Menu

 Home

  Quran

  Tafsiir

  Duruus

  Muxaadaro

  Contact Us

 

 

Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka

XANUUN IGA HAYA
CALOOSHA

  WALAAL WAXAAN AHAY HAWEENAY........

---------------------------------

 

Dhanjafka
 waxaan doonayaa inaad iiga jawaabto..

----------------------------------

 

Hormoonadaada u baahay
  walaal waxaan ahay haweenay soomaliyeed...

-------------------------------

 

LINKS

 Hay'adda Kafaalo

  Waaniye

  Aflax.net

  Somalisunnah

  Kulannet

  Boqolsoon

  Islamway

  Sultan.org

  Duruus.com

  Axaadiis

  Hanuun

 

Copyright ® 2006
Waaniye.com
All Rights Reserved

Tafsiirka Quraanka

 Horudhac & Fatixa            Baqara1-16                    Baqara 17-34                     Baqara 34-57              Baqara 57-70      

... More >> Riix Halkan

 

  Xadiis

10-Abuu Hurayrah (A.K.R) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: ´´Alle weyne kor ahaaye, wuu ku qoslaa labo nin oo midkooda hore kan kale dilay labaduna jannada wada gali doonaan (dhimashadooda kaddib). Midkood oo horay loodilay isagoo jidka Alle u diriraya jannadii buugalay. Markaa kaddib, buu Alle u naxariisanayaa kii wax dilay kaa oo gali Islaamka, oo u diriri jidka Alle oo loo dilayana (sidaana isna jannada kugalaya). Bukhaari iyo Muslim)

Muxaadarooyin

Fadliga Quraanka    Fadliga Sabarka     Maalinta Qiyaamo     Maxaa Xigga Geerida Gabdhaha Suuban Tarbiyadda Caruurta Manhajka Allaah Walaaltinimada         Qisadii Nabi Yusuf cs 1 Qisadii Nabi Yusuf cs 2 

Muxaadarooyin

Qiimaha Adduunka     Nafta iyo shahwaad-  Nafta iyo shahwaad- 2Dumarkii lagu sheegayQabiilka & Qabyaalada

Ku sugnaanta DiintaNolosha dhabta ahWanaaga Diinta  Naftaadda miizaan 


 

 

| 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 |

  

          
Xikmad(QEYBTII 1AAD)             

 
 

Haddii Hadal Dahab Lagu Qori Lahaa

Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa khudbeeyay Cabdilmalik Bin Marwaan Khudbad aad u xeeldheer,dabadeed khudbadii ayuu gooyey oo uu oohin daran ooyay.Intaa markii uusameeyay ayuu yiri ”Alloow  dembiyadaydu aad ayay u waaweyn yihiin; Laakiin in yar oo cafintaada ayaa ka wayn dembigayga. Alloow cafintaada yar iiga tirtir dembigayga weyn.”

Waxaa uu Al-Asmaciyiri: Waxaa warkii khudbadaasi gaartay Xasan Al-Basri dabadeed waa uu ooyay, waxaa uuna yiri: Haddii hadal dahab lagu qorayo hadalkaan ayaa dahab lagu qori lahaa.

 Tilmaan Baarinimo

Waxaa uu ahaa Zaynul Caabidiin nin u baarinnimo badan hooyadiis. Maalin Maalmaha kamid ah ayaa lagu yiri: In kastoo oo aannu kuu aragno ruuxa ugu baarinnimo badan hooyadiis, hadana kuma aragno adiga oo hooyadaa wax kula cunaya weel keliya. Waxa uu Zaynul caabidiin ku jawaabay,”waxaaan ka baqayaa haddii aan hooyaday xeero(weel) wax kula cuno in ay gacantaydu u hormarto meel ay isheeda u hormarayso sidaana aan ku noqdo mid ku caasiyey.”

Imaamkaan caanka ah caalimkana ah ee layiraahdo Ibraahiim Ibnu Ad-ham, oo noolaa qarnigii saddexaad ee Hijriyada, wuxuuna ahaa Macallinkii imaamka kale ee caanka ah Sufyaan Ath-thoowrii. Waxaa hadda kahor dhacday in nin u yimid Ibraahiim ibnu Ad-ham, oo uu kuyiri: Shiikhoow, waa-isaga Ilaahay ku-yiri suuradda magaceeda layiraahdo GHAAFIR aayaddeeda 60:    

(Rabigiin wuxuu yiri IBARYA WAAN IDINKA AQBALINE), haddaba haddii xaalku saas yahay maxaa ducadayada loo aqbali waayey?. Imaamku wuxuu siiyey ninkaas jawaabtaan, iyada oo ah xigmad:

SABABTA loo aqbali waayey ducadaada waxaa weeye:

~ ILaahay inuu jiro waad ogtahay......................Hadana ma aadan adeecin.
~ Quraanka waad akhridaa ...............................Hadana kuma camal fashid.
~ Shaydaanka waad taqaan..............................Hadana waad dabagashay.
~ Waxaad tiri Rasuulka waan jeclahay.................Hadana sunnadiisa waad katagtay.
~ Waxaad tiri Jannada waan rabaa......................Hadana uma aadan camal falin.
~ Waxaad tiri Naarta waan kabaqaa.....................Hadana dunuubta kama aadan fogaan.
~ Waxaad tiri geeridu waa shay xaq ah.................Hadana isuma aadan diyaarin.
~ Waxaad kumashquushay ceebta dadka ..............Hadana ceebahaaga mafiirisid.
~ Intaas waxaad cunaysaa RIZIQA Ilaahay............Hadana kuma aadan xamdiyin.
~ Intaas waxaad wax ka aastaa maydka...............Hadana darsi kuma qaadatid.

 

 

 

 

 

 
Copyright © 2006 waaniye.com
Waaniye.com