Home

Quran

Tafsiir

Duruus

Muxaadaro

Contact Us

 

Menu

   Home

  Quran

  Tafsiir

  Duruus

  Muxaadaro

  Contact Us

Current Stats                  

Total Visits:    

Online Visitors:

 

 

   Dr  Yusuf Marshaale

  Suaalo iyo Jawaabo Diini Ah

  Suaalo & Jawaabo Cafimaad

  Xikmad

 Waano

  Maqaalo

  Caqiido

  Caruurta

  Muxaadaro Qoraal ah

  Xadiis

Waydiimo iyo Wercelino ku Saabsan Caafimaadka

XANUUN IGA HAYA
CALOOSHA

  WALAAL WAXAAN AHAY HAWEENAY........

---------------------------------

 

Dhanjafka
 waxaan doonayaa inaad iiga jawaabto..

----------------------------------

 

Hormoonadaada u baahay
  walaal waxaan ahay haweenay soomaliyeed...

-------------------------------

 

LINKS

  Hay'adda Kafaalo

  Waaniye

  Aflax.net

  Somalisunnah

  Kulannet

  Boqolsoon

  Islamway

  Sultan.org

  Duruus.com

  Axaadiis

  Hanuun

 

Copyright ® 2006
Waaniye.com
All Rights Reserved

 

Tafsiirka Quraanka

 Horudhac & Fatixa            Baqara1-16                    Baqara 17-34                     Baqara 34-57              Baqara 57-70      

... More >> Riix Halkan

 

   Xadiis

10-Abuu Hurayrah (A.K.R) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: ´´Alle weyne kor ahaaye, wuu ku qoslaa labo nin oo midkooda hore kan kale dilay labaduna jannada wada gali doonaan (dhimashadooda kaddib). Midkood oo horay loodilay isagoo jidka Alle u diriraya jannadii buugalay. Markaa kaddib, buu Alle u naxariisanayaa kii wax dilay kaa oo gali Islaamka, oo u diriri jidka Alle oo loo dilayana (sidaana isna jannada kugalaya). Bukhaari iyo Muslim)

Muxaadarooyin

Fadliga Quraanka    Fadliga Sabarka     Maalinta Qiyaamo     Maxaa Xigga Geerida Gabdhaha Suuban Tarbiyadda Caruurta Manhajka Allaah Walaaltinimada         Qisadii Nabi Yusuf cs 1 Qisadii Nabi Yusuf cs 2 

Muxaadarooyin

Qiimaha Adduunka     Nafta iyo shahwaad-  Nafta iyo shahwaad- 2Dumarkii lagu sheegayQabiilka & Qabyaalada

Ku sugnaanta DiintaNolosha dhabta ahWanaaga Diinta  Naftaadda miizaan 


 

 

| 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 |

          
 

Xikmad(QEYBTII 2AAD)             


 

KHOOFKII( AMA CABASIDII SAXAABAHA [RA]):

 

ABUUBAR AL- SIDDIIQ:

 

Abuubakar(Allaha ka raalli noqdee) sida uu warinayo imaam Axmed waxaa laga hayaa inu yiri: " Waxaan jeclaystaa inaan ahaado xabbad tin ah oo kutaal jirka qof muslim ah".  Sidoo kale maalin maalmaha kamid ah ayuu wuxuu qabtay carrabkiisa markaasuu wuxuu yiri carabi ahaan: "haadaa Alladii awradanii almawaarid" (kan oo carrabkayga ahi waakan i dabaalsiinaya togaga iyo balliyada) wuxuu ula jeedaa kahadalka dadka maqan arrimahooda ayuu idabaalsiiyey carrabkaygu(saxaabigu wuxuu ahaa ruux Alle kacabsi badan, laakiin naftiisa ayuu dhaliilayaa).

Sidoo kale waxa uu imaam Axmed kuweriyey kitaabkiisa la yiraahdo AZZUHDI in uu Abuubakar yiri carabi ahaan: " ABKUU FA IN LAM TABKUU FATABAAKAW" (dadoow ilaahay dartiis u ooya, haddii iinnaan ooyi karinna kudadaala inaad ooydaan).  Sidoo kale waxaa Imaam Axmed ka warinayaa MUJAAHID isagoo sheegaya Abuubakar sifadiisa: " WAKAANA IDAA QAAMA ILAA ASSALAATI KA' ANNAHU CUUDUN MIN KHASHYATI ALLAAH" ( Abuubakar markuu u istaago salaadda wuxuu ahaa sidii tiirkii oo kale, dhaqdhaqaaq la'aan, cabsi Ilaahay darteed). Sidoo kale maalin maalmaha kamid ah ayaa Abuubakar yiri: " Wallaahi waxaan jeclaystaa inaan ahaado geed ladaaqay oo xooluhu ay ruugeen"(yacni geeduhu maaddaama aysan xisaab lahayn qiyaamaha, ayuu leeyahay maxaan geed u ahaan waayey aan xisaabta kabaxsadee.

