Home

Quran

Tafsiir

Duruus

Muxaadaro

Contact Us

 

Menu

   Home

  Quran

  Tafsiir

  Duruus

  Muxaadaro

  Contact Us

Current Stats                  

Total Visits:    

Online Visitors:

 

 

   Dr  Yusuf Marshaale

  Suaalo iyo Jawaabo Diini Ah

  Suaalo & Jawaabo Cafimaad

  Xikmad

 Waano

  Maqaalo

  Caqiido

  Caruurta

  Muxaadaro Qoraal ah

  Xadiis

Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka

XANUUN IGA HAYA
CALOOSHA

  WALAAL WAXAAN AHAY HAWEENAY........

---------------------------------

 

Dhanjafka
 waxaan doonayaa inaad iiga jawaabto..

----------------------------------

 

Hormoonadaada u baahay
  walaal waxaan ahay haweenay soomaliyeed...

-------------------------------

 

LINKS

  Hay'adda Kafaalo

  Waaniye

  Aflax.net

  Somalisunnah

  Kulannet

  Boqolsoon

  Islamway

  Sultan.org

  Duruus.com

  Axaadiis

 

 

Copyright ® 2006
Waaniye.com
All Rights Reserved

Tafsiirka Quraanka

 Horudhac & Fatixa            Baqara1-16                    Baqara 17-34                     Baqara 34-57              Baqara 57-70      

... More >> Riix Halkan

 

   Xadiis

10-Abuu Hurayrah (A.K.R) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: ´´Alle weyne kor ahaaye, wuu ku qoslaa labo nin oo midkooda hore kan kale dilay labaduna jannada wada gali doonaan (dhimashadooda kaddib). Midkood oo horay loodilay isagoo jidka Alle u diriraya jannadii buugalay. Markaa kaddib, buu Alle u naxariisanayaa kii wax dilay kaa oo gali Islaamka, oo u diriri jidka Alle oo loo dilayana (sidaana isna jannada kugalaya). Bukhaari iyo Muslim)

 

Muxaadarooyin

Fadliga Quraanka    Fadliga Sabarka     Maalinta Qiyaamo     Maxaa Xigga Geerida Gabdhaha Suuban Tarbiyadda Caruurta Manhajka Allaah Walaaltinimada         Qisadii Nabi Yusuf cs 1 Qisadii Nabi Yusuf cs 2 

Muxaadarooyin

Qiimaha Adduunka     Nafta iyo shahwaad-  Nafta iyo shahwaad- 2Dumarkii lagu sheegayQabiilka & Qabyaalada

Ku sugnaanta DiintaNolosha dhabta ahWanaaga Diinta  Naftaadda miizaan 


 

 

          

Xadiiska (QEYBTII 3AAD)


Xadiisyo aan idiinkaga soo xulnay kitaabka Riyaadul Saalixiin.

فالأول عن ابن مسعود رضي الله عن النبي صلى الله عليه وسلم قال‏:‏ ‏"‏إن الصدق يهدي إلى البر وإن البر يهدي إلى الجنة، وإن الرجل ليصدق حتى يكتب عند الله صديقاً، وإن الكذب يهدي إلى الفجور، وإن الفجور يهدي إلى النار، وإن الرجل ليكذب حتى يكتب عند الله كذاباً‏"‏ ‏(‏‏(‏متفق عليه‏)‏‏)‏ ‏.‏

54. Cabdullaah ibn Muscuud (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in nebigu (S.C.W.) yiri: Runtu waxay kugu hoggaamisaa dhabbaha samaanta iyo falalka suubban. Samaan falidduna waxay xaartaa jidka uu qofku u mari lahaa jannada. Markii uu qofku caadeystana inuu ku hadlo run waxaa Alle agti looga magacaabaa runlwo. Beentuna waxay kugu hoggaamisaa xumaanta, xumaantuna waxay kugu hoggaamisaa wax xille falid iyo faajirnimo. Markii uu qofku been caadeystana waxaa Alle agti looga magacaabaa Beenlow". (Bukhaari iyo Muslim)

 

                                                     

عن أبي محمد الحسن بن علي بن أبي طالب، رضي الله عنهما     

، قال ‏:‏ حفظت من رسول الله، صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏"‏دع ما يريبك إلى ما لا يريبك؛ فإن الصدق طمأنينة، والكذب ريبةٌ‏"

(‏‏(‏رواه الترمذي وقال حديث حسن صحيح‏)‏‏)‏ ‏.

