Xikmad(QEYBTII 7AAD)
Weligaa ha kibrin
Waxaa culimadu sheegaan in maalin maalmaha ka mid ah uu soo maray Cabdulaahi bin Salaam Alle ha ka raali noqdee dad meel fadhiya isaga oo madaxa ku sida xirmo xaabo ah. Markaasi ayay ku yiraahdeen ”War Cabdullaahi maxaa kugu xambaaray arrintani adiga oo Illaah kaa deeqay?” waxa uu Cabdullaahi ku jawaabay ,”waxa aan doonayaa in aan naftayda kaga celiyo kibirka waayo waxa aan maqlay Rasuulka S.C.W oo oranaya, ”Ma gelayo Jannada addoon uu qalbigiisu wax yar oo kibir ah ku jiro”
Adduunkiinna iyo Aakhiridiinna isla wata!
Waxaa uu Cumar Ibnu Khadaab yiri Alle ha ka raali noqdee”Idiin kuma khayr badna ruuxii u shaqaysta aakhiradiisa, kana taga adduunkiisa… ama kan ka taga aakhiradiisa kana shaqaysta adduunkiisa; laakiin waxaa idiin kugu khayr badan ruuxii tanna wax ka qaata tanna wax ka qaata. Waxaa uu dhibku ku jiraa ruuxii doona wax dhaafsan Xajadiisa, kuna talax tagana wax dhaafsiisan inta uu adduunka uga baahan yahay.”
Hooyada shalaytada!!
Waxaa ay dadkii xikmada lahaa oran jireen,”War weligaa degdegga ka digtoonoow waayo waxa weeye hooyada qoomamada. Sababta oo ah qofka degdega had iyo jeer waa ruuxa qoomameyn badan waayo hadalka ayuu iska oran inta uusan wax baran , wuu iska jawaabi inta uusan su,aasha fahmin, waa iska go,aansan inta uusan ka fikirin, cidda uu rabo ayuu goyni inta uusan garan waxa ka dhalanaya goyntaas, wuxuu iska caayi inta uusan ogaanin warka yiqiintiisa. Qofna sifo ka mid ah sifooyinkaasi lagama helo haddii laga helase waxaa had iyo jeer la fangala qoomameynta ama shalleyga hooyadeeda”.
Fiiro gaar ah: Xigmad ninkii rabaa wuxuu aad uga cabbi karaa labada ceel oo kala ah AL-KITAAB WASSUNNAH.
Bahda Waaniye.com