Xadiisyo aan idiinkaga soo xulnay kitaabka Riyaadul Saalixiin.
وعن أنس رضي الله عنه قال: مر النبي صلى الله عليه وسلم بامرأة تبكي عند قبر فقال : "اتقي الله واصبري" فقالت : إليك عني ، فإنك لم تصب بمصيبتي ( ولم تعرفه، فقيل لها : إنه النبي صلى الله عليه وسلم ، فأتت باب النبي صلى الله عليه وسلم، فلم تجد عنده بوابين، فقالت: لم أعرفك، فقال: "إنما الصبر عند الصدمة الأولى" ((متفق عليه))
13- Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: waxaan maqlay nebiga (S.C.W.) oo leh: "Wuxuu yiri Alle kor ahaaye: Markii aan wax gaarsiiyo addoonkayga labada ugu muhiimsan uguna qaalisan xubnihiisa (yacni indhihiisa) uuna muujiyo sabar iyo adkeysi la xiriira waxaa soo gaaray, Waxaan siiyaa janno beddelkooda". (Bukhaari iyo Muslim)
وعن عطاء بن أبي رباح قال: قال لي ابن عباس رضي الله عنهما: ألا أريك امرأة من أهل الجنة " فقلت: بلى، قال: هذه المرأة السوداء أتتت النبي صلى الله عليه وسلم فقالت : إني أصرع، و إني أتكشف، فادع الله تعالى لي قال: "إن شئت صبرت ولك الجنة، وإن شئت دعوت الله تعالى أن يعافيك" فقالت: أصبر، فقالت: إني أتكشف ، فاد الله أن لا أتشكف ، فدمعا لها. ((متفق عليه)) .
14- Caddaa bin abii Rabaax (A.K.R.) wuxuu sheegay in ibn Cabaas ku yiri: ma ku tusaa naag ehlu jannaha ka mid ah? Wuxuu yiri: "Haa". Ibn Cabbaas wuxuu ii tilmaamay markaa naag madow oo yiri: naagtani waxay u timi nabiga (S.C.W.) oo tiri: "Rasuul Allow, waxaan qabaa suuxdin, marka laygu kacana jirkeyga wuu feedmaa ee Alle ii bari. Wuxuu yiri (S.C.W.) : "haddii aad dooratid inaad sabarto adoo qaba cudurkan, waxaad leedahay janno, haddii aadse doontid Alle waa kuu baryayaa inuu ku caafiyo." Waxay tiri: waan u dulqaadanayaa anigoo sabarka la kaashanaya, laakiinse Alle iiga bari inuusan dharka iga feydmin oo aan xoorin marka laygu kaco. waana uga baryey middaa ay codsatay. (Bukhaari iyo Muslim)
وعن أبي عبد الرحمن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه قال: كأني انظر إلى رسول الله صلى الله عليه وسلم يحكي نبياً من الأنبياء، صلوات الله وسلامه عليهم، ضربه قومه فأدموه وهو يمسح الدم عن وجهه، يقول : "اللهم اغفر لقومى فإنهم لا يعلمون" ((متفق عليه)) .
15- Cabdullaah ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu sheegay inuu xusuusto sida inuu u muuqdo nabigii (S.C.W.) mar uu ka sheekeynayey xaalad soo martay nabi kaasoo ay aad u dileen una dhaawaceen dadkiisii heer uu aad u dhiig baxay wuxuuna ka tirayey dhiiga wajigiisa, isagoo ducadan leh: "Alloow qoomkayga u dembi dhaaf wax ma ay oga'e". (Bukhaari iyo Muslim)
وعن أبي سعيد وأبي هريرة رضي الله عنهما عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: "ما يصيب المسلم من نصب ولا وصب ولا هم ولا حزن ولا أذى ولا غم، حتى الشوكة يشاكها إلا كفر الله بها من خطاياه" ((متفق عليه)) .
16- Abuu Saciid iyo Abuu Hureyrah (A.K.R.) waxay yiraahdeen: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Wixii daal, cudur, hammi, murugo, dhib, iyo feker ah oo soo gaara qofka muslimka ah, xataa qodax hadday muddo, Alle wuxuu ugu dhaafaa hadduu ku sabro dambiyada (yar yarka ah). (Bukhaari iyo Muslim)
وعن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم " من يرد الله به خيراً يصب منه" : ((رواه البخاري)).
17- Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Markii uu Alle doonayo inuu kheyr siiyo qof wuxuu ku imtixaana inuu marsiiyo xoogaa dhibaato ah". (markaa haddii uu ku sabro wuu mutaa hadii kalena may). (Bukhaari)
وعن أنس رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : " لا يتمنين أحدكم الموت لضر أصابه، فإن كان لابد فاعلاً فليقل: اللهم أحيني ما كانت الحياة خيراً لي وتوفني إذا كانت الوفاة خيراً لي" ((متفق عليه))
18- Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofkiinna yuusan jeceleysan dhimashada dhibaato soo gaartay awgeed. Haddii uu qofku huri waayo oo dhibaatadu meel xun ka gaadho ha yiraahdo: Alloow i noolee inta ay noloshu ii fiican tahay, inaad i oofsato baana jeclaan lahaa haddii ay geeridu ii fiican tahay". (Bukhaari iyo Muslim)
وعن أبي عبد الله خباب بن الأرت رضي الله عنه قال: شكونا إلى رسول الله صلى الله عليه وسلم وهو متوسد بردة له في ظل الكعبة، فقلنا : ألا تستنصر لنا ألا تدعو لنا؟ فقال: قد كان من قبلكم يؤخذ الرجل فيحفر له في الأرض فيجعل فيها ثم يؤتى بالمنشار فيوضع على رأسه فيجعل نصفين، ويمشط بأمشاط من الحديد ما دون لحمه وعظمه، ما يصده ذلك عن دينه، والله ليتمن الله هذا الأمر حتى يسير الراكب من صنعاء إلى حضرموت لا يخاف إلا الله والذئب على غنمه، ولكنكم تستعجلون" ((رواه البخاري)).
19- Abuu Cabdullaah Khabbaab ibn Arat (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan uga eed sheegannay nabiga (S.C.W.) dhibaatada iyo culeyska siyaadada ah ay nagu hayeen gaaladii reer Makkah. Wuxuu markaa nabigu jiifay hooska Kacbada, isagoo ka dhigtay barkin go'iisii. Waxaynu ka codsannay oon ku niri: Maxaad Alle kaalmo inooga baryi weyday? maxaa Alle hiil inoogu waydiin weyday? Wuxuu ku jawaabay: Waxaa dhici jiray Ummadihii idinka horreeyey dhexdood, in nin la soo qaban jirey, waxaana lagu ridi jiray god looga qoday dhulka, markaas baa laba looga kala dhigi jiray miinshaar madaxiisa la kor yeelay, ama hilibkiisaa firitaan looga fiiqi jiray lafahiisa shanlooyin bir ah, waxaas oo idilna ma keeni jirin inuu diintiisa ka noqdo. Waxaa hubaal ah inuu Alle kor yeeli uuna hirgelin Islaamka illaa rukuub fuushanahu uu isaga socdo Sanca iyo Xadramuud isagoo aan waxba ka baqayn Alle maahee iyo khatarta yeyda ay u leedahay arigiisa. Laakiinse waxaad u muuqataan sida inuu idinku jiro degdeg badan". (Bukhaari)
وعن أنس رضي الله عنه قال: كان ابن لأبي طلحة رضي الله عنه يشتكي، فخرج أبو طلحة، فقبض الصبي، فلما رجع أبو طلحة قال: ما فعل ابني؟ قالت أم سليم وهى أم الصبي : هو أسكن ما كان، فقربت إليه العشاء فتعشى، ثم أصاب منها، فلما فرغ قالت: واروا الصبي، فلما أصبح أبو طلحة أتى رسول الله صلى الله عليه وسلم فأخبره، فقال: "أعرستم الليلة ؟" قال: نعم ، قال: "اللهم بارك لهما، فولدت غلاماً، فقال لي أبو طلحة: احمله حتى تأتى به النبي صلى الله عليه وسلم، وبعث معه بتمرات، فقال: "أمعه شيء؟" قال: نعم، تمرات فأخذها النبي صلى الله عليه وسلم فمضغها ، ثم أخذها من فيه فجعلها في فيّ الصبي ، ثم حنكه وسماه عبد الله. ((متفق عليه)) .