55. Abuu Muxammad al-Xasan ibn Cali (A.K.R.) wuxuu sheegay inuu ka bartay ereyadan soo socda nabiga (S.C.W.): "Ka tag wixii aad ka shaki santahay, oo raac wixii aan ku jirin laheynna shaki. Maxaa yeelay runtu waa raaxo qalbiga uu ku dego, beentuna waa welwel iyo welbahaar." (Tirmidi) Wuxuuna yiri waa xadiis saxiix ah.     

عن أبي ثابت، وقيل أبي سعيد، وقيل أبي الوليد، سهل بن حنيف ، وهو بدري، رضي الله عنه، أن النبي ، صلى الله عليه وسلم، قال‏:‏ ‏"‏من سأل الله، تعالى، الشهادة بصدق بلغه الله منازل الشهداء، وإن مات على فراشه‏"‏ ‏(‏‏(‏رواه مسلم‏)‏‏)‏ ‏.‏

 

57. Sahal bin Xunayf (A.K.R.) oo raggii Bader ka qayb galay ka mid aha wuxuu yiri: "Qofkii Alle ka barya si kal iyo laab ah shahiidnimo, wuxuu Alle gaarsiiyaa oo u qoraa darajada shahiidyada, xitaa hadduu ku dhinto sariirtiisa." (Bukhaari iyo Muslim)

 عن أبي خالد حكيم بن حزام‏.‏ رضي الله عنه ، قال‏:‏ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏"‏ البيعان بالخيار مالم يتفرقا، فإن صدقاً وبينا بورك لهما في بيعهما، وإن كتما وكذبا محقت بركة بيعهما‏"‏ ‏(‏‏(‏متفق عليه‏)

 

 

59. Xakiim ibn Xizaam (A.K.R.) wuxuu yiri: nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Heshiishka wax kala gadasho waa laga noqon karaa inta ayan kala tegin labada wax kala gadanaysa. Haddii ay sheegaanna runta oo ay caddeeyaan wax waliba oo la xiriira badeecada iyo iibkooda, waa loo barakeeyaa labadaba; haddii ayse been ku hadlaan oo ay qariyaan waxaa loo baahan yahay in la caddeeyo oo daaha laga qaado, barakada iibkaasi waa laga qaadaa. (Bukhaari iyo Muslim)

 

  عن أبي ذر جندب بن جنادة، وأبي عبد الرحمن معاذ بن جبلرضي الله عنهماعن  رسول الله صلى الله عليه وسلم، قال‏:‏ ‏"‏ اتق الله حيثما كنت واتبع السيئة الحسنة تمحها، وخالق الناس بخلق حسن‏"‏ ‏(‏‏(‏رواه الترمذي وقال حديث حسن ‏)‏‏)‏‏

61. Abuu Darr iyo Mucaad ibn Jabal (A. K.R.) waxay yiraahdeen: Nebigu (S.C.W) wuxuu yiri: "Alle ka cabso, meel aad joogtidba, samaana ka daba gee xumaantii kaa dhacda waa ay dhaqasaaye, kulana dhaqan dabci wanaagsan dadka." (Tirmidi) Wuxuu yiri waa xadiis cuskasho iyo sanad wanaagsna leh).

 

 ‏‏عن ابن عباس، رضي الله عنهما، قال‏:‏ ‏"‏ كنت خلف النبي صلى الله عليه وسلم، يوماً فقال‏:‏ ‏"‏ يا غلام إني أعلمك كلمات‏:‏ ‏"‏احفظ الله يحفظك، احفظ الله تجده تجاهك، إذا سألت فاسأل الله ، وإذا استعنت فاستعن بالله، واعلم‏:‏ أن الأمة لو اجتمعت على أن ينفعوك بشيء، لم ينفعوك إلا بشيء قد كتبه الله لك، وإن اجتمعوا على أن يضروك بشيء، لم يضروك بشيء إلا بشيء قد كتبه الله عليك؛ رفعت الأقلام، وجفت الصحف‏"‏ ‏(‏‏(‏رواه الترمذي وقال حديث حسن صحيح‏)‏‏)‏ ‏.‏

62. Ibnu Cabbaas (A.K.R.) wuxuu yiri: anigoo maalin Nebiga (S.C.W) daabbad (xoolo ah ) la saaran gadaashiina fadhiya buu Wuxuu yiri:"Maandhoow, waxaan doonayaa inaan ku baro kelmedo ee iga xafid kelmadahan: Taxaddar oo fuli Alle wuxuu ku amray oo si wanaagsan u ilaali. Alle ha iskakaa xilsaaro oo ha ku dhowro'e. Waana inaad dhowrtaa xuquuqdiisa, Waxaad mar walba ka heli doontaa la jirkaaga; haddii aad wax dooneyso, Alle weydiiso, markii aad kaalmo dooneysidna, ka dalab Alle oo keliya kaalmo.Waxaadna ogaataa haddii ay ummaddu isugu tagto inay wax ku tarto, kuma tari karto wx Alle kuu qoray mahee, haddii ay isugu tagto inay wax ku yeeshana kuma yeeli karto wax Alle kuu qoray maahee. Qalinkii waa la joojiyey, wixii lagu qorayna buugga qaddarka iyo waraaqihiisiina waa qallaleen. (Tirmidi) wuxuuna yiri waa xadiis sanad wanaagsan oo cuskasho leh.Kutub kale oo sunanka ah waxay dhigayaan siyaadadan: Fuli oo dhowr amarrada Alle, waxaad ka heli hortaada'e; Xusuusnow Alle goorta barwaaqada, wuxuu ku xusuusanayaa goorta dhibta. Waxaadna ogsoonaataa wax kugu dhacay inuusan ku seegeen, Wax ku seegeyna uusan kugu dheceen. Waxaad ogaataa in guushu ay sabarka ku jirto, kurbedana ferej ku xigo; culeyskana fudayd ka dambeeyo.

 

63. Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaa (badanaa) aad fashaan waxyaalo tin idin kala yar (oo waxba aan idiin kugu fadhin, dembi inay yihiinna aadan u qabin sida aad u yareysaneysaan) ha yeeshee waagii Nebiga (S.C.W.) aan ku tirin jirney waxyaalaha lagu rogmado ee halista ah. (Bukhaari)

 

67. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofka Islaam wanaaggiisa waxaa ka mid ah inaanu isku howlin arrimo aan faa'ido ugu jirin adduunka ama aakhiradiisa. (Tirmid) wuxuuna yiri waa xadiis xasan ah.

 

70. Abuu Saciid al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: زAdduunyadu waa doog waana macaan tahay. Allena xilkeedii buu idiin dhiibay, oo inaad danjireyaal ka noqotaan buu idiin doortay, si uu u eego habka aad uga howlgaleysaan oo aad ugu dhaqantaan adduunka. Marka iska jira dhaldhalaalka adduunka iyo soo jiidashadeeda dhalanteedka ah, iyo fasaadka ka dhalanaya la xiriir (aan sharci aheyn) ee dumarka (iyo in hawooyinkooda aan sharciga waafaqsaneyn laga yeelo). Reer banii Israaصiil fidmadii u horraysey waxay kaga timid xagga dumarka.(Muslim)

 

71. Cabdullaa ibn Mascuud (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in nebigu (S.C.W.) ku duceysan jirey: "Alloow waxaan kaa baryayaa hanuun, Dhowris xilka iyo waajibka aad i saartay, dhawrsanaan iyo kheyr xaggaaga ah (iyo ka deeqtoonaan Aadane)". (Muslim)

 

72. Caddayi ibn Xaatim (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in nebigu (S.C.W.) yiri: "Haddii uu qof ku dhaarto oo ballan qaado inuu camal falaa oo dabadeed arkaa camal kale oo ka wanaagsan kii hore, waa inuu falaa camalka wanaagsan ee dambe". (Muslim)

 

73. Abuu Umaamah al-Baahili (A.K.R.) wuxuu sheegay inuu dhageystay khudbadii nebiga (S.C.W.) uu jeediyey xajkii sagootiga khudbaddaas oo uu ku yiri: "Xurmad iyo tixgelin gaara siiya Alle iyo amarradiisa, oo ooga shanta salaadood maalin waliba, bisha Ramadaan sooma, bixiya sekada, maqlana oo adeeca kuwa xilka iyo mas'uuliyadda idin haya (oo waxaan xumaan aheyn ku adeeca) Waxaad geli doontaan markaa Jannada Rabbigiin." (Tirmidi) wuxuuna yiri waa xadiis Xasan ah.

 

75. Ibn Cabbaas (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in nebigu (S.C.W.) ku duceysan jiray: زAlloow Adiga ayaan isku kaa dhiibey, Adiga ayaana aan ku rumeeyey, Adiga ayaana ku talo saartay, Adiga ayaan kuu soo noqday, Adiga ayaana arrintayda ugu xukuntamayaa oo gar soor uga dhiganayaa, Alloow! awooddaadaan magan u ahay; Ilaah xaq ahi ma jiro adiga maahee, ee Alloow iga dhowr ka dhumid xaqa aan ka lumo. Adiga weeyaan noolaaha aan dhimanayn, halka Jinka iyo Insigu dhimanayaan." (Bukhaari iyo Muslim)

 

76. Ibn Cabbaas (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in nebi Ibraahiim markii dabka lagu riday erayadii uu ku dhawaaqay ay ahaayeen: "Xasbunallaah wanicmal wakiil." "Waxaa igu filan Alle, wax la isku halleeyana waxaa u fiican Isaga." Sidaa oo kalena waxaa yiri rasuulkii Alle Muxammad (S.C.W.) kolkii loo sheegay in dad isu soo baheystay oo sidaa awgeed la yiri naftiinna u baqa, arrintanina waxay oo keliya u kordhisay isaga iyo muslimiintii imaankii ay ku qabeen Alle, waxayna yiraahdeen isaga iyo muslimiintii: Waxaa nagu filan Alle Laysku halleeyaa fiicanna waa Isaga." (Bukhaari)

 

77. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu sheegay in nebigu (S.C.W.) yiri: "Dad badan waxay geli doonaan jannada kuwaa oo ay quluubtooda noqon doonto sida quluubta shimbiraha, taana macnaheeda waxaa weeye quluubtoodaa waxay noqoneysaa sida quluubta shimbiraha, mise waxay noqon doonaan kuwa qaneeco leh, ama quluubtoodaa noqon doonta mid jilicsan cabsi Alle darteed, (taa oo keeneysa inay jannada galaan)". (Muslim)

 

 

79. Cumar bin Khaddaab (A.K.R.) wuxuu yiri: "Waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo leh: Haddii aad taladiinna oo dhan saarataan Alle oo u rumeysaan si dhan oo dhab ah wuxuu idiin irsaaqi doonaa sida uu u irsaaqo shimbiraha. Waxay kallahaan subaxii iyagoo calool maran, waxayna soo noqdaan iyagoo calool buuxa oo dheregsan galabtii." (Tirmidi) wuxuu yiri waa xadiis xasan ah.

 

80. Baraa ibn Caazib (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigaa (S.C.W). ii dardaarmay oo igu yiri: Markii aad seexanaysid habeenkii ku duceyso ducadan: Allaahumma aslamtu nafsii ileyka, wawajahtu wajhii ileyka, wafawwad-tu amrii ileyka, walja'tu dahrii ileyka, raqbatan wa rahbatan ileyka, laa maljaa walaa manjaa minka illaa ileyka, aamantu bikitaabika alladii ansalta, wanabiyyaka alladii arsalta. oo macnaheedu yahay: "Alloow adaan naftayda kuu dhiibey, wejigayga kuu jeediyey, arrinkayga kuu bandhigay, dhabarkayga ku magan geliyey, cabsi iyo rajo aan kugu qabo awgeed meel loo hirtaa oo lagaaga carari karo, iyo meel la nabad galo midna ma jirto xaggaaga maahee. Waxaan rumeeyey kitaabka aad soo dejisey iyo nebiga aad soo dirsatay. Marka haddaad habeenkaa dhimato waxaad dhiman adigoo xalay dhalay ka ah dambi oo dhan, haddii uu waagu kuu beryana khayr buu kuula beryayaa". (Bukhaari iyo Muslim)

 

Werin kale oo isla Baraa laga soo xigtay waxay aheyd: Nebigaa (S.C.W) wuxuu igu yiri: "Markii aad u diyaargarowdo inaad seexatid weeseyso, dabadeedna dhinaca midig u jiifso oo ku duceyso ducadii aynu soo sheegnay hana ahaato ducadaa hadalkaaga kuwii u dambeeyey (intaadan seexan ka hor.) (Bukhaari iyo Muslim)

 

81. Abuu Bakar as-Siddiiq (A.K.R.) bin Cabdullaah bin Cusmaan bin Caamir bin Cumar bin Kacab bin Sacad bin Taym bin Murrah bin Kacab bin Luway bin Qaalib al-Qurashi al-Taymii oo isaga iyo aabbihi iyo hooyadi intaba saxaabi ahaa waxaa laga soo xigtay: hadalkan: Kolkii Rasuulkii Alle (S.C.W.) iyo anigu aan ku dhuumaneynay godkii ayna na baadi goobayeen qolooyinka Makka, ayaan waxaan arkay cagihii mushrikiinta oo dushayada ah oo godka afkiisa debedda ku sugan. Waxaana iri: Rasuul Alloow, haddii uu midkood cagihiisa fiirin lahaa waa ina arki lahaa. wuxuu yiri: "Abuu Bakaroow bal ka warran labo Alle uu ku yahay seddex." (Bukhaari iyo Muslim)

 

82. Umm Salamah (A.K.R.) (Hooyadii mu'miniinta) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) markuu guriga ka baxayo wuxuu oron jirey ducadan: Bismillaah, tawakaltu calallaah, Allaahumma innii acuudu bika an adilla aw udalla, aw azilla, aw uzalla, aw adlima aw udlama, aw ajhala aw yujhala calyya." Waxaan ku baxayaa magaca Alle, anigoo kalsooni buuxda ku qaba. Alloow, waxaan kaa magan gelayaa inaan wax dhunsho ama la i dhumiyo ama aan sidbado ama la isidbiyo, ama aan wax dulmiyo ama la i dulmiyo ama aan wax ku edebdarrooda ama la igu edeb darroodo". (Waa Xadiis saxiix ah, waxaana weriyey Tirmidi & Abuu daawuud)

 

83. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) Wuxuu yiri: "Qofkii yiraahda markuu guriga ka baxayo: Bismillaahi, tawakaltu, calallaah, walaa xawla walaa quwwata illaa billaah, oo macnaheedu yahay (Waxaan ku baxayaa magaca Alle, anigoo kalsooni buuxda ku qaba iskuna halleynaya; Waa Alle midka bixiya awoodda xumaha iyo gefka lagaga leexdo, ama bixiya awoodda aad samo ku fash" Ninkii sidaa yiraahdaa waa nin xaqii la tusay, xumaan iyo sharna laga hayey, shaydaankuna waa ka fogaadaa'. (Tirmidi, Nisaa'i iyo Abuu Daawuud)

 

Abuu Daawuud wuxuu ku kordhiyey: "Shaydaan baana wuxuu ku yiraahdaa mid kale oo saaxiibkii ah "Maxaad ka tareysaa nin la hanuuniyey, la kaafiyey, oo la dhowrayna?".

 

84. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Waqtigii Nebiga (S.C.W.) waxaa jirey laba nin oo walaalo ah; midkood nebigu (S.C.W.) u adeegi jiray, midna camalkiisuu raacan jiray. Maalin baa kan dambe nebiga (S.C.W.) uga soo eed sheegtay walaalki una sheegay inuusan noloshiisa wax u kasban. Nabigu (S.C.W.) wuxuu ugu jawaabay: waxaa laga yaabaa in laguga irsaaqo dartiis." (Tirmidi baa sanad saxiix ku weriyey)

 

 

 

 

 

Xigasho:Aflax.net +waaniye.com

 

 

 

 
Copyright © 2006 waaniye.com
Waaniye.com