Xikmad qaybta 5aad
Waxaan halkaan kusheegaynaa dhowr xaraf oo Xigmadda khuseeya, oo aan ka tarjumnay kitaabka layiraahdo DURUR ATH-THALAATHAH, xigmaddaas oo sadddex saddex uwada socotaahi waxay ahayd sidaan:
~ Bini'aadamka saddex baa mustaqbalkiisa ugu shiddo badan:
a) Saacadda uu moowdka lakulmayo.
b) Saacadda uu qabriga kasoo baxayo.
c) iyo saacadda Allaah uu hor istaagayo.
~ Adduunku waa saddex maalmood:
a) Maalin tagtay oo aan kugu soo laabanayn.
b) Maalin aad kudhex-jirto oo qorraxdeedu dhici doonto.
c) Maalin soo socota oo aadan garanayn xaalkeeda iyo ehelkeeda.
~ Bini'aadamka qofkii saddex sheegta oo aan saddex ahayni waa beenloow:
a) Qofkii yiri Allaan jeclahay oo aan xaaraanta kadheeraani waa beenloow.
b) Qofkii yiri Jannaan rabaa oo aan xoolihiisa sadaqaysanaynina waa beenloow.
c) Qofkii yiri rasuulkaan jecelahay(saw), oo aan masaakiinta jeclaynina waa beenloow.
~ Walaaluhu waa saddex:
a) Walaal aakhiradaada u roon(kuxusuusiya).
b) Walaal aad adduun ku walaaloowdeen.
c) Iyo walaal layska weheshado oo aan meelna ku fiicnayn.
~ Sidoo kale walaalo saddex ah ayaa jira:
a) Walaal qadada oo kale ah oo aadan kadhargi karin waana walaalka khaaliska kuu ah.
b) Walaal daawo ah oo aad waqtiyada qaarkood ubaahatid, waana culumada Fiqiga.
c) Walaal cudur ah, waana kan munaafaqaynta iyo laba wejiyaynta badan, kaasna uma baahnid ee kafogoow.
~ Saddex lagama dhargo:
a) Nolol lagama dhargo.
b) Maalka lagama dhargo.
c) Caafimaadkana lagama dhargo.
~ Saddex kuguma waaraan:
a) Daruurta hooskeeda.
b) Saaxiibka dhalanteedka ah.
c) Ammaan aan run ahayn oo lagu ammaanay.
~ Raggu waa saddex nooc:
a) Nin carrabka nin ka ah.
b) Nin naftiisa nin ku ah.
c) Nin maalkiisu nin kadhigay.
Waxaana nin dhaba ah, ninka naftiisa ninka ku ah(isku kalsoon)
XIGMAD SOOMAALI AH:
Bini'aadamka lix arrimood ayaa intuu noolyahay lasocda, waana laba labo:
a) Labo waa horsocotaa, waana hawo iyo hunguri.
b) Labana waa hareer socotaa, waana faa'iido iyo khasaare.
c) Labana waa daba socotaa, waana gaboow iyo geeri.
Aan ka faa,iidaysano macnaha kujira gabaygaan diiniga ah.
~ WALADADKA UMMUKA YABNA AADAMA BAAKIYAA,
~ WANNAASU XOOWLAKA YADHXAKUUNA SURUURAA,
~ FAJHAD LINAFSIKA ANTAKUUNA IDAA BAKOOW,
~ FIIYOOWMI MOOWTIKA DHAAXIKAN MASRUURAA.
Micnaha oo afsoomaali ah:
@ INA ADDANOOW HOOYADAA WAXAY KUDHASHAY ADOO OOYAYA,
@ LAAKIIN DADKA GEESAHAAGA JOOGAY WAY KUGU FARAXSANAAYEEN,
@ WAXAADSE KUDADAASHAA INAAD AHAATO MAALINTA AY OOYAYAAN,
@ MAALINTA GEERIDAADA MID FARAXSAN OO QOSLAYA.
Micnuhu waxaa weeye, maalinta aad dhalatay dadku waa sacabtumayeen oo faraxsanaayeen, maxaa yeelay adiga ayaa dhashay, laakiin maalinta aad dhimanayso way ooyayaan oo ka xunyihiin arrinkaaga, laakiin waxaad kudadaashaa in aad noqoto mid faraxsan oo iyaga khilaafsan wadcigooda, taasna waxaad kugaari kartaa camal wanaagsan iyo cibaado suubban, sidoo kale culumadu waxay yiraahdeen qofku guriga uu aakhiro dagi doono wuxuu dhisaa inta uu adduunka joogo, hadduu ahaan lahaa guri Janno iyo hadduu ahaan lahaa mid naareedba.
Wa nas'alullaaha al cafwa wal caafiyah!.
Fiiro gaar ah: Xigmad ninkii rabaa wuxuu aad uga cabbi karaa labada ceel oo kala ah AL-KITAAB WASSUNNAH.
Bahda Waaniye.com