وفى رواية لمسلم: مات ابن لأبي طلحة بن أم سليم ، فقالت لأهلها لا تحدثوا أبا طلحة بابنه حتى أكون أنا أحدثه، فجاء فقربت إليه عشاءً فأكل وشرب، ثم تصنعت له أحسن ما كانت تصنع قبل ذلك، فوقع بها، فلما أن رأت أنه قد شبع وأصاب منها قالت: يا أبا طلحة، أرأيت لو أن قوماً أعاروا عاريتهم أهل بيت فطلبوا عاريتهم، ألهم أن يمنعوهم؟ قال: لا، فقالت : فاحتسب ابنك. قال: فغضب، ثم قال: تركتني حتى إذا تلطخت أخبرتني بابني؟! فانطلق حتى أتى رسول الله صلى الله عليه وسلم فأخبره بما كان ، فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم. "بارك الله في ليلتكما" قال: فحملت، قال وكان رسول الله صلى الله عليه وسلم في سفر وهي معه، وكان رسول الله صلى الله عليه وسلم إذا أتى المدينة من سفر لا يطرقها طروقاً فدنوا من المدينة، فضربها المخاض، فاحتبس عليها أبو طلحة، وانطلق رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: يقول أبو طلحة: إنك لتعلم يارب أنه يعجبني أن أخرج مع رسول الله صلى الله عليه وسلم إذا خرج، وأدخل معه إذا دخل، وقد احتبست بما ترى، تقول أم سليم: يا أبا طلحة ما أجد الذى كنت أجد، انطلق، فانطلقنا، وضربها المخاض حين قدما فولدت غلاماً. فقالت لي أمي : يا أنس لا يرضعه أحد حتى تغدو به على رسول الله صلى الله عليه وسلم، فلما أصبح احتملته فانطلقت به إلى رسول الله صلى الله عليه وسلم. وذكر تمام الحديث.
20- Anas ibn Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Abuu Dalxa wuxuu lahaa wiil xanuunsan. Abuu Dalxa ayaa dan ka yeeshay debedda oo baxay wiilkiina wuxuu dhintay intuu maqnaa. Markuu soo noqday Abuu Dalxa buu xaaskiisii weydiiyey: Ka warran wiilkii? Um Sulaym, xaaskiisii, oo wiilkana hooyadiis aheyd, waxay ku jawaabtay: Ka xasillon intii hore." Dabadeed waxay u keentay cashadii oo hor dhigtay. Markii uu casheeyey buu la seexday oo u tagay. Ugu dambeyntii warkii bay shaaca ka qaadday oo ku tiri: U howl gal aasida wiilka. Markii uu waagii beryey buu abuu Dalxa Nebigii (S.C.W.) aaday oo u sheegay xaalkii. Wuxuu weydiiyey nabigu (S.C.W.): Xalay ma isu tagteen? Abuu Dalxa wuxuu yiri: "Haa", markaasuu nabigu (S.C.W.) yiri:Alloow labadaba barakee ka dib waxay dhashey wiil. Abuu dalxaa wuxuu ka codsadey Anas inuu u qaado wiilkaa dhashay Nebiga (S.C.W.) wuxuuna horay u sii qaatay dhowr xabo oo timir ah sidoo kale. Nabigii buu u geeyey oo weydiiyey: "Ma wax baa weheliya?" Wuxuu yiri: Haah, xabbado timir ah. Nebigu (S.C.W.) inta xabad timir ah qaatay oo calaliyey buu wiilkii afka u geliyey inta uu barakeyneyeyna wuxuu u bixiyey Cabdullaah. (Bukhaari iyo Muslim)
Werin kale oo Bukhaari leeyahay baa waxay intaa ku daraysaa: ibnu Cuyayna wuxuu yiri: Nin ansaar ka mid ahaa baa wuxuu ii sheegay inuu arkay sagaal wiil oo uu Cabdullaahigan dhalay oo mid kasta oo ka mid ah Qur'aanka dusha ka qabtay oo bartay.
Xadiis Muslim Weriyey oo arrintan la xiriira wuxuu leeyahay: Markii uu wiilkii Abuu Dalxa ay Ummu Sulaym u dhashay dhintay waxay ku tiri reerkii intiisii kale: Ha u sheegina Abuu Dalxa geerida wiilka, anigaa u sheegayee. Markii uu yimid cashadii bay u keentay oo hor dhigtay isaguna cunay. Dabadeedna waxay isu soo qurxisay oo u soo labbisatay si wanaagsan ay bilic iyo qurux ka muuqata sidii ay caadadeedu aheyd, wayna isu tageen. markaa kaddib bay waxay tiri: Abuu Dalxoow, bal ka warran haddii ay qolo alaabo ka soo ammaansato qolo kale, oo ay dabadeed ammaanadoodii u soo doontaan ma inay heystaan oo u diiddaan bay xaq u leeyihiin? Wuxuu ku jawaabay: "May" Markaa bay waxay ku tiri: Haddaba Rajee oo sug inuu ajar iyo abaal Alle kaa siiyo waxaa ku yimid wiilkaagii. Abuu Dalxa intuu carooday buu wuxuu yiri: Waxaad iga qarisay xaalkii wiilka oo dib dhigtay illaa aan isu tagnay. Markaa buu ka tegey oo uu aadey Nebigii (S.C.W.) una sheegay wixii dhacay. Wuxuu yiri: "Allaha idiin barakeeyo habeenkiinna". Kaddibna uur bay yeelatay. Waa dambe nabiga (S.C.W.) safar buu ahaa, Abuu Dalxa iyo xaaskiisii umm Sulaym baana la socday. Waxaa caado u ahaa nebiga (S.C.W.) in markii uu safarka ka soo noqdo uusan Madiina guuro habeen ku soo gelin. kolkay Madiina u soo dhawaadeen, fooshii xanuunkeedii baa ku billaabatay. Sidaa awgeed Abuu Dalxaa ku haray nebiguuna (S.C.W.) horay u sii socday. Markaa buu Abuu Dalxa Alle baryey oo wuxuu yiri: Rabbiyoow! waad og tahay sida aan u jeclahay in aan la socdo Nebiga (S.C.W.) markuu tegayo, iyo inaan la noqdo markii uu noqonayo, haddana halkaan baan ku xayiranahay howshan xaaskeyga la soo gudboonaatay awgeed, waad aragtaa. "Markuu sidaa yiri bay Umm Sulaym tiri: Abuu Dalxa, waa iga ba'ay xanuunkii ee ina wad. Halkii bay ka dhaqaaqeen waxayna dhashay wiil markii ay Madiina gaareen. Anas (A.K.R.) isagoo hadalkii sii wata wuxuu yiri: waxay Hooyaday i tiri: Anasoow waa inayan cidna nuujin wiilka jeer loo geeyo nebiga (S.C.W.) berrito. "Markii uu waagii beryey baan waxaan u geeyey nebigii (S.C.W.). Xadiiska intiisa kale wuxuu la mid yahay kaan kor ku soo xusnay.
وعن سليمان بن صرد رضي الله عنه قال: كنت جالساً مع النبي صلى الله عليه وسلم، ورجلان يستبان، وأحدهما قد احمر وجهه، وانتفخت أوداجه. فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم: " إني لأعلم كلمة لو قالها لذهب عنه ما يجد، لو قال: أعوذ بالله من الشيطان الرجيم ذهب منه ما يجد". فقال له: إن النبي صلى الله عليه وسلم قال: " تعوذ بالله من الشيطان الرجيم" ((متفق عليه))
21- Sulaymaan bin Surad (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay inuu la fadhiyey nebiga (S.C.W.) Markii ay laba nin isku dhaceen oo is dhaafsadeen hadallo kulkulul. Wajiga mid labadii ka mid ah baa casaan noqday xawl mariiddadiisiina kareen. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Haddii uu oran lahaa weedh (duco) aan garanayo, way ka baabi'i lahaayeen waxa hayaa. Weedhaa waxaa weeye: Acuudu billaahi minashaydaanir rajiim (Waxaan Alle ka magan galayaa sheydaanka dhagaxa lagu soo celiyo, ee naxariistii Alle laga fogeeyey). Markaa bay waxay gaarsiiyeen ducadan ninkii xaalkiisu sida la sheegay ahaa. (Bukhaari iyo Muslim)
وعن أبي هريرة رضي الله عنه ، أن رجلاً قال للنبي صلى الله عليه وسلم: أوصني، قال: "لا تغضب" فردد مراراً، قال: " لاتغضب" رواه البخاري.
22- Abuu Hurayrah (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in uu nin Nebiga (S.C.W.) ka codsadey inuu u dardaarmo. Nebigu (S.C.W.) wuxuu kula dardaarmay: "Yaaney kaa xoog badin caradu". Ninkii baa ku celceliyey codsigiisii dhowr jeer. Nebiguna mar waliba wuxuu ku lahaa: "Yaaney kaa xoog badin caradu". (Bukhaari)
وعن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : " ما يزال البلاء بالمؤمن والمؤمنة في نفسه وولده ة وماله حتى يلقى الله تعالى وما عليه خطيئة" ((رواه الترمذي وقال حديث حسن صحيح)) .
23-Abuu Hurayrah (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in Nebigu (S.C.W.) yiri: "Qofka muslimka ahi lab ama dheddig kuu ahaadaba wuxuu u bandhignaanayaa imtixaanno iyo dhibaatooyin (adduunkan) soo gaari naftiisa, ilmahiisa, iyo maalkiisaba jeer uu Alle kala kulmo (maalinta qiyaamo) isagoon wax dembi ah laheyn." (Tirmidi) wuxuuna yiri waa xadiis xasan ah oo saxiix ah.
وعن ابن مسعود رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: " إنها ستكون بعدي أثرة وأمور تنكرونها ! قالوا: يا رسول الله فما تأمرنا؟ قال: تؤدون الحق الذى عليكم ، وتسألون الله الذى لكم" ((متفق عليه))
24- Cabdullaah Ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Dabaday waxaa dhici doona eex waxaadna arki doontaan waxyaalo aydan raalli ka noqon doonin. Nin saxaabi ah baa weydiiyey: Rasuul Alloow, maxaad na faraysaa inaan falno hadday arrimahaasoo kale dhacaan? Wuxuu yiri: Ka soo baxa Waajibka iyo xilalka idin saaran, Allana weydiista deeqda iyo kheyrkiisa." (Bukhaari iyo Muslim)
وعن أبي يحيى أسيد بن حضير رضي الله عنه أن رجلاً من الأنصار قال: يا رسول الله ألا تستعملني كما استعملت فلاناً فقال: "إنكم ستلقون بعدي أثرة، فاصبروا حتى تلقوني على الحوض" ((متفق عليه)) .
25-Abuu Yaxya Usaid ibn Xuzayr (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin ansaarta ka mid ah baa yiri: Rasuul Alloow maad shaqo i siisid wanaagsan oo agaasime iga dhigtid, sida aad ugu magacowdayba shaqo hebel iyo hebel? Wuxuu (S.C.W.) ku jawaabay: "Waxaad arki doontaan eex dabaday ee sabra inta aad igula kulmeysaan xawdka Kawsar ee jannada dhexdeeda ah." (Bukhaari iyo Muslim)
وعن أبي إبراهيم عبد الله بن أبي أوفى رضي الله عنهما أن رسول الله صلى الله عليه وسلم في بعض أيامه التي لقي فيها العدو، انتظر حتى إذا مالت الشمس قام فيهم فقال: " يا أيها الناس لا تتمنوا لقاء العدو، واسألوا الله العافية، فإذا لقيتموهم فاصبروا، واعلموا أن الجنة تحت ظلال السيوف" ثم قال النبي صلى الله عليه وسلم : " اللهم منزل الكتاب ومجري السحاب ، وهازم الأحزاب، اهزمهم وانصرنا عليهم" ((متفق عليه)) وبالله التوفيق
26-Cabdullaah ibn abii Awfaa (A.K.R.) wuxuu sheegay in nebigu (S.C.W.) uu mar duullaan ahaa, intuu sugayey inay qorraxdu dhacdo, buu istaagey oo khudbad u jeediyey asxaabtiisii: Wuxuu yiri; Ha kicinnina dagaal oo weydiista Alle nabad iyo ammaan, markiise aad madaxa isla gashaan cadowga, adkeysta oo sabra, xusuusnaadana inay jannadii taal hooska seefaha. Kaddibna Alle buu baryey isagoo leh: "Alloow, soo dejiyey kitaabka, socodsiiyey daruuraha, jebiyey kooxihii isa soo baheystay ee gaalada ahaa, jebi gaalada oo nooga hiili". (Bukhaari iyo Muslim)
waaniye.com