu helo wax wanaagsan´ wuxuu ku shukriyaa Alle taana waa u khayr; haddii ay dhibaato la soo gud boonaatona waa sabraa, qaddarka iyo qadaha Allena raali ku noqdaa, taasina sidoo kale waa u khayr. (Muslim)
وعنأبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : " يقول اللهتعالى : ما لعبدي المؤمن عندي جزاء إذا قبضت صفيه من أهل الدنيا ثم احتسبه إلاالجنة"((رواه البخاري)).
12-Abuu Hurayrah (A.K.R) wuxuu soo weriyey in Nabigu (S.C.W) yiri:´´Alle kor ahaaye wuxuu leeyahay: Uma hayo abaal gud kaga wanaagsan jannada, Addoonkayga sabra, oo Alle kaga ajar suga, oo adkeysta, markii aan ka oofsado mid ka mid ah gacalladiisa ee ka mid ah kuwa uu ugu jecelyahay adduunka. (Bukhaari)
Waxaa soo diyaariyey: Bahda Waaniye.com