 

CUMAR BIN AL-KHADDAAB (RA):

 

 Maalin maalmaha kamid ayuu wuxuu akhrinayey suurat Adhuur, markii uu marayo{ INNA CADAABA RABBIKA LAWAAQIC} (Cadaabka rabbigaa waa kii dhacaya), ayaa oohintiisii badatay wuxuuna bilaabay inuu kuhakado aayaddaas isagoo kusoo celcelinaya, kaddibna wuu xanuunsaday tiiraanyo darteed, ilaa uu kusugnaaday ayaamo badan gurigiisa, dadkuna ay kusoo booqanayeen jirradiisa awgeed!.

Sidoo kale maalintii naftu kadhacaysay cumar isagoo kujiifa dhabta wiilkiisa ayuu wuxuu kuyir: " Maandhe madaxayga dhulka iska dhig oo ciidda dhig, waxaan rajaynayaa in Ilaahay taas darteed iigu naxariistee", Sidoo kale wuxuu yiri carabi ahaan: "BAL WEEYLUN LI UMMI CUMAR ILLAM YAQFIR LII" (Hooyadii cumar waa hoogtay, haddii aan cumar Ilaahiis u naxariisan) asaga ayaa isula jeedaa hadalkaan isaga ah. Waxaa kaloo lawariyaa in Cumar wajigiisa ay kuyaalleen laba xariiqamood oo madoow oo kadhashay iilamadiisa badan, oo uu Alle dartiis u ooyo (WAKAANA FII WAJHIHI KHADDAANI AL ASWADAAN MINAL BUKAA).

 

CUSMAAN IBNU AL CAFFAAN(RA):

 

Sida uu qorayo kitaabka layiraahdo XILYATUL AWLIYAA, Cusmaan marka uu qabri booqdo aad ayaa oohintiisu ubadnaan jirtay, ilaa garkiisa oodhammi uu kaqoyo, maalin maalmaha kamid ahna wuxuu yiri " Haddii lay geeyo meel udhaxaysa naarta iyo jannada, ma ahi mid garanaya mid la igu tuuri doono, hayeeshee haddii ikhtiyaar la isiiyo markaas waxaan dooran lahaa in layga dhigo ciid"

 

 CALI BIN ABII DAALIB(RA):

 

Sida uu dhigayo kitaabka layiraahdo SAFWATU AL- SAFWAH, Cali ka cabsigiisu laba arrimood ayuu ubadnaa, labadaas oo kala ah:  YIDIDIILO DHEER & HAWADA RAACIDEEDA wuxuuna yiri: " Rajooyinka dheeri aakhirada ayay ku hilmaansiiyaan,  Hawada raacideeduna xaqa ayay kaa dabooshaa, War dadoow adduunyo waa sii socotaa, aakhirana waa soo socotaa, mid walbaana carruur bay leedahay, marka kudadaala inaad kamid-noqotaan carruurta aakhiro, oo hakamid noqonina carruurta aduunyo, maanta waa maalin-camal oo xisaabi majirto, barrina waa-maalin xisaab oo camal majiro"

 

ABUU AD-DARDAA'(RA):

 

Saxaabigaan jaliilka ah waxaa laga wariyey inuu yiri: "Qiyaamaha waxaan ugu cabsi badanahay in la iweeydiiyo Abuu dardaayoow wax waad baratay, laakiin maxaad kaga camal-fashay wixii aad baratay".

 

TAABICIGA IBNU ABII MALAYKAH:

 

Wuxuu yiri: "waxaan lakulmay anigu soddon kamid ah saxaabadii rasuulka, mid walbaana wuxuu naftiisa kala baqi jiray inuu kamid noqdo munaafiqiinta".

 

~ Sidoo kale taabiciga layiraahdo AL XASAN AL BASREE:

Waxaa laga hayaa inuu yiri " Munaafaqnimada sideeda, waxaa ka-baqa mu'minka, waxaana aammin naftiisa uga noqda munaafaqa" (yacni qofkii naftiisa kala baqa munaafaqnimo waa qofka mu'minka ah). Cumar binu Al khaddaabna wuxuu maalin uyimid saxaabiga layiraahdo xudeeyfa ibnu Al-yamaan, oo ahaa sirhayaha Rasuulka(NNKH), cumar wuxuu weeydiiyey xudeeyfa: " Walaaloow xudeeyfoow maadaama uu Rasuulku kuusheegay magacyada munaafiqiinta, anigu makujiraa munaafiqiinta",  Xudeeyfa wuxuu ugu jawaabay: MAYA KUMA JIRTID, Adiga qof kaa dambeeyana uga jawaabi maayo su'aashaas oo kale.

 

 IMAAM AL-BUKHAARI:

 

 Ilaahay raalli haka noqdee wuxuu u khaas yeelay BAAB(ama CUTUB) dhan oo kitaabkiisa kamid ah, wuxuuna kumagacaabay..carabi ahaan marka lagu sheego: " Baabu khoowf al mu'min an yaxbadha camaluhu wahuwa laa yashcur" (baabka tilmaamaya  inuu mu'minku kabaqo inuu camalkiisu buro isagoo aan kawarqabin).

 

 

 

 

Bahda waaniye.com

 

 

 

 
Copyright © 2006 waaniye.com
Waaniye